Saturday, 13 February 2010
Rayaale oo damacsan in degaamo Hargeysa ah ku wareejiyo awdal
Guddoomiyaha Ururka Horseed Mr. Calawi Cabdi Gaboobe, oo ah urur maxali ah oo ka dhisan Gobolka Hargeysa una dooda deegaanadii aanay doorashooyinkii iyo diiwaangelintii codbixiyeyaashu ka dhicin ee waqooyiga Gobolka Maroodi Jeex ayaa ka digay in mar kale aan lagu tuman xuquuqda bulshadiisa.
Guddoomiyuhu isaga oo maanta magaalada Hargeysa ugu waramayay shabakada Ramaasnews, waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, khilaafka guurtida iyo mowqifkooda la xidhiidha dhinaca siyaasada waraysigaasi oo dhamaytirani wuxuu u dhacay sidan:-
S: Waxaad warbixin naga siisaa waxa ururkiinu qabto iyo sidaad u shaqaysaan?
J: Ururka Horseed ee Gobolka Hargeysa waa urur wadani ah oo u taagan Arrimaha Bulshada iyo dabcan siyaasadana kama madhna oo waayo waa wax nolasheena taabanaya oo saamayn weyn ku leh. Aragti ahaan ururku wuxuu ku dhow dhow yahay axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland.
Ururku wuxuu u doodaa xuquuqda deegaanada waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee laga reebay xuquuqdoodii doorashooyinkii dalka ka dhacay ee aan laga codayn, doorashooyinka soo socdana la doonayo in aanay marnaba ka qeyb galin, arrintaa oo la yaab nagu noqotay oo sababtay in aanu is abaabulo. Arrintan bulshada waqooyiga Hargeysa lagaga reebay codbixinta doorashooyinka iyo diiwaangelintuba ay tahay mid ka hor imanaysa shuruucda caalamiga ah. Waa wax aan caalamka ka dhicin in Muwaadiniin laga horjoogsado inay codeeyaan oo ay ka qeyb galaan xaqa ay u leeyihiin inay doortaan masuuliyiinta qarankooda.
Waxa jiray in arrintaa si wax looga qaban lahaa la gaadhsiiyay Goleyaasha qaranka oo dhan xataa Madaxweynaha oo ay cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka deegaanadaa ay kala hadleen in deegaanada waqooyiga Hargeysa ay ka tirsan yihiin Gobolka Hargeysa. Waa kii Madaxweyne Rayaale ganafka ku dhuftay ee diiday Salaadiintu arrintii ay ula tageen. Wax raali gelin ahna wali kamuu bixin. Dhibaatadiina sidii ayay wali u taagan tahay waxaana la leeyahay doorasho ayaa soo socota iyadoo aan dadkaa la raacin gobolkoodii. Doorashadaa lafteeda waxa ku jira mad madow badan waxaanad moodaa in aanay xukuumadani diyaar u ahayn inay qabato doorasho.
Madaxweynuhu wuxuu ku andacoodaa mucaaridka ayaa saamayn ku leh dib u dhaca doorashada. Doorashada cida xilku ka saaran yahay inay ka shaqeyso sidii doorashadu u qabsoomi lahayd ma aha xisbiyada mucaaridka ah ee waa xukuumada.
Madaxweynuhu kursigiisa iyo nabadgelyada dalka wuu isku xidhaa oo waxa ka muuqda dhaqan ah haddii aan waayo kursiga dalka dan kama lihi, isagoo ka garaacaya xadhiga ah in dadkani ay aad u jecel yihiin nabadgelyada.
S: Wali lama cayimin xilligii doorashada la qaban lahaa, lama sheegin wali xilliga diiwaangelintii codbixiyeyaasha la saxayo, arrimahaa sidaad u aragtaa?
J: Komishankan doorashooyinka laftoodu ma dhaamaan kuwii ka horreeyay waayo iyagu waxaabay dheer yihiin aamus, inay tagaan Addis ababa iyo Nairobi mooyaane warbixin waadix ah oo ay ummadda siiyeen illaa imika ma jiraan. Waxa kale oo jirta arrintan dadka deegaanada Waqooyiga Hargeysa ee doorashooyinkii hore loo diiday inay codkooda dhiibtaan qoraalo badan oo aanu u gudbinay oo aanu uga digaynay inay maraan wadadii komishankii hore, hase yeeshee dheg jalaq nooma ay siin.
Waxaana muuqata inay sidii komishanadii hore uun ku shaqaynayaan, Anagu haddii aanu nahay Ururka Horseed ee gobolka Hargeysa waxaanu fashilaadii diiwaangelinta saaraynaa xukuumada waayo iyada ayuu xil ka saarnaa inay tallaabo ka qaado oo ay ka hortagto dadka ku noq-noqday diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Xukuumaddu waxay jeceshahay inay dalka mar walba ka dhacaan si ay cimri dherer uga dhigato?
S: Deegaanadan Waqooyiga Hargeysa waa maxay ujeeddada dhabta ah ee ay uga dhici weyday diiwaangelintii iyo doorashooyinkii ka horreeyayba?
J: Marka runta laga hadlo Madaxweynaha Somaliland oo gobolka Awdal ka soo jeeda iyo Madaxweyne Ku Xigeenka oo Gobolka Saaxil ka soo jeeda labadoodaba wuxuu caqligoodu siiyay inay dhulkii waligii ka tirsanaa Gobolka Hargeysa inay isku dayaan inay kala raaciyaan Goboladooda Awdal iyo Saaxil. Waa nasiib darro arrintaasi labadaa masuul ee qaranka u sareeyay waxay na tuseen oo ay nagala xishoon waayeen qabyaalad cad.
S: Maxaa idinka meel yaala haddii doorashooyinkan soo socda ay deegaanada aad ka hadlaysaan doorashadii ka dhici waydo mar kale?
J: Kollay dib ayaanu isugu noqonaynaa arrintani Ururka Horseed oo qudha ma khuseeyo ee waa bulsho dhan oo meesha ku dhaqan oo salaadiintoodii iyo waxgaradkoodiiba leh.
Markaa tallo iyo go’aan ayaanu ka qaadan doonaa haddii ay mar kale dhacdo.
S: Sidee ayaad u aragtaan urur ahaan muranka soo noqnoqday ee Golaha Guurtida dhexdiisa oo maalmahanba ay bulshadu aad uga hadlaysay?
J: Waxaanu u aragnaa arrinta Guurtida mid laga soo dhaqdhaqaajinayo qasriga madaxtooyada Somaliland, waxay doonayaan inay maamulaan Golaha oo ay ka tuuraan kursiga Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Ka dibna ay keensadaan guddoomiye u fuliya awaamiirtooda iyo danahooda si ay ugu fududaato muddo kordhinta ay danaynayaan.
Haddii ay dhacdo arrintaasina nabadgelyo darro ayay keeni kartaa oo looma baahna in buuq iyo khilaaf hor leh laga abuuro dalka. Waxaan idiin sheegayaa in aanu Madaxweyne Rayaale ahayn nin shacbigiisa iyo aqoonyahanada dalka ixtiraama, balse waxa uu maqlaa waxa beesha caalamku ku khasbaan ama u soo jeediyaan.
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
Labels:
war(ramaas)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment