Tuesday 24 April 2012

bilawga talaaka cudurka susunka

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Mudane Cabdi Aw Daahir,ayaa ka qayb galay shir lagu dhamays tirayey mashruuca daweynta xoolaha, laguna daaweeyay shan boqol oo kun oo Neef, laguna Bilaabayey talaalka afar Malyan oo Neef oo xoolo ah, xafladaasi oo lagu qabtayxarunta wasaarada xanaanada xoolaha ee Hargeysa. shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen dhakhaatiirta iyo howl-wadeenada wasaarada xanaanada xoolaha ,madaxa Hay’ada FAO Xarunteeda caasimada Hargeysa Maxamed Jaamac Gaheyr iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaadaasi Maxamed Axmed Cabdi. Waxa ugu horayn ka hadlay wasiirka xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir, waxaanu sheegay in uu diyaar yahay in la bilaabo talaalka Afar milyan oo nee foo laga talaalayo ayuu yidhi Cudurada halista ku ah xoolaha , dabar goyn karana, iyada oo uu xusay in xooluhu yihiin dhaqaalaha dalka.waxaanuu wasiirku tilmaamay in xooluhu ay yihiin kuwa aynu ka helo dheefta aynu dheefsano sida Hilibka iyo caanaha iyo subaga.Waxaanuu wqasiirku u mahad celiyey dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha iyo farsama yaqaanada wasaaradda dedaalkooda shaqo ee ay qabtaan iyo sida ay u guteen howsha caafimaadinta xoolaha. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Madaxa Hay’adda FAO Maxamed Jaamac Gaheyr ,waxaanuu ka waramay wada shaqeynta ay leeyihiin wasaarada xanaanada Xoolaha iyo mashruucan dhamays tirka daaweynta Xoolaha. Waxaanuu Xusay in mashruucaasi lagu daaweeyay xoolo ilaa shan boqol oo kun gaadhaya oo xanuuno kala duwan laga daaweeyay, daaweyntaasina laga daweeyey ayuu yidhi dhammaan gobolada Somaliland.waxa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa Cusub ee isku-xidhka barnaamijyada Xoolaha. Geba-gebadii xafladaasi waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Maxamud Axmed cagaweyne, waxaanuu ka waramay ujeedada qabashada xafladan oo uu sheegay in lagu soo gunaanadayey mashruuca daaweynta xoolaha iyo in lagu furo mashruuca talaalka Xoolaha oo la bilaabayo cudurla sun-sunka, gaar ahaan idaha iyo Riyaha oo ah cudur halis ah,si dalka looga dabar jaro