Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Wasiirka Beeraha Ee Sucuudiga Oo Difaacay Maxjarka Berbera Iyo Shahaadada Caafimaadka Ee Uu Bixiyo
Waxa Uu Beeniyay In Go’aankii Xayiraada Lagaga Qaaday Xoolaha Soomaalidu Ahaa Mid Lagu Degdegay
Wasiirka Beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Dr.Fahad Bil-Quneem ayaa sheegay inay si buuxda ugu kalsoon yihiin shahaadadaha caafimaadka xoolaha ee uu bixiyo maxjarka Berbera ee ay maamusho shirkadda Gulf International ee fadhigeedu yahay Rasal Khayma ee dalka Imaaraadka Carabta.
Shir jaraa’id oo uu maalintii Salaasadii ku qabtay caasimada Sucuudiga ee Riyadh, wasiir Bal-Quneemi waxa uu si kulul ugu beeniyay warar uu wargeyska maxali ah oo Sucuudi ah ku daabacay toddobaadkan oo ku tilmaamay go’aankii ay Wasaaradda Beeruhu ku qaaday xayiraadii saarneyd soo gelitaanka xoolaha Soomaalida inuu ahaa mid lagu degdegay iyo in wasaaradu ay go’aankaas gaadhay iyada oo aan wefti farsamo u dirin labada Maxjar ee Berbera iyo Boosaaso, si loo soo ogaado habka ay u shaqeeyaan iyo tayada iyo kartida qalabka iyo shaqaalaha ay adeegsadaan.
Dr.Bal-Quneemi oo arrintaasi ka jawaabayaana waxa uu yidhi “Wasaaraddu waxay go’aanka qaadista xayiraada gaadhay kaddib markii ay aragtay warbixin ay soo saartay hay’ada caafimaadka xoolaha ee adduunka OIE kaddib markii ay hay’adaasi koox khubaro ah u dirtay Maxjarada Berbera iyo Boosaaso si ay u soo qiimeeyaan”.
Wasiirku waxa uu sheegay in warbixintu ay xustay in labada Maxjar ay buuxinayaan shuruudihii farsamo iyo aqooneed ee lagu xidhi jiray Maxjarada kale ee lagu baadho caafimaadka xoolaha kahor inta aanay soo gelin dalka Sucuudiga.
“cida shahaadadaha caafimaadka soo saarta ee ansixisaa waa cido rasmi ah oo aanu ku kalsoonahay shuruudihii farsamo iyo aqooneed siday ka marag kaceyso hay’ada OIE”.
Bal-Quneem waxa uu qiray in Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda TFG uu mar xukuumadda Sucuudiga ka dalbaday in aanay la macaamilin Maxjarka Berbera balse uu isla Wasiirkaasi uu soo gaadhsiiyay qoraal dambe oo go’aankiisii hore ka dhigaya waxba kama jiraan.
Ganacsadaha xoolaha ee Abu Yaasir ayaa isaga oo adeegsanaya Warbaahinta todobaadkan horaantiisii bilaabay olole uu ku faafinayo dacaayado ka dhan ah caafimaadka xoolaha dekedda Berbera looga dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaanu Wasaaradda Beeraha ee dalka Sucuudiga ku dhaliilay xayiraadii ay dhawaan ka qaaday soo gelitaanka xoolaha Soomaalida, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd talaabo lagu degdagay iyada oon marka hore la hubin in xoolaha la soo mariyo dekedaha Berbera iyo Bossaso ay ka caafimaad qabaan cudurka Rift Valley Fever iyo cudurada kale ee ku dhaca xoolaha ee khatarta ku keeni kara caafimaadka dadka cuna hilibka xoolahaas.
Abu Yaasir oo ah maalqabeen Sucuudi ah oo ka ganacsada xoolo dhoofinta waxa uu haatan gacanta ku hayaa maamulka maxjarka Djibouti waxanu in muddo ahba ku dedaalayay inuu Maxjar ka dhisto Berbera. Hase yeeshee waxa arrintaasi kula tartamay ganacsade kale oo Sucuudi ah oo magiciisa la yidhaahdo, Al-Jaabiri, kaas oo aakhirkii ku guuleystay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad fasax ah oo uu ku dhiso Maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha ka hor intaan loo dhoofin dalka Sucuudiga.
Haddaba Abu Yaasir ayaa haatan u muuqda nin ka qancay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad uu ku furto Maxjar u gaar ah, waxanu bilaabay inuu Wargeysyada Sucuudiga ku faafiyo dacaayado uu ku sheegayo in xoolaha laga soo dhoofiyo dekedda Berbera iyo Boosaaso ay dalka Sucuudiga soo galaan iyada oon la hubinin inay caafimaad qabaan iyo in kale.
Dacaayadaha Abu Yaasir ka faafiyo caafimaadka xoolaha ka dhoofa Berbera waxa u dambeeyay maqaal dheer oo arrintaas ku saabsan oo uu todobaadkan soo daabacay wargeyska Al-Riyaadh oo ka soo baxa caasimadda dalka Sucuudiga, maqaalkaas oo uu wargeysku ku dhaliilay Wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga in dalkoodu xoolo ka keensado “wadan aan la aqoonsaneyn oo gooni goosad ah, isla markaana aanu ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ahi”.
Maqaalka uu wargeyska Al Riyaadh soo bandhigay waxa uu Maxjarka Berbera ku sheegay inuu yahay mid aan dhameystirnayn oo aan laheyn imkaaniyaadkii caafimaad iyo farsamo ee loo baahnaa “ Maxjarka Berbera waxa laga dhisay magaalada Berbera dhexdeeda halkii ay ahayd in uu ka fogaado meelaha ay dadku ku nool yihiin, waana wax lala yaabo in Maxjarkaas oo ka kooban 42 xero oo qudha ku filnaado baadhitaanka caafimaadka 480 kun oo neef muddo 8 maalmood ah, sida dhacday Mawsimkii Xajka, taas oo muujinaysa in xoolaha Sucuudiga soo galay ee Berbera ka yimid ay badankoodu ahaayeen qaar aan Maxjarka la soo marin oon caafimaadkooda la baadhin”.
Warageyska Al Riyaadh ma sheegin ilaha uu macluumaadkaas ka soo xigtay.
balse waxa uu daliil uga dhigay Document uu soo daabacay oo ah warqadii caafimaadka xoolo dhoofinta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo ay Wasaaraddu ku ogolaanayso 21/11/2009 in shirkadda Gulf International ee maamusha Maxjarka ay dalka Sucuudiga u dhoofiso 6000 neef.
Al Riyaadh waxa kale oo Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga ee dalka Sucuudiga ku dhaliishay inay tixgelin waayeen warqad uu u soo qoray 21/6/2009 Wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Sheekh Shariif, taas oo uu kaga dalbanayay in dawlada Sucuudigu wixii ku saabsan xoolaha Soomaalida ee uu Sucuudigu soo waaridto ay kala soo xidhiidhaan oo keli ah xukuumadda Federaalka ah ee dhexe oo aanay kala xidhiidhin cidda gacanta ku haysa maamulada iyo Maxjarada Berbera iyo Boosaaso.
Maqaalkan oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Sucuudigu ay xayiraad cusub ku soo rogto xoolaha ay ka keensato Berbera, waxa uu inta badan ka koobnaa macluumaad ay Wargeyska siiyeen Abu Yaasir iyo nin Masriga ah oo la shaqeeya oo magiciisa la yidhaahdo Saalax Al Hindi.
Haatuf
No comments:
Post a Comment