Thursday 18 February 2016

Waxaan ku bogaadinayaa Xukuumadda ,Axsaabta iyo Shacabka Somaliland mawqifka ay iska taageen arrinka qadiyadda Somaliland, gaar ahaan Doodihii adkaa ee maalmahan dambe ina Dhexmaraayay inaga iyo dawladda dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.
Waxaanse soo jeedin lahaa qodobadan soo socda:

1. Marka ay noqoto arrimaha qadiyadda Gooni isutaaga Somaliland waa in ay noqoto mid aan gorgortan lahayn sidaynu yeelnay.
2. In luqadda aynu kula hadlaynaa ay mawqif ahaan iyo siyaasad ahaan  tahay mid adag,  balse ay ku dheehantahay asluubta diblomaasiyadeed  ee xidhiidhka caalamiga ah. Inaguna noqon mid firkanax ah
3. Bacdamaa aynu nahay laba dal oo kala madaxbanaan Xidhiidhkeena wada hadal  (channel of communication ) ee Dawladda Somalia waa inuu noqdaa WASAARADDA ARRIMAHA DEBADDA oo KELIYA.  Kolba heerka ay joogto Agaasime , afhayeenka Wasaaradda arrimaha debedda , amaba Wasiirka Arrimaha debedda marka loo baahdo

Waad mahadsantihiin

Dr. Cabdi Aw Daahir