Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Maxaad ka Taqaan Afafka Caalamka Dabar-go’a Afafka Halkuu Kaga Jiraa Af-Soomaaligu?
luqad waxa lagu qeexaa inay tahay xidhiidhka is-faham ee bulsho, laakiin muhiimadeedu taas oo kaliya, By: Yuusuf Cismaan Cabdille
Qormadeenan maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa afafka caalamka lagaga hadlo iyo siday isu bedbeddelaan horumarkooda amma dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeesha hadba bulshooyinka ku hadla iyo degaannada ay ka soo jeedaan.
Haddaba,
Waanna meelaha laga qiimeeyo horumarka amma dib-u-dhaca mujtamacaas.
Luqadi waxay ku horumartaa hadba siday bulshadaasi u ilaashato, isla markaana uga shaqayso, uguna dedaasho wixii ku soo kordha erey-bixinteeda iyo astaynteeda afafka kale ee qalaadna uga horjoogsato.
Asbaabaha keena in afafku dabar go’aan amma uu ku yimaaddo hoos-u-dhaca intaynaan gudogelin aynu marka hore iftiimin ka bixino afafka lagaga hadlo caalamka.
Daraasad la sameeyey horraantii 1974-kii waxay daah-furtay in luqadaha dunida lagaga hadlaa waqtigaa ahaayeen 5,687, laakiin markale oo daraasad la sameeyey sannadkii 1977-kii waxay iyana tibaaxday afafka caalamku inay yihiin 4,500 oo luqadood, waxaad dareemaysaa in cadad badani u dhexeeyo saddexdaa sannadood gudahood.
Daraasadihii u dambeeyey ee waqtiyadan la sameeyeyna waxay muujinayaan in caalamka lagaga hadlo 6,800 af.
Labada Qaaradood ee America iyo Latin America waxa lagaga hadlaa 1,000 af oo u dhigma afafka caalamka 15%
Asia waxa lagaga hadlaa 2,000 af oo u dhigma afafka caalamka 28%
Africa waxa lagaga hadlaa 2,400 af oo u dhigma afafka caalamka 35%
Pacific Ocean waxa lagaga hadlaa 1,200 af oo u dhigma afafka caalamka 19%
Europe waxa lagaga hadlaa 200 af oo u dhigma afafka caalamka 3%
Xeel-dheerayaasha afafku waxay leeyihiin labadii toddobaadba af baa dunida ka dhinta, taas oo ay caddaynayso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaablisan afafka ee UNESCO, Qaaradda Africa waxa jira 97 af oo dhintay amma sii dhimanaya, waxaynu tusaale ahaan u soo qaadan karnaa 12-ka af ee kala ah;
Mbaru oo meelo Chad ka mid ah lagaga hadlo
Duli oo meelo Cameroon ka mid ah lagaga hadlo
Shiki (Gubi & Guru) oo lagaga hadlo meelo Nigeria ah
Shan oo meelo Nigeria ka mid ah lagaga hadlo
Teriki oo uu beddelaayo afka Naandi ee Kenya lagaga hadlo
So, oo lagaga hadlo meelo Uganda mid ah
Ju, Shu oo lagaga hadlo meelo Nigeria ka mid ah
Shabo oo lagaga hadlo meelo Ethiopia ka mid ah
Kanga oo lagaga hadlo meelo Sudan ka mid ah
Siwa oo lagaga hadlo Waqooyi/galbeed Egypt (Masar)
Biri oo lagaga hadlo Central Sudan
Argobba oo lagaga hadlo meelo Ethiopia ah
Qoraagga magaciisa la yidhaahdo David Crystal sida uu ku qoray buuggiisa uu kagaga sheekeeyo afafka mar uu buuqday Gobol Mambial oo ka mid ah dalka Cameroon, horraantii sannadku markuu ahaa 1994-kii, wuxuu baadhitaan ku sameeyey dhowr luqadood oo ay ka mid tahay luqadda la yidhaahdo Kasabe, isaga oo daaha ka rogay in luqaddaas uu ku hadlayey hal nin oo qudha, lana yidhaahdo Bogan.
Laakiin, markale oo David Crystal uu haddana buuqasho ku tegay Cameroon dabayaaqadii 1996-kii, isaga oo rabay inuu helo xoggo dheeraad ah, waxa uu ogaaday in ninkii keliya ahaa ee ku hadli jiray luqadda Kasabe geeriyooday. Balse, walaashii oo noolayd waqtigaas mar la weydiiyey inay taqaanay luqadda walaalkeed ku hadli jiray ee Kasabe, ayaa iyana ku jawaabay; “Waan fahmaa, laakiin kuma hadli karo.”
Sheekadani waxay xasuusisay nin ku noolaan jiray magaalada Burco oo sameystay af u goonni ah oo uu keligii ku hadlo, nin kaas oo magaciisa la odhan jiray WADDE, wuxuu lahaa af kooban oo isku noqnoqda, isagana u gaar ah, ereyadiisa ay ka mid ahaa; ‘Qaarayaal, Wadhwadhlayaal, Heeliyo iyo ereyo kale oo la mid ah.’
Shaqadiisa oo ahayd xarraasidda baabuurta, ayaa waxa jiray inay asxaabtiisii ay isku shaqada ahaayeen barteen afkiisii oo ay ku wadahadli jireen, sida aan maqlay Wadde dhowaan ayuu ku geeriyooday magaalada Burco, halkaas oo afkiisaana kula dhintay.
Waa Maxay Asbaabaha Afafka u Dabar-go’aan?
Xeel-dheerayaasha afafku qodobo badan ayey u daliishadaan hoos-u-dhaca amma dhimashada afafka, iyaga oo tilmaamaya haddii qodobaddaasi muuqdaan in afkaas lagu tirinayo mid gabaabsi ah amma meesha ka sii baxaya, qodobadda ay soo qaataana waxa ka mid ah;
Luqadda oo ay ku hadlaan dad laga tiro badan yahay
Luqadda oo dadka lihi ka baqayaan ku hadalkeeda cabsi jirta aw geed
Luqadda oo da’yarteedu xiiseeyaan afafka kale amma luqadaha kale, kana khasaafaan inay ku hadlaan afkooda, iyaga oo u arka inuu dib-u-dhac ku yahay
Afka oo ay soo weeraraan afaf kale oo ka xoog waaweyni amma cidhiidhi galiya
Luqadda oo dadka ku hadlayaa aad u kooban yihiin, sida qof, laba iyo waxaan dhaamin
Asbaabahaas iyo kuwo kaleba waxa loo tiriyaa inay yihiin kuwo luqad ku keeni kara hoos-u-dhac amma geeri, tusaale ahaan luqadda ay ku hadlaan dadyowga bulshadeena ka mid ah ee laga tirada badan yahay ee la yidhaahdo COLOWE amma loogu yeedho BAAQTAN, inkasta oo weli ay jirto luqaddaas oo dadkaasi ku hadlaan, haddana waxa muuqata in aan bulshada kale war ka haynin, iyaguna inta badan aanay dibedda ula soo bixin.
Waxa kale oo waqtiyadan laga webinayaa lahjadihii lagaga hadli jiray Koonfurta Soomaaliya, sida Maymayga iyo Barawaaniga, waxaanna hoos-u-dhacaas loo aanaynayaa inay dadkii ku hadli jiray u baydheen amma ay hadhaysay luqaddan maxaad tidhi.
Haddaba, afka Soomaaliga oo xeel-dheerayaasha afafku ku tilmaamaan af aad u da’weyn, welow aanay waqti sugan isku waafaqsanayn, dhinaca kalena laysla qiray inuu yahay af hodan ku ah xagga dhaqanka iyo suugaanta, taas oo ay sheegaan inuu ka mid yahay dhowrka af ee suugaantooda loogu jecel yahay, sida Carabiga, Giriigii hore iyo soomaaliga.
Haddaba afka Soomaaliga oo waqtiyadii hore aan qoraal lahayn, wuxuu ku noolaa oo uu ku taabbo-qaaday bulshadii reer guuraaga ahayd amma xoolo-raacatada ahayd, taas oo aanay jirin luqado kale oo la wadaagayey bulshada, isaga oo gaadhay heerkiisii ugu sarreeyey, hadday tahay tix iyo tiraabba.
Waxa la odhan karaa muddo dheer ayuu ku jiray iska caabin afafka kale ah, waxaanna lagu tilmaami karaa waxyaabaha uu isku difaacayey isaga oo ka asalsanaa kuwii doolka ugu yimi, dadkii ku hadli jirayna ahaayeen dad qabweyn oo diidan afafka shisheeye, iyo iyadoo ay si gaar ah u ilaalinaysay suugaanta hodanka ah ee afkani leeyahay.
Luqadda af Soomaaligu waxa uu qoraal galay 1972-kii, waxase jiray Kacaankii waqtigaa qoray ka hor dedaalo badan oo ay sameeyeen shaqsiyaad isku dayey inay qoraan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; Sheekh Yuusuf Kaynuun, Yaasiin Cismaan Kenadiid, Muuse Gallaal iyo ninkii Ingiriiska ahaa ee la odhan jiray Prof. Andrea Weski (Guush).
Dedaalladaas oo waqtiyo kala duwan ahaa, waxa dhammaystirankoodii hirgeliyey xukuumaddii Kacaanka ahayd, waxaanna la odhan karaa waa guulaha ugu waaweyn raadadkoodii taariikheed laga hayo qorista Afka Soomaaligu, laakiin waxa kale oo jiray in isla xilliyadaa maamulkaasi sameeyey erey-bixin badan oo xagga afka ah.
Tusaale ahaan; ereyada aynu hadda ku dhaqanno oo isugu jira dhowr af oo kala jaad-jaad ah, sida Madaxweyne oo Soomaali ah, Wasiir oo Carabi ah, Badhasaab oo Hindi ah, Maayar iyo DG oo Ingiliish ah iyo magaalo oo Oromo ah.
Waqtiyadaa erey-bixinta la sameeyey wax badan ayey ka beddeleen, kuwaas oo Golihii Wasiirrada ee horreeyey ugu yeedhay Xoghayeyaal, Badhasaabkana u beddelay Guddoomiyaha Gobolka, Maayarkiina ku magacaabay Duqa Degmada, halka DG-giina ay yidhaahdeen Agaasime Guud, isla markaana waxay erey-bixin kale u sameeyeen xagga ciidammada, sida Taliye Guuud, Taliye Qaybeed, Sarreeye Gaas, Gaashaanle, Xidigleh iyo wixii la mid ah.
Haddaba xilligan aynu hadda ku jirno, waxa la odhan karaa hoos-u-dhac weyn ayaa ku yimi afka Soomaaliga, taas oo loo aanaynayo burburkii guud ee bulshada ku habsaday, waxaanad moodaa in iminka luqadaha dibedda kaga imanayaa weerar ba’an ku hayaan, siba Ingiriisiga iyo Carabiga oo weliba ay weheliso tignoolajigan casriga ah ee sida daadka ah innoogu soo jabay.
Tusaale ahaan telefoonka gacanta lagu qaataa wuxuu soo kordhiyey ilaa toban erey ku dhowwaad, sida miss call, message, silent, busy iyo ereyo kale bulshadu hadda iskala qabsatay.
Kombuyurtarka oo kale key broad, printer, flash, flash disk iyo ereyo kale.
Tv-ga waxaynu ka soo qaadan karnaa remote, receiver iyo ereyo kale.oo aan ilaa hadda loo sameynin wax erey-bixn ah
Ereyadan waxaynu u soo qaadanay tusaale, laakiin afafka aynu adeegsanaa ee keenii meesha ka saarayaa intan kuma koobna, waxanu u kala qaadi karnaa ereyada dibedda innagaga yimi laba nooc oo kala ah; qaar aynu u leenahay magacyo, laakiin aynu ka gaabinay iyo qaar u baahan in erey-bixin loo sameeyo, tusaale ahaan ereyga malqacad oo kale waxaynu u leenahay fandhaal, sixni isagana waxaynu u leenahay xeedho, sanduuq oo kalena waxaynu leenahay abxad.
Kuwa la helay erey-bixin ku habboon, balse aan afaafi waxa ka mid ah; saacadda oo la yidhaahdo goor-sheeg, muraayada oo iyana la yidhaahdaa is-kaa-tus iyo ereyo kale oo kuwaas la mid ah, laakiin xagga bulshada ka taabogeli waayey.
Su’aasha isweydiinta lehi waxa weeye, afkeenu hadduu sidan ku sii socdo muxuu ku dambeynayaa, iyada oo maanta la ogyahay in qaybo badan oo bulshadeena ka mid ahi dibedda u baxeen, lana soo noqonayaan luqadaha lagaga hadlo dalalka ay tageen.
Sidoo kale dalka gudihiisa markaad eegto waxa kuu muuqanaysa inay adag tahay xidhiidhka is-faham ee da’yarta iyo waayeelka, qodobaddaa iyo kuwo kale oo badan marka la eego, waxa muuqata inuu hoos u sii ciirayo afkii Soomaaligu, ugu dambeyna waxaan ku talin lahaa;
In maamullada jiraa iska xilsaaraan sidii afka loo kobcin lahaa. Sida jabuuti
Soomaaliland putland ismaamulka somalida itibiya iyo ismaamulka kiniya
In jaamacaddaha lagu daro kuliyad lagu barto, laguna baadho afka Soomaaliga
In aqoonyahannadu xil iska saaraan sidii ay u horumarin lahaayeen afka Soomaaliga
In hay’adaha ajaanibku gacan geystaan, iyaga oo waxyaabo badan oo kaleba isku hawla
In war
Qallinkii Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir),
Hargeisa Somaliland
E-Mail: yuusufshaacir@hotmail.com
No comments:
Post a Comment