Sunday 31 January 2010

soo dhoweyntii siilaanyo lama arag , lama maqal 20100131

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Hargeysa(saraarnews)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si balaadhan maanta loogu soo dhaweeyey Magaalda Hargeysa kadib safar muddo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Maraykanka.









Soo dhawaynta Siilaanyo oo ay ka qayb galayn dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo uu ka mid ah Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka Md Muuse Biixi Cabdi kuwaas oo gawaadhi aad u tiro badan kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha laga soo bilaabo Madaarka iyo ilaa uu gurigiisa ka gaadhayey.

Gawaadhi faro badan oo ay ku rakiban yihiin Cod baahiyayaasha Mikrofoonka iyo Calamada Xisbiga KULMIYE ayaa ilaa saaka wareegayay magaalada iyadoo si weyn looga dareemayey inuu imanayo Siilaanyo.

Dhinaca Kale waxan dhicin Mudaharaad Mucaaradku sheegayeen inay Xukuumadu la maagan tahay imaanshaha Gudoomiye Siilaanyo kaas oo xisbiga KULMIYE sheegayey inay xukuumadu soo abaabushay kooxo loogu talo galay inay ku mucaaradaan Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Siilaanyo ayaa diyaarad gaar ahi kasoo qaaday magaalada Addis Ababa iyadoo keentay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Hargeysa

Soo Dhawaynta Maanta loo sameeyey Siilaanyo ayaa ahayd tii ugu weynayd ee Abid lagusoo dhaweeyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyadoo dadweynuhu la yaabayn waxa gawaadhi is taxday Wadada.

Ciidamada Booliska ayaa iyaguna Amniga Sugayey iyadoo aan wax dhibaato ahi ka dhicin intii lasoo dhaweenayey Siilaanyo
Gudoomiye Siilaanyo oo la hadlayey Shacabka soo dhaweeyey ayaa hadal mahad celin ah u jeediyey dadweyne aad u faro badan oo soo dhaweenayey.

wadada hor marta Madaxtooyada Somaliland oo la filayey in gawaadhida soo dhaweenaya Siilaanyo ay Maraan ayaa la xidhay iyadoo Kolonyada gawaadhida ee Soo dhawayntu way ka wareegayn wadada Dusha ee dabo marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa oo ku waabariisatay soo dhawaynta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, siilaanyo 20100131

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Hargeysa oo ku waabariisatay soo dhawaynta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, siilaanyo

Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa saaka ku waabariistay qaylada Baabuur lagu rakibay Mikirifoono oo ay wateen




Hargeysa(GNS)Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa saaka ku waabariistay qaylada Baabuur lagu rakibay Mikirifoono oo ay wateen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga iyo Taageerayaashoodu. Waxana baabuurtaasi ka baxayay Heesaha u gaarka ah Xisbigaasi.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu wayn ee Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta Barqada abaaro 10:00 Subaxnimo lagu wadaa in uu ka soo dago Gegida Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport. Guddoomiyaha ayaa Dalka ku soo laabanay markii uu soo dhammaystay Booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Dalka Maraykanka. Booqashadaasi oo qaadatay muddo Todobaadyo ah waxa intii uu ku sugnaa Dalka Maraykanka la kulmo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dalkaasi iyada oo Halkaasi lagu soo guddoon siiyay Shahaado Sharaf uu ku mutaystay Habka Dimuqraadiga ah ee uu u dhaqmo isaga iyo Xisbigiisu. Hasa yeeshee, lugtiisa u danbaysa waxa uu ka soo qaadi doonaa Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya oo uu soo maray markii uu Maraykan ka soo laabtay.

Waxa uu Hargeysa ku iman doonaa Diyaar gaar ah oo uu u soo diray Maraykanku.

Dadwayne aad u tiro badan ayaa isku diyaarinaya soo dhawaynta Guddoomiyaha.

Sida ay u dhacdo iyo waxa uu ka yidhaa Socdaalkiisa, kala soco Gabileynews.


Gabileynews Reporter
Hargeysa Office

Saturday 30 January 2010

Abaabul xoogan oo loogu diyaar-garoobayo soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo 20100130

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



(Kulmiye.org) Abaabul xoogan oo loogu diyaar-garoobayo soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ilaa xalay ka socday magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, kaasoo la filayo inuu maalinta berri ah ka soo dego madaarka Diyaaradaha ee Cigaal.Hadaba arrintaas diyaar-garawga soo dhawaynta Axmed Siilaanyo iyo sida ay u socoto ayaa waxaanu ka waraysanay Gudoomiyaha Madaxa warbaahinta iyo abaabulka bulshada ee xisbiga Kulmiye Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ahna Xubin ka tirsan Guddida qabanqaabada Soo dhawaynta Musharax Siilaanyo. Waxaanu sheegay inay si wayn oo aan hore loo arag ugu diyaar-garoobeen soo dhawaynta Gudoomiyahooda oo safar shaqo ugu maqnaa Carriga Maraykanka, ilaa xalaynaDhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun ku sugnaa xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.

Waraysi kooban oo arrintaasi ku saabsan waxa Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Maxamed-Ilkacase) caawa fiidkii khadka Telefoonka kula yeeshay Weriyaha Hadhwanaagnews ee Somaliland Cabdifataax Ismaaciil Mursal, xogwaraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S:Guddoomiye waxa la filayaa inuu berri yimaado musharixii jagada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye Md. Siilaanyo oo dhawaan wasiiro xukuumada ka tirsani shaaciyeen in aanu dalka soo geli Karin ilaa inta uu cafis xukuumada soo waydiisanayo, waxaana jira abaabul balaadhan oo aad ugu diyaar-garoobaysaan soo dhawayntiisa bal nooga waran abaabulkaas iyo imaatinka Siilaanyo?

J: Gudoomiyuhu wuxuu imanayaa berri 10:00 subaxnimo Insha Alaah, waxaanu ka soo duulayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu diyaarad gaar ah ka soo raacayo, anaguna si wayn ayaanu ugu diyaar-garownay soo dhawayntiisa, waxaanan ogaysiinaynaa taageerayaasha xisbiga iyo dadweynaha kaleba in si balaadhan u diyaar-garoobaan oo ay soo dhawayeen Gudoomiyaha, islamarkaana ay ilaaliyaan nabadgelyada guud ahaanba, lana shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada oo nagala shaqayn doona soo dhawayntaas.

S: Soo dhawaynta berri ee Axmed-siilaanyo maxay kaga duwan tahay soo dhawayntii loo samayn jiray marka uu dalka ka baxayo ama uu ku soo laabanayo?

J: Waxay kaga duwan tahay, Gudoomiyuhu wuxuu soo qabtay hawlo waawayn doorkan, oo guud ahaanba qaranka Somaliland u dan ah, sidaa daraadeed waa lagama maarmaan inay taageerayaasha xisbiga iyo bulshada kaleba si wayn u soo dhaweeyaan. Gudoomiyuhu waxa uu ilaa xalay joogay magaalada Addis Ababa oo uu kula kulmay safaarada Ingiriiska oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo geedi socodka Dimuqraadiyada iyo sidii nabadgelyada iyo horumarkeeda Somaliland loo sii adkayn lahaa.

S: Gudoomiye waxa jira warar sheegaya in xukuumada ama xisbiga UDUB qorshaynayaan inay mudaharaad ku lid ah soo dhawayntiina sameeyaan oo ay ku qaabilaan Gudoomiyaha wararkaasi ma jiraan, maxaadse xisbi ahaan arrintaas kala socotaan?

J: Wallaahi walaal arrintaasi waa mid aynu eegi doono siday xaqiiqadu tahay berri, anaguna waajibkii na saarnaa waanu gudanaynaa ka xisbi ahaan.

S: Maadaamoo soo dhawayntiinu baladhan tahay si aan mudaharaad xukuumadu ugu arag ma la socodsiiseen Hay’adaha nabadgelyada iyo laama socdaalka?

J: Dawlada si fiican baanu ugala xidhiidhnay, waanu war-gelinay, waraaqaanu u qornay, si fiican bay noo soo dhaweeyeen. Runtii waajibkoodana way ka gudanayaan sidaanu rajaynayno.

S: Guddoomiye, Waa’ayo cidda aad dawladda kala xidhiidheen?

J: Waxaannu la xidhiidhnay Wasaaradda Madaarada ee Duulista Hawada, Taliyaha Bilayska, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, dhamaantood waanu la xidhiidhnay si fiican baanay noo soo dhaweeyeen. Si wanaagsan baannu isula af-garanay baratakoolka iyo qaabka soo dhawaynta labadaba, wax dhib ahna umay arkayn, Anaguna waxaanu u balanqaadnay in aanu kala shaqayn doono nabadgelyada oo soo dhawayntaas wax kale ka dhalan kari waayay.

S: Maxamd, Sida ay hore u sheegeen Wasiirro ka tirsan Xukuumaddu, hadiiba ay dhacdo in Gudoomiyaha KULMIYE Mr. Siilaanyo Madaarka Hargeysa lagu hor-istaago ilaa inta uu cafis ka dalbanayo Xukuumadda, maxaa tallaabo ah ee aad idinku Xisbi ahaan qaadaysaan ee idiin qorshaysan?

J: Walaahi C/fataaxaw sabab cafis uu u dalbado Gudoomiyuhu ma jirto. Waana arrin Wasiirro iska yidhaahdeen oo iyaga uun ku kooban, laakiin arrin meesha taallaba maaha. Gudoomiyuhuna wax lagu mushkiladeeyo muu samayn ee meelo aan Somaliland gaadhin ayuu gaadhay oo guulo ka soo hooyay. Qofkii si caadiya wax u arkayaana wuu arkayaa guusha uu soo hooyay, waxaana taas ka markhaati ah shahaadadii lagu gudoonsiiyay Maraykanka Siilaanyo.

S: Laakiin, may ahayn arrintani mid shakhsiyaad ka soo yeedhay ee waxay ahayd hadal ka soo yeedhay Wasiiro xukuumadda ka tirsan sida Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada oo isaguna mar labaad ku celiyay inuu Siilaanyo la kulmay masuuliyiin cadawga Somaliland ah sida Xildhibaan Donald Payne oo kale?

J: Dawladda Maraykanku waxay kala hadleen iskaashiga dhaqaalaha iyo waxyaalahaas, arrintaani mid meesha taala oo jirta maaha, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland waadigii arkayay sidii uu u amaanayay ee uu guulaha uu gaadhay Siilaanyo ugu hambalyeeyey..

S; Taageerayaasha soo dhawaynayaa ma kuwii Gobolka Hargeysaa, mise Gobollo kale ayay ka imanayaan?

J: Waxa ka soo qayb-geli doona Madaxda Xisbiga, UCID ayaa ku jirta, garabkii Isbedel-doonka UDUB, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, Culimo Awdiin, Abwaano, Waxgarad, Aqoonyahan iyo dad badan oo aan Kulmiye oo keliya ahayn.

Source/Hadhwanaagnews

Diyaarad Khaas Ah Oo Dawlada Maraykanku U Diyariyeen Md Axmed Silanyo Oo La Filayo Maalinta Axadda 20100130

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Diyaarad Khaas Ah Oo Dawlada Maraykanku U Diyariyeen Md Axmed Silanyo Oo La Filayo Maalinta Axadda




January 30th, 2010 Comments Off

Addis Abab (Somaliland.Org) Guddomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Silanyo ayaa soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee casimada dalka Ethiopia maalintii arbacadii, isagoo safar kaga soo noqday dalka Maraykanka. Guddomiye Silanyo ayaa intii uu joogay magaaladda Addis Ababa ayaa waxu kulamo la yeshay safiirka dalka Ingiriska u fadhiya Ethiopia, safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Ethiopia.

Md Axmed Silanyo ayaa waxa uu safar laba wiig qaatay ugu maqnaa dalka Maraykanka, kaas oo uu ka helay casuumad. Mudadii uu dalka Maraykanka joogay Guddomiye Silanyo waaxa uu kulamo la leeyahay masuuliyin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Baarlamanka Maraykanka iyo hayadaha caalamiga ah ee caawiya Afrika.

Kadib markii uu soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee kulamada la qaatay masuuliyinta dalkaas iyo safaaradaha qarbiga aya waxa u qorsheysnayd inuu maalinta Axadda ka dhoofo Muj Silanyo dalka Ethiopia, isaga oo raacaya diyaaradda Daallo Airlines.

Hase yeeshe, xukuumadda Maraykanka, gaar ahaan, safaradeeda dalka Ethiopia oo kaashanaysa xukumada dalka Ethiopia ayaa Md Silanyo ku war gelisay in ay u diyaarisay diyaar khaas ah oo qaadaysa isaga iyo marwadiisa, isla markaana aanu u baahnayn inuu diyarad kale raaco.

Waa markii ugu horeysay ee masuul Somaliland ah xukumada Maraykanku diyaarad khaas ah oo kaligi u gar ah u diyaariso. Waxa jiray safaro door ah oo Madaxweyne Rayale iyo wasiiradiisu ugu kicitimaan dalka Ethiopia oo Maraykanka, yaga oo isticmaalaya diyaaradaha caadiga, sida Daallo Airlines.

Xukuumadda Maraykanka ayaa tan iyo intii mashaqadu kasoo cusboonatay dalalka Somaliya iyo Yemen aad u xiiseynaysay qadiyada Somaliland iyo ictiraafkeeda. Sida warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah no osheegayan, xukuumadda Maraykanka ayaa maamulka Madaxweyne Rayale u aragta mid daciif ah isla markaana hanan kari wayday maamulka dalka, kana soo bixi karin la dagaalanka argagixisada ku fidaysa mandaqadda.

Diyaarada khaaska ah ee sida guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo marwadiisa ayaa lagu wadaa in maalinto berrito (Axada) ay so caga dhigato garoonka Diyaradaha ee Egal International Airport.

Somaliland.Org (c) 2010
Addis, Ethiopia

Afyaheenka Xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray oo Laga Hor Istaagay Inuu Fooda Geliyo Xarunta Madaxtooyadda Somaliland 20100128


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Afyaheenka Xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray oo Laga Hor Istaagay Inuu Fooda Geliyo Xarunta Madaxtooyadda Somaliland Hargeysa-

(Berberanews)-Afhayeenka Xisbiga Tallada haya ee UDUB Mujaaid Cali Guray, ayaa saaka ciidanka illaada madaxtooyadda Somaliland ka horjoogsadeen inuu gallo xarunta madaxtooyadda, ka dib markii abaaro 11:00 duhurnimmo ee maanta isagoo doonaya inuu gallo madaxtooyadda ay askarta illaladu ku wargeliyeen inaan la ogolayn cid gudaha u gudubta, waxaana halkaa ka dhahay muran dhexmaray ciidanka iyo mujaahid Cali Guray.

dad goob ka ahaa dhacdadan, ayaa u sheegay shebekadda Berberanews.com inay arkayeen murramnka xoogaystay ee u dhexeeya askarta iyo afhayeenka, kaasoo saxmad iyo buuq ka abuuray afaafka hore ee madaxtooyadda iyo wadada wadnaha ah ee hormarta, ka dib markii dadweyne aan sidaas u sii badnayd iyo gaadiid wadada marayey ay halkaas ku hakadeen. dadka goobta joogay waxay sheegeen inay arkayeen askarta oo tusaysa warqad aanay garanayn wax ku qoran, ka hor intii aan murranku abuurmin.


Haseyeeshee daqiiqado ka dib oo aanu goobta soo gaadhnay, ayaanu la kulanay Mujaahid Calii Guray oo taagan ka sooo horjeedka dhismaha Baarlamaanka oo dhawr tallaabo u jirta madaxtooyadda,isagoo dhex fadhiya gaadhiisa, islamarkaana ku mashquulsan telefoonkiisa gacanta ee Mobile-ka, oo ay ka soo yeedhayaan erayo uu ku muujinayo dareenkiisa iyo sida uu uga cadhooday arrintaa. waxaanu isku daynay inaanu weydiino waxa dhacay, balse isagoon weli jawaab noo celin, waxa goobta soo istaagay mid ka mid saraaksha sare ee illaalada madaxtooyadda, kaasoo doonayay inuu dejiyo Xaallada Mujaahidka, kuna qanciyo inuu raaco, laakiin isagoo Cali Guray ku mashquulsan weli telefoonkii uu gacanta ku hayay wuxuu ugu jawaabay sarkaaslkaa "Waan is-casilayaa, dibna umma gelayo, innan gumeed baa tihiin, isagana {madaxweyne Rayaale} imikaan telefoonkiisa garaacayaa, ma waxay ii haystaan Guul-wadayaashii Cali Gobonimmo iyo kuwa la midka ah ayuu na moodayaa"
kuwaasi waxay ahaayeen erayadii uu Cali ugu jawaabay Sarkaalka ka socday Madaxtooyadda oo aan weli ku qanacsanayn inuu sidaa kaga tago, laakiin akhirkii guul-darro kala hulleelay.

Mujaahid Cali Guray, oo u muuqday in laga qaban waayey amma uu mashquul galay telefoonkii madaxweyne Rayaale ee uu doonayey inuu la hadlo waxa uu ka dhaqaaqay goobtii, isagoo ku dhawaaqayay erayo ah ka mid yihiin "Saxaafadda ayaan immika isugu yeedhayaa" dhawr ka mid ah dhallinyaro ag taagnayd oo la socday xaallada illaa iyo wixii ka dhacay afaafka madaxtooyadda, ayaa ugu dhawaaqay "Caliyiw is-casil oo isbed-doonka ku biir amma halkaagii ku noqo"

admin on ·

Wasaarada Caafimaadka OO Lagu Eedeeyay Inay Leexsatay Raashinkii Dadka la Nool HIV/AIDS-ka.20100130

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasaarada Caafimaadka OO Lagu Eedeeyay Inay Leexsatay Raashinkii Dadka the Nool HIV/AIDS-ka.


"Shantii Bilood EE La Dhaafay Soo Ma Aanu Qaadan Raashinkii Quudinta Ahaa EE Ay Haayada WFP Na Siin Jirtay Anago Ah 890 Qoys" Hargesa (Ramaas) Jan.30, 2010 - Dadka xanuunka HIV nool? AIDS ayaa Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo Komishanka qaranka xakamaynta xanuunkaasi eedeeyay inay muddo bilood shan ku ee ah ka musuq maasuqeen Raashin yar oo Hay ay ay ' ada WFP soo marin jirtay u.
Qaar ka mid ah Dadka nool HIV AIDS, oo maanta u shabakada Ramaasnews, ayaa sheegay waramayay shantii bilood ee xanuunka dhaafay qaadan raashin wax aanay soo ah waxaanay sheegeen in raashinkaasi aanu ku baaqan Hay ' adii bixin jirtay.
"Shantii bilood ee soo dhaafay but qaadan raashinkii quudinta ee ay Hay ahaa aanu ' ada WFP siin jirtay anagoo na ah 890 qoys." Hay ' noo laga soo qaaday sheegtay waxay adiina but garanayno mariyeen Wasaarada Caafimaadka Komishanka AIDS-ka iyo halkay ee qaranku, "ayay oo ku hadlaysay magaca dadka Khadra tidhi xanuukaasi waxaanay intaasi dartay ku nool" Dawadii iyo wixii kale ee agab ahaaba waxaanu u helnaa you wanaagsan hase dheer ee aan galka aanu ee aanu ka Cisbitaalka guud ee Hargesa jirnay qaadan yaraa raashinkii weynay ahayn caqli muddadaasi waxaanu yeeshee. ""
Gabadhaasi waxay sheegtay Wasaarada Caafimaadka iyo qaranka ee xakamaynta AIDS-kaba ay Komishanka the xidhiidheen, balse jawaab wax aanay ah helin Hay masuuliyiinta ka ' adahaasi.
Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaan ka hadal loo soo ee jeediyay eedahan xidhiidha inaanay raashinkii bilaha siinin dadka asiibay xanuunka HIV/AIDS-ka uu ahaa.


Ramaasnews Desk
Hargeisa

Guddoomiye ku-xigeen golaha guurtidda oo is casilay

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun


guddoomiye ku xigeen golaha guurtidda oo is casilay



hargaysa(iftinnews)01/30/2010 Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Guurtida Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), isla markaana illaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama bixin sababta iscasilaadaas iyo nuxurka qoraalka uu Sheekh Nuux gudbiyey midna.



Golaha Guurtida Somaliland oo in muddo ah oo khilaaf ka dhexeeyey aan fadhi yeelan, ayaa saaka markii ugu horeysay fadhi isugu yimi, waxaana Fadhiga saaka ka soo xaadiray 61 Xildhibaan oo Guurtida ka tirsan. waxaana Fadhigaasi ku furmay jawi degan, hase ahaatee, waxa uu jawigaasi is bedalay ka dib markii Warqad la sheegay inuu Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi ku dalbanayo iscasilaaddiisa loo gudbiyey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, kaasoo u sii gudbiyey Guddoomiye Saleebaan, waxaanay warqadaasi ku dhalisay labada Guddoomiye ee kale inay cabbaar ku mashquulaan u fiirsigeeda iyo akhriskeeda, ka dibna waxa uu Saleebaan-gaal ku dhawaaqay in Warqadda Shirgudoon ahaan loo soo gudbiyey ay mashquul ku dhalisay, tahayna mid Golaha u taalla arrinteedu, balse inta layska arkayo fadhiga maanta xidhan yahay, ayuu ku dhawaaqay Saleebaan.



Warqaddan fadhigii Golaha kala kicisay, oo aan illaa hadda si rasmiya loo caddaynin nuxurka qoraalkeeda, ayaa la sheegay in Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Guurtidu ku dalbaday in laga aqbalo iscasilaad uu iska casilay xilkii Guddoomiye ku-xigeennimo iyo xubinnimo ee Guurtida. Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-gaal oo arrintaa warqadda iyo nuxurka ay xambaarsanayd Warbaahintu wax ka waydiisay ayaa ka kaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo macluumaadka ay waraaqdaasi xambaarsanayd. “Arrintani waa arrin Golaha u taalla, Goluhuna wuu iska arkayaa, wax war ah oo aad saaka Saxaafad ahaan iga helaysaanna ma jiro.” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal).



Sidoo kale, Guddoomiyaha Ku-xigeenka la sheegay inuu iscasilay Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, ayaanu isagana wax ka waydiinay waxa ka jira wararka sheegaya inuu iscasilay iyo ujeeddada warqadda uu Shirguddoonka kale u gudbiyay. Balse wuu ka warwareegay inuu iftiimiyo ujeeddada qoraalka uu Guddoomiyaha u gudbiyey, isla markaana waxa uu si kooban u yidhi. “Warqaddaad i waydiinaysaaan waxa ku qoran Saleebaan baa haya ee waydiiya.”



Si kastaba ha ahaatee, iscasilaadda Sheekh Nuux, waxay ku noqotay Xubnaha kale ee Shirgudoonka iyo Xildhibaanadaba mid aanay filayn oo fajiciso ku ah, inkasta oo qaar ka mid ah Xildhibaanadu soo dhawaynayaan iscasilaadaas, oo la sheegay inay u ololaynayaan sidii Saleebaan-gaal iyo Golaha intiisa kaleba uga aqbali lahaayeen iscasilaadda ku-xigeenka koobaad ee Guurtida.



Arrintan Iscasilaadda, ayaa la filayaa inay sababtiisu salka ku hayso, khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay Golaha Guurtida, kaasoo aan weli xal lagaga kaaftoomo oo dhab ah loo helin

Friday 29 January 2010

Badhsaabka Sool Oo Dhaawaciisu Sahlan Yahay Oo La Soo Gaadhsiiyey Cusbitaalka Hargeysa, 20100129

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Badhsaabka Sool Oo Dhaawaciisa Sahlan Yahay Oo La Soo Gaadhsiiyey Cusbitaalka Hargeysa, Madaxda Oo Kaliya Ma Beegsanayaane Ciroole Iyo Caruur Cidna Uma Aabe Yeelayaan”




Wasiirla Arimaha Gudaha C/Laahi Ciro

Laascaanood, January 29, 2010 (Haatuf) – Wasiirka arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) oo ku sugan Laascaanood oo ka hadlay qaraxa lala beegsaday badhasaabka gobolka Sool Faarax Askar Xuseen isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “cida qaraxyada fulisay waa cadawga Somaliland, argagixisaduna magac kaliya malaha, madaxdoo kaliya ma beegsanayaan ciroole iyo caruur midna uma aabo yeelayaan, waxaanu ku dadaali doonaa sidii cadawgaa looga hortagi lahaa, meelna looga soo wada jeedsan lahaa”

Dhinaca kale magaalada Laascaanood ayaa la sheegay in khadka Mopil-ku uu ka go’naa shalay galab ilaa xalay iyadoo la sheegay in ciidamo boolis ah oo hor lehna la geeyey, isla markaana xalay gaadiidka soo galaya magaalada iyo kuwa ka baxaya si wayn loo baadhayey oo amaanka la adkeeyey.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sool iyo askarigii dhaawacmay ee kale ayaa xalay la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee caasimada,taas oo agaaasimaha cusbitaalka guud C/risaaq Yuusuf C/laahi oo Haatuf kula xidhiidhay khadka telefoonka uu sheegay inaanu dhaawac culus qabin badhasaabka Sool balse uu noo sheegay in finino yar yari ay soo gaadheen, isagoo intaa ku daray inaan wax qaliin ah dhaawaciisu u baahnayn isaga iyo askariga dhaawacantoona.waxaanu agaasimuhu noo xaqiijiyey in dhaawacyada soo gaadhay badhasaabka iyo askariga dhaawacan ay xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Qaraxan oo lala beegsaday wakhti uu gurigiisa badhasaabku galayey oo lagu qarxiyey aaladaha qaraxyada ee Rumuud kantaroolka lagu qarxiyo oo uu ku dhintay askari ka mid ahaa ilaaladiisa oo la odhan jiray Marxuum C/rasaaq shiniile kuna dhaawacmeen badhasaabka iyo afar qof oo iskugu jira dirawalkiisi, ilaaladiisi, dad rayid ah oo wadada marayey wakhtigaa.

dhinaca kale waxa uu qaraxani kusoo beegmay wakhti ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood wefti ka kooban sideed wasiir oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro). Iyada oo ay hore magaalada ugu sugnaayeen wefti kale oo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, isla markaana ay ka mid yihiin siyaasiyiin sare sare oo iskugu jira mucaarid iyo muxaafid-ba. Qaraxan oo noqonaya kii afaraad ee bishan gudaheeda ka dhaca Magaalada Laascaanood, ayaa waxaa ay galaafteen saraakiil iyo askar tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo waliba dad shacab ah, halka kuwo kalena dhaawacyo isugu jira kuwa fudud iyo kuwo culus ka soo gaadheen.

--------------------------------------------------------------------------------

Axmed siilaanyo oo bbc-du ka wareysatay socdaalkiisii mareykanka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Waxaanu Ka Wada Hadalnay Maraykanka Dimuquraadiyada Somaliland Ee Aad Moodo In Ay Sii Lumayso In aanu Dib Ugu Soo Dabaalno Oo Aanu Nidhi Wax Nagala Qabta iyo Arrimo Kale”. Guddoomiyaha Kulmiye Md. Axmed M. Maxamuud "Siilaanyo"








Hargaysa(Ramaas) Jan.28, 2010 - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in ay dalka Maraykanka uu kala hadlay sidii Somaliland dimuquraadiyadeeda loo taabo gelin lahaa.




Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii uga qabsoomay socdaal kiisa dalka Maraykanka uu ku joogay muddo bil ka badan.


Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo maanta u waramayay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, waxa kale oo uu kaga hadlay arrimaha ka jira mandaqada, gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyo sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinaca tababarada ciidamada kala duwan.


Guddoomiyaha oo la waydiiyay masuuliyiintii uu kala kulmay dawladda Maraykanka iyo arrimihii ay ka wada hadleen waxa uu yidhi “Dawladda Marayaykanka waxaanu iska aragnay State Department-ka, waxaanu iska aragnay rag badan oo ka tirsan Kongarayska Maraykanka oo ay ka mid yihiin Donald Payne, xildhibaano kale.

Waxaanu la kulanay wakiillo ka tirsan dawladda Maraykanka, waxaanu la kulanay dad badan oo daneeya xidhiidhka caalamiga ah iyo dad badan oo daneeya arrimaha dimuquraadiyadda iyo arrimaha Somaliland, Soomaaliya iyo mandaqada aynu ku nool nahay oo dhan ayaanu la kulanay. Arrimahaas oo aanu isleenahay magacii Somaliland aad ayaanu kor ugu qaadnay, waxaanuna uga waranay baahiyaha Somaliland iyo baahida ay u qabto Ictiraaf, baahida ay u qabto horumar dhaqaale oo laga caawiyo, sida ay diyaar ugu tahay in ay dunida wax la qabsato, oo arrimaha ka taagan Mandaqada, sida la dagaalanka budhcad badeeda, iyo arrimaha nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka ay kala shaqayso oo ay hormuud ka tahay, aad iyo aad ayaana arrintaa loo danaynayay, su’aalo badan ayaa nalaga waydiiyay, tallooyin badan ayaa laga soo jeediyay, shirar badan ayaanu ka galnay, aad ayaad halkaa moodaysay in aanu kor ugu qaadnay magacii ay Somaliland ku lahayd caalamka.”


S. Arrimahaasi waa kuwii aad idinku ka hadasheen, maxay iyagu idinkala hadleen oo ay idinla soo qaadeen?


Waxay nala soo qaadeen, horta xiise badan ayay u muujinayeen Somaliland oo ay naga warsanayeen waxa ay Somaliland damacsan tahay iyo waxa lala qaban karo.

Waxa kale oo ay na waydiinayeen arrimaha xasiloonida iyo budhcad badeeda waxa lagala qaban karo. Waxa kale oo ay na waydiinayeen Somaliland sida ay ugu tallaabsan karoto horumar ee ay dimuquraadiyadeeda u sugi karto ee ay u hanan karto iyo in ay u diyaar tahay in ay dunida wax la qabsato oo ay arrimaha caynkaas ah u diyaar yihiin.



S. Wax ay iyagu markaa idin yidhaahdeen waanu idinla qabanaynaa ama idinku aad tidhaahdeen waxaa nala qabta miyay jiraan?



Way jiraa, oo wax aanaan odhan nala qabta ma jirto, xaga dhaqaalaha iyo horumarka wax nalaga qabta ayaanu nidhi, waxaanu nidhi dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka wax nagala qabta oo nala socodsiiya, arrimaha la dagaalanka budhcad badeeda iyo xasiloonida iyo tababarada nagala hawl gala ayaanu nidhi. Iyaganu xiiso badan ayay u muujiyeen, markaa waxaas oo dhan waxaanu u aragnaa tallaabooyin horumar ah oo aanu mandaqada ugu soo jeedinay dareenkoodii, oo aanu mandaqada kor ugu qaadnay.



S. Ma waxaad kala hadlayseen uun xisbiga KULMIYE arrimihiisa u gaarka ah, mise waxaad kala hadlayseen Somaliland ahaan?


Waxaan u malaynayaa arrimihii aan hadda ka hadlayay oo dhan mar qudha xisbi maan soo qaadin, in aan anigu hadlayay oo guddoomiyaha xisbiga ah mooyaane waxaanu ku hadlaynay magaca Somaliland, haddaanu xisbi nahay xisbigu magaca Somaliland ayuu u hadlayay oo ay dee waajibna tahay. Dabcan arrimaha xisbina waanu ka hadlaynay iyo waxa aanu u taaganahay iyo in aanu dalka horumarkiisa u taaganahay iyo in aanu dalku halka uu marayo kor uga qaadno, horumarkiisa dhaqaale hanano, caddaaladiisa hanano, dimuquraadiyada aad moodo in ay ka sii yara lumayso ee ay ka sii yara fogaanayso aanu dib ugu soo dabaalno oo arrimaha aanu nidhi wax nagala qabta ay ka mid tahay, waxyaabahaas oo dhan ayaanu ka hadlaynay. Anagana magac iyo sharaf ayaa noogu jirta, laakiin waxaanu u hadlaynay waxa uu ahaa dadka iyo dalka.


S. Dhinaca kale, Minnesota ayaad tagtay, Columbus ayaad tagtay, Washington ayaad dadka la hadashay bulshada, maxaad kala hadashay, maxaase kaaga baxay dadkaasi?


Waxa dadkaasi iiga baxay, dad marka ugu horaysa aad u xiisaynaya aayaha dalka iyo Somaliland, si kulul oo aad iyo aad u heersare ah niyad u haya in dalkooda wax iska bedelo oo uu ictiraaf iyo horumar helo, aad u danaynaya ayaanu aragnay, dad taageero badan noola diyaar ah ayaanu aragnay, dad xisbigayaga taageersan baanu aragnay in ay jihiin, dad jecel in mandaqada wax iska bedelaan ayaanu aragnay oo aad xamaasad wayni u hayso. Oo warkii iyo guubaabadii aanu siinaynay aad u fahmay, niyad wanaagsan iyo qalbi furana oo heesihii qaranka ay aad u qaadayeen oo dad badan oo ka sii jeeday u soo jeesteen maanta aayaha Somaliland iyo mustaqbalkiisa, siyaasadiisa iyo horumarkiisaba.



S. Dadka Soomaalida iyagu ma ka soo qayb galeen meelaha aad kulamada ku qabanaysay, maxaase aad iyaga ku lahayd?


Meelo badan ayaa dadku ka soo qayb galayay, dadka ka soo qayb galayayna dad Somaliland ka soo jeeda ayay u badnaayeen, dadku Su’aalo ayay na waydiinayeen waanuna uga jawaabaynay, dabcan anagu arrimaha Somaliland ayaanu ka hadlaynay, dad badan ayaa dhagaysanayay oo xiisaynayay. Dad badan oo halkaasi joogay ayaa lahaa saacadaa laga bilaabo anagu xisbiga KULMIYE iyo Somalilandba waanu taageeraynaa.



S. Dhinaca Gobolka Sool, magaalada Holhol la yidhaahdo shir baa maalmahan ka socday, arrintaas maxaad kala socotaa?


Arrintaa dalka waan ka soo maqnaa oo warka waxbaa iigu dhiman oo wali si buuxda ulama socdo, laakiin Sool waa qayb ka mid ah Somaliland, waan ognahay in ay jiraan arrimo badan oo dad arragtiyo kala duwan ka qaba oo degaankii ahi jiraan, taana waxaan qabaa xidhiidhkii iyo sidii wada hadalku u socday uu wanaagsan yahay oo aan filayo in kolay iyo kolay mandaqadaa nabadgelyadeeda, xidhiidhkeeda iyo wada shaqaynteedu uu noqon doono mid la isku af-garto.




Ramaasnew Desk

Hargaysa

Khudbaddii madaxweynuhu waxay ahayd oo keliya aflagaado, iyo hinaase

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Haloo midoobo talada qaranka.



Maanta arrimaha nabedgelyado dalku waxay marayaan meel adag. In arrimahaa laga midoobo meel leyska wada taago waa waajib qaran. Weliba waxaan shacab-weynaha ku leeyahay waa in gacan la siiyaa booliiska shaqeynaaya. Ciidamada amniguna waa iney heystaan macluumaad ku filan oo ay si fiican u shaqeeyaan sirdoonka dalka oo ay ku jihoobaan dhinaca cadawga dalka ayney sirdoonka loo tusin in cadawga kowaad ee dalku yahay xisbiyada qaranka.
Khudbaddii dhaweyd ee madaxweye Rayaale waxaa la filaayey in uu umadda u jeediyo khudbad ku jiheysan amniga iyo khilaafaadka qaranka. Inta badan madaxweynuhu warbixintiisu waxay aheyd mid difaac ah oo qodobkuu soo qaadaaba ay tahay naftii difaac . Ciduu iska difaacayayna waa axsaabta qaranka ( Kulmiye iyo Ucid ). Waxay aheyd, ilayn waa madaxweynihii qarakee, inuu ka hadlo wax ummada mideeya, xaaladaha adage ee dalku ku jirna u mideeya. Weli waxaa ka maqan aanu garan in uu madaxwene u yahay siilaanyo iyo feysal cali waraabe.
Mudane madaxweyne, annagu haddaanu mucaaridka nahay meelkasta oo aanu joogno debed iyo gudo waxaanu ka shaqeynaa midnimida ummadda, aqoonsiga Somaliland, walaaleynta shacbka iyo horumarinta dalka. Waxaase dhab ah in aanu ummadda mid guda jooga iyo mid debed joogaba aanu u sheegno,ugana warano in maamulkanu uu dayacay dalkii iyo dadkiiba, loonana baahanyahey isbeddel dhab ah . Dadkuna dayaca maamulkan waa ogyahey. Isbeddelna iyagaa dadku u diyaara ee ha ogaadeen.
Wuxuu maalintii dhaweyd madaxweynuhu yidhi waxaa nala yidhaa wixii xunba Xaawa leh. Haddi sidaas aad u markhaati furtey haddii aad wax wanaagsan qaban laheydeen waxaa noqon laheydeen wixii wanaagsanba Xaawa leh. Wuxuu aad u difaacaayey dayacii doorashadu dib ugu dhacdey oo ay masuul ka ahaayeen . Wuxuu iska difaacay khilaafka guurtida oo madaweynu kaw ka yahay, wuxuu difaacay dhulka iyo gasiiradaha la iibiyey oo sharci darada ah, wuxuu difaacaayey siyaasadooda liidata ee arrimaha debeda, arrimaha nabargelyo xumo ee ka soo korodhay bareha. Wuxuu madaxweynuhu arrimahaas iyo qaar kale oo uu soo qaatey ayuu ku tilmaamey in ay mucaaridkuu nagu canaanayaan haddey laba digaagood suuqa isku qabsadaan . Madaxweyne arrimahanu ka waaweyn laba digaagood oo isdiley ee waa arrimihii ugu cuslaa qarankan aad madaxweynaha ka tahay.Waxaasoo dhanna ama ka galgalo amma ha ka galgalane masuuliyaddeeda adiga leh. Waana sababta dalkanu ugu baahanyahay isbeddelkas si arrimahaas aad dayacdey loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadiya.
Dr.Cabdi Aw Daahir Cal

Garaadadii Reer Sool ee loo diiday inay ku shiraan Holhol iyo Masuuliyiinta Puntland oo shir uga furmay 20100129

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Garaadadii Reer Sool ee loo diiday inay ku shiraan Holhol iyo Masuuliyiinta Puntland oo shir uga fur
Friday, 29 January 2010


Burco(Togdhnews)-Garaadadii reer Sool ee dhawaan loo diiday inay ku shiraan Tuulada Hol hol ee ka tirsan degmada Taleex ayaa la sheegay inay maanta Wafti uu hogaaminayo madaxweyne-ku


-xigeenka Puntland ay kulan ku yeesheen tuulada Buurowadal oo aan Tukaraq sidaa uga fogeyn.
Kulankan ayaa la filayaa inay in garaadadu xogwaran ka siiyaan masuuliyiintas arimihii ay ka kulmeen Tuulada holhol iyo waxyaalihii ay ka wada hadleen masuuliyiintii reer Somaliland ee ay halkaas kula kulmeen.
Haseyeeshee si rasmi ah looma oga qodobada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ka wada hadlayaan,inkastoo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland sheegay in kulamadii dhexmaray iyaga iyo garaadada ay ku dhamaadeen Isfahan iyo isfagarad,balse si dhaba looma oga waxa ay ku heshiiyeen islamrkaana labada dhinac midkoodna ma cadeyn qodabada ay isku afgarteen.
Kulankan ay garaadada reer sool iyo madaxda Puntland ku leeyihiin Tuulada Buuro wadal ayaa ku soo beegmay qarax maanta lala beegsaday badhasaabkii gobolka Sool,halkaasoo uu ku dhaawacmay ,askari ka mid ahaa ilaaladiisuna ku dhintay,qaar kalena dhaawac ka soo gaadhay.
Gaaradada reer sool oo mudooyinkii u dambeeyay gaafwareeg ahaa ayaa u xusul duuban sidii ay khal khal iyo deganaasho la,aan uga ridi lahaayeen degaanka gobolka sool,iygoo loo tiranayo inay lug weyn ku leeyihiin falalka qarxyada ee dhimashada iyo dhaawaca sababay ee ka dhacaya Magaalada Laascaanood.

TogdheerNews.New desk.

BUDHCAD BADEED LA SHEEGAY IN AY MARKAB KA AFDUUBEEN XEEBTA SOMALILAND.

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

BUDHCAD BADEED LA SHEEGAY IN AY MARKAB KA AFDUUBEEN XEEBTA SOMALILAND.




Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay Markab nooca xamuulka qaada ka afduubteen xeebaha maamulka Somaliland.

Markabkaas ayaa waxaa lagu magacaaba MV Layla-S,waxaana laga leeyahay dalka Cambodia. Waxaana ay afduubteen isagoo maraayay xeebaha magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Andrew Mwangura,oo ah sarkaal ka tirsan Ururka Badmaaxyada Geeska Afrika ayaa sheegay in markab la afduubtay ka dib markii uu Bagaash uu ku dejiyey Dekadda Berbera ee gobolka Saaxil Somaliland.

Waxaana uu sheegay in Shaqaalaha saaran markabka ay isugu jiraan kuwa uu dhashay dalalka Somali,Pakistan,Hindiya,Sri Lanka iyo Suuriya.

Mr.Mwangura ayaa sheegay in markabkaas ay iska leeyihin ganacsato uu kala dhashay dalalka Suuriya iyo Imaaraatka Carabta.

Burcad Badeeda Soomaalida oo aad uu hubeysna ayaa aan la aqoon halka ay uu jiheyeen markabkaas.

Baashe Maxamed

Bosaaso

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

Thursday 28 January 2010

Tacsi Ku Socota Guddomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf X. Maxamed Oo Aabihii Marxuum Yuusuf X. Maxamed Xamari Ku Geeriyooday Magaa

Tacsi Ku Socota Guddomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf X. Maxamed Oo Aabihii Marxuum Yuusuf X. Maxamed Xamari Ku Geeriyooday Magaalada Burco.


Dhamaan dhalinyarada iyo waayeelka ku nool xaafada Woolwich iyo dalka Norway waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed Oo Aabihii Marxuum Yuusuf Xaaji Maxamed Xamari ku geeriyooday magaalada Burco. Dadka tacsida dirayaa waxay kala yihiin:


Dr. Cabdi Aw Daahir.

Cabdillaahi Saleebaan Bidde

Maxamuud Faarax Cabdi (Dheeg).

Dayib Xaaji Axmed Qulumbe.

Cabdirisaaq Cismaan Fadal.

Maxamed Xasan Jaamac (Quule).

Maxamed Cabdillaahi Dhagayare.

Ismaaciil Xaaji Ibraahim.

Ibraahim Maxamed Axmed (Ibrahim Rashiid).

Xusseen Yaasiin.

Khaalid Maxamed Axmed.

Cabdicasiis Jaamac Xaad.

Mustafe Cismaan Tuurqudhun.

Cabdi Maxamuud Axmed.

Cabdi Cismaan Jaamac.

Cabdi Siciid Jaamac.

Maxamuud Xusseen Ileeye.

Dr. Maxamed Ibraahim.

Rashiid Maxamed Ismaaciil.

Xamse Axmed Salaan.

Axmed Caynaanshe.

Maxamed Axmed Kuluc.

Aadan Xirsi Faroole.

Maxamuud Fagadhe Dakhare.

Axmed Kayse.

Siciid Cumar Axmed.

Rashiid Qaawane.

Sacad Maxamed Qawdhan.

Maxamuud Casayr.

Ciise Maxamed Kaahin.



Dhamaan dadkaasi waxay guddoomiyaha iyo qoyskii marxuumku ka baxayba leeyihiin samir iyo iimaan, marxuumkana janadii fardowsa ilaahay ha ka waraabiyo.






Aamiin………….Aaamin………………Aamiin.







Haddii aanu nahay bahda Ramaasnews-na waxaanu guddoomiyaha iyo qoyskii uu marxuumku ka baxayba leenahay samir iyo iimaan, marxuumkana waxaanu ilaahay uga baryeynaa inu naxariistii janno ka waraabiyo.

Golisnews Oo Weraysi Kala Yeelatay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Kulmiye Xamarje, Soo Dhawaynta Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo20100128

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Golisnews Oo Weraysi Kala Yeelatay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Kulmiye Xamarje, Soo Dhawaynta Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo





Hargeisa (GOLISNEWS) gudoomiyaha gobolka hargeysa ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE mudane AXMED CUMAR X. C/LAAHI oo gudida soo dhawaynta gudoomiyaha madax u ah ayaa sheegay in gudoomiyahooda ay u soo dhawayn doonaan habkii ugu heersareeyay ee abid dhacda isagoo xukuumadana u soo jeediyay in aanay dadka soo lugoynin oo ay joojiyaan fadqalalada ay ka dhex wadaan shacabka, sidaas gudoomiyuhu wuxuu ku sheegay waraysi ay GOLIS NEWS khadka telefoonka kula yeelatay,



Gudoomiye xamarji oo aanu waydiinay su’aalo dhawra ayaa sidan noogaga jawaabay



GOLISNEWS: gudoomiye axmed xamarje waxaad nooga warantaa bal qabanqaabada gudoomiyaha iyo sida ay u socoto



G.XAMARJE: Waad mahadsan tihiin golisnews qaban qaabadu waxay u socotaa si aad u wanaagsan hada laga bilaabana waxaa madaxdii gobolka iyo kuwii heerqaranba kujiraan shirar isdaba jooga oo loogaga arinsanayo sidii loo soo dhawayn lahaa, sikale iyo kuma garatide waanu kaga gariirinaynaa bulshaduna way u soo wada baxaysaa



GOLLISNEWS: waxaad noo sheegtaa gudoomiye waxaanad tahay madaxii gudida qaban qaabada ee gudoomiyaha soo dhawaynaysee waqtigee ayuu siilaanyo wadanka soo gelayaa



G, XAMARJE: wuxuu imanayaa 31/01/2010 maalinimada axada



GOLLISNEWS: gudoomiye iyada maxaad kala socotaa in la qaban qaabinayo banaabax ku lidi ah oo ka soo horjeeda kani aad imika waddaan ee aad ku soo dhawaynaysaan Guddoomiyahiina Axmed Siilaanyo?


G. XAMARJE: waanu la soconaa oo waanu ka war-haynaa dawladda ayaa wada oo dabada ka riixaysa waxaanan filayaa inaaan shacabku ka yeeli doonin hawshaas



GOLISNEWS: mudaharaadkaas idinka ka soo horjeeda side ayay wasaarada arimaha guduhu u siin kartaa ogolaansho iyadoo hore mudaharaado mucaaradku lahaa ay u diiday?



G.XAMARJE: mudahaaradkaba iyada ayaa abaabulaysa oo dabada kawada markaas waxaanu u soo jeedinaynaa inaanay dadka soo lu goynin waanuna la socodsiinaynaa shacabka arintaas, dawladana fadqalalada ka daa ayaanu leenahay waddanka annaguna ma mudaharaadayno ee waxaanu soo dhawaynaynaa madaxdii xisbiga xaqna waanu u leenahay





GOLLISNEWS: ugu danbayntii waxaa beryahaas jirtay in gudiyo maroodi jeex laga sameeyay iyo maamul gudaha aad isku haysateen madaxda xisbiga siday hawlahaasi u dheceen ?





G.XAMARJE: arintaas waxba kama jiraan hawluhuna si wanaagsan ayay noogu socdaan





Weraysigani waxaa qaaday


Sulaymaan Cabdisataar


GOLIS NEWS
Hargeisa Somaliland


info@golisnews.com

AXMED SIILAANYO OO MARKII U HOREYSAY KA SHEEKEYAY TAARIIKH-NOLOLEDKIISI & DHACDOOYIN UU U SOOJOOGAY 20100128


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

AXMED SIILAANYO OO MARKII U HOREYSAY KA SHEEKEYAY TAARIIKH-NOLOLEDKIISI & DHACDOOYIN UU U SOOJOOGAY

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana kamida siyaasiyiinta ruug-cadaaga ah ee reer Somaliland ayaa markii ugu horeysay Si faahfaahsan uga warramay Taarikhdiisa iyo Waayo-aragnimadiisa nololeed, taasoo uu kaga xog-warramay Taariikho Mucjiso ah oo la soo dersay intiii uu jiray ilaa Carruurnimdiisii.

Axmed Siilaanyo oo Taariikhdiisii Carruurnimo, Dhalinyaranimo ka warrankeedu ay hogo-tusaalayso da’yarta reer Somaliland ee danaynaya inay ka dhex muuqdaan bulshada ayaa Xog-warran Khaas ah oo uu Mr. Siilaanyo Siiyay Wargeyska Jamhuuriya waxa uu ku qaadaa dhigay Taariikhdiisii Dhallaanimo ilaa wakhtiyadii uu Saaxadda Siyaasadda kusoo biiray.

Bog Toddobaadkiiba laba jeer ku soo baxa Wargeyska jamhuuriya oo lagu Falanqeeyo shakhsiyaadka Miisaanka ku leh Somaliland oo Gudoomiyaha KULMIYE Waraysi la yeeshay Maalin ka hor intii aanu socdaalka ugu kicitimin wadanka Maraykanka waxa uu kaga sheekeeyay Carruurnimadiisii iyo dhacdooyinka sida gaarka ah Xusuusta ugu reebay, Waxbarashadiisii iyo taxanaha taariikheed ee uu soo dhex dabaashay in ka badan 40 Sanadood oo uu ku dhex jiray Siyaasadda oo uu heerar iyo xilal kala duwan ka soo qabtay.

Qormadan ugu horeyn waxa uu Axmed Siilaanyo kaga sheekaynayaa dhacdooyin ay ku ladhan yihiin Arrimo aad uga qoslin doona Akhristayaal badan, Haddaba Waraysigan oo Wargeyska Jamhuuriya kula yeeshay Gurigiisa Magaalada Hargeysa waxa uu ku bilaabmay:

“Inkasta oo aanay wakhtiyadaa hore jirin dadkau goorta ay dhashaan, haddana anigu waxaan ku dhashay gobolka togdheer gaar ahaan Degmadda la yidhaahdo Dheryaaley oo imika magaalo ah, laakiin wakhtigaa meel miyi ah ahayd, laakiin wakhtiga aan ku dhashay degmada Dheryaal oo reerkayaguba Geedi ku jiray waxa uu ahaa 1936.

Wax kale iska daaye xataa biyo ma lahayn meeshaas aanku dhashay oo sida la ii sheegay aabahay ayaa weel la cararay oo meel durugsan biyo ka doonay. Aabahay Alla ha u naxariistee waxa uu ahaa dadkii lagu tilmaami jiray Seaman-ada (Bad-mareen) ee markii hore intay Cadan tageen maraakiibta waaweyn ee ganacsiga u shaqaynayay markii dambena fuulay oo kamid noqday Bad mareenada.

Sida la ii sheegay Anigu markii aan yaraa ayaa waxa joogay magaalada Berbera Oday Adeerkay ahaa alla ha u naxariistee, Magaaladaasna ka ahaa karaani oo wuxuu u shaqaynayay Ingiriiska, Markii dambe ee dagaalka ka soo noqday, dabadeed aabahay ayuu ku yidhi Waar waxaad ii soo dirtaa inanka weyn oo ahaa wiil iga firfircoon oo iga xoolo raacis roon, Imika Yurub ayuu joogaa magaciisana waxa la yidhaa Cali.

Odaygii Aabo wuxuu jeclaystay kii lagu yidhi soo dir, dabadeed aniga ayuu I diray oo Berbera waxaan ku tegey sidii musaafiris oo kale (Axmed Siilaanyo oo qoslaya), Adigu yaraan iyo masaafiris kay doonto ha noqotee halkaas ayaa la I geeyay.

Markii Berbera la iga soo waday waxa la I keenay magaalada Burco, Islaan ii Ayey ah iyo Abtigay ayaana halkaa ugu imi, dabadeed gaadhi ayaa la I soo saaray, waxaan xusuustaa Markii aan Gaadhiga dusha raacay ayaa waxa ii soo urtay Saliidiisii, dabadeed bahal matag ah ayaan ku wareeray oo aan xejisan waayay.

Intaas ka dib waxaan tegey magaalada Berbera waxa la igu daray Malcaamad quraan, si fiican baan halkaa quraanka ugu Bartay.

Wakhtigaa Ingiriiska dalka Maamulayay wuxuu haystay nidaam caskari ah, adeerkayna waxa uu u shaqayn jiray sidaan soo xusay Milatariga, Markii dalka lagu wareejiyay nidaamkii shicibkana waxaa loo bedelay magaalada Saylac.

Dabadeed aabahay oo wakhtigaa ka shaqayn jiray Markab soo jiida maraakiibta, ee loo yaqaan Taagga, ayaa igu yidhi “Kol haddii adeerkaa la bedelay intay arrimuhu dhan u u dhacayaan ina mari aynu reerkii ku noqono’e”.

Sidaa ayaan miyi dib la iigu celiyay wakhtigaas quraanka ayaan si fiican u bartay oo akhriskiisa aad ugu fiicnaa, dabadeed waxa meeshii aanu joognay soo maray nin sheikh ah oo waddaadadu sidoodaba waxay miyi soo mari jireen wakhtiyada gu’ga si ay xoolo iyo dadkaba casharo ugu dhigaan. Waxaa soo maray halkii aannu joognay Sheekh Xaafadayada ah oo can ah, reer jabuutina aha oo masaajid Dalkaas ku yaala masuul ka ahaa, ayaa markuu gurigayagii yimi isaga oo xer badani la socoto, ayuu aabahay ku yidhi Inankaygu wuxuu yaqaanaa Quraanka.

Sheekhii ayaa intuu ii soo saaray Quraan, I weydiiyay dhawr meelood oo aan anna si fiican u akhriyay, sidoo kale waxa uu I weydiiyay inaan farta carabiga qori ahaan anna horraaban u soo bartay, markii uu I arkay inaan qoraalka ku fiicanahay ayuu aabahay ku yidhi “Inankani waa wiil barakaysan oo wuxuu ii raacayaa masaajidkii ku yaalay Jabuuti.”

Sida ii muuqatay Sheekhu qoraalka Carabiga kumuu fiicnayn, inkasta oo uu yaqaanay, sidaa darted waxa uu doonayay inaan gacan yare u noqdo, halkii ayaan sheekhii ka raacay, meelo badanoo gobolka togdheer kamid ahna waan la soo maray. Xoolaha Sheekha la siiyo waxa u kaxayn jiray xerta la socota oo intay sayladda magaalada Burco uga iibiyaan uu halkaa kaga amba-bixi jiray ilaa Jabuuti.

WAxaan xusuustaa Intii aan Burco joognay waxan ku soo Soon-ney bil Ramadaan ah, marka aanu marayno Magaalada Saylac intii baabuurta la hubiyay ee ay Kastamka taagnaayeen ayaan ka soo degey gaadhigii, waxa I arkay ogaygii ii adeerka ahaa oo meesha joogay (Odaygii uu Berbera la joogijiray), oo intuu I gartay igu yidhi “waar sowkan yarkii aan adeerka u ahaa” waxa wakhtigaa hareero taagnaa rag badan oo ay kamid ahaayeen Ismaaciil Naxar, Xaaji Ducaalle Cabdallae iyo rag kale oo waaweyn.

Wakhtigaa waxa arday loo qorayay dugsiga Sheekh oo Qoraalka waxa gacanta kuhayay Nin ingiriis ahaa, dabadeed nimankii meesha joogay , Adeerkay waxa ay u sheegeen in ardayda la qorayo aniga la igu daro, isla markiiba waxa uu yidhi “Ina keen”, Sheekhii baa ugu jawaabay “Waar Xaggeed ku wadaa inankani aniga ayuu ila socdaaye”, Adeerkay baa ugu hal celiyay “Iska dhaaf aniga ayaa masuul ka ah wiilkane, kol haddaad I soo gaadhsiisayna dambi dambe kuma lihid”, Sidaas ayaa la igu qoray dugsiga Sheekh.

Lasoco Qaybta labaad ee Qormadan

jamhuuriya

Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuxuu igu yidhi Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu waa Cadowga Somaliland” 20100128



Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuxuu igu yidhi Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu waa Cadowga Somaliland”
January 28th, 2010

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaraddaas Cabdilaahi Maxamed Ducaale uu ku wargeliyay in Guddoomiyaha guddi-hoosaadka arrimaha Afrika ee Aqalka Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu ay yihiin cadowga Somaliland, isla markaana wuxuu calaamad-su’aal saaray ujeedada Wasiirka ee la xidhiidha beenaynta hadal uu isagu hore u yidhi.


Wasiir-xigeenka oo isaga iyo Maareeyaha Dekedda Berbera socdaal ay kaga soo laabteen dalalka Ghana iyo Kenya Warbaahinta ugu waramay Madaarka Hargeysa, ayaa ku celiyay hadal uu hore u yidhi oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ugu baaqay in uu cafis umadda waydiisto, isla markaana aanay Xukuumaddu ogolaanin in uu dalka ku soo laabto ilaa uu cafis Dawladda waydiisto. “Waxaan soo jeediyay inkasta oo aanay shaqadayda ahayn oo aan Booliska iyo Wasiirka Arrimaha Gudahaba ka codsaday in aanay u ogolaan in uu dalka soo galo ilaa uu cafis dalka waydiisto. Runtii arrintasi waxay la mid ahayd Ninkii ka hadlay Nairobi ee xilalka badan ka soo qabtay Maamullada Soomaaliya ee yidhi Soomaali meel kala tagi mayso ee nalagu dawakhiyay in aanu ka jawaabno ee aanu Wasaarad ahaan ka jawaabnay. Anigu ma odhan Siilaanyo Federaal ayuu aaminsan yahay ee wixii uu afkiisa ka yidhi ayaan ka hadlay.Sababtoo ah, anaga ayay na saaran tahay ilaalinta qaranimadu.” Ayuu yidhi Axmed.

Wasiir-ku-xigeenku wuxuu calaamad-su’aal saaray in Wasiirka Arrimaha dibeddu daacad ka ahaa beenin uu beeniyay warka uu isagu hore u yidhi iyo ammaan uu u jeediyay Guddoomiyaha KULMIYE. “Wasiirkayagu mid wuu ku saxsanaa oo fikirkaygaan ku hadlay, kumanaan hadal fikir iyo Af Dawladeed toona, laakiin wax kale oo uu ku hadlay mooyi. Ammaanta uu amaanay Axmed Siilaanyo ma ogi waxa uu uga jeeday oo isaga (Wasiirka) ayaa la waydiin doonaa ujeedada inay lillaahi ka ahayd iyo inay wax kale ahayd, wax uu ii ii sheegay oo uu I yidhi Axmed-Siilaanyo shaqo Qaran buu ku maqnaana ma ogayn oo iima sheegin.” Ayuu yidhi Wasiir-xigeenku.

Keyse wuxuu sheegay in Wasiirkiisu ku wargeliyay in Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu ay cadow u yihiin Somaliland. “Wasiirka arrimaha dibeddu markii aan safarka ku baxayay 20-kii bishan 2 saacadood ka hor, wuxuu ii sheegay in Ninka la yidhaahdo Donald Payne iyo ku-xigeenkiisa Itoobiyaanka ah ee Ted la yidhaahdaa in ay yihiin cadowga koowaad ee Somaliland oo ay yidhaahdeen waanu idinku qasbaynaa Soomaaliya in aad la midowdaan. Warbixintii uu Cabdilaahi na siiyay taas ayay ahayd. Waxa kale oo uu noo sheegay in Donald Payne uu yidhi haddii aad noo iman waydaan, waxaanu u yeedhan doonaa laba nin oo Somaliland ah oo hawshaa gala.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in Wasiirku labadaa nin ku sheegay Guddoomiyaha KULMIYE iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbigaas. “Waxaanu nagu wargeliyay in ay labadii nin ee Donald Payne sheegayay ay kala yihiin Axmed-Siilaanyo iyo Xogyaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Maxamed Cabdilaahi Cumar.” Ayuu intaa raaciyay.

Waqtiga uu Wasiir-ku-xigeenku ka hadlayay arrimaha, ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale wuxuu ku sugnaa Madaarka, waxaanu u baxayay safar dibadeed.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Hargeysa oo Siyaabo Is-burinaya Uga hadley Mudaharaad ka Dhan ah siilaanyo 20100128

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Hargeysa oo Siyaabo Is-burinaya Uga Hadlay Dad la Sheegay Inay Qabanqaabinayaan Mudaharaadka ka Dhan ah Axmed-Siilaanyo



Hargeysa (Jam)- Wasiirul-dawlaha arrimaha gudaha Md. Farxaan Jaamac Ismaaciil iyo Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa’uud, ayaa siyaaabo is burinaya uga hadlay dad la sheegay inay qabanqaabinayaan mudaharaad la doonanayo in lagala hortago guddoomiyaha xisbiga muacaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka soo laabto booqashada uu ku joogo dalka Maraykanka.

Badhasaabka Gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa’uud oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ku weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in Hargeysa laga qabanqaabinayo mudaharaad ka dhan ah guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu caddeeyey inay jiraan dad ka codsaday inay mudaharaad sameeyaan, basle ay ka diideen, iyaga oo tixgelinaya nabada iyo xasiloonida dalka, balse wasiirul-dawlaha arrimaha guddaha Somaliland oo isagana aanu arrintaas xalay wax ka waydiinay, ayaa sheegay in aanay jirin meel cidi ugu keentay waraaqo ay mudaharaad ku codsanayaan.

Badhasaabka gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in xukuumaddu qabanqaabinayso mudaharaad lagaga soo horjeedo soo noqoshada guddoomiyaha KULMIYE waxa uu yidhi; “Way jirtaa dad noola yimi in aannu u oggolaano mudaharaad ay kala hortagaan Guddoomiyaha KULMIYE, laakiin waannu ka diidnay oo umaaanu oggolaanin, wixii nabadgelyada waxyeelanayana ma oggolin, mucaarad iyo muxaafid midna ka oggolaan mayno, dadkii noo yimi ee mudaharaadka wadayna waannu ka diidnay, qolada mucaaradkana Axmed Siilaanyo waa nin siyaasi ah oo qadarin mudan leh, haddii ay soo dhoweynayaan si nidaamsan oo aan ka badbadin iyo buuq lahayn ha u soo dhoweeyaan oo gurigiisa ha geeyaan.”

Badhasaabka oo aannu weydiinay waxa uga meel yaalla, haddii dadka mudaharaadka ula yimi ay bannaan-bax sameeyaan, waxa uu ku jawaabay; “Annagu labada qolaba [mucaarad iyo muxaafid] ka oggolaan mayno mudaharaad aanay cid ogeyna oo aan fasax loo haysana cidi ma dhigi karto oo dadkeenu uma bisla mudaharaadada, ninkii doonaya inuu isu-soo-bax sameeyo beerta Xorriyadda ha cabirta oo siyaasadiisa iyo barnaamijyadiisa dadka ha uga sheekeeyo, buuq iyo rabshad midna ayaan la sameyn.

Ninkii sharaf leh ee mudaharaad diyaarinayaana waa inuu fasax u qaataa, isla markaana uu dammaanad qaadaa dadka uu isku soo ururiyey wixii dhibaato ah ee ay geystaan, haddii ay boolis shiidaan, gaadhi jabiyaan amma wax kale sameeyaan.

Mucaaradkana waxaad naga gaadhsiisaan [saxaafadda] wax mudaharaad ah oo Guddoomiyaha lagu soo dhoweyn karaa ma jiro oo inta sameecado waaweyn la qaato oo suuqyada la meeraysto rabshada halkaa ka dhacaan, waxaannu leenahay Axmed-Siilaanyo waa nin siyaasi ah oo si fiican u soo dhoweysta oo nidaam leh, qolada muxaafadkana uma oggolin in Guddoomiyaha KULMIYE wax mudaharaad ah lagu sameeyo, ninka leh niin soo degay ayaan mudaharaad iyo rabshad kala hortaganaana uma oggolin. Waxaan leeyahay ha la ilaaliyo nabadgelyada iyo deggenaanshaha oo wixii dhib inoo keenaya ayaan lagu dhaqaaqin.”

Dhinaca kalena, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Farxaan Jaamac Ismaaciil oo isna dhinaciisa aanu xalay khadka telefoonka ku weydiinay waxa ka jira in xukuumaddu diyaarinayso mudaharaad lagaga soo horjeedo guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu ku jawaabay; “Arrintaasi waa mid la yaab leh, Axmed Siilaayana wax dambi ah oo uu galay ma jiro, wax mudaharaad ah oo xukuumaddu qabanqaabinaysaana ma jiro, xukuumaddu nabadgelyada ayey ilaalisaa ee ma mudaharaado, mana garanayo sababta KULMIYE ku keliftay inay yidhaahdaan Guddoomiyahagii ayaa lagu mudaharaadayaa, Axmed Siilaanyo waa nin siyaasi ah oo u tartamaya jagada Madaxweynaha, sabab loogu mudaharaadaana iima muuqato,” ayuu yidhi Md. Farxaan Jaamac Ismaaciil.

Wasiiru-dawlaha oo aannu weydiinay inuu ka war hayo dad qabanqaabinaya mudaharaad ka dhan ah Axmed Siilaanyo iyo cid wasaarad ahaan inay fasax u weydiisatay mudaharaadkaas, waxa uu ku jawaabay; “Marka hore xisbiyadu xaq bay u leeyihiin inay mudaharaad sameeyaan oo dastuurkeena ayey ku caddahay, laakiin waa inay sharciyadda looga baahan yahay maraan oo ay fasax weydiistaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, balse ilaa hadda ma hayno meel ciddi noogu keentay waraaqo ay ku codsanayaan mudaharaad.”

Wasiirka beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo isaguna u waramay shabakada wararka ee Ramaasnews, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xukuumaddu wado mudaharaad ka dhan ah Axmed Siilaanyo, isaga oo arrintaa ku tilmaamay buuq mucaaridku samaysanayo.


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

“Xukuumadu nabad gelyo darro ma abuurayso ee hadh iyo habeen waxay heegan ugu jirtaa sugida amniga dalka, Guddoomiyaha KULMIYE waa nin murashax ah oo ah Guddoomiye Xisbi qaran qadarin iyo tix gelin ayuu xukuumada ka mudan yahay, xukuumada Somaliland-na ma abuurayso mudaharaadyo wararka arrintaasi la xidhiidhaana waa been abuur cad,” ayuu yidhi; wasiirka beeruhu.






Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

Madaxdii Dawladda Maraykanka Ee Aanu La Kulanay Waxay Noo Qireen In Somaliland Ay Ku Taalo Mandaqad Xasaasi Ah, Diyaarna U Yihiin Inay Wax La Qabtaan”

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Madaxdii Dawladda Maraykanka Ee Aanu La Kulanay Waxay Noo Qireen In Somaliland Ay Ku Taalo Mandaqad Xasaasi Ah, Diyaarna U Yihiin Inay Wax La Qabtaan”




“Hadaanu Nahay Xisbiyada Mucaaridka Wax Eed Ah Noomay Soo Jeedin Marqudha, Waxaanay Danaynayaan In Doorashadu Wakhtigeedii Ku Dhacdo”

Axmed Siilaanyo

Hargeysa, January 28, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa sheegay in madaxdii dawlada Maraykanka ee ay kulamada ku yeesheen dalkaasi ee ka kala socday Hay’ádaha kala duwan ay u cadeeyeen inay diyaar u yihiin in Somaliland ay wax la qabtaan isagoo intaa ku daray in Somaliland ay ku taalo mandaqad xasaasi ah isla markaana ay xasilooni taam ahi ka jirto. Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo, muddo laba todobaad iyo dheeraad ah socdaal ugu maqan dalka maraykanka lana filayo inuu dabayaaqada bishan January 2010-ka dalka kusoo guryo noqdo ayaa sidoo kale sheegay in madaxdii dalkaasi ee uu kulamada la yeeshay ay danaynayaan in doorashada madaxtooyada ee Somaliland wakhtiga loo cayimo ay ku qabsoonto isla markaana laga fogaado wax kasta oo khilaaf siyaasadeed abuuri kara.

Axmed Siilaanyo isagoo ka waramaya waxyaalihii u qabsoomay mudadii uu ku sugnaa gobolada dalka Maraykanka ee ay booqdeen iyo Jaaliyada reer Somaliland ee ay la kulmeen iyo sida loogu soo dhaweeyey, waxa uu yidhi “Alxamdulilaah waxa ii suurta gashay inaan si balaadhan u arko madaxbadan oo ka mid ah Hay’adaha kala duwan ee dawlada dalka Maraykanka ee Barlamaankeedile iyo Kongers-ka iyo Hay’adaheeda kala duwan oo aan la galay is waraysi, doodo iyo ra’yi is waydaarin ku saabsan arimaha Somaliland iyo geeska Afrika caam ahaan, waxa ii suurta gashay inaan gobolo dhawra tago oo aan arko dadwaynihii reer Somaliland oo aad u jeelanaa danaynayeyna dalka, iyagana waanu la kulanay dalkiina waanu uga waranay halka ay wax marayaan aanu ka munaaqashoono oo aan u tabiyo dareenka dadwaynaha iyo waxa dadka iyo dalku u baahan yahay intuba. Markaa arintaasi waxay tahay dhanka laga eegaba arimo faa’ido dhashay bay ahayd oo waxtar badan aan qabo inay Somaliland u yeelatay, anagana qiimo wayn iyo sharaf noo lahayd” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo isagoo ka hadlaya arimihii uu kala hadlay madaxdii dalka maraykanka ee uu la kulmay oo iskugu jiray xildhibaano ka tirsan aqalka Congers-ka iyo xubno ka tirsan dawlada waxa uu yidhi “Runtii markaan halkan imid niyad wanaag aad u fara badan baan qabay dhinicii laga eegaba aad baan ugu niyad samaa in wax noo qabsoomayaan, laakiin siday wax u dhaceen markaan eeego ama soo dhawaynta aanu helnay xaga dadwaynaha ama soo dhawaynta aanu ka helnay dhinaca Maraykanka aad iyo aad bay u saraysay, si lama filaan ah oo sidii aan filayey si aad uga wayn ayaan qaabilaada aanu helay aad nooga farxisay”

Axmed Siilaanyo isagoo ka hadlaya nuxurka masuuliyiinti uu la kulmay iyo qodabada ay isla soo qaadeen waxa uu yidhi “ Isagana waxaanu la kulanay Doneld Bayn oo isagana laga soo doorto New Jarsy, ragaanu la kulanay nuxurka kulankayaguna waxa uu ahaa horta si wacan bay noo dhagaysteen, waxaa noo suurta gashay qadiyadii Somaliland inaanu si wacan ula jeexjeexno oo u fahamsiino oo u bandhigno, si wanaagsana way noo dhagaysteen Re-action-kuna waxa uu ahaa waxyaabaha qaarkood bal haynoo joogeene kolay iyo kolay in Somaliland la tixgaliyo oo lala dhaqmo, lala macaamilo dimuqraadiyadeeda la ilaasho oo wax lala qabto oo wax la taro, isla markaana dareenkooda aad usoo jeedisay oo ay ugu muuqatay Somaliland inay tahay meel u baahan in waxna lala qabsado waxna lala qabto, dhinacyada aanu ka doodaynay oo dhan, markaa waxaan u arkaa wixii la doono oo dhan lama wada heli karo laakiin waxaan u arkaa inay taasi tahay talaabo wayn oo usoo jeedisay saaxiib wayna u samaysay Somaliland. Mennesota iyadu waxay na siisay shahaado qiimayn ah taana aad iyo aadbaan uga mahad celinayaa”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ka hadlaya mawqifka dawlada maraykanku ay ka taagan tahay Somaliland wax la qabadkeeda iyo istaraatijiyada siyaasadeed ee ku wajahan geedi socodka iyo marxalada uu wakhtigan xaadirka ah dalku marayo waxa uu yidhi “Intii aan madaxda la kulmayey waxa ii baxay somaliland inay tahay dadka inta danaynaysay dadkaan arkayey oo dhami ay dadkii danaynayey ay ahaayeen, dabcan waxay noo arkayeen inay ahayd, inay diyaar u yihiin inay Somaliland ku taalo mandaqad xasaasiya, inay Somaliland qirayeen inay tahay meel xasiloon oo daganaansho ka jiro, inay tahay meel u baahan in wax lala qabto, walwalna qaarkood waa ka muuqdaa oo wuu ku jiraa meelaha qaarkoodna in wali talaabo go’áan ah ka qaadan way iska cadahay oo xaga masalan Ictiraafka oo kale wali go’aan kamay qaadan laakiin hadana inay arkaan in mandaqadu mid u baahan daganaanshaha iyo xasiloonida ka muuqda in lagula shaqeeyo oo wax laga taro ayaa iiga muuqatay”

Axmed Siilaanyo mar la waydiiyey in kulamadii ay la yeesheen madaxda dalkaasi maraykanka khilaafyada siyaasiga ah ee Somaliland ka dhaca eedo gaara ay ugu soo jeediyeen axsaabtooda mucaaridka iyo in kale iyo dib u dhacyada doorashadaba waxa uu yidhi “ Runta hadaan kuu sheego marqudha may odhan taa, wax anaga eed dusha naga saara hadaanu nahay xisbiyada mucaaridka ah erayada caynkaas ahi marqudha runtii nagumay soo bixin, dadku intooda badan way na waraysanayeen xaaladay meesha ka jirta ayey naga waraysanayeen, wararka inta badana way hayeen oo way ka warqabeen waxayna aad u danaynayeen inay doorashadu dhacdo oo wakhtigeeda ku dhacdo oo si wanaagsan u dhacdo oo aanu meesha khilaaf danbe ka iman

Laascaanood Faah Faahinta Qarax Xoogleh Oo Lala Beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar Xuseen 20100128

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Laascaanood Faah Faahinta Qarax Xoogleh Oo Lala Beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar Xuseen



Laascanood (Golisnews.com)-28/01/2010-Qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho & dhaawac. Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan guud ahaan laga wada maqlayey xaafadaha magaalada Lascaanood.

Qaraxan ayaa lala beegsadey Gudoomiyaha Gobolka Sool gaari uu saarna uu xilligaasi ku sii jeedey Guriga uu ka degan Magaalada Laascanoood isagoo xilligaas ka soo raxawey shaqo.
Waxaa qaraxan ku geeriyoodey 1 askari oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee gudoomiyaha Gobolka Sool,waxaana dhaawac ka soo gaarey laba askari oo kale oo gaariga la saarna,sidoo kale waxaa dhaawac soo gaarey haweeney wadada mareysay.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar Xuseen waxaa soo gaarey dhaawac aad fudud,waxaana lagu daweynayaa Cusbitaalka Magaalada Laascaanood iyadoo la sheegey in xaaladiisu tahay mid aad wanaagsan firiro yar yarina soo gaareen.

Isla markiiba waxaa goobta qaraxu ka dhacay soo buux dhaafiyey ciidamada amaanka ee gobolka Sool,waxaana ay baaritaano ku bilaabeen nawaaxiga meesha qaraxu ka dhacay ku dhaw Guriga uu Gudoomiyaha Gobolka Sool.
Dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa lagu daaweynayaan Cusbitaalka magaalada Laascanood,waxaana la sheegeya inay dhamaan xaaladooda caafimaad tahay mid aad u wanaagsan.
Ma jiraan Wax dad ah oo ay ciidamada amaanka magaalada Laascaanood u qabteen qaraxaasi,balse saraakiisha amaanka ayaa sheegey inay bilaabayaan baaritaano ay ku hubinayaan ciidi qaraxaasi ka dambeysey.

C/shakuur Cumar kabadhe

Laascaanood-Golis-News


golisnews.com@gmail.com.

Af Hayeenka Kulmiye ee Gobolka Sool oo Xabsiga loo Taxaabay20100128

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Af Hayeenka Kulmiye ee Gobolka Sool oo Xabsiga loo Taxaabay

Waxa soo xidhay Taliyaha CID-da Gobolkaasi oo ku eedeeyay in uu been aan jirin ka faafiyay……

…….


Hargeysa (Gabileynews) Af hayeenkii Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ee Gobolka Sool Yuusuf Diiriye Aaden (Yuusuf Cirro) ayaa Xabsiga Magaalada Laas Caanood loo taxaabay.

Xadhigaasi ayaa la sheegay in uu Amarka bixiyay Taliyaha Ciidamada CID-da ee Gobolka Sool C/laahi Saciid Xaaji Nuur, oo sida ay sheegtay Idaacada Madaxa Bannaan ee Radiyaw Horyaal, ku eedeeyay in uu War-baahinta uga waramay Is Casilaad aan soo shaac bixin oo hadana uu ka noqday Taliyaha Laanta Danbiyada ee Gobolka Sool.

Waxana Wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan in Taliyaha Danbi baadhista ee Gobolka Sool uu is casilaadiisii ka noqday markii uu Cadaadis wayni kaga yimid dhinaca Dawlada laguna qanciyay in aanu waqtigan Is casilin mar hadii uu gacanta ku hayo Baadhistii cidii ka danbaysay Dilalkii kala duwanaa ee Laas Caanood dhawaanta.

Gabileynews Desk
Hargeysa Office

Wednesday 27 January 2010

Haloo midoobo talada qaranka 20100127

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Haloo midoobo talada qaranka.
Maanta arrimaha nabedgelyado dalku waxay marayaan in ay meel adag. In arrimahaa laga midoobo meel leyska wada taago waa waajib qaran. Weliba waxaan shacab-weynaha ku leeyahay waa in gacan la siiyaa booliiska shaqeynaaya. Ciidamada amniguna waa iney heystaan macluumaad ku filan oo ay si fiican u shaqeeyaan sirdoonka dalka oo ay ku jihoobaan dhinaca cadawga dalka ayney sirdoonka loo tusin in cadawga kowaad ee dalku yahay xisbiyada qaranka.
Khudbaddii dhaweyd ee madaxweye Rayaale waxaa la filaayey in uu umadda u jeediyo khudbad ku jiheysan amniga iyo khilaafaadka qaranka. Inta badan madaxweynuhu warbixintiisu waxay aheyd mid difaac ah oo qodobkuu soo qaadaaba ay tahay naftii difaac . Ciduu iska difaacayayna waa axsaabta qaranka ( Kulmiye iyo Ucid ). Waxay aheyd, ilayn waa madaxweynihii qarakee, inuu ka hadlo wax ummada mideeya, xaaladaha adage ee dalku ku jirna u mideeya. Weli waxaa ka maqan aanu garan in uu madaxwene u yahay siilaanyo iyo feysal cali waraabe.
Mudane madaxweyne, annagu haddaanu mucaaridka nahay meelkasta oo aanu joogno debed iyo gudo waxaanu ka shaqeynaa midnimida ummadda, aqoonsiga Somaliland, walaaleynta shacbka iyo horumarinta dalka. Waxaase dhab ah in aanu ummadda mid guda jooga iyo mid debed joogaba aanu u sheegno,ugana warano in maamulkanu uu dayacay dalkii iyo dadkiiba, loonana baahanyahey isbeddel dhab ah . Dadkuna dayaca maamulkan waa ogyahey. Isbeddelna iyagaa dadku u diyaara ee ha ogaadeen.
Wuxuu maalintii dhaweyd madaxweynuhu yidhi waxaa nala yidhaa wixii xunba Xaawa leh. Haddi sidaas aad u markhaati furtey haddii aad wax wanaagsan qaban laheyeen waxey noqon laheydeen wixii wanaagsan Xaawa leh. Wuxuu aad u difaacaayey dayacii doorashadu dib ugu dhacdey oo ay masuul ka ahaayeen . khilaafka guurtida oo madaweynu kaw ka yahay, dhulka iyo gasiiradaha la iibiyey oo sharci darada ah,siyaasadooda liidata ee arrimaha debeda, arrimaha nabargelyo xumo ee ka soo korodhay bareha. Wuxuu madaxweynuhu arrimahaas iyo qaar kale oo uu soo qaatey ayuu ku tilmaamey in ay mucaaridkuu nagu canaanayaan haddey laba digaagood suuqa isku qabsadaan . Madaxweyne arrimaha aanu ka waaweyn laba digaagood oo isdiley ee waa arrimihii ugu cuslaa qarankan aad madaxweynaha ka tahay.Waxaasoo dhanna ama ka galgalo amma ha ka galgalane masuuliyaddeeda adiga leh. Waana sababta dalkanu ugu baahanyahay isbeddelkas si arrimahaas aad dayacdey loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadiya.
Dr.Cabdi Aw Daahir Cal

dhanxiir 20100127

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Maansha Allaah; Alleylehe Baashe Cadde iyo weftigiisii waa kuwaa guul kala soo hoyday Holhol, kol hadii ay isimadii qiiraysnaa cagta u saareen wadadii Garoowe, ciidammadiina xeryahoodii ku soo celiyeen, hadana waxay bustayaashoodii dhigteen ceelkii Laaska si ay uga sal gaadhaan balaayadan qaraxyada maleegaysa.

Weger; Adeer; Baashe iyo wasiirada la socdaa isimadooda ayuun bay bariido ugu tageene, igadaa warkoodoo waxaad ka warantaa mudaharaadadan iyo shirqooladan rabshadaysan ee Rayaale iyo xertiisu la maagan yihiin duqa Siilaanyo ee Maraykanka ka soo baqoolaya. Illaahay baan ka magan galnay balaayada ay aloosayaan.




Jamhuuriya Online

Taliyaha Sirdoonka Gobolka sool Mudane Cabdilaahi Siciid Nuur oo Beeniyay War sheegayey Inuu Is Casilay Shalayto 20100127


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo/kulmiye) (Faysal/Ucid) (Rayaale/udub) mid uun

Taliyaha Sirdoonka Gobolka sool Mudane Cabdilaahi Siciid Nuur oo Beeniyay War sheegayey Inuu Is Casilay Shalayto
Lascanod(iftinnews)Taliyaha sirdoonka gobol sool cabdilaahi siciid nuur ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta qaarkeed taliyaha baadhista gobolka sool ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar lagu baahiyay qaarka mid ah warbaahinta oo lagu sheegay inuu taliyuhu is casilay ka mid markii uu tanjabaado kala kulmay kiisas uu gacanta ku hayay taliyaha oo waraysi kooban siiyay shebekadda caalamiga ah ee iftinnews ayaa noo xaqiijiyay inaanu jirin warkaas taliyaha oo aanu maalinta duhurkii khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaanu waydiinay bal inay wax ka jiraan warar ka sheegaya inuu warqadii iscasilaadda u gudbiyay taliyaha booliska oo uu iscasilay ayaa waxa uu taliyuhu ku jawaabay “ warkaasi waa wax ay iska qoreen wax jira maaha “

Taliyaha ayaa dhawaan xilka loo magacaabay ka dib markii taliyahii hore sidoonka gobolka sool cabdifataax muuse loo xidhay inuu ka dambeyay falkii foosha xumaa ee lagu khaarajiyay taliyihii qaybta 12 aad ee ciidanka qaranka cisman yuusuf nuur

taliyaha sirdoonka gobolka sool ayaanay noo suurogalin inaan ka helo war inyaasi dhaafsiisan ka dib markii uu noo sheegay uniuu hadda mashquul yahay

sidoo kalenna isla wararka anaga soo gaadhaya magaaladda lascanod ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya inuu shirkii holhol lagu kala huleelay qaarka mid ah garaadadii halkaasi ku shirayay ayaa gaadhay magaaladda garowe ee maamul goboledka putland sidoo kale wararku dhaw dhaw garaadda ayaa sheegay in marlabaad shir lagu qaban doono magaaladda Caroolay

saleban sahal jamac

salosahal@hotmail.com

Dhaq-dhaqaaqyo Iska Soo Horjeeda oo Midna Lagu Soo Dhawaynayo Midna Lagaga Soo Horjeedo axmed siilaanyo oo Hargeysa Ka Socda Caawa 20100127

dhinaca midig eeg u codee Siilaanyo( kulmiye) Faysal(Ucid) Rayaale(udub) mid uun)

Dhaq-dhaqaaqyo Iska Soo Horjeeda Oo Midna Lagu Soo Dhawaynayo Midna Lagaga Soo Horjeedo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Hargeysa Ka Socda Caawa

Hargeisa (Golisnews.com)Waxaa ilaa xalay magaalada hargaysa laga dareemayaa qaban-qaabo lagaga lagaga hortagayo laguna soo dhawaynaayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo haddaba soo dhawaynta Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo laba weji leh ayaa ka hore waxaa qaban qaabinaya madaxda xisbiga KULMIYE oo doonaya in si weyn loogu soo dhaweeyo magaalada gudoomiyahooda maadaama uu soo dhamaystay hawlo qaranka iyo xisbiga KULMIYE ba muhiimadooda u lahaa



Waxase isagana la qaban-qaabinayaa mudaharaad lagu mudaharaadayo gudoomiyaha oo qaban-qaabadiisa laga wado madaxtooyada Somaliland iyo xarunta xisbiga talada dalka haya ee UDUB mudaharaadkan ayuu xisbiga UDUB wuxuu ka wadaa guud ahaan degmooyinka ay hargaysa u qaybsantahay iyadoo mudaharaadkani sidii uu u guulaysan lahaana ay xukuumadu ku bixinayso lacag xadigeedu aad u badan yahay oo aad ka dareemayso guud ahaan dhalinyarada bilaa camalka ah ee maalin ta ay xukuumadu doonayso in wax loo fuliyo ay jaadka iyo sigaarka maqsinada yaryar ee ay hawlahaas u furatay ugu qaybisa ka dib marka hawshaasi dhamaatana aan la aqoonin dhalinyarada.



Xukuumada ayaad moodaa inay maalmihii u danbeeyay ay aad ugu mashquulsantahay sidii aanu Axmed Siilaanyo wadanka usoo geli lahayn iyadoo arintaas ay masuuliyiin badan oo xukuumada ka mid ahi ay ku nuux nuuxsadeen sidii looga celin lahaa wadanka waxa masuuliyiintaas ugu danbeeyay Xildhibaan Cali Gabiley oo ah xubnaha dawladda aadka utaageera xisbiga UDUB na ka soo baxay oo shalay shir jaraa'id oo uu qabtay si cad u iftiimiyay inaan siilaanyo laga ogolaan doonin inuu waddanka soo galo shirkiisaa jaraaid oo 24saacadood ee ugu danbeeyayna ay warbaahinta dawladu aad ugu celcelinaysay waxa iyaguna sidaas sheegay odayaal ay xukuumadu soo abaabushay oo warbaahinta dawlada ka hadlaayey kana sheegay inay ka soo horjeedaan arintaa federaalka ee uu siilaanyo u sheegay warbaahinta,
Waxaase taas ganafka u daruuray masuuliyiinta ugu saraysa ee xisbiga KULMIYE sheegayna bal cida hor istaagta markuu soo dego oo ay si balaadhan uga hortegi doonaan



Waxaa iyaguna qaban qaabo aan hore loogu soo dhawayn siilaanyo wada madaxda gobolka hargaysa iyo masuuliyiinta heer qaran ee xisbiga KULMIYE Isku soo duuboo waxa shacabku aad u dhawrayaa imaanshaha uu maanta gudoomiyaha KULMIYE iman doonaa magaalada adisababa ee Ethiopia waxaana uu hargaysa soo gaadhi doonaa 29 ka bishan aynu kuj irno





Bal waynu lawada socon doonaa sida ay u dhacaan labadaas dhaq dhaqaaq ee soo kala horjeeda ee midna lagu soo dhawaynaayo Guddoomiye Axmed Siilaanyo midna ay xukuumaddu kaga soo horjeedo oo sababi kara isku dhac iyo in shacabka layska horkeeno qolada ay wasaarada arimaha guduhu u diido ogolaanshaha iyaduna waa mid kale oo meesha ku jirta iyo in labadaba la wada siiyo si ay isaga horyimaadaan
Waxaase iswaydiintu tahay hadii labada qoloba la siiyo ogolaanshaha yaa ka masuula wixii halkaas ka dhaca iyo dhibka uu sababi karto intaba.





Weriyayaasha Golisnews ee Hargeysa ayaa heegan idiinku ah ee la socda


Suleiman abdisitaar dubad
Weriyaha Golisnews hargeysa
cabdisitaar@hotmail.com

Garaaddadu shirka ay sheegeen cidina kama joojin karto oo niman la xukumo maaha, Laakiin" Axmed Cabdi Xaabsade…..WARAYSI GAAR AH(ogaal) 20100127

(dhinaca midig eeg dooro siilaanyo (Kulmiye), faysal (Ucid), Rayaale(Udub) mid uun)

Garaaddadu shirka ay sheegeen cidina kama joojin karto oo niman la xukumo maaha, Laakiin" Axmed Cabdi Xaabsade…..WARAYSI GAAR AH(ogaal)

"Garaaddada 11 baa Puntland tegay, waxaana ka hadhay…."




-Wefti Wasiiro ah oo socdaal ku jooga Magaalada Laascaanood

-Ciidanku ma Holhol bay weli joogaan?

-Hadda waa sidee amniga Laascaanood?

-Ilaa goorma ayaa Weftiga Wasiirada ahi joogayaan Laascaanood?







Laascaanood 27, Jan.2010 (Ogaal)- Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah guddi Xukuumadda Somaliland u dirtay shir Garaadada gobolka Sool doonayeen inay ku qabtaan tuulada Holhol, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha ay halkaas u tageen.



Axmed Cabdi Xaabsade oo isagoo ku sugan Laascaanood uu xalay waraysi la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in aanay cidi ka joojin karin haddii Garaadadu shir qabsanayaan, balse ay isku afgarteen in qorshaha shirku u furnaado, haatana ay dib ugu laabtaan Garoowe oo intooda badani ka yimaadeen. Waraysigaas oo uu kaga hadlay shirkaas, ambabaxa Garaadada ee dhinaca Puntland, xaalada amniga Laascaanood iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;

Ogaal: Waxa jiray guddi aad ka mid tahay oo Hargeysa ka baxay oo Holhol tegay, markaa bal wixii aad kala kulanteen faahfaahin naga sii?


Xaabsade: Guddiga waxa hogaaminayay Baashe (guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiillada) – haddaan faahfaahin kaa siiyo, annagu waxaanu u tagnay nimankaa iyo Ciidanku in aanay isku dhicin oo aan meeshaa colaadi ka dhicin, taasna waanu ku guulaysanay. Nimanka Isimada ah waxaanu isla garanay in aanay hadlin, wixii ay qabeena way iska qarsadeen. Markaanu taas isla qaadanay, habeen iyo maalin baanu la joognay, waxaananu galay faallo dambe, nimankaa waanu is afgaranay, hadalkuna wuu noo furan yahay oo in aanu sii wadahadalo waanu ku heshiinay.

Ogaal: Markaa markii aad Holhol tagteen Shirkii waad joojiseen miyaa?

Xaabsade: Haa, waanu joojinay…



Ogaal: Hadda Ciidanku ma waxay joogaan Holhol?

Xaabsade: Mayee, iyaguna way soo baxeen.

Ogaal: Garaadadii Shirka qabanayay xagee bay joogaan?

Xaabsade:

Way tageen.

Ogaal: Xaggee bay tageen Garaadadu?

Xaabsade: Waanu ambabixinay oo xaga Puntland bay tageen.

Ogaal: Tirada Garaadada Garoowe u ambabaxay waa imisa?

Xaabsade: 11 baa u ambabaxay, waxaana ka hadhay Garaad Jaamac oo ka mid ah labadii walaalaha ahaa ee halkan (Laascaanood) isku haystay oo isagu yidhi tegi maayo halkaas (Garoowe).

Ogaal: Marka hore ujeedada Shirku maxay ahayd?

Xaabsade: Wuxuu ahaa arrimo dhaqameed oo beesha (Dhulbahante) ah – annagu waxaanu moodaynay inay wax kale oo xumaan iyo colaad ah iyo siday berigii hore u odhan jireen dagaal hala galo ayaanu moodaynay.

Ogaal: Mar haddaad ogaateen in Shirku arrimo dhaqan yahay maxaad u xidheen?

Xaabsade: Dee dawladda Somaliland baa tidhi haddaan amar dawladda laga haysan meeshaa lama tegi karo.

Ogaal: Laakiin, Madaxdhaqameedka qaarkood waxay sheegeen in shirku u socdo oo aanay cidina ka joojin karin, taas ka waran?

Xaabsade:

Shirka ay sheegeen ciddina kama joojin karto oo hadday damcaan inay hadlaan niman la xukumo maaha. Laakiin, waxaanu isla garanay in aanay ka hadlin oo aan meesha lagu shirin.
Ogaal: Laakiin, Garaad Saleebaan wuxuu sheegay in Shirku socdoba?

Xaabsade:

Anagaaba nidhi shirku ha inoo socdo oo ha inoo furnaado.
Ogaal: Ilaa intee buu furnaanayaa?

Xaabsade:

Ilaa intii aanu annagu wax ka soo saaro.
Ogaal: Shirka sowtan aad leedahay waaba lagu kala tegay, waqtiga aad wax ka soo saaraysaa waa goorma?

Xaabsade:

Dee waa mar dambe…Arrintaas baa noo furan, waxaananu rabaa in aanu soo dhawayno oo aanu ku soo darno Somaliland (Garaadada).
Ogaal: Maxaa ka jira in shirka tuulada Holhol lagu qabanayay uu xidhiidh la lahaa shir hore Nairobi ugu qabsoomay?

Xaabsade:

Lama lahayn, lamana yeelanayo, mana jirto arrintaasi.
Ogaal: Waxa la sheegayaa in dhinaca Puntland ay ka yimaadeen siyaasiyiin uu xubin Wasiir ahi ku jiro, isku gobolna aad ka soo jeedaan, ka waran taas?

Xaabsade:

May imanin, waxbana kama jiraan.
Ogaal: Magaalada aad hadda joogto ee Laascaanood xaaladeedu waa sidee?

Xaabsade:

Laascaanood xaaladeedu way fiican tahay, waraysi iyo waxaas baanu hadda wadnaa, in badana waanu joogaynaa.
Ogaal: Dhinaca amniga ka waran, magaalada ma Bandoo baa saaran?

Xaabsade:

Dee Bandoogu waa iska jiraa oo wixii 8:00 loo gaadho (laga bilaabo) Bandoo way jirtaa, dadkuna iyagaaba iska xeroonaya oo qaraxaa iyo waxyaabahaa dhacdhaca ayuu nin waliba gurigiisa ka gelayaa.
Ogaal: Xubnaha Wasiirada ah ee Somaliland ka socday ee Holhol tegay hadda ma Laascaanood bay joogaan?

Xaabsade:

Haa, waanu wada soconaa, muddona waanu wada joogaynaa inta aanu hawlahayaga dhamaysanayno.



Dhinaca kale, Wefti isugu jira Wasiiro iyo Mudanayaal oo hore safar ugu tegay Tuulada Holhol ee gobolka Sool, ayaa la sheegay inay hadda socdaal ku joogaan magaalada Laascaanood.

Xubnaha Weftigaas ayaa kala ah; Guddoomiy-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada, Wasiirka Caddaaladda, Wasiir-ku-xigeennada hawlaha guud, Arrimaha gudaha, Kalluumaysiga, Wasiiru-dawlaha Waxbarashada iyo xubno kale.

War Saxaafadeedka Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Siilaanyo Iyo Senator Al Franken (D) ee WashingtonDc 20100127


(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun)

War Saxafadeedka Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Siilaanyo Iyo Senator Al Franken (D) Jan26/2010 Ee WashingtonDc

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo
ayaa maalintii Salaasada ee 26 ka bisha Jan, 2010 uu xafiiskiisa ku martiqaaday kuna soo dhaweeyay Senator Al Franken (D) oo laga soo doorto gobolka Minnesota kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee aqlabiyada ku fadhiya labada gole ee barlamanka-ka Maraykan waa aqalka wakiilada ee kongress-ka iyo aqalka sare ee Senate- ka loo yaqaan, madaxweynaha dawlada Maraykana ka soo jeedo.

Kulanka Senator Al Franken (D) iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ka dhacay xafiiska senatorka ee ku yeela Daarta wayn ee koongress-ka Capital Hill -na loo yaqaan ayaa u dhacay is afgarad iyo jawi is faham leh.

Senator Al Franken (D) iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxay ka wada hadleen arimaha mandiqadda geeska Africa iyo dhibaatooyinka ka taagan oo saamayn ku yeelan kara Jamhuuriyada Somaliland una baahan in wax lagala qabto. Waxa kale oo ay labada mudane ka wada hadleen gooni isu taaga iyo aqoonsiga Somaliland sidii dalka Maraykan uu uga gar gaari lahaa. Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo senator Al Franken (D) waxay ka wada hadleen oo kale kobcinta iyo geedi socodka dimuqraadiyada, doorashada madaxweynimada Somaliland sidii ay ugu dhici lahyd habsami aan mugdi iyo madmadow toona lahayn goob joogayaalna loogu soo diri lahaa.

Kulanka gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo Senator Al Franken (D) waxaa kale oo lagaga wada hadlay baahida kala duwan ee Somaliland iyo sidii hay'adaha Maraykan ay xidhiidh toos ah mucaawinooyinka ula yeelan lahaayeen Somaliland.

kulankaas oo ka dhacay xafiiska senator -ka oo ka soo qayb galeen Senator Al Franken (D), madaxa xafiiska iyo shaqaalha Senator-ka halka dhinaca gudoomiyahana ay ka soo qayb galeen Md Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, madax ka tirsan gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan iyo xubno ka tirsan gudida laanta xisbiga Kulmiye ee Washington DC/ Virginia.

Ugu dambayn, Waxaa halkaa Senator Al Franken (D) gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu gudoonsiiyey shahaado sharaf ay aqalka baarlamanka gobolka Minssota ku maamuuseen waxqabadka siyaasadeed , nabadeed iyo horumarinteed ee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo. Shahaada sharaftan oo si weyn loogu muujiyey kaanlinta Gudoomiye Siilaanyo kaga jira taariikhda aduunka oo lagu xardhay waxqabadkiisa siyaasadeed, Nabadeed iyo horumarineed ee uu ka geystay dalkiisa waxaana loo ictiraafay in uu yahay astaan qaran iyo aabaha Dimoqradiyda Somaliland. Md Axmed Siilaanyana waxaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay senatorka, aqalka baarlamanka gobolka Minnesota ee shahaadan u soo gartay iyo dhamaan jaaliyadii reer Somaliland ee gobolka Minessota. Senator Al Franken (D) ayaa isna dhinaciisa uga mahad celiyay booqashada gudoomiyaha waxaanu balan qaaday in uu xidhidhka gudoomiyaha halkaa ka sii wadi doono

ALLA mahad leh

Gudida Xisbiga Kulmiye Ee Waqooyiga Maraykan