Friday 1 October 2010

waqaf oo ka hadlay daryeel la'aanta waxbarashada

Md. Aadan Maxamed Mirre, waxa uu tilmaamay in kaalinta hoose ee ay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ay ka galeen ardayda wax ka barata dugsiyadda dawladu gacanta ku haysaa ay ka turjumayso tayo la’aanta dhinaca aqoonta ardayda, sidaas awgeedna looga baahan yahay wasaarada waxbarashada Somaliland inay kor u qaado aqoonta ardayda iyo ta macalimiinta wax baraysaba.


Md. Waqaf waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta la hadlayey arday ka qalin-jabisay Machadka Al-Azhar oo xaflad loogu qabtay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, wuxuuna xusay in ay sugayaan kaalinta ay ka galaan ardayda wax ka barata dugsiyada kala duwan ee dawlada natiijada imtixaanaadka sannadka dambe.


Md. Aadan Mirre [Wadaf] oo ugu horeyn ka hadlaya arimahan waxa uu yidhi ‘‘Imtixaanadii ugu dambeeyay ee 2009 ilaa 2010-ka oo ay iskuuladii dawladu maamulayso meel hoose kaga jireen oo dugsiyadii gaarka ahaa ayaa ka kormaray.”


Guddoomiye Aadan Maxamed Mirre Waqaf, isagoo la hadlaya xukuumada cusub waxa uu yidhi “Qolada maanta joogtaa haddii ay odhan lahaayeen tii hore (xukuumadii hore) ayaa sidaa ahayd agabkii iyo raggii ka shaqaynayay way joogaan bal sanadka soo socda ayaanu ku qiimaynaynaa tayeynta ay ku baaqeen ee ay leeyihiin waxbaanu tacliinta ka qabanaynaa oo waanu tayeynaynaa, waxaanu uga fadhinaa sannadka dambe dugsiyadaa xukuumiga ahi kaalinta ay ka galaan imtixaanaadka qaranka.”


Ugu dambayn Md. Waqaf waxa uu wasaarada waxbarashada Somaliland looga fadhiyo sidii ay u midayn lahayd Manhajka waxbarasho ee dalka, taas oo uu sheegay in ardayda dugsiyada dalka loo dhigo Manhajyo dalal kale leeyihiin, kuwaas oo uu tilmaamay in aanay fiicnayn, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu Wasaarada waxbarashada ka doonaynaa in ay manhajka dalka mideyso, waayo boqolaal manhaj oo ay leeyihiin wadamo aynaan isku dhaqan ahayn oo wax lagaga dhigo Somaliland, markaa waxaanu doonaynaa in manhajka la mideeyo oo uu noqdo manhaj ay kaantaroosho wasaarada waxbarashadu, markaa waxaan ku dardaarayaa in wasaaradu kaalintaa ka hadasho.”






Ramaasnews Desk

Xildhibaan Nac-nac Oo Sheegay In Ha’yad Samo-fal Oo Ka Mida Kuwa Dalka Qadar Ay Doonayso In Ay Somaliland Ka Dhisto Cisbitaal Lagu Daawayn Doono Caruu

Xildhibaan Nac-nac Oo Sheegay In Ha’yad Samo-fal Oo Ka Mida Kuwa Dalka Qadar Ay Doonayso In Ay Somaliland Ka Dhisto Cisbitaal Lagu Daawayn Doono Caruurta iyo Dumarka.




Hargeysa(Ramaas) Sept.30, 2010 - Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo ka mid mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo muddo labaatan maalmood ah safar ugu maqnaa dalka Qadar oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay in uu la soo kulmay hay’ad samofal oo xarunteedu tahay dalka Qadar, isla markaana doonaysa in ay Somaliland u dhisto Cusbitaal weyn oo lix dabaq ah.


Xildhibaan Nac-nac, waxa uu sheegay in hay’addan samofalka ah oo aanu magaceeda sheegin ay hore ula kulantay masuuliyiin ka tirsanaa xukuumadii hore ee Somaliland, isla-markaana ay kala hadleen dhismaha cisbitaalka, balse aanay wax war ah dib ugu soo celin, sidaas darteedna ay ka soo codsadeen in uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka caafimaadka fariin arntaas ah ka gaadhsiiyo si ay u hirgasho hawsha ay doonayaan inay dalka ka qabtaan.


Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ay ku soo dhaweeyeen Madaarka Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya safarkiisa waxa uu yidhi “Markii hore waxaan gaadhay dalka Qadar waxaanan u tagay arin gaar ah, markii dambana shaqadii qaranka wixii aan ka qaban karayay ayaan ka qabtay, dadkii reer Somaliland ee daganaa Magaalada Dooxa waxa ay shacabka, Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ii soo fareen salaan iyaga oo u soo ducaynayey, waxayna yidhaahdeen Madaxwaynaha iyo ku xigeenkaba balantii ay ummadda u qaadeen ka soo baxa, taasna way i soo fareen.


Xildhibaanku waxa kale oo uu soo qaaday “Dadka reer Somaliland ee degan dalka Qadar, waxa ay ii geeyeen muwaadin reer Qadar ah oo leh hay’ad Samofal, waxaanan ku idhi maxaad wax noogu qaban waydeen, waxayna yidhaahdeen ma idinkaa waxba na waydiistay, wixii aanu idiin dirnay (wakhtigii xukuumadii hore) sowdinkii ka soo jawaabi waayay, waxay yidhaahdeen waxaanu ku nidhi [Xukumadii hore] aanu idiin dhisno dhakhtar lix dabaq ah oo dumarka iyo carruurta ah, ardayda jaamacaduhuna wax ku bartaan oo bariga Afrikana ugu waynaada. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ku nidhi dawladii hore way iska tagtee maxaad nooga baahan tihiin noo soo bandhiga, waxayna nagu yidhaahdeen wasiirka caafimaadka qaabilsan u sheeg oo Madaxwaynaha u sheeg, si dhakhtarka qaabkiisa loo soo sawiro, wixii ku baxayana annaga ayaa bixinayna, laakiin qorshe ayaanu doonaynaa. Aniguna waxaan ku idhi diyaar ayaanu idiin nahay inaad noo dhistaan dhakhtarka iyo wixii kale ee aad noo qabanaysaan, lacagna ha noo dhiibina ee furayaasha oo kaliya noo dhiiba.”


Axmed Maxamed Diiriye, waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiintan hay’adda Samofalku ay doonayaan inay la kulmaan masuuliyiinta Somaliland, waxaanu yidhi Xildhibaanku “Markaa waxay doonayaan in wasiiradu halkaa tagaan oo u soo sheegaan waxa aynu doonayno.’



Ramaasnews Desk

Hargeisa.

Daahir Rayaale Wuxu Xidhi Jiray Salaadiinta. ee walaalayaal arinku askari la bedelay ka weyn

Daahir Rayaale Wuxu Xidhi Jiray Salaadiinta, Kornaylada Iyo Ninkasta Oo Magac Leh, Wax Qabiil Ah Oo Is Urursaday Oo Odhan Jiray Suldaan Kayagii Baad Xidhay Waa Waxaan La Arag Oo Aan Dhicin”

“Reer Boorama Haddii Ay Yidhaahdaan Nin Saajin Ah Ayaa La Badalay Oo Waanu Mudaharaadaynaa Oo Somaliland Ayaanu Ku Kacayana Maaha Saajinka La Badaly Ee Waa ………” Xildhibaan Dhugad

Hargeysa, September 29, 2010 (Haatuf) – Xildhibaan C/laahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa ugu baaqay Salaadiinta reer Boorama inay xukuumadda Siilaanyo ay ula shaqeeyaan siddii ay ula shaqayn jireen xukuumaddii ka horaysay ee Madaxweyne Rayaale.

Xildhibaan Dhugad ayaa sidoo kale khalad ku tilmaamay in Salaadiinta Boorama ay yidhaahdaan waanu mudaharaadaynaa haddii la badalay taliyihii ciidamada xeebaha galbeedka, waxaanu intaasi ku daray in dawladdii hore ee Daahir Rayaale oo muddo toban sano ah dalka ka talinaysay ay ciidamada iyo masuuliyinta qaranka ay isku bedeli jirtay, balse waxa uu arinta reer Boorama ay ka cabanayaan uu ku tilmaamay inay tahay Baroortu Ceesaanta ka weyn.

Xildhibaan Dhugad waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay Shirjaraa’id ay si wada jir ah ugu qabteen isaga iyo Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, Ugu horayn Xildhibaan Dhugad oo Shirkaasi jaraa’idna ka hadlay waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay xildhibaanadii Guurtida waxaanu maanta arkaynaa khalad dhacaya oo dad ka dhacaya oo dadkii maanta dalka u ahaa Madaxweynaha oo toban sanadood Madaxweynahay ahaa oo imika bishii Afaraad buu sii maqnaa oo ay ka muuqatay barnaamij aan hagaagsanayn oo aad u foolo xun oo aan labadii dawladood ee dalka iskaga danbeeyay mid-na u wanaagsanay Salaadiintan iyo Baarlamaankan siiba cuqaashan odayoogii ayuu ahaa anaguna waxaanu ahayn ragii la shaqayn jiray.

Daahir Rayaale wuxu xidhi jiray Saladiinta oo aan la odhan jirin Suldaan baad xidhay, wuxuu xidhi jiray kornaylada oo aan la odhan jirin kornayl-buu xidhay, wuxu xidhi jiray cid alaale iyo ciduu doono ninkasta oo magac leh wuu xidhi jiray, wax qabiil ah oo is urursaday oo odhan jiray Suldaan kayagii baad xidhay madaxdayadii baad xidhay oo yidhi Badhasaab kayagii baad xidhay waa waxaan la arag oo aan dhicin. Madaxweynihii doorashada lagaga adkaaday Salaadiinta oo dhan oo isu timid oo wax ka codsatay ayuu odhan jiray idiin yeeli maayo ee iska taga oo laga tagi jiray oo aan wax ceeb ah laga soo daba diri jirin.

Hadaba reer Boorama haddii ay yidhaahdaan nin saajin ah ayaa la badalay oo waanu mudaharaadaynaa oo Somaliland ayaanu ku kacayana maaha saajinka la badalay ee waa cudur calooshooda ku jira, maaha nin la badalay oo askari ah askaribaa la badalay waa Barootu Ceesaanta ka weyn shan iyo sideetan jir-baan ahay oo Somalilnd ayaan intaa joogay ilaa dawladdii hore ee Somalia iyadana waan la shaqaynayay, wali reer Awdal ciddi kamay dhiman askari kama dhiman maaliyadii Maxamed Siyaad Bare iyo tii ka horeysay tan dhalatay maaliyadeedii wixii oo maaliyad ahaa ayaa meesha ku degay, xoolahaa badan iyo nabadgalyadaa badan ee aan reer Awdal balaayaba arag ayaa maanta qaylo keenaya oo waxay leeyihiin waar kaligayo Somaali ka hadhi mayno halkay Soomaali martay ha nala mariyo oo hana la laayo oo waxay raadsanayaa halkay Somaali martay, waxaan leeyahay niman yahaw walalayaal maanta waxaad ku cabataan ma aragno waxaanu leenahay maanta waxa ala iyo waxaad sheegataan garan mayno saajin baa la badalay boroortu ceesanta ka weyn saajinka la badalay haddii uu weyn yahay mid aad ilmaadeer tihiin uunbaa lagu badalay Somaali kale ba laguuma keenin meel kale lagaagama keenin maalinkaa maanta ah ee ayanu joognana dawladdii aad idinku gacanta ku hayseen ee aan waxba la idiin odhan jirin saddex bilood bay sii maqnayd miydaan afartan baxa la sugayn, ha ahaato tan madaxweyne-ku xigeen baad leedihiin inuu dhaxlana waa laga yaabaa, waxaanu idiin leenahay maanta waxaanu idiin ka baryaynaa inaad dalka xaal siisaan in aad ka noqotaan arintaa maanta aad ku joogtaan ee foosha xun inaad ka noqotaan ayaanu idinka baryaynaa”.

Intaa ka dib waxa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, kaas oo sheegay in salaadiin ahaan ay la shaqaynayeen isla markaana ay difaacayeen xukuumaddii Rayaaale sideedii sano ee ay xilka hayeen, loogana baahan yahay Salaadiinta Boorama inay la shaqeeyaan xukuumadda Siilaanyo.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo halkaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Horta Saladiintu waa heer qaran qarankay matalaan, anagu qaran baanu nahay marka kowaad dawladan Somaliland marxaalado badan bay soo martay meel dheer baynu ka soo bilawnay. Horta dalka waxa inagaga tagey C/raxamaan Axmed Cali (Tuur) ilaahay ha u naxariiste, Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin intaas oo madaxweyene ayaa isbadashay waxaana keentay Dimuquraadiyada, nidaamka iyo qaabka ay maalin-ba marayso heerka ay marayso aan marayno, anagu intaa-ba Suldaan baanu u ahayn intaa markaan ka gudbo, waxaan doonaya Saladiintan reer Boorama ee hadashay laba Suldaan oo qiimo badan weeye Saladiintuna dhaqan iyo karaamo ayey leedahay cay ma gayaan aflagaadona ma gayaan, laakiin waxaan doonayaa marxaalada Saladiinta marxalada bay Saladiintu leedahay siyaasigu marxaladbu leeyahay xildhibaanku marxalada bu leeyahay caaqilku maxralada buu leehay odayaasha dhaqanku marxalad bay leeyihiin, horta dee inay u soo horeeyan bay leedahay afar kalmadood oo koob kooban ayaa odhanayaa. Anigu Saladiin ahaan xaqiiqda marka loo dhabo galo markaan dariiqa marayo waxa layigu yidhaahda waa Suldaankii dawladdii hore taageeri jiray qofku inuu hadalkiisa la badheedhaa wanaagsan cay badan-baa iga soo gaadhay waa guul wade UDUB-buu u shaqeeyaa aflagaado badan- baa iga soo gaadhay uu maan shaqaynay anugu UDUB shakhsi ahaan laakiin waxaan u shaqaynayay qaranka in nabadagalyo lagu wada noolado beelaha reer Somaliland-na gacmaha is qabsadaan inay wada socdaan inay wada noolaadaan, afar iyo toban sano ayaa Gobolka Awdal madaxweynuhu ka soo jeeday oo aan ku ilaalinaynay oo aan gaadh kagaga haynay laba eray waa nusqaan waxaan leeyahay Gobalku Somalinad xaal ha siiyo. Erayga kowaad waxa weeyaan isagoo madaxweyne Rayaale ka sii maqnaa laba cisho madaxtooyada oo waxay la soo baxeen calankii buluuga ahaa ee Somalia oo ay ku mudaharadeen Somaliland nusqaan bay ku tahay Somaliland-na kama gayaan taa waxaan leeyahay xaal ha ka siiyeen ummada reer Somalind. Ta labaad waxa weeyan dawladan waa la doortay shacbibaa doortay si fiica-baa loo doortay maamul-baa la badalay madaxweynihii dalka joogay-baa ka tagey wasiiradii ayaa la badalay, Badhasabadii ayaa la badalay, guddoomiyayaashii ayaa la badalay ummadii oo dhan ayaa la badalay in nin masuul ah oo taliye ah oo la badalay in Salaadiin dhami ay ka hadasho waxaan leeyahay haka noqdaan Saladiinta eraygaa anagu beeshan aan ka soo jeedo Suldaan Xiiray ahaan ee bariga Hargeysa waxa laga badalay sagaal wasiir iskadaa kuwa kale hadaan maalintii shir jaraa’id qabto oo aan idhaahdo siddee loo badalayaa sagaalka wasiir Somaliland waxa weeyan si kale ayey u arki la hayd artintaa waxaan leeyahay Salaadintu haka naqoto dawladana ha lala shaqeeyo laba bilood bay taagnayd oo curdun weeye hala kobciyo si wanaag-sana ha loola shaqeeyo meel aynu u kacnaana ma jirto maamulkana madaxweynaha ha loo daayo isagaa u madaxbanaane shacabka reer Somalind waxaan u soo jeedinaya ciidamada amaanka-na halala shaqeeyo dalkana waa curdin ummada oo dhan ayaa in eegaysa shacabka-na waxan leeyahay nabada halag wada shaqeeyo Saladiintana waxaan leeyahay waar siddeed sanadood ayaan difaacaynay in Rayaale oo aan gaadh ka haynay oo la shaqaynaynay oo aanu toosinaynay waxaan idiin leeyahay maamul ayaa la badalay maamulka joogana halala shaqeeyo”.