Wednesday 28 April 2010

komishanka doorashooyinka oo ka hadlay natiijadii codbixiyayaasha ee diiwaangalintii dalka ka qabsoontay

Shir jaraai'd oo ay maanta qabteen Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka hadlay wixii ka soo baxay natiijada codbixiyayaasha ee Diiwaangalintii dalka ka qabsoontay.

Afhayeenka komishanka Doorashooyinka Maxamed Xirsi Geele oo halkaa ka hadaly ayaa sheegayin ay goosteen in Doorasho la galo horta, Su'aal baanu isweydiinay Liiska inoo soo baxay imika ee aynu hayno ma ku gali karnaa Doorasho, oo midaynu Ummadeena u sheegi karno oo aynu odhan karno liiskaasi waa liis hagaagsanoo waynu ku gali karnaa ma yahay waxaanu isla qaadanay khalad waa ku jiraa, khaladkana lama heli karo wax boqolkiiba boqol ah 100% sax ah.

Markaanu isku celcelino tirada ay ahayd liisku oo inta badan dadku ay isweydiiyaan inkastoo tii kama danbaysta ah ahayn markaanu toddobaatan kun ka saaray ( 70,000), sideetana ay ku soo kordheen ( 80,000) tiradii halkii uun bay taagnaanaysaa laakiin macnaheedu maaha waxba lama qaban., oo waxa la qabtay boqol kun oo qof ( 100,000) oo kombuyuutarku ka saaray iyo toddobaatan ku oo qof ( 70,000) oo lagaga saaray gacanta iyo Isha.

waxaanu go'aansanay inaanaan dadka dib ugu celinin xaaladii uu soo maray September 2009 kii ee isku-dhaca keentay ee Liis Diiwaangalineed halagu galo iyo Diiwaangalin la'aan halagu galo la isku qabsaday ee aad ogaydeen ee dad ku baxeen ee dhiig ku daatay, Liis fiicanbaa inoo soo baxay oo boqolkiiba Sagaashan 90% aynu odhan karno sax buu yahay haduu khalad ku jiro ugu badnaan 10% baa ku jiraya inkastooy inta badana meelaha qaarkood ka yar yihiin.

Waxaynu ognahay markii anaga la'na magacaabay Komishan ahaan waxaanu ku nimi xaalad adkayd oo tafaasiisheeda aynaan ku noqon Karin Waxa jiray Heshiis Sadexda Xisbi Qaran ay wada galeen ooy Bulshada Caalamkuna qayb ka ahayd oo ahaa in Komishan cusub la sameeyo, in Doorashada soo socota lagu galo Diiwaangalin, in Serverkii xumaaday ee ciladu gashay loo soo kireeyo khubaro caalami ah oo baadha oo eegta oo sifaysa inta la sifayn karayo, kadib marka ay sifeeyaan wakhtiga ay dhameeyaana Komishanku ku go'aan qaato wakhtiga Doorashada iyo nidaamku dhacayaan.

Sifaynta markaan u soo noqdo waxaanu u qorshaynay afar marxaladood inuu maro, midi waxay ahayd mid Kombuyuutarka lagu sifaynayo oo elektaroonikali kombuyuutarku isagu qabto wixii ku celceliyay ama khalad ah, midna waxay ahayd in kombuyuutarka iyo isha aadamiga la isku daro oo lagu qabto wixii kombuyuutarku garan waayo, midna waxay ahayd in kaadhadh cusub la soo sameeyo oo deedna liiska inoo soo baxa ee intaynu sifayno loo soo bandhigo.

Komishanka Doorashooyinku waxa ay intaa ku dareem in Doorashada Madaxtooyadu dhacayso inta lagu guddo jiro bisha June isla markaana ay maalmaha soo socda soo bandhigi doonaan Kaadhadhkii cusbaa ee loogu talogalay in loo qaybiyo dadka doorashada ka qayb qaadan doona.

Ummadda waxa aanu u sheegaynaa in hawshii servarku naga dhamaatay meel dambe oo lagaga noqdaana aanay hadhin, waxa keliya oo hadhay waa in la laalo intaa la hayo ayaa doorashada lagu gelayaa, kaadhadhkii cusbaana usbuuca ugu horeeya bisha may ayaanu sugaynaa, usbuuca labaadna waanu qaybinaynaa, markaa qof kasta waxa aanu ka codsanaynaa in uu kaadhkiisa qaato oo aanu cid kale u soo dirsan.

Tuesday 27 April 2010

fuaad cumar iyo hees cusub 2010

Warbaahinta Somaliland oo Qallinka ku Duugay Xeerka Anshaxa Saxaafadda ee Xiliga Doorashadda

Warbaahinta Somaliland oo Qallinka ku Duugay Xeerka Anshaxa Saxaafadda ee Xiliga Doorashadda
Monday, 26 April 2010
Hargeysa (Togdhnews)- Qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland, ayaa shalay saxeexay xeerka anshaxa Saxaafaddu ku dhaqmay






mudada lagu guddo jiro arrimaha la xidhiidha doorashada madaxtooyadda Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo bisha June ee sannadka 2010.

Xaflada lagu saxeexay xeerka anshaxa saaxaafadda ee wakhtiga doorashadda oo lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaaladii Hargeysa oo labadii maalmood ee u dambeeyey ay saxaafaddu ku lahayd kulan lagaga arrinsanayey xeerkan, waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Md. Ciise Yuusuf X.Maxamed, wasiirka warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir, Wasiir-ku Xigeenka Wasaarada caafimaadka iyo shaqada Md. Mahdi Cismaan Buuri, Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), Agaasimaha fulinta ee Akaadamiga nabada iyo horumarinta iyo Wakiilo ka kala socday sadexda xisbi qaran.

Xeerka anshaxa ee shalay la saxeexay oo qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka reebaya baahinta waxkasta oo muran iyo khalkhal ku keenaya habsami u socodka hawlaha doorashadda iyo guud ahaanba xasiloonida Somaliland, waxa munaasibadii lagu saxeexayey hadalo ka jeediyey wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta ku ammaanay xeerka anshaxa doorashadda ee ay samaysteen, isaga oo kula dardaarmay in ku dhaqankiisa iyo meel marintiisana la hirgeliyo.



“Waxa faraxad weyn ii ah tababarkan xidhitaankiisa inaan idin kala soo qeyb galo waxa kale oo farxad ii ah haddii aad tidhaahdeen wixii idinka (Saxaafada) dhexdiina yaalay iyo wixii dhexdeena yaalayba waanu tuurnay waxa mahad weyn leh Komishanka doorashooyinka iyo Haayadaha kale ee la soo qaban qaabiyay tababarkan,” ayuu yidhi; wasiirku.

Md. Axmed Xaaji Daahir oo si gaar ah ula hadlayey asxaabta qaranka waxa uu yidhi; “Xisbiyada waxaan leeyahay waxaad ku andacootaan xukuumaddu fursad nagama siiso Warbaahinta Qaranka,waxaan leeyahay waxba yaan Aarintaasi lagu marmarsoon ee maantaba waa taas la saxeexay xeerkii anshaxa saxaafadda Anaguna (Wasaarada Warfaafinta) inaanu oofino ayaannu balan qaadaynaa oo wakhtigiina idin siino. Idinkuna ku casuuma Weriyeyaasha ka hawl gala Saxaafada qaranka meelaha aad wax ku qabanaysaan.”

“Wasiirka Warfaafinta haddii aan ahay waxaan balan qaadayaa inaanu idin siino wakhti la mid ah xisbiga kale ee aad tuhmaysaan, waxaynu dhammaanteed rajaynaynaa inay inoo qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi, waxaan rajaynayaa sidaasi ay Saxaafadii u heshiisay ee loo saxeexay Xeerka Anshaxa Saxaafada in xisbiyada qarankuna ay u hashiiyaan.”

Guddoomiyaha Dallada Midowga Saxaafada ee USJ, Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xidhitaankii tababarkaasi ayaa u mahad celiyay Haayadihii tababarkan fulinayay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa Komishanka doorashooyinka, Cabdiraxmaan Guulleed oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Haayada Interpeace iyo Akaadamiga nabada iyo Horumarinta Somaliland kuwaasi oo soo qaban qaabiyay kulankan ay Saxaafadu ku heshiisay waxaynu ku saaxiibaynaa in sidii aynu meel wanaagsan uga istaagi lahayn marxalada xasaasiga ah ee dalkeena ku soo fool leh ee doorashooyinka waxaynu ku heshiinay oo axdhaxda Xeerka Anshuxuna dhigayaa inaan Saxaafadu aanay door khaldan ka ciyaarin arrimaha doorashada waxaynu ku heshiinay inaynu tixgelino dalka ee aynaan tix gelin Asxaabta iyo dawlada waxaana xeerkan oday noogu noqonaya Komishanka doorashooyinka.”

Cabdillaahi Cukuse oo la hadlayay Wasiirka Warfaafinta wuxuu yidhi “Waxaanu u mahad naqaynaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo na cafiyay khilaafkii yaraa ee dhawaan jiray, Anaguna raali ayaanu maanta ka nahay oo odaynimadiisa ayaanu dabo galaynaa.”

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad naqay Suxufiyiintii tababarkaasi ka qeyb galay iyo masuuliyiinta Saxaafada ee qalinka ku duugay xeerka anshaxa saxaafada ee xiliga doorashada.

Afhayeenku wuxuu sheegay inuu rajaynayo inay ku dhawaaqaan Guddida dabo-galka Xeerka Anshaxa Saxaafada sida la iskula meel dhigay tababarkaasi.

Afhayeenka Komishanku wuxuu ammaan balaadhan u soo jeediyay Warbaahinta dalka oo uu xusay inay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen shirarkii nabadeynta Beelaha Somaliland ee horraantii Sagaashameeyaddii. Waxaanu u soo jeediyay inay doorkaasi mid la mid ah xiligan ka qaataan doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

Daahir Rayaale kaahin, ayaa waxuu maanta xafiiskiisa kula kulmay madaxweynaha ethiopia mr. Girma Wolde-giorgis


Warsaxaafadeed, Weftiga Madaxweynaha Addis Ababa, Ethiopia.






Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee booqashada ku joogay Dalka Ethiopia caasimaddiisa Addis Ababa, ayaa waxay maanta xafiiskiisa kula kulmeen Madaxweynaha Dawaladda Federaalka ee Ethiopia, Mr. Girma Wolde-Giorgis, halkaasi oo ay labada Madaxweyne isaga waraysteen xaaladda Guud ahaan Gobolkan iyo ta labada dal ee jaarka ah Ethiopia iyo Somaliland, kullankaasi oo ahaa mid aad u heersarreeya, jaw wanaagsan oo farxadeedna la isku qaabilay, wuxuu ku soo gaba gaboobay is afgarad iyo jawi aad u wanaagsan.









Madaxweynaha JSL,waxa ku weheliyey kullankaasi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Waasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane Cali Maxamuud Axmed ( Sandulle), Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali Cumar Maxamuud, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL iyo ku Xiggeenka Wakiilka Somaliland ee Ethiopia, Mudane, Ayaanle Salaad”.





Allaa Mahad Leh







Axmed Maxamed Ciise

Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL

faysal cali waraabe oo balan ku qaaday in lala dagaalami doono udub haday waqtiga doorashada ishortaagto

Guddoomiyaha UCID oo ugu Hanjabay Xukuumadda iyo UDUB in Dhagax Lagu Dili Doono Hadday ka Horyimaaddaan Waqtiga Doorashada loo Cayimay
“qof fashilmay oo tunka la soo qabtay inuu ka hadlo hawlaha doorashada ma aha”


“Hadallada warbaahinta laga baahiyo ee lagu leeyahay waa lagu degdegay waqtiga loo qabtay doorashada waxaannu u aragnaa inay yihiin kuwo UDUB hoos u leedahay ee ha u soo ban-baxdo hadday leedahay dib ha naloogu dhigo doorashada, laakiin maaha in ay dadka qaarkii ka dhex hadasho sidii jinkii dadka gelayey”


“Ballan waxaan ugu qaadayaa in dhagax lagu dili doono hadday UDUB sidaa u hadasho, waayo in badan bay doorashadu dib u dhacday, markaa inay UDUB dadka ka dhex hadasho oo ay dhegta u saarto aqbali mayno, dadkaa hadlayana waxaannu qabnaa in UDUB iyo Madaxtooyadu ka dambeeyaan”

Faysal Cali-waraabe

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallo ka soo yeedhay guddoomiyaha Komishankii Doorashooyinka ee hore Mr. Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), kaasoo sheegay in uu cidhiidhi yahay waqtiga Guddiga Doorashooyinka Qaranku u muddeeyeen qabsoomidda doorashada Madaxtooyada Somaliland, hadalkaas oo uu ku tilmaamay mid muujinaya inuu ka xun yahay doorasho dalka ka qabsoonto.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta xisbigiisa ee magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda UDUB ugu hanjabay in dhagax lagu dili doono haddii ay ka horyimaaddaan xilliga Komishanka Doorashooyinku u qoondeeyey qabashada doorashada madaxtooyada.

Guddoomiyaha UCID waxa uu farta ku fiiqay oo uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB inay maalmihii u dambeeyeen soo abaabulayeen dad warbaahinta dawladdu maamusho kaga celcelinay hadallo ay ku sheegayaan in Komishanku ku degdegeen waqtiga qabsoomidda doorashada loo muddeeyey bisha June ee sannadkan.

“Komishanka Doorashooyinku wuu na tusay shaqada uu qabtay ee la xidhiidha kaadhadhka cusub ee la sameeyey iyo qaabka loo beddelayo. Arrintaas saddexda xisbi qaranba way aqbaleen, annagoo qoslayna ayaanuna ka soo baxnay.

Doorashada waxaannu filaynay inay June ka soo horreyso, haseyeeshee waxa keenay dib-u-dhaca shaqo 80% guul laga gaadhay ayaa la galay, waana shaqadii Komishanka.

Hadda waxaan arkayaa in dad aan shaqo ku lahayn hawlaha doorashooyinka oo leh waa lagu degdegay waqtiga Komishanku sheegeen, marka hore waxaan leeyahay markay doorasho timaad Komishanka ayaa ka masuul ah, hawl fiicanna way qabteen; waad mahadsan tihiin mooyee maaha inuu kolba nin laga dhex hadlayaa wax aan jirin ku hadlo.”

Eng. Faysal Cali-waraabe oo si gaar ah ula hadlayey Jaamac Sweden iyo dad uu sheegay in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB u soo abaabulaan fashilinta doorashada waxa uu yidhi; “Had iyo jeer marka qof wax la weydiinayo ee arrin lagu jiro waxa wax la weydiiyaa qof khibrad leh, hawl wanaagsanna soo qabtay, guulna soo gaadhay, laakiin qof fashilmay oo tunka la soo qabtay in uu ka hadlo hawlaha doorashada ma aha, balse had iyo jeer dadkeennu waxay jecel yihiin marka uu shaqo ku saaqido inuu doono in dadka oo dhan wada saaqidaan, waxaanan leeyahay nimankaas Komishankani saaqidi maayo, aad iyo aad baanuna ugu kalsoonahay, qoladaa saaqidayna waxaan leeyahay iska aamusa.

Komishankani way aflaxayaan, kalsoonida asxaabtana way haystaan. Hadallada warbaahinta laga baahiyo ee lagu leeyahay waa lagu degdegay waqtiga loo qabtay doorashada waxaannu u aragnaa inay yihiin kuwo UDUB hoos u leedahay ee ha u soo ban-baxdo hadday leedahay dib ha naloogu dhigo doorashada, laakiin maaha in ay dadka qaarkii ka dhex hadasho sidii jinkii dadka gelayey. Ballan waxaan ugu qaadayaa in dhagax lagu dili doono hadday UDUB sidaa u hadasho, waayo in badan bay doorashadu dib u dhacday, dalkeenuna wuu rahman yahay, waxa la innagu xidhay doorasho qabta, markaa inay UDUB dadka ka dhex hadasho oo ay dhegta u saarto aqbali mayno, dadkaa hadlayana waxaannu qabnaa in UDUB iyo Madaxtooyadu ka dambeeyaan.”

Waxa kaloo Guddoomiyaha xisbiga UCID shirkiisa jaraa’id kaga hadlay khasaaraha ka dhashay roob duufaan watay oo khasaare ballaadhan oo isugu jira dhimasho iyo boqollaal qoys oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo uu ka dumiyey guryihii ay ku noolaayeen, isagoo xukuumadda Madaxweyne Rayaale-na ku eedeeyey inay ku fashilantay gurmadkii looga baahnaa ee wax-ka-qabashada masiibadaas.

“Dadkeennii waad aragtaan maanta khasaaraha ballaadhan ee ku dhacay, xukuumadda talada haysaana tamar-darraanteeda xataa tacsi geyn kari mayso oo daaniye iyo diir bay noqdeen. 8 sannadood dadka xukunka hayey ee maanta leh waa lagu degdegay xilliga doorashada annagu garan mayno waxa uu u jeedo ee malaha wadkiisii baa meesha yaal oo waxay doonayaan in aanay si nabadgelyo ah dalka u dhaafin, maantana beesha caalamka iyo bulshada Somaliland-ba heegan bay ugu jiraan sidii doorashadu innoogu qabsoomi lahayd nabadgelyo waqtiga Komishanku u qabteen.”




Jamhuuriya Online

axmed siilaanyo oo balanqaaday in ay taageerayaan dadkii roobabku wax yeeleeyeen

Axmed Sillaanyo Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Taageero Ka Geysan Doonaan Dadkii Khasaaraha Roobabku Ku Habsadeen Iyo Qiimaynta Xadiga Masiibaddu Gaadhsiisan Tahay

2490 Qof Oo Hoy La’aani Ku Dhacday + 415 Qoys Oo Barakacay + 458 Guri Oo Burburay

“Waxanu Ku Baaqaynaa In Gurmad Deg Dega Lala Gaadho Dadka Dibada Wadhan Ee Banaananada U Yaala Roobka Iyo Dabeylaha"

Hargeysa,April, 25, 2010 (Haatuf) - Roobabkii laxaadka lahaa ee maalintii doraad ka da’ay Caasimada dalka ee Hargeysa ayaa waxa uu wargeyska Haatuf uu qiimayn ku soo sameeyay khasaaraha dhimashada, dhaawaca iyo burburka guryaha ka soo gaadhay roobabkaasi doraad ka da’ayay caasimada Hargeysa muddada afarta saacadood ah.

Dadka ku dhintay roobabkaasi ayaa tiradooda guud tahay 7 qof, halka dad tiradoodu gaadhayso 12 qofna ku dhaawacmeen.

Sidoo kale khasaaraha burburka guryaha daaraha soo gaadhay ayaa iyaguna ah 210 guryo daaro ah oo isugu jira kuwo dumay iyo kuwo dabayluhu jiingada sare ka qaadeen.

Guryaha jiingadaha ee burburku soo gaadhay ayaa iyagana ah 50 guri, halka guryaha aqal Soomaaliga khasaaruhu soo gaadhayna yihiin ugu yaraan 198 buul.

Meheradaha ganacsiga ee iyagana khasaaruhu soo gaadhay ayaa lagu qiyaasay 48 aqal.

Tirada guud ee qoysaska ku barakacay roobabkaasi caasimada ka da’ay ayaa gaadhaya 415 qoys, halka tirada guud ee dadka hoy la’aantu ku dhacdayna yihiin 2490.

dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar sare, taageerayaal iyo xildhibaanada wakiilada ee ka soo jeeda Kulmiye oo shalay kormeer ku soo maray degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee khasaaraha culusi ka soo gaadhay roobabkii doraad ka da’ay caasimada Hargeysa oo soo maray dadweynihii ku baro kacay deegaanadaasi ayaa isagu shaaca ka qaaday in xisbi ahaan ay ka qayb qaadanayaan taakulo iyo mucaawino loo fidiyo dadkaa dhibaatadu soo gaadhay, isagoo intaa ku daray baaq uu u jeediyay dawlada, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada iyo shacbiga Somaliland-ba in gurmad deg dega lala gaadho qoysaska boqolaalka kor u dhaafay ee guryahoodii ku burbureen roobabkii laxaadka lahaa ee da’ay.

Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo iyo xubnahan la socday oo socdaal ku soo maray xaafadaha Siinaay, Maxamed Mooge iyo Oktoobar iyo xaafada Calaamadaha oo ka tirsan degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ee khasaaraha culusi soo gaadhay.

Axmed Siilaanyo oo saxaafada uga waramaya socdaalkooda ay ku soo mareen degmooyinkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan soo maray degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe oo xaafado ka tirsan uu shalay roob xoogan badani waxyeelooyin soo gaadhsiiyay, waxaanan ahayn masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye.Runtii waxa uu ahaa roob iyo dabayl khasaare laxaad leh soo gaadhsiisay deegaamadaas, waxaana ku baro kacay dad aad u badan, waxaanan marka ugu horaysay eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay roobabkaas dabaylaha watay, waxaanan leeyahay ilaahay iyagana naxariistee janno ha ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.Waxa aan ugu baaqaynaa dhamaan dadka reer Somaliland, ganacstada, dawlada, hay’adaha madaxa banaan in gurmad degdeg ah lala gaadho dadkaas dibada wadhan ee iminka banaanka u yaala roobka iyo dabaylaha, anagu ka xisbi ahaan haddii uu eebe yidhaahdo gacan ayaanu ka geysan doonaa, si deg-deg ahna haddii uu alle yidhaahdo waanu uga qayb geli doonaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo isna ka hadlay ayaa sheegay in ay dad aad u tiro badani ay ku baro kaceen roobkii ka da’ay magaalada Hargeysa isla markaana ay hada si habaqlo ah u daadsan yihiin banaanka.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland, ganacsatada, qurbo jooga iyo xukuumada in ay taageero la soo gaadhaan dadkaas oo buu yidhi aan maanta haysanin wax ay ka galaan bacadka iyo dhibica roobka.

Geesta kale guddoomiyaha ololaha Gobolada Galbeedka ee xisbiga Kulmiye Mr. Baashe Cabdi Gaboobe oo isna halkaa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay ayaa ilaahay uga baryay dadkii uu khasaaruhu ka soo gaadhay roobkii shalay ka da’ay magaalada Hargeysa in uu cawil naq khayr qaba ugu bedelo.

Khasaare laxaad leh ayaa shalay ka soo gaadhay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe, waxaana inta la og yahay ku dhintay todoba qof, halka ay hanti laxaad lehna uu khasaare ka soo gaadhay.

Ilhaan maxamed Jaamac oo ka qaybgaleysa shir caalami ah oo ka dhacaaya washington oo uu ka qaybgalaayo madaxweyne obama

Maraykanka oo ka hadlay Haweenay u dhalatay Somaliland oo ka qayb-galaysa Shir dalkooda ka dhacaya
April 26th, 2010 Comments Off

Washington D.C (Somaliland.Org)- Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka ayaa ka hadashay laba haween Soomaali ah oo mid ka mid ahi u dhalatay Somaliland, kuwaas oo ka qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo uu ka qayb-galayo Madaxweynaha Maraykanku.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya, qaybta xidhiidhka Soomaalida oo nuqul ka ka mid ahi Somaliland.Org soo gaadhay, Shirweyne caalami ah oo la xidhiidha arrimaha Ganacsiga iyo Islaamka, isla markaana ay ka qayb-galayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Maraykanka, ayaa dadka ka qayb-galaya wax aka mid ah Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Haweenay u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland, xubin sarena ka ah Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.

Warsaxaafadeedkaas oo Afka Ingiriisiga ku qornaa, isla markaana Somaliland.Org idiin soo turjumay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxweyne Obama oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka socda Wasaaradda khaarajiga iyo Wasaaradda Ganacsiga, ayaa ka qayb gali doona Shirweyne Ganacsi oo ka dhacaya Dhismaha Ronald Reagen ee Washington D.C. kaas oo soconaya 26 April ilaa 27 April. Ganacsato ka kala socota in ka badan 50 Dal oo u badan Muslimiin, ayaa aqbalay marti-qaad uu Madaxweynaha Maraykanku u fidiyay oo la xidhidha ganacsiga iyo in la wadaago dejinta Ganacsi cusub oo bulshooyinka ay ka kala yimaadeen ah.

Shirkan ayaa daba socda Khudbad uu Madaxweyne Obama u jeediyay Dunida muslimka oo uu ka jeediyay Magaalada Qaahira ee dalka Masar 4 June 2009, taas oo uu ku ballan-qaaday in uu qaban doono Shirweyne Ganacsi, si loo xaqiijiyo sida aynu u xoojin karno xidhiidhada ka dhaxeeya hoggaamiyayaasha Ganacsiga, Ururada iyo Ganacsatada Bulshada ee Maraykanka iyo Dunida Muslimka.

Ilaa 250 qof oo kala aaminsan Diimo kala duwan, ayaa la filayaa inay kulankan ka qayb galaan. Kuwaas oo ka kala imanaya, Afrika, Bariga dhexe, Koonfurta, badhtamaha iyo koonfur-bari Eeshiya iyo Bulsho Muslimiin ah oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanku.

Laba Soomaali ah oo kala ah, Nasra Weheliye Macallin iyo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa ka mid noqon doona Weftiga ka qayb geli doona Kulankan.

Taariikhda Ilhaan Maxamed Jaamac oo kooban:

Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Agaasimaha Shirkadda Dhoofinta Ismaaciil….Sidoo kale, Ilhaan waxay taageero firfircoon u tahay Xisbiga KULMIYE, kaas oo ujeedadiisu tahay in uu Somaliland ka aasaaso wakhti cusub oo Nabadeed, Dimuqraadiyadeed iyo horumarineed. Inkasta oo aanay jago rasmi ah ka qaban Xisbiga, haddana Ilhaan waxay hogaamiye ka tahay Ololaha lagu doonayo in Xisbiga KULMIYE ku qabto talada Somaliland Doorashooyinka soo socda. Ilhaan waxay Shahadada Digriiga ee Sayniska ka qaadatay Jaamacadda Thiele ee gobolka Pennsylvania.”

Dhinaca kale, waxa iyana taariikhdeeda laga waramay Nasra Weheliye Macallin oo ka mid ah labada qof ee Soomaalida ah ee ka qayb galay kulankaas.

Sunday 25 April 2010

barnaamijka isbeddelka siyaasi ee kulmiye

KULMIYE Party HOME Barnaamijka Musharixiinta Taariikhda Xisbiga Warar Daawo Fiidiyow Caawi Xisbiga Entries (RSS)
Comments (RSS)
Search for: Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye Ee Doorashada Madaxtooyada
April 23rd, 2010 in Kulmiye_party leave a response





Page 2

TUSMO

Hordhac……………………………………………………. 2–3

Fariinta Guddomiyaha …………………………… 4-7

Himilada Xisbiga Kulmiye ……………………………. 10

Taabbo-gelinta Xukun- wanaagga Dalka ……11-16

Dib-u-habeynta Garsoorka

iyo Cadaaladda ……………………………………….17-19

Horumarinta Shaqaalaha Dawlada……………..19-20

Difaaca iyo Sugidda Ammaanka Qaranka …..21-24

Horumarinta Waxbarashada

Asaasiga ah iyo Tacliinta Sare …………………..25-28

Daryeelka Cafimaadka Bulshada ……………29-31

Horumarinta Dhallinyarada …………………..31-33

Kobcinta Dhaqaalaha iyo

la Dagaalanka Saboolnimada ……………………33-40

Siyaasadda Dibedda…………………………………40-42

Siyaasadda Xisbiga ee

Dadka la Hayb-Sooco ………………………………42-44

Arrimaha Haweenka ………………………………..44-45

Qurbajoogga ………………………………………….46-47

Daweynta iyo Daryeelidda Naafada

Jidh ahaaneed iyo Maskax ahaaneed………………47

Kobcinta Hiddaha iyo Dhaqanka …………………….48

Diiwaanka Qaranka…………………………………..…..48

Lifaaq…………………………………………………..……..49

Xogo ku saabsan Musuq-maasuqa

Maamulka Riyaale u geystay Somaliland…….49-54

Page 3

I. Hordhac

Barnaamijkan Kulmiye waa mid si cad oo bayaan

ah u qeexaya jidkii loo mari lahaa badbaadinta iyo

soo nooleynta Somaliland, waa jidkii aynnu nolosha

iyo barwaaqada iyo xukun wanaagga u mari laheyn.

Somaliland waa dal weyn oo kheyraad dabiici ah

Eebbe ku maneystay (noocyo badan oo macdan

ah, shidaal iwm), lamana manaafacaadsan oo waa

laga gaajeysan yahay. Waxa taas sabab u ah

hoggaanka ayaa ka xumaadey dalka, dariiqii saxa

ahaa, ee horumar iyo barwaaqo lagu gaadhi lahaa

ayaa laga leexiyey dalka.

Haddaba, haddii aannu nahay Xisbiga Kulmiye waxa

naga go’an haddii Eebbe hoggaaminta talada dalka

nagu guuleeyo, inaannu dalka u horseedno dariiqii

saxa ahaa ee lagu gaadhi lahaa aqoonsi iyo

horumar taabbogal ah.

Barnaamijka halkan Xisbigu dadaweynaha ugu soo

bandhigayaana waa mid dhameystiran oo ku

saleysan baahiyaha horumar,siyasadeed iyo bulsho

ee Somaliland oo ah ka tarjumaha himilooyinka

shicib weynaha reer Somaliland.

Barnaamijkani waxa uu kaga gedisan yahey

barnaamjyada xisbiyada kale, kani waa mid laga salgaadhi

karo (achievable), oo la fulin karo (do-able),

waa mid macquul ah oo aan hawaawi ku fadhiyin,

(realistic), waana barnaamij la qiimeyn karo oo la

Page 4

cabiri karo hadhaw, inta qabsoontey iyo intaan

qabsoomin (measurable).

Barnaamijkani waxa uu u habeysan yahay sida

hawlahu u kale mudan yihiin ee ay u kale horeeyaan

xagga fulinta barnaamijka.

Siyaasadda kulmiye waa mid nabadeed wax weyn

ka tari doonta nabad-ku-wada-nolaanshaha

dadkeena iyo dadyawga dalalka Geeska Afrika.

Qaybta siyaasadda arrimaha debedda ee Xisbiga

Kulmiye waxay daah-fureysaa xidhiidh cusub oo

deris wanaag iyo iskaashi dalalka aynu jaarka la

nahay. Waxa ay qeyb mug leh ka qaadaneysa

daminta colaadaha ka jira hareeraheena.

M/Weyne Daahir Riyaale iyo maamulkiisa fursad

ayaa la siiyey, waa la tijaabiyey hoggamintiisa, waa

lagu hungoobey waanu ku guuldareystay inuu dalka

ka saaro xaaladan qallafsan ee uu ku jiro, sababtoo

ah, xaalada dalku waa ay ka sii dareysaa maalinba

maalinta ka sii danbeysa. Balan qaadyo badan oo

uu sameeyey waa ay beenoobeen, meelo badan oo

u dhagax dhigay waa ay beenoobeen.

Walaalayaal, mudane iyo marwooyin, waa kan

barnaamijkii Xisbiga Kulmiye, bal haddaba

caqligaaga la kaasho, maaha hadal, maaha

hawaawi, waa mid dhab ah, aad looga fiirsaday ee

fadlan, haddaba dadweynow ka baaraandeg oo

fursad sii Xisbiga Kulmiye doorashada soo socot.

Page 5

Fariinta Axmed Maxamed Siilaanyo

Muwaadiniinta qaaliga ahaw, 19 sano ayaa ka soo wareegtay

markii aynnu xorriyaddeena dib ula soo noqonay, innagoo ah dawlad madaxbanaan oo meel marinaysa himilooyinka dadkeena ee ah inay ku negaadaan nabad, horumar iyo barwaaqo.

Anigoo xogogaalnimo u warramaya, markaan ahay

nin ka qayb qaatay halgankii Somaliland kula soo noqonaysay madaxbanaanideeda, aad ayay ii damqaysaa, milicsiga wax qabad yarida ama waxqabad la’aanta, hungada dada reer Somaliland ka joogaan dedaalkoodii ahaa inay horumar iyo badhaadhe ku tallaabsadaan.

Siddeed sano ka dib oo uu awoodda hayey, waxan odhan

karaa Riyaale si fool xun ayuu ugu fashilmay inuu la yimmaaddo wax horumar ah oo la taaban karo, mana samayn

wax micne leh oo uu ku hormarinayo dedaalka Somaliland

ugu jirtay inay ka mid noqoto xayndaabka quruumaha iyadoo

ah qaran madaxbanaan oo la ictiraafsan yahay.

Walaalayaal, dhibaatooyinka dhaqaale ee qofka caadiga ah

ee reer Somaliland maanta la tiicayaa maaha kuwo cirka ka

soo dhacay. Run ahaantii waa kuwo si toosa uga dhashay

xukuumad fadhiid ah oo musuqmaasuq ah oo aan dan iyo

muraad ka lahayn daryeelka dadkeeda. Taliska maanta jooga

waxa keliya ee uu ku hawllan yahay waa dhaqaale urursi

intii waqtigu u saamaxayo.

Ka sokow Dhibaatooyinka dhaqaale ee dadkeenu la asqoobay

ee ka dhashay maamul xumida xukuumadda iyo faragelinta

ay ku hayso suuqa xorta ah, waxa la caadaystay ku tuatara xorriyaadka muwaadiniinta, iyadoo ay xukuumadda

dhaqan u noqtay baal maridda ku dhaqanka qaanuunka iyo

sharciga.

Page 6

Dastuurkeena ayaa maamulkani si joogto ah u jebiyaa oo uu

si badheedh ah ugu tuntaa si uu xukunka u sii haysto.

Walaalayaal, maamul xumida xukuumadeed waxay jilbaha u

dhigi kartaa dalalka ugu awoodda badan. Waxa tusaale fiican

ah wixii dalka Maraykanka ka dhacay siddeedii sano ee Jorj W. Bush xukumayey. Dalkii ugu qanisanaa ee ugu awoodda weynaa caalamka ayaa afka ciidda daray, dhaqaalihiisiina burburay, taas oo ay ugu wacnayd siyaasado gurracan oo madhalays ah oo uu ku socday maamulkii Jorj Bush.

Dadweynaha Maraykan markii ay yiqiinsadeen dhaawaca uu

dalkooda u geystay maamulkii Joroj Buush, waxay baadigoobeen isbeddel iyagoo daaqadda ka tuuray, wixii dhibaatada u sababta ahaa, isla markaana dooratay madaxweyne Baraka Obama, kaasoo danaynaya daryeelka dadkiisa iyo dalkiisa.

Saaxiibayaal, si la mid ah ayaa dhinac walba oo la eego

dadka reer Somaliland ugu hungoobay maamulka Riyaale.

Siddeed sano oo fadhiidnimo iyo maamul xumo ahi inagu

filan. Waxa dadka reer Somailand la gudboon inay baadigoobaan, isbeddel ku yimmaadda xukuumaddooda si ay u badbaadiyaan dhaqaalahooda, xorriyadooda, ammaanka iyo

madaxbanaanidooda.

Waxan doonayaa inaan ku nuuxnuuxsado isbeddelka qotada

leh ee Kulmiye iyo maamulkayga ka go’an inuu hirgeliyo

haddii aad igu shariftaan codkiina inaan hoggaamiyo

qarankan.

Mabaadida aasaasiga ah ee hagaya maamulakayga waa kuwa

soo socda:

Page 7

1. Dhawridda, ilaalinta iyo u hoggaansanaanta dastuurka

dalka, xeerarka iyo qawaaniinta. Xushmaynta sarraynta

sharciga, ilaalinta xoriyadaha qof ahaaneed.

2. Dhisidda xukuumad kooban, tayo leh, wax-ku-ool ah oo

laga wada muuqdo taas oo aan ku dhisnayn nin jeclaysi,

hase yeeshee loo eegay hibo, karti iyo aqoon. Qof kasta

mansabka uu u qalmo.

3. Socodsiinta hawlaha xukuumadda ee arrimaha khuseeya

ururinta, maaraynta, iyo kharash-garaynta dhaqaalaha si

ay ku dheehan tahay daacadnimo sare, dhowrsoonaan,

iyo banyaalnimo. Dejinta mushahaarooyinka dhammaan

xubnaha maamulka oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo

madaxweyne-xigeenka iyo golaha wasiiradu iyadoo loo

marayo xeer uu barlamaanku soo saaray.

Waddada himilooyinkaas loo marayaa way dheer tahay

weyna adag tahay, hase yeeshee Kulmiye waxaa ka go’an

inuu Somaliland u hoggaaminayo mustaqbal ifaya. Ma odhanayo haddii madaxweyne la ii doorto in aynnu gaadhayno riyooyinkeena oo dhan, waxanse ballan qaadayaa in haddii aan helo fursad aan ku hoggaamiyo qarankeena inaan aroor walba toosayo oo aan u shaqaynayo sida ugu hawlkarsan oo dhiig iyo dheecaanba u hurayo horumarinta maslaxadda dadweynaha Somaliland.

Muwaadiniinta qaaliga ahaw, doorashada madaxtooyada ee

soo socota, waxa idinla gudboon kala doorashada, inaad Kulmiye u codaysaan si isbeddel yididiilo leh dalkeena uga tisqaado amma aydin oggolaataan in dalku baaqi ku sii ahead xaaladdan uu ku jiro. Haddii siddeedii sano ee tegay aynnu ku taamilo qaadano, go’aanka saxa ahi wuu cad yahay, waana iyadoo Kulmiye iyo isbeddel loo codeeyo.

Page 8

Qolyihiina ku nool qurbaha ee u damqanaya aayaha dalkeena, waxaan uga marti ahay taageeradiina niyadeed,

qofeed iyo maaliyadeed.

Taageeradiina aan kala go’a lahayn ayaa Kulmiye u suuragelisay inuu u dagaalamo mustaqbalka Somaliland.

Muwaadiniinteena dalka gudihiisa ku sugan, waxaan si xushmad leh idiinka quud darraynayaa codkiina si aan ugu

adeego dalkeena aan aadka u jecel ahay. Waxaan idinku

guubaabinayaa oo marti idiinka ahay codkiina.

U codee Kulmiye doorashada madaxtooyada ee foodda inagu

soo haysa, hano mustaqbalka dalkaaga. Ilaahay ha idin

dhawro muwaadiniinta qaaliga ahaw, Ilaahay Somaliland ha

ilaaliyo oo ha mariyo tubta nabadda iyo barwaaqada.

Somaliland Ha Noolaato

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye

Page 9

II. Himilada Xisbiga Kulmiye

Barnaamijka Xisbiga Kulmiye wuxuu ka turjumayaa

xaqiijinta himilooyinka hoos ku xusan-?

1. Xisbiga Kulmiye wuxuu u hawl-gelayaa

xaqiijinta iyo taabbo-gelinta m a d a x -

bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo

ka mid-noqoshadeeda ururrada caalamiga ah

iyadoo ah dawlad la aqoonsan yahay.

2. Xisbiga Kulmiye wuxuu hig sanayaa inuu dalkan

Somaliland ka dhiso bulsho casri ah oo

ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, kelitalisnimda

iyo guud ahaan maamul xumadda weji kasto oo ay leedaahay.

3. Xisbiga Kulmiye wuxuu ku naalloonayaa

yagleelidda bulsho dimuqraadi ah, oo ay

saldhig u yihiin mabaadiida talo wadaagga

ee ka soo jeeda diinteenna islaamka iyo

dhaqanakeena suuban.

Page 10

III. Taabo-gelinta Xukun wanaagga Dalka

(Good Goveranance)

Dawladda maanta inoo dhisani waa mid tamardaran,

oo baahiya horumar ee qaran ee jira innaga

saari karin. Waa mid aan la jaan-qaadi Karin casriga

maanta jira. Maamulka dawliga ahi waxa uu

ka jiraa dhawr gobol oo qudha, ma wada

gaadhsiisna dalka, hoosna looma daadejin maamulka

dawlada. Golaha wasiirada ee maanta jira

waxa uu ka koobanyahey dhawr iyo kontan wasiir

iyo wasiir-xigeen iyo wasiiru-dawle oo aan tayo

laheyn.

Haddaba, si loo taabo-geliyo maamul wanaagga,

loona dhiso hay’ado dawladeed oo adag oo mug

leh (Strong government institutions), Kulmiye

wuxuu meel-marinayaa mabaadi’da xukunwanaagga

ee hoos ku qoran?

1. Dhisidda Dawlad Kooban

Kulmiye marka uu ku guuleysto hoggaaminta dalka

waxa uu sameynayaa gole xukuumadeed oo kooban,

tayo leh iyadoo uu Kulmiye ka shaqeyn doono

sameynta jiritaanka wasaarad ama hay’ad kasta oo

xukuumadeed, xilkeeda, qaab-dhismeedkeeda iyo

xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha kale ee dawladda.

Page 11

2. Dib-u-habeynta Hay’addaha

Xukuumadda:

(Restructuring Existing Gov’t Institutions)

Kulmiye waxa uu dib-u-eegis qoto dheer ku

sameyn doonaa hay’adaha xukuumadda ee hadda

jira si loo waafijiyo baahiyaha qaran ee jira. Waxaa

lagu sameyn doonaa dib-u-habeyn sal iyo baar ah

si ay u gutaan xilkooda iyo habsami u socodka

hawl-malmeedka ay u hayaan dadweynaha.

3. Dhameystirka Hanaanka Dimuqraadiyada

Hirgelinta hannaanka dimuqraadiga ah oo

waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqankeena suubban

ee Soomaaliyeed iyadoo laga faa’iidaysanayo

waayo araganimada waxtarka leh ee dadyawga

adduunka ee dimuqraadiga ah. Isaga oo taas ka

duulaya Kulmiye, waxa u furi doona Xisbiyada si

loo dhiirri-geliyo ka midho-dhalinta nidaamka xisbiyada

badan, u-tartanka xorta ah ee hoggaaminta

dalka, adkaynta hay’adaha dimuqraadiga iyo kaqaybgalka

dadweynaha ee talada dalka, isagoo

bilow ahaanba furaya ururadii siyaasiga ahaa si ay

ugu tartamaan doorashada golayaasha deegaanka

ee ugu soo horreeya si waafaqsan xeerka

doorashooyinka.

4. Kala Madaxbaneynta Awoodaha

Ha’yadaha Qaranka

Xisbiga Kulmiye waxa uu ku tallaabsan doonaa

qorshe cad oo saldhig adag loogu sameynayo hagaajinta

waajib gudashada ha’yaddaha qaranka,

Page 12

isaga oo hubinaya kala madaxbananeynta, is

ilaalinta iyo isu dheelitirka awoodaha ha’yadaha

dawlada ee fulinta (executive), garsoorka

(Judiciary) iyo sharci-dejinta (legislative).

5. Horumarinta Saxaafadda

Dhiirri-gelinta iyo kobcinta saxaafada xorta ah iyo

madaxbanaaneynta iyo horumarinta warbaahinta

dawladda, loona dejin doono siyaasadd ku waajahan

helidda iyo fidinta xorta ee wararka.

* In la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta

(Public Broadcasting Corporation) oo hoos

imanaysa guddi madaxbanaan

* In si degdeg ah xayiraadda aan dastuuriga

ahayn looga qaado furashada idaacado gaar

loo leeyahay iyo nooc kastoo warbaahin ah

6. Dhiirrigelinta Bulshada Rayidka

Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in bulsho rayid ah

oo firfircooni ay kaalin mug leh ka qaadan karto

horumarinta dimuqraadiyada, sidaas daraadeed,

Xukuumadda Kulmiye waxay diyaarineysaa jawigii

ay ururada bulshada rayidka ahi ku magooli lahaayeen,

waxayna u dejinaysaa shuruucdii kala

hagi lahaa ee wax-qabadkooda midho dhal ka dhigi lahaa.

Page 13

7. Xukun Daadejinta(Decentralization)

Horumarinta iyo xoojinta nidaamka xukun

daadejinta (Decentralization); iyadoo la dhiirrigelin

doono goleyaal deegaan oo tayo leh oo ay

hogaaminayaan maayaro aqoon leh oo tayo leh,

ayadoo Maayarka iyo Maayar-ku-xigeenka si toos

ah dadweynahu u soo dooranayaan;

Waxaa dib-u-eegis ballaadhan lagu samayn

doonaa xeerarka iyo qaabka loo maareeyo

dawladaha hoose (comprehensive Reform on local

Gov’ts on legislation and management) iyadoo

dib-u-habeyn lagu sameyn doono hanaanka ay u

sheqeeyaan dawladaha hoose ee dalku, si ay u

gutaan habsami-u-socodka adeegyada bulshada

ee aasaasiga ah, iyadoo isla markaana la abuuri

doono shuruuc iyo xeerar lagu horumarinayo

dawladdaha hoose guud ahaan, waxa Kulmiye ku

tallaabsanayaa:

* Maamul fidinta iyo gaadhsiinta deegaamada

aannu weli ka tisqaadin

* U-kala xaqsooridda gobolada iyo

degmooyinka Somaliland iyo isu dheelitirka

qaybsiga khayraadka qaranka;

* Dhiirri-gelinta iyo ka qayb-gelinta talada iyo

hoggaaminta dalka beelaha la heyb-sooco,

haweenka iyo dhalinyaradda.

Page 14

8. La-Dagaallanka Musuqmaasuqa

Xisbiga Kulmiye waxay ugu muuqataa in

musuqmaasuqu yahay cunsur qayb weyn ku leh

ragaadinta dhaqaalaha ummadaha, sababana dibu-

dhaca bulshada ku yimaadda. Sidaa darteed, si

loo xakameeyo musuqmaasuqa barriinsaday

dalkeena curdinka ah, waxa uu Xisbiga Kulmiye ku

tallaabsanayaa:

* Hawlgelinta shaqaale dawladeed oo ku salaysan

tirada iyo tayada shaqo ee loo baahan

yahay, loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin

dabooli kara baahiyaha qofka caadiga

ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale.

* Dejinta siyaasad maaliyadeed oo lagu

xakameeyo musuqmaasuqa oo fulinteedu ka

timaaddo kor ila hoos

* Madax-bannaynta xafiiska Hantidhawraha

Guud si uu xilkiisa u guto.

*Samaynta Komishanka la Tacaalidda

Musuqa (Anti Corruption Commission)

oo shaqadiisu noqonayso inuu dabagal ku

sameeyo cid allaale ciddii lunsatay ama si

sharci darro ah ugu tagrifashay hantida um-

Page 15

* Dejinta Xeerar iyo siyaasado ku haboon la

dagaalanka musuqmaasuqa iyo kor u

qaadidda maamul wanaagga lagu ilaalinayo

lacagaha iyo hantida qaranka.

9. Dib-u-eegista Distuurka iyo Shuruucda

kale ee Dalka:

Distuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud

ahaan shuruucdda iyo xeerarka kale ee dalka,

waxa ku jira qabyo iyo gol-daloolooyin badan oo

caqabad ku keena habsami-u-socodka hawlaha

qaranka iyo wada-shaqeynta ha’yadda qaranka,

kuwaas oo marar badan sabab u noqday

khilaafaad iyo murano dastuuri ah iyo kuwo siyaasi

ah oo ka dhex aloosmay golayaasha qaranka.

Haddaba, si loo qabyo-tiro dastuurka iyo qawaaniinta

dalka ,waxa uu Kulmiye:

* Xurmeyn doonaa una hoggaansami doonaa

Dastuurka iyo sharciyada JSL,

* Waxa kale oo uu xurmeyn doonaa go’aanada

Golayaasha Baarlamaanka.

* Wuxuu magacaabi doonaa guddi khabiiro

sharci yaqaano ah oo daraasad iyo dib-ueegis

qoto-dheer ku sameeya distuurka iyo shuruucda qaranka.

Page 16

IV Dib-u-habeynta Garsoorka

iyo Caddaaladda

Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa inay cadaaladdu

tahay aasaaska nabadda, barwaaqada, midnimada

iyo horumarka ummadda reer Somaliland. Sidaa

darteed, Kulmiye wuxuu ku tallaabsan doonaa sidii

cadaaladdu u noqon lahayd mid ummadda wada

gaadha. Haddaba iyadoo taas laga duulayo Kulmiye

waxa ka go’an inuu:

1. Baabi’in doonaa guddiyadda nabadgelyada

ee sida sharci darrada ah u fuliya xukunka

deg-degga ah ee muwaadiniinta xorriyaddooda

lagaga qaado.

2. In maxkamadaha hoose la hoos-geeyo

maxkamadda sare si garsoorku u noqdo

hay’ad gaar uga baxsan waaxda fulinta;

3. In garsoorku u madax-bannaanaado qorshaynta

iyo maamulidda miisaaniyaddiisa

lagana fogeeyo inay waaxda fulintu ku yeelato

awood ay siday doonto ugu adeegsan

karto.

4. In Xeer-Ilaalinta Guud laga saaro hay’adda

garsoorka.

5. In dastuurku dammaanad qaado muddoxileedka

garsoorayaasha maxkamadda sare.

6. In dastuurku dammanad qaado in Garsoo

rayaasha la siiyo mushahar, gunno iyo dheef

hawlgabeed oo munaasib ah.

Page 17

7. In Golaha Wakiilladu noqdo hay’adda leh oggolaanshaha

magacaabista Iyo xil-kaqaadista

garsoorayaasha maxkamadda sare,

oo helitaanka oggolaanshahaa la’aantii aan

Madaxweynuhu qaadi karin tallaabo uu xil

ugu magacaabo ama kaga qaado garsoore

maxkamadda sare.

8. In Guddiga Caddaaladda laga dhigo Komishanka

Caddaaladda, lagana feejignaado in

waaxda fulintu ku yeelato xubin wax ka

badan. (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda

Caddaaladda oo keliya tusaale ahaan).

9. Kor-u-qaadista aqoonta garsoorayaasha iyo

kaaliyayaasha.

10. Deegaameynta maxkamadaha si hawlaha

garsoorka hoos loogu daadjiyo dhammaan

degmooyinka dalka.

11. Dayac-tirka iyo dib-u-dhiska maxkamadaha

dalka, si loo casriyeeyo loona sameeyo dhismayaal

ku haboon maxkamado.

a. Madaxbanaaneyta Xeer-ilaalinta Guud

Xisbiga Kulmiye, isagoo u arka in Xeer-Ilaalinta

Guud ahmiyad u leeyahay socodsiinta xeerarka

iyo ilaalinta xuquuqaha, wuxuu ku dadaali

doonaa in xafiiskaasi yeesho madax-banaani uu

ku gudan karo xilkiisa .

Page 18

buuridda xafiiska madaxa bannaan ee xadgudubeegaha

(ombudsman) oo awood leh qabashada

cabashooyinka la xidhiidha ku-xadgudubka xuquuqda

aasaasiga ah ee muwaadinka, baadhistooda

iyo tallaabo-ka-qaadistooda si waafaqsan xeerka

V. Horumarinta Shaqaalaha

Dawlada:

Maamul kasta oo xukumadeed, waxaa laf dhabar u

ah guushiisa iyo guul daraadiisa cududda shaqaale

ee uu leeyahay iyo tayada, tirada shaqaalaha ee

hawl maalmeedka qarankaa fulinya. Haddaba

shaqaalaha dawalada waxaa naafeeyey tayo

xumo, tababar la’aan iyo saboolnimo. Mushaharka

shaqaalaha iyo ciidamadu, ma aha mid ku filan

maceeshadooda aasaasiga ah kumana noolaan

karaan. Waqtigan xaadirka ah, waxa la siiyaa

qofka jaamiciga ah ee Darajada A = Sl Sh

421,600, Darajada B =Sl Sh 347,200, Darajada C

= Sl Sh 260,400, Darajada D = Sl Sh 155,000,

taasoo marka xaaladda noloshu marayso la eego

aanay lacagtaasi shaqaalaha waxba tarayn.

Hadaba, taasi waxay saameysay wax-soosaarkooda

oo aad iyo aad u yaraada, waxayna

shaqeeyaan saddex saacadood maalintii guud

ahaan.

Page 19

Haddaba, si wax looga beddelo arrimahan,

Kulmiye waxa uu sameyn doonaa arrimahan soo

socoda:

* Waxa uu kordhin doonaa saacadaha shaqada

si dadwaynaha loogu adeego, ayada oo si

buuxda loo shaqeyn doono siddeed sacadood

maalintii oo gelin hore iyo gelin danbe ah.

* Mushaharooyinka 300% ayaa kor loo

qaadayaa, cawil-celinta iyo daryeelka

shaqaalaha dawlada la siiyo si qoto dheer

ayaa loo eegi doonaa iyadoo ujeeddadu

tahay in kor loo qaado noloshooda iyo

daryeelkooda guud ahaan.

* Waxa la abuuri guddi xeeldherayaal ah oo dib

–u-eegis ku sameysa tirada iyo tayada

shaqaalaha, kana soo tala bixisa (Civil Service

Reform).

* Tayada shaqaalaha kor ayaa loo qaadi

doonaa, iyada oo la siin doona tababaro

joogto ah oo ku haboon xirfadooda (continual

Education) oo qorsheysan.

* Waxaa la dejin doonaa nidaam, siyaasado,

xeerar lagu daryeelo qofka shaqaalaha ahi

markuu hawl gab noqdo (Pension).

* Waxaa la dhiiri-gelin doona ururo shaqaale oo

madax-banaan oo ka shaqeeya horumarinta

shaqaalaha dawladda iyo kuwa rayidka ah.

Page 20

VI. Difaaca iyo Sugidda

Ammaanka Qaranka

A. Horumarinta Ciidanka Qaranka:

Kulmiye wuxuu rumeysan yahay in ciidanka

qaranku noqdo mid u tababaran difaaca iyo

sugidda nabadgelyada qaranka. Dunida maanta

jirta, waa mid aan waxa berri dhici kara la sadaalin

karin, Waxa innagu xeeran khataro iyo halista ka

jirta gobolkan. Ciidanka dalkeenu waxa uu lafdhabar

u yahay jirtaanka dalkeena iyo

qaranimadiisa. Haddaba, Kulmiye waxa ka go’an

inuu abuuro ciidan leh cudud militari oo xooggan

oo si wanaagsan u tababaran, qalabeysan oo

cawil-celin iyo daryeel wanaagsan la siiyo, si uu

xilkiisa qaran ee loo igmadey u guto. Haddaba, si

loo sameeyo ciidan wanaagsan oo tayo leh oo

daboola baahiyaha nabadgelyo iyo difaaca

Somaliland, Kulmiye waxa u qorsheysan:

* Qorshe tafatiran iyo istratejiyad guud oo lagu

horumarinayo ciidamada qalabka sida guud

ahaan iyo weliba sugida nabadgelyada dalka.

* Waxa uu sameyn doonaa guddi xeel-dheerayaal

heer qaran ah oo dib-u-dhis iyo dib-u-habeyn ku

sameeya ciidanaka qaranka, iyadoo si quman

loo dheeli-tirayo dhismaha noocyada ciidamada

kala duwan, sida ciidanka dhulka, ciidanka cirka

iyo ciidanka badda iyadoo loo sameyn doono

darajooyin ciidan.

Page 21

* Waxa la siin doonaa ciidanka dalka cawil-celin

iyo daryeel wanaagsan, waxaana sannadka

1aad loo kordhin doonaa mushaharka 300%

marka uu taladda dalka hoggaamintiisa ku guuleysto

Kulmiye.

* Waxaa la samayn doonaa kulliyado iyo dugsiyo

lagu barto culuunta milateriga, isla markaana

ciidamada la siinayo tababarro joogto ah oo

qorsheysan oo ku wajahan darajooyinkooda iyo

xirfadahooda gaarka ah.

* Waxa uu xoogga saari doona horumarinta iyo

casriyeynta qalabka iyo saanadda milateri ee

ciidanka qaranka.

b. Booliiska Qaranka:

Booliisku waa hay’adda laf-dhabarka u ah nabadgelyada

iyo xasilloonida dalka gudihiisa una

xilsaaran ilaalinta nafta iyo hantida muwaadinka,

ka hortagga iyo dabagalka dembiyada iyo xeersocodsiinta.

Haddaba, kulimiye marka uu talada wadanka ku

guuleysto:

* Waxa uu dib-u-eegis ku sameyn doonaa

Booliiska Qaranka ee maanta jira si loo

sameeyo qorshe tafatiran oo kor loogu qaado

tayada iyo mugga Booliiska Qaranka, si loo

daboolo baahida ilaalinta nabadgalyo iyo ka

hortagga dambiyada.

* Waxaa laga dhigi doonaa ciidanka booliiska,

Page 22

ciidan dhisibiliin leh oo aqoonta iyo xirfadaha

booliiska leh, si uu ula dagaalamo dambiyada

iyo ka hortagga falalka argagaxiso, isagoo ilalinaya

xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka.

* Waxaa la abuuri doonaa guddi heer qaran oo

dib-u-habeyn ku sameeysa qaab-dhismeedka

ciidanka booliiska, una sameeya darajooyin,

qalbeyn iyo kor-u-qaaddida tayadda iyo tababarrada

ciidanka boliiska.

* Ciidanka booliisku si uu u guto wajibaadkiisa

waxaa kor loo qaadi doonaa, daryeelkiisa iyo

baahidiisa asaasiga ah, iyada oo mushaharka

ciidamadanka Boliiska la kordhin 300% sannadka

koowaad ee xukuumada Kulmiye.

* Waxa dib-u-eegis lagu sameyn doonaa shuruucda

ay ku hawlgalayaan laamaha kala gedisan

ee ciidanka booliiska, sida sharciga nabadgelyada

wadooyinka iyo xeerka habka

baadhista dembiyada (Criminal Procedure

Code).

* Waxa la abuuri doonaa unugga dab-demiska

(fire Birgade) oo hoos yimaada booliiska.

c. Ciidanka Asluubta:

Ciidanka asluubtu isagoo kala mid ah ciidamada

kale dhinacyada dhismaha, tayeynta iyo kor-uqaadista

daryeelkoodaba, Xisbiga Kulmiye wuxuu

ahamiyada siinaya hawlaha u gaarka ah ciidanka

asluubta:

* Waxa la siin doonaa tababarro ku habboon

hawlaha u gaarka ah ciidanka asluubta si uu u

Page 23

noqdo mid aqoon u leh xuquuqda aasaasiga ah

ee maxaabiistu leeyihiin iyo ixtiraamka iyo

daryeelka ay mudan yihiin.

* Waxa dib-u-habeyn lagu sameyn doonaa xabsiyadda

hadda jira, si loo hagaajiyo xaaladdaha

qalafsan ee hadda ka jira xabsiyada dalka.

* Kulmiye wuxuu kordhinayaa mushaharka ciidanka

asluubta 300%

Dhisidda Laanta Sirdoonka Qaranka:

(Bureau of National Intellegence):

Kulmiye wuxuu abuuri doonaa hay’ad madaxbanaan

oo qaabilsan ilaalinta nabad sugidda

qaranka. Waxa ay ku shaqo yeelan doontaa ka

hortaga dhibaatooyinka cadawga shisheeye,

waxay ururin doontaa wararka sirta ah ee

khuseeya arrimaha ammaanka dalka gudihiisa iyo

debediisaba:

Dhismaha Ha’yadaas, qaab dhismeedkeeda maamul

iyo wixii la xidhiidha hay’adaasi waxa qeexi

doona xeer golayaasha Barlamaanku ansixiyaan.

Page 24

VII. Horumarinta Waxbarashada

Asaasiga ah iyo Tacliinta Sare

Dalka maanta waxaa jira ilaa 400 dugsi oo hoose/

dhexe iyo 200 oo dugsi sare iyo ilaa 3,000 macalin

oo dugsiyadaas wax-ka-dhiga. Carruurta dugsiyada

hoose/dhexe dhigtaa ilaa 200,000-250,000 carruur

ah. Carruurta Somaliland ee joogta da’dii

waxbarasho waxa dugsiyada ka dhigta 34%, inta

badan ubadkeenu ma dhigtaan dugsiyada. Carruur

lagu qiyaasay 17% ayaa dugsiyada meel dhexe

kaga tagta (school drop outs) saboolnimo awgeed.

Tayada barayaasha dugsiya hoose/dhexe iyo sare

waa ay hooseysaa. Barayaasha dugsiyadaas

tiradoodu waa ilaa 3000 macalin, 1500 ayaa

xukuumaddu mushahar siisaa. Kuwaa laftooda

lama siiyo mushahar iyo gunooyin ku filan

noloshooda aasaasiga ah.

Waxbarashadu waxay door-weyn ka qaadataa

midnimada ummadda dib-u-dhiska dhaqandhaqaale

ee qaranka. Waxbarashadda dal kasta

waxa aasaas u ah manhaj isku mid ah oo ku

taagan tiirarka aasaasiga ah ee dhaqanka, diinta,

dhaqaalaha iyo deegaanka qofku ku nool yahay.

Hadadaba Kulmiye waxa uu ballan qaadayaa:-

* Waxbarashada aasaasiga ah waxay ka bilaabmaysaa

barasha quraanka iyo diiinta Islaamka.

* Inuu dhiiri-geliyo ka qeyb-qaadashada bulshada iyo

waalidiinta horumarka waxbarashada ubadkooda

iyo deegaameynta dugsiyada.

* In misaaniyada waxbarashada la kordhin doono

15% sanadkii. Miisaaniyad sanadeedka koowaad

Page 25

In waxbarashada aasaasiga ah iyo akhris

qorista laga dhigo lacag la’aan.

* In la horumariyo degaanka dugsiyada (school

environment) iyo agabka waxbarasho ee daruuriga

ah

* In waxabashada wadanku ku jihaysnaato horumarka

iyo wax soo saarka wadanka,

(development oriented education).

* In ilma kasta oo da’da dugsiga gaadhey uu

xaq u leeyahey inuu helo waxbarasho iyadda

oon aan loo eegin jinsi iyo hayb midna.

* Inay waxbarashada gabdhaha iyo wiilashu sinadaan,

dhaqamada soo jireenka ah ee caqabada

ku ah waxbarashada gabdhahana laga

horqaado

* Inuu xoojiyo, balaadhiyo waxbarashada dadban

(Informal Education) oo dhalinyaradda siinaya

xirfado-shaqo oo kala gedisan iyo

tegnoolajiyada casriga ah.

* In nolosha macalimiinta kor loo qaado, iyada

oo la kordhin doono mushaharkooda 300%

sannadka ugu horeeya, si ay ugu filaato

maciishadooda asaasiga ah.

* In 1500 ee macalin ee mushaharka aan la siin,

la siin doono mushahar ku filna sanadka labaad

* Kor u qaadista tayada macalimiinta iyadoo la

siin doono tababarro ku haboon heerkooda

shaqo iyo xirfadeed.

* Is waafajinta manaahiijta dugsiyada gaarka loo

leeyahay (private) iyo kuwa dawliga ah.

Page 26

* Waxaa dib loo aasaasi doonaa dugsiyadii

hooyga ahaa (Boarding Schools) si ay bulshada

reer miyiga ahí fursad waxbarasho ubadkooda

ugu helaan.

* Waxbarashada dalku waxay ku saleysnaan

doonta nabad ku wada-noolasha,

wadaninimada, mutadawacnimada iyo shaqo

jacaylka

* In waxbarashadu ku saleysanaato la dagaalanka

balwadaha iyo dhaqmaadka xun-xun ee

ragaadiyey horumarka dalka.

a. Dugsiyada Farsamada Gacanta:

Dugsiyada farsamada gacanta ee maanta

wadanka jira waa faro-ku-tiris. Dhalinyarada aan

shaqeyn ee baahan waxa wax loogu qaban karaa

waa iyadoo la abuuro dugisyada farsamada

gacanta (self-employment skills) oo laga baranayo

farsamooyin iibsamaya (Marketable skills).

Kulmiye waxa uu ahmiyad siinayaa inuu kordhiyo

tirada dugsiyadaas, tayadoodana kor loo qaado.

* Waxa loo sameyn doonaa siyaasado ku wajahan

sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dugsiyada

farsamada gacanta.

* Kordhinta tirada iyo tayada dugsiyada

farsamada gacanta iyadoo gobolada la

gadhsiinayo.

* Waxa la sameyn doonaa dugsiga isgaadhsiinta

(IT communication schools).

Page 27

* Mac-hadka tababarrka macalimiinta (Teacher

Training college) oo dib loo soo celiyo.

* Qalabeyn iyo horumarin waxa lagu sameyn

doonaa Kulliyadda Cilmiga Khayraadka Badda

ee Berbera.

b. Tacliinta Sare

Kulmiye waxa uu aaminsan yahay ujeedada tacliinta

sare iney tahay soo saarista xeel-dheerayaal

iyo aqoonyahano daboola baahida horumarineed

ee dalka (skilled Manpower).

Sidaas darteed, tacliinta sare tayadeeda iyo waxtarkeeda

waxa halbawle u ah cilmi-baadhista iyo

hawlqabadka dhalinyarada, isaga oo taas ka duulaya

waxa Kulmiye uu balan qaadayaa :

* Waxa la abuuri doonaa komishanka tacliinta sare

oo ka shaqeyn doona sameynta siyaasado iyo

qorshe lagu horumarinayo tacliinta sare ee waddanka.

* Waxa xukuumada Kulmiye ka tageeraysaa

jaamacadaha, kuna dhiirri gelinayaa arrimaha

cilmi-baadhista

* 10ka arday ee ugu sarreeya imtixaanka dugsiyada

sare waxay sanadka ugu horreeya

jaamacadda ku dhiganayaan bilaash.

* Xukuumadda Kulmiye waxay ardayda reer

Somaliland u soo dhicinaysaa deeqaha waxbarasho

ee magaca Somaliya lagu qaato ee heerarka

digriiga kowaad (BA, BSc) iyo digriyada

sare ee (MA, MSc, PHD), ee ay dalalka

adduunku bixiyaan.

Page 28

VIII. Daryeelka Cafimaadka

Bulshada

Adeega cafimaadka ee dalka guud ahaan waxa

saameyn weyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye. In

kasta oo adeega caafimaadka ee aasaasiga ahi jiro

wadanka intiisa badan, laakiin haddana, tayadiisu

waa ay liidataa, shaqaalaha caafimaadka ee

fidinaya adeegga caafimaadkana si wanaagsan

looma tababarin, qalab iyo daawooyin ku filan ma

heystaan. Guud ahaan shaqaalaha caafimaadku

waa niyad-jabsan yahay, mushaharka la siiyaa

aad ayuu u yar yahay, mana dabooli karo

maceeshadooda aasaasiga ah.

Sidaas darteed, Kulmiye marka uu talada dalka

qabto, waxa uu balan qaadayaa inuu caafimaadka

dalka ka qabto arrimahan hoos ku qoran:-

* Siyaasadda cafimaadka ee Kulmiye waxay ka

duuleysaa in ka hortagu ka wanaagsan yahay

daaweynta (prevention is better than cure),

isaga oo xoojin doona Barnaamijka

Caafimaadka Aasaasiga ah (Primary Health

Care).

Dhisidda Hay’adda Fayo-dhawrka Qaranka

(National sanitation Board)

Xukuumadda Kulmiye waxay dhisi doontaa

hay’adda kor ku xusan oo masuul ka ah arrimaha

faya-dhawrka, wacyigelinta kantroolka iyo meel

marinta wixii la xidhiidha fayo-dhowrka bulshada,

Page 29

sida maareynta qashinka, kormeerka haamaha

biyaha, mamnuucidda isticmaalka weelka kimikada

lagu keeno ee dadku weel biyood ahaan u isticmaalaan,

fasax siinta meelaha wershedaha ku

habboon fiyo-dhawr ahaan, waxa kale oo xukuumadda

Kulmiye ahmiyad siinaysaa:

* Inuu tayada shaqaalaha cafimaadka ku hawllan

kor u qaado, isaga oo siinaya tababarro joogto

ah oo ku haboon xirfadooda.

* Shaqaalaha caafimaadka waxa la siin doonaa

mushahar iyo cawil-celin ku haboon heerka

nololeed ee dalka, iyada oo musharka loo

kordhin doono 300% sida sahaqaalaha kale.

* Cusbitaalka Hargeisa waxa u Kulmiye ka

dhigayaa cusbitaal waxbarasho (teaching

Hospital) oo leh qeybaha takhsuska (speciality

Units) iyadoo si tayo leh loo qalabeynayo, si loo

yareeyo bukaanka badan ee dibedda cafimaad

ugu taga iyo kharashka badan ee ku baxa.

Waxa Cusbitaalka Hargeysa loo sameyn doonaa

Qaybta Daryeelka Xaalada Degdega ah

(Intensive Care Unit. )

* Waxa laga dhigi doonaa Cusbitaalada magaalomadaxyada

gobolada “Referral Hospital”, si ay u

daboolaan baahiyaha cafimaad ee goboladda

iyo degmooyinka ka jira, iyada oo tayadooda iyo

qalabkooda kor loo qaadayo.

* Waxa lagu dhaqaaqayaa barnaamijyo lagu

hakinayo, laguna dabar-goynayo cudurada faafa

Page 30

ee bulshadeena ragaadiyey sida TB, iyo

Duumada.

* Waxaa kor loo qaadi doonaa adeegga daryeelka

cafimaadka hooyada iyo dhallaanka si hoos

loogu dhigo xaddiga dhimashada hooyada iyo

dhallaanka.

* In tayada iyo tirada Dugsiyada/kulliyadaha

lagu barto xirfadaha cafimaadka ee kala duwan

kor loo qaado.

?? In kor loo qaado tayada adeega cafimaadka

gaarka loo leeyahay .

* In la hubiyo tayada dawooyinka la soo dejiyo

iyadoo loo sameyn doono siyaasaddii iyo shuruucdii

ku habboonayd.

Barnaamijka HIV/AIDs:

Maadaama uu yahay aafo khatar wayn ku haysa

jiilalka soo koraya oo ah laf-dhabarta bulshada

waxa uu Kulmiye siinayaa barnaamijka ka hortaga

iyo la dagaalanka faafinta cudurkan iyo daryeelka

iyo daaweynta dadka la nool cudurkani

IX. Horumarinta Dhallinyarada

Dhalinyaradu waa madaxdii berrito waa xooggii

maanta, wadan walba horumarkiisa waxa laga

gartaa sida uu ugu tabcayo dhallinyaradiisa.

Page 31

Dhibatooyinka maanta dhallinyarada soo waajahay,

waxa ka mid ah:-

Dhalinyarada Somaliland waxa ku habsaday niyadjab,

rajo la’aan iyo wer-wer ay ka qabaan

mustaqabalkooda. Dhalinyarada lama siin xirfadihii

iyo farsamooyinkii ay shaqo la’aanta kaga bixi

lahaayeen. Dhalinyaro badan ayaa ka dhacda

(drop outs) dugsiyada iyo jaamacadaha

dabadeedna aan haysan kaalin ay bulshada ka

galaan, dhalinyaradu ma haystaan garoomo ay

isticmaasho. Xukuumada maanta jirtaa ma laha

siyaasad cad oo ku wajahan dhalinyarada waayo,

muhiimada iyo mudnaanta ay horumarka wadanka

u leeyahiin lama siin.

Kulmiye isagoo rumeysan in dhalinyaradu lafdhabar

u tahay horumarka wadanka, muhiimad

gaarka ah ee ay u leedahay wadanka, waxa uu

ahmiyad weyn iyo mudnaan siinayaa horumarinta

dhalinyarada, isaga oo sameyn doona:

* Siyaasad ku wajahan dhiiri-gelinta iyo

horumarinta dhalinta, guud ahaana, wuxuu

dhiirigelinayaa ka qeybgalka dhallinyarada ee

tallada dalka iyo horumarkiisaba.

* Ka mid noqoshada golayasha ( deegaanaka )

marka ay dadoodu gaadho 25 sano

?? Wuxuu kordhin doonaa dhaqaalaha ku baxa

horumarinta dhalinyarada isaga oo

miisaaniyada lacag ugu dari doona.

* Wuxuu u abuuri doonaa Dugsiyo xirfadeed oo

Page 32

macno leh (Marketable skills) oo laga barto cilmi

tayo leh oo la janqaadi kara casrigan cusub, si ay

ugu shaqeeyaan.

* Waxaa Kulmiye culays weyn saari doonaa

horumarinta ciyaaraha kala duwan,

heerarkooda kala duwan, isagoo samaynaya

xarumo dhalinyaradu ku kulmaan- ‘’Youth

Centers”, garoomo kubadeed, iyo qalabkii

lagama maarmaanka u ahaa.

* Wuxuu dhiiri galin doonaa hiwaayadaha

(hobbies) wanaagsan ee dhisaya jidhka iyo

maskaxda dhalinyarada, mustaqbal ifayana u

horseedi kara

* Ka qayb galinta talada dalka laga bilaabo, heer

xaafadeed, degmo, degaan xisbi, urur ilaa heer

qaran. Si loogu barbaariyo ‘’hoggaaminta

wanaagsan’’, Ka qayb-galinta dhalinyarada la

dagaalanka balwadaha xunxun, iyo cudurada

halista ah ee khatarta weyn ku haya

dhalinyarada sida HIV/AIDS, STDs.

* Ka qayb qaadashada barnaamjika shaqo qaran

(national service) marka ardaygu ka baxo

dugisiga sare, laguna dhiiri-galiyo barnaamijka

iskaa wax-u-qabsada ah.

X. Kobcinta Dhaqaalaha iyo la

Dagaalanka Saboolnimada

Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada

dunida ugu saboolsan, waxaana sabab u ah

hoggaan xumo, musuq-maasuq, maamul xumo,

Page 33

siyaasad la’aan ay weheliyaan kabayaasha

dhaqaalaha oo burbursan. Hadaba, Kulmiye

markuu ku guulaysto talada dalka insha Alaahu

wuxuu ku talo jiraa:-

* Inuu sameeyo daraasad iyo isbeddel qoto

dheer (Reform), isagoo dejinaya qorshe

gaaban iyo mid dheer (short and long term

plans) kuwaas oo ku waajahan sida dhaqaalaha

dalka loo horumarin lahaa

* KULMIYE isagoon wax cashuura kordhinayn

ayuu kor u qaadi doonaa dakhliga dawlada

(isagoo ku shaqaynaya tashiil iyo hawlkarnimo),

taas oo wax ka tari-doonta horumarka dalka

guud ahaan.

* Waxa uu sameyn doonaa siyaasadaha iyo

shuruucda dhiirigelinaya malgeliyaasha

shisheeye iyo kuwa gudahaba, si loo abuuro

jawi (conducive environment) is-aamin iyo

kalsoonida maal-geliyaasha si ay ugu

aaminaan hantidooda ay maal-gelinayaan

dhulkeena.

* Wuxuu Kulmiye fududeyn doonaa furashada

bangiyada gaarka loo leeyahay iyadoo la

sameyn doono shuruucdii ku habboonayd.

a. Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

(Reconstrucción of Economic Infrastructure)

Dagaaladii halgankii ayaa si xun u saameeyey

kaabayaasha dhaqaalaha iyo in badan oo ka

Page34

dambeysay oo aan la dayac-tirin (wadooyinka,

garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo adeegyada

aasaasiga ah ee caasimada iyo magaalomadaxyada

gobolada iyo degmooyinka).

Adeegyada bulshada ee aasaasiga ah ee

caasimada Hargeysa iyo magaalo-madaxyada

goboladu aad iyo aad ayey u liitaan sida

wadooyinka iyo leydhka (korontada).

Kulmiye waxa u qorshaysan:-

* Inuu sameeyo sahan qoto dheer oo ku

wajahan xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan

yihiin kaabayaasha dhaqaalaha ee dalku si loo

hirgeliyo isbeddel dhaqaale oo micno leh;

* Kulmiye waxa uu dejin doonaa qorshe qaran

oo gaaban oo laba sanadoodle ah (national

short-term plan) oo ku wajahan kaabayaasha

dhaqaalaha ee wadanka kuwiisa ugu mudan

(priority infrastructure). Qorshahani waxa uu

diiradda saari doonaa wadooyinka muhiimka u

ah dalka, soo saaridda iyo keydinta biyaha la

cabbo, leydhka, jidadka magalooyinka, Birrijyada,

dekedaha iyo garoonada diyaaradaha.

Dayactirka wadooyinka iyo dhismaha wadooyinka

carra-tuulka ah, waxa mudnaan la siin

doona Jidka Hargeysa-Oodweyne-Burco-

Ceerigaabo, Dila-Boorame–Seylac iyo

waddo xeebta ka wareegta min Galbeed ilaa

Bari . Iyadoo loo qoondeyn doona miisaaniyad

Page 35

sanadeedyo u gaar ah:

*Tamarta (Energy) – Cilmi baadhis, dib-uhabeyn

iyo maalgelin warshedda laydhka oo

ah habka wada lahaanshaha dawlad iyo dadweyne(

Public/Private Partnership).

* Warshedeynta Dalka — Xukuumadda Kulmiye

waxay dhiirigelineysaa wershedeynta dalka

iyadoo mudnaanta siinaysa wershedaha alaabadooda

qeedhiin dalka laga helo, sida wershadaha

sibidh-ka, kalluunka, milixda, dhuxuldhagaxa

iwm.

* Dhiirigelinta Baayac-mushtar: ku salaysan tartan

xor ah, hase yeeshee ay hagayso siyaasad

iyo xeer nidaamini (regulated business), oo

aan ahayn jaantaa rogan, si looga taxadiro

burbur ku yimmaadda dedaalka ganacsatada

wadaniga ah.

b. Casriyeynta Dekedda Berbera :

Dekeda Berbera waxa ay ku taala meel

strateeji ah, waxaaney albaab u noqon kartaa

bucshirada u socota dalalka aynnu jaarka nahay.

Dekeda Berbera malaha mug iyo farsamadii

ay kula tartami lahayd dekedaha

caalamaka iyo kuwa jaarka. Sababtaa awgeed

dekedda Berbera Kulmiye wuu casriyeyn

doonaa isagoo ku talagelaya:-

*In laga dhigi doono dekedda Berbera deked

furan oo leh qayb xorta ah (Free Zone Area).

Page 36

c. Ka Faa’idaysiga Khayraadka Badda:

* Waxa la samayn doonaa barnaamij cad iyo

siyaasad ku waajahan ka faaiidaysiga

khayraadka badda

* Si loo dhiiri-geliyo kaluumeysatada dalkeena

waxaa dib u eegis lagu samayn

doonaa liisamada kaluumaysiga ee dadka

shisheeye la siiyo

* Waxaa kor loo qaadi doonaa tayada

ciidamada ilaalinta xeebaha si loo yareeyo

budhcad badeedda iyo kaluumaysiga sharci

darada ah iyo jeenafka badda.

* Kor u qaadida, qalabeynta iyo tayeynta Kuliyada

Cilmiga Badda ee Berbera.

* Dhiirigelinta sameynta warshado yar yar oo

kaluun soo saara.

d. Horumarinta Biyaha:

Biyuhu waxa ay laf-dhabar u yihiin nolosha dadka,

Caasimada Hargeisa iyo magaalo-madaxyada

gobolada Somaliland waxa ku nool dad tiro badan,

biyo nadiif ah oo la cabbona ma haystaan.

Sidaas awgeed KULMIYE waxa uu aaminsan yahay

in biyaha looga faa’iidaysto sida ugu habboon

loona sameeyo qorshe cilmiyeysan iyadoo laga duulayo:-

* Samaynta sahamin qoto dheer oo ku saabnsan

khayraadka biyaha ee dalka iyo in qorshe cilmiyeysan

lagu horumarinayo biyaha dalka si

dadaweynaha looga haqabtiro baahida biyaha.

Page 37

* Hagaajinta maamulka iyo mareynta wakaaladaha

biyaha ee caasimada iyo magaalo

madaxyada gobolada iyada oo la dhiirigelinayo

ka qeybgelinta dadweynaha.

* Fidinta iyo balaadhinta biyaha caasimada

Hargeisa.

* Ka faa’iidaysiga biyaha roobka, hakinta biyaha

dooxyada, samaynta biyo xidheeno, riigag,

ceelal gacmeedyo iyo baro lagu kaydiyo

biyaha si loo cabbo wakhtiga jiilaalka.

e. Horumarinta Reer Miyiga

Saldhigga nolosha dadkeenu waa reer guuraa, tiro

badanina way ka soo yaacayaan miyigii oo ay horumar

la’aan badani ka jirto. Haddaba KUMIYE

wuxuu aaminsan yahay in xooluhu laf-dhabar u

yihiin horumarka dhaqaalaha wadanka, sidaas darteed,

Kulmiye waxa uu qaadi doona tallooyinkan:-

* Wuxuu samayn doonaa qorshe tafatiran iyo

siyaasad kor loogu qaadayo laguna horumarinayo

reer miyiga iyo daryeelka xoolaha

*Daryeelka caafimaadka xoolaha iyo daryeelka

dhul daaqsimaadkoodaba.

* Dhiirri-gelinta dhoofka xoolaha.

* U diyaargarwaga Abaaraha iyo maarayntoodaba.

page 38

* Gaadhsiinta xooladhaqatada daryeelka caafimaadka

aasaasiga ah.

* Kor u qaadista waxbarshada aasaaasiga ah iyo

xirfadaha nolosha reer miyiga. Hindisaha dugsiyo

reer miyiga la guura.

* Dhiiri galinta iyo samaynta warshado lagu farsameeyo

khyraadka xoolaha ka soo baxa sida

hilibka, caanaha, hargaha, dhogorta iyo lafaha.

f. Horumarinta Beeraha:

Dalkeena midhaha la quuto (Raashinka) 95%

waxa laga keena dibeda, dalkeena raashin inagu

filan kamo soo baxaan, in kastoo aynnu leenahay

dhul door ah oo ku habboon waxa beerashada,

xukuumadda jirtaa way ku fashilanatay in dadka

ku jiheyso tacabka beeraha. Waxa kale oo ay

Soomaliland caan ku tahay beeyada ama faleenka,

malmalka iyo xabkaha kale. Kulmiye wuxuu ogsoon

yahay in Somaliland tahay meelaha dhifka ah

ee adduunka xabkaha kala duwan laga helo, waxa

kale oo Kulmiye ogyahay in haddii khayraadkaas

dabiiciga ah si wanaagsan loo daryeelo, loona

maamulo uu wax weyn ka tari karo horumarinta

dhaqaalaha dalka. Sidaas daraadeed, si looga

midho-dhaliyo arrintaas loona gaadho isku filaansho

dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah, Xisbiga

Kulmiye wuxuu ku tallabsanayaa:

Page 39

*In beeralayda lagu dhiirigeliyo waxa soo saarka

midhaha beeraha si loo yareeyo ku tiirsanaanta

cuntada debedda inooga imanaysa, loona qoondeeyo

miisaaniyad ku wajahan horumatinta

beeraha iyo waraabkooda

* In la dejiyo qorshe iyo siyaasado ku wajahan

horumarinta wax-soo saarka beeraha.

* In kor loo qaado aqoonta beeralayda iyo farsamooyinkooda

* in la dhiirigeliyo sameynta iskaashatooyin beerley

oo qalabeysan.

* In la xoojiyo soo saarista faleenka “Xabkaha”

suuqna loo raadiyo.

XI. Siyaasadda Dibedda

Xisbiga Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in siyaasadda

dibeddu ay qeyb ka tahay siyaasadda

qaran ee dalka, sidaas darteedna tahey qeyb muhim

ah oo tilmaamaysa danaha iyo ujeedooyinka

istraatijiga ah ee ummadda.

Nuxurka siyaasadda dibedda ee Somaliland waxay

tahay inay caalami ahaan horumariso madaxbanaanida

dawladda Somaliland, si loo kasbado icitiraaf

waxna ula qabsato beesha caalamka.

Page 40

Waxa xisbiga Kulmiye mudnaanta siinayaa siday

Somaliland saaxiibo ugu yeelan lahayd Afrika iyo

daafaha kale ee aduunka, sababtoo ah, waxaan

qiraynaa in masuuliyadda hore loogu riixayo madaxbanaanida

dalkeena u harraadan dimoqoraadiyada

iyo ka mid noqoshadooda beesha caalamku

ay si aad ah ugu xidhan tahay hadba sida loo maamulo

siyaasadda debeda.

a. Mabaadii’da Hageysa Arrimaha

Siyaasadda Dibedda

* Kulmiye wuxuu ku soconayaa siyaasad debedeed

oo ka tarjumaysa danaha Somaliland.

* Wuxuu dareensan yahay in horumarka

Somaliland ku xidhan yahay iskaashiga

dhaqaale ee heer gobol iyo heer caalami iyo

suuqa xorta ah.

* Inay siyaasadeena dibedda ka muuqato sida

ay inooga go’an tahay in aan dhisno Somaliland

Dimiquraadi ah.

* Inaan isku hawlo in xuquuqda asaasiga ah

ee bini-adaamku aaney ku kobnaanin siyaasadda

keliya, hase yeeshee ay

gaadhsiisan tahay dhinacyada dhaqaalaha,

bulshada iyo degaanka.

* Waxaa la xoojin doonaa xidhiidhka caalmiga

ee aynnu la leenahay wadamada dunida iyo

sidii aynnu xidhiidh sokeeye ula yeelan lahayn

dawladaha aynu deriska nahay.

Page 41

Danaha Qaranka Somaliland ayaa mar walba

hagaya siyaasaddeena dibedda.

* Ammaanka iyo tayada nolosha dadka

Somaliland, sharciga iyo kala danbeyta,

nabada iyo xasiloonida dhaqaale, iyo

iskaashiga goboleed ayaa noqonaya

mabadii’da asaasiga ah ee ay ku dhismayso

siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland

marka Kulimiye qabto majaraha dalka.

XII. Siyaasadda Xisbiga ee Dadka la

Hayb-Sooco

Siyaabo fara badan ayaa loo takooraa dadka la

hayb-sooco. Iyadoo ay ugu wacan tahay

xaaladooda bulsho iyo dhaqaale, waxa laga

duudsiyey ka qaybgalka dhaqaale, waxbarasho iyo

siyaasadeed.

Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an tirtiridda nooc

kasta oo takoor ah, gaar ahaan, kan ku salaysan

hayb-sooca. Kulmiye wuxuu aqoonsan yahay in

dadka la hayb-soocaa ay dulman yihiin, sidaas

daraadeed, waxa ka go’an inuu dadkaas ka

awood-siiyo dhinacyada dhaqaalaha,

waxabarashada, iyo siyaasadda.

Page 42

Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in awoodsiinta

noocaas ahi ay muftaax u tahay wax ka qabashada

takoorka dhaqanka ka soo jeeda iyo la dagaalanka

macaamilka xun ee lagu hayo qayb bulshada ka

mid ah.

Si dadka la hayb sooco loogu soo celiyo xurmadoodii

bin’aadminimo, iyadoo hoos loogu

daadegaayo nuxurka dhibaatada, xisbiga Kulmiye

wuxuu qaadayaa tallaabooyinka soo socda:

1. In xeer ahaan loo qoondeeyo tiro kuraaseed

wakiilnimada siyaasadeed ah oo heer deegaan

iyo heer qarameedba leh.

2. In dhiirigelin iyo tixgelin loo siiyo dhinaca waxbarashada

iyo shaqada dawladda.

3. In la meel mariyo siyaasado iyo shuruuc lagula

dagaalamayo cudurkan bulsho, laguna joojinayo

takoorka haybta ku dhisan, xeerar adagna

laga soo saaro.

4. In saraakiisha dawladda ee sharci fulinta lagu

wacyi-geliyo dacdarrada kooxaha laga tirada

badan yahay, sidaas daraadeed, la diiwaan

geliyo lana baadho xad-gudubayada ku

xidhiidhsan haybsooca iyo gefafka laga galo

dadka laga tirada badan yahay.

5. In la abuuro barnaamijyo gaar ah oo loo habeeyey

tababaridda dadka laga tirada badan

yahay gaar ahaan xirfad siintooda.

Page 43

6. In loo abuuro fursado ay ku qaataan deyn

fudud si kor loogu qaado ganacsiga yar yar

ee ay ku hawlan yihiin

XIII. Arrimaha Haweenka

Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an inuu hubiyo in

haweenku si buuxda oo firfircoon oo xaq-soor leh

uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada bulshada,

siyaasadda, iyo dhaqaalaha ee dhismaha

nololsha, iyadoo la abuurayo quwad shaqaysa oo

aqoon leh, taas oo awood u leh ka-qayb

qaadashada hawlaha dawladda.

Kulmiye wuxuu suurtagelinaya nidaam ku dhisan

xaqsoor kuna wajahan ka qaybgal buuxa oo

haweenka (sektarada) docaha soo socda:

1. Kulmiye wuxuu u hawl gelayaa sidii dumarku

ay ugu jiri lahaayeen hay’adaha laga gooyo

siyaasadda qaranka sida golayaasha xukuumadda,

baarlamaanka iyo golayaasha

deegaanka, wuxuuna ku taamayaa in tirada

haweenka ah ee hay’adahaas ku jirayaa ay

noqoto 25%.

2. In haweenka la awoodsiiyo (Affirmative

Action) iyadoo loo marayo hanaanka

doorashada iyo magacaabiddaba.

Page 44

3. In haweenka loo suurtageliyo si ay kaalin

hoggaamineed uga noqdaan mansabyo sar

sarena uga qabtaan hayadaha dawladda

4. Kulmiye wuxuu xoogga saarayaa daryeelka

nolosha haweenka reer miyiga ah isagoo u

fidinaya addeegyada aasaasiga ah.

5. Wuxuu kobcinayaa ganacsiga iyo wax soo

saarka yar yar ee haweenku gacanta ku ha

yaan.

6. Dhimista culayska hawl qabadka haweenka

reer miyiga ah, iyadoo lagaadhsiinayo qalba u

fududeeya hawl maalmeedkooda.

7. La dagaalanka cudurada faafa ee ay

haweenku u nugul yihiin sida HIV/AIDS

page 45

XIV. Qurbajoogga

Waaya aragnimada caalamka waxa laga dheehan

karaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee Qurbajoogga

kala duwani ka ciyaareen dib-u-dhiska dalalkii ay

markii hore ka soo jeedeen. Qurbajoogga reer

Somaliland na kama duwan dhiggiisa. Haddaba si

looga faa’idaysto awoodaha xadiga badan ee qurbajoogga,

dhaqaalahooda iyo khibradoodaba, xisbiga

Kulmiye wuxuu ku tallaabsanayaa arrimaha

soo socda:

* In la sameeyo xafiis xidhiidhiya arrimaha Qurbajoogga

oo hoos yimaadda Madaxweyne

kuxigeenka

* In la dhiirigeliyo kooxaha kala duwan ee qurbajoogga

inay is abaabulaan si ay u yeeshaan

wakiilo u fududeeya inay si micno leh uga qayb

qaataan arrimaha ka socda dalka hooyo si ay

saamayn wax-ku-ool ah ugu yeeshaan jihada

ay qaadanayso barnaamijyada qaran ee horumarineed

* In la abuuro kayd xogeed qaran (national data

base) oo ay ku ururo khibradaha mihaniga ah

ee Qurbajoogga taas oo looga dan leeyahay in

danaha qaran looga faa’iidaysan karo halkii iyo

goortii ay ku habboon tahay;

* In wasaaradda qorshayntu diyaariso fulisana

siyaasado gaar ah oo ku wajahan kor u

qaadidda iyo dhiirigelinta hay’adaha deeqda

Page 46

bixiya inay ka faa’iidaystaan xogta ku urursan

kayd-xogeedka qaran, si ay u ogaadaan muwaadiniinta

ay shaqaalaysan karaan, waxna

kala qaban kara hawlahooda.

* Abuuridda ilo rasmi ah oo ay dadka qurbajoogga

ahi ka heli karaan xogaha ay u baahan

yihiin ee wax ka taraya dedaalada horumarineed

iyo dhaq-dhaqaaqa bulsho ee ka

socda dalka hooyo.

* In Qurbajoogga dalka imanaya loo fidiyo adeeg

wacan oo soo dhowayneed.

XV. Daweynta iyo Daryeelidda

Naafada Jidh ahaaneed

iyo Maskax ahaaneed:

Xisbiga Kulmiye wuxuu wax ka qabanayaa tabaalada

haysata dadka burburkii dhibaatooyinku ka soo gaadheen

isagoo ku dedaalaya:

1) Inuu wax ka qabto naafada argagaxa leh iyo

kuwa silsiladaha ku dabran ee guri kasta oo

Somaliland ah ku sugan.

2) Inuu sameeyo goobo lagu xannaaneeyo dadka

maskaxda wax ka qaba.

3) In la uruuriyo dadka maskaxda wax ka qaba ee

suuqyada ku filiqsan, dhaxanta iyo bacadkana

gaaf wareegaya iyo kuwa guryaha ku xidhan

loona helo daaweyn yo xannaanayn lacag la’aan ah.

Page 47

XVI. Kobcinta Hiddaha iyo

Dhaqanka

Xisbiga Kulmiye wuxuu ku taamayaa inuu soo

celiyo hankii, karaamadii iyo isku-kalsoonaantii

qofka Soomaaliga ah oo muddo badan ku jiray

qaxooti, walbahaar iyo dagaallo sokeeye.

Siyaabaha arrimahaa wax lagaga qaban karo

waxa ka mid ah:

Horumarinta fanka iyo suugaanta iyadoo la

abuurayo hoy dhaqameedyo sida masraxyo,

muuseemyo, dugsiyo lagu barto muusikada

iyo farshaxanka Soomaliyeed, ciyaaraha, ho

rumarinta far Soomaaliga, buug-qoraalka iyo

daraasadda iyo ururinta hiddaha iyo

dhaqanka aan qornayn

XVII. Diiwaanka Qaranka

In la abuuro diiwaanka qaranka oo lagu kaydinayo

dhamaan macuulaamdka iyo hab maamuuska

qaranka wixii xogo ah ee la xidhiidha sida:

1. Hantida ma guuraanka ah.

2. Dhamaan wixii hadiyado lagu bixiyo magaca

Jamhuuriyada Somalialnd.

3. Wixii hab maamuus iyo bilad sharaf ama

shahaadooyin sharaf ee la siiyo dadka mudan.

4. Dhammaan wixii hadiyado la siiyo madaxda

wadanka ee lagu gudoonsiiyo magaca

Jamhuuriyada somaliand.

Page 48

LIFAAQA:

Dalka Somaliland sida la moodayo faqiir maaha, balse

waxa haysata maamul xuno. Waxa ay ahayd in Miisaaniyadda

qaranka u soo xerootaa sannadkii ay kor u dhaafto

USD 200,000,000, halka ay ka tahay USD 42,000,000

Shaxda 1: Dakhliga Qasriga ku hoyda sannadkii ee aan Miisaaniyadda

Qaranka gelin:

1 Shaxda No 1 Xoolaha dhoofay $3,349,696
2 Shaxdda No 2 Dekedda Berbera

( Cel-celis ahaan )
$8,000,000
3 Haamaha shiidaalka ee Berbera $1,970,290
4 Isu gayn $13,319,986
Lacagta la lunsado ee aan xaddi sugan laga hayn waa kuwa hoos ku qoran
Lcagta laga qaado shirkadaha shiidaalka batroolka. ?
Kalluumaysida xeebaha lagaga xaalufiyo kalluunka. ?
Lacagta sh. Somaliland ee la soo daabaco. ?
Hantida qaranka ee la iibiyo. ?
Lcagta amaanka lagu sugary ee dawladuhu biaxial. ?

Hantidaas badan ee la lunsanayaa waxay dhaawac ku tahay

geeddi socodkii dimoqraadiyadda iyo taabo-galkii maamul

quman (Good Governance). Waana ta Madaxweynuhu, u

isticmaalo laa-luushka ama waxa loo yaqaan “Dhaamel”,

sababna u noqotay in lagu ragaadiyo Waaxahii Qaranka ee

Fulinta, Xeer-Dejinta iyo Garsoorka oo ay ahayd inay isdheelitiraan,

sida Dastuurku qeexay.

Page 49

Saacadaha Shaqada ee Luma:

Waxa xeerka dalka u yaallaa ina farayaa in dawladda loo

shaqeeyo 8 saacadood maalintii, hase yeeshee waxa la

shaqeeyaa waqti aan ka badnayn 2.5 (laba saacadood iyo

badh) keliya. Maaha caqli-gal in ummad sabool ihi shaqayso

maalintii laba saacadood iyo badh, oo ay lumiso, 5.5 (shan

saacadood iyo badh). Lacagta waqtigaas luntay waxay ummadda

ku joogtaa $21,700,000 sannadkii. Waxa dheer

khasaaraha wax qabad la’aanta muddadaas.

8dii sannadood ee Rayaale xilka hayay, waxa la shaqeeyay

waqti u dhigma laba sannadood iyo lix bilood Waxana lumay,

oo aan la shaqayn; shan sannadood iyo lix bilood. Lacagta

fadhiga lagu cunay muddadaa aan la shaqayni waa;

$ 153,974,271

Maamul xumada iyo musuq-maasuqa xukuumadda Rayaale.

waxa ay ka bilaabantaa, habka loo qaybiyo Dakhliga dawladda

oo ah:-

1) Mudnaanta koobaad waxa leh; Qasriga,

2) Tan labaad Wasaaradda.Madaxtooyada: min 2002 ilaa

2009kii waxa Miisaaniyadda loo kordhiyay 270 %.

3) Wasaaradda.Maaliyadda min 2002 ilaa 2009kii waxa

Miisaaniyadda loo kordhiyay 214 %.

Mushkilada Caagalaha:

Tirada shaqaalaha iyo ciidamadu; sida ku cad miisaaniyadda

Qaranka ee 2009, waa 33,092. Hase yeeshee marka loo

dhabbagalo tiradaasi kama badna 16,400 qof. Inta kale, oo

ah; 16,692 qof, waa Caagle. Caagluhu waa qof aan jirin balse

Page 50

lagu qaato lacag. Waxa caaglaysiga lagu lunsadaa hanti dhan

$ 8,905,172 sannadkii.

Ciidan Beeleedka

Waxa iyana jira, Ciidan Beeleeld ku qoran gobolada Sool iyo

Sanaag-Bari, oo lagu lunsado hanti dhan $ 6,214,865 sannadkii.

U kala Eexashada Wasaaradaha:

Heerka musuq-maasuqu marayo, Tusaale ahaan; Shidaalka

Wasaaradda Maaliyaddu, ee 2008 wuxuu gaar ahaan, wasaarad

kasta uga badnaa shan iyo toban (15) wasaaradood, oo

ay ka mid yihiin: Wasaarado muhim ah sida: W.Beeraha,

W.Warshadeynta,W.ganacsia,, W.qorshaynta iyo

W.macdanta iyo biyaha.

Shaxda 2: Dakhliga madaxda maaliyaddu lunsato sanadkii:

1 Inta gaarka ah, dakhliga maharaja iyo qiimaha labada sarrif $14,782,271
2 Hdhaaga miisaaniyadaha hore $2,657,143
3 Caaglaha $8,749,398
4 Aafada Burco iyo Laascaanood $10,177,339
Isugayn $36,366,151

Page 51

Shaxda 3: Dakhliga ku lumay Maamul Xumo snakier:

1 Shantii sanaddood iyo badhkii aan la shaqayn $153,974,271
2 Ciidamada beelaha sool iyo sanaag bari ee aan jirin $6,214,865
3 Cashuurta Berriga ee aan la soo hoyn $38,309,260
Isugayen $213,484,396

Baanka Qaranka

Horumarka dhaqaaluhu, kama maarmo Baan Qaran. Xukuumadda

Rayaale se, way ka soo hor jeeddaa in la dhiso

Baan micno leh. Waxa Baanka Qaranku isticmaalaa laba

qiime oo Sarrifka USD. Qiimaha rasmiga ah ee dawladda oo

ah; sls 3,500 halkii doolar iyo ka suuqa oo ah; sls 6,200.

Labadan qiime ee sarrifka, waxa lagu lunsadaa sannadkii

$6,875,048, oo aan Miisaaniyadda Qaranka gelin.

Fiiro Gaar ah: xoolaha la lunsado ee lifaaqan

ku cad, si toos ah ayay ugu soo hoyan doonaan

khasnadda dawladda, marka Kulmiye majaraha

qabto, waxana uu hantidaas u isticmaali doonaa

mashaariicda horumarinta sida caafimaadka,

waxbarashada, biyaha, waddooyinka iwm


Page 52

Shaxda 1: Lacagta Maxjarka sannadkii 2009.

2009 Adhi Lo’ Geel
January 98,698 2,897 140.00
February 49,996 11,888 902.00
March 58,561 5,044 188.00
April 30,977 3,733 1,097
May 34,474 3,520 668.00
June 50,018 5,195 1,929
July 98,243 7,498 3,183
August 139,191 7,887 3,290
September 131,430 5,132 2,711
October 68,383 12,750 3,179
November 779,587 20,298 1,293
December 79,194 6,487 3,144
Xoolaha 1,618,752 92,329 21,654
Qiimaha saran neefkii $ 7.5

adiga
$ 23.00

loda
$ 23.00

Geela

USD 12,140,640 2,123,567 498,042
Isugeyn guud $14,762,249

Page 53

Shaxda 2: Dakhliga Xoolaha dhoofa ee madaxweynuhu qaatay.

Sanadkii Adhi Lo’ Geel
May 2002 210,765 26,419 14,293
2003 540,946 75,846 21,874
2004 858,356 131,869 7,132
2005 1,030,095 148,061 5,069
2006 1,199,610 97,631 23,865
2007 1,350,054 88,143 14,245
2008 1,224,533 81,181 26,353
2009 1,640,665 121,845 34,274
Tiro Xoolaha 8,055,024 770,995 147,105
Qiimaha la saaro

Neefkiiba
$ 2.00 $ 11.00 $ 15.00
Lacagta ka soo

xeroota
$16,110,048 $8,480,945 $ 2,206,575
Isug. Guud $ 26,797,568

Shaxda 3:Cashuurta dawladda ee xoolaha, May 2002 – 2009.

2002 ilaa2009 Adhi Lo’ Geel
Tirada Xoolaha 8,055,024 770,995 147,105
Qiimaha Sls 55

($ 0.008)
Sls 470

($ 0.075)
Sls 520

($ 0.083)

USD $ 64,440 $ 57,825 $ 12,210
Isug. Guud $ 134,475

GUUL IYO GOBANIMO.

SOMALILAND.

KULMIYE.

« Xisbiga Kulmiye Oo Soo Bandhigay Siyaasadda Xisbiga Ee Dalka Uu Ku Hagi DoonoUrurka Cali Marshal Trust oo Axada Lagu Aasaasi Doono »Comments are closed.
Archives
April 2010
March 2010
February 2010
January 2010
December 2009
November 2009
October 2009
September 2009
August 2009
July 2009
June 2009
May 2009
April 2009
March 2009
February 2009
January 2009
December 2008
November 2008
October 2008
September 2008
August 2008
July 2008
June 2008
May 2008
April 2008
March 2008
January 2008
July 2007
June 2007
February 2005
Copyright © KULMIYEHome Barnaamijka Musharixiinta Taariikhda Xisbiga Warar Daawo Fiidiyow Caawi Xisbiga top^^

Saturday 17 April 2010

soo dhaweyntii axmed yuusuf yaasiin madaxweyne ku-xigeenka somaliland


Soo Dhawayn Heer Qaran ah oo Dawlad Iyo Shacbi Lagu Qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Berbera Ka Soo Degay.
Berbera (Harowo) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta ka soo degay Airport-ka Magaalada Berbera ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta qaranka iyo shacbiga Somaliland oo kumanaan tiradoodu gaadhayso. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo mudo safar caafimaad ugu maqnaa dalka Faransiiska waxa madaarka Berbera oo uu maanta ka soo degay ku qaabilay Wasiiro, Salaadiin, Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saaxil iyo kumanaan shacbiga Somaliland ah oo ka kala yimi gobolada dalka maalmihii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Berbera.

Markii Diyaarada Madaxweyne ku xigeenka siday soo fadhiisatay madaarka Berbera ayaa dadweynihii tirade badnaa ee ku sugayay madaarku shucuurtoodu cirka isku shareertay isagoo qof walba doonaya inuu salaam ka qaado awgeed ayaa sababtay in ciidanka madaxtooyadu dadka kala dhex baxaan ka dibna dib loogu soo celiyo madaarka si uu salaam uga qaato cutubyo ciidamada qaranka ka tirsan oo halkaa ugu sii diyaarsanaa ka dibna wuxuu gacan qaaday, masuuliyiintii iyo madax dhaqameedyadii tirade badnaa ee soo dhawayntiisa u tagay Berbera.

Wax hadal ah madaxweyne ku xigeenku muu haleeliin dadka ka qayb qaadanayay soo dhawayntiisa oo xad dhaaf noqday darteed Md. Yaasiin ayaa la filayaa inuu bari soo gaadho caasimada Somaliland ee Hargeysa halkaas oo si wayn loogu sii diyaar garoobayay maalmihii tagay oo dhan soo dhawaynta Madaxweyne ku xigeenka.









Harowo Desk Berbera Somaliland

Tuesday 13 April 2010

komishanka doorashada somaliland oo tilmaamay waqtiga doorashadu ku qabsoomi karto

Komishanka Doorashada Somaliland oo ka hadlay waqtiga Doorashadu qabsoomi karto
April 13th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari), ayaa maanta shaaciyay waqtiga Bulshada la siinayo Kaadhadhka cusub ee Doorashada lagu galayo iyo waqtiga la filayo inay doorasho qabsoonto.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo maanta ka hadlayay Munaasibad ay wada-jir ay Xeerka Anshaxa Doorashada ugu saxeexdeen Xisbiyada Somaliland, ayaa sheegay in toddobaadka soo socda dalka la keeni doono Kaadhadhkii codaynta ee cusbaa oo uu sheegay in lagu soo sameeyay dalka Koonfurta Afrika, isla markaana toddobaadyadaa xiga la gaadhsiin doono oo loo qaybin doono Dadweynaha isdiiwaangeliyay.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in bisha May ee soo socota dhexdeeda lagu dhawaaqi doono natiijada Server-ka ama agabka kala shaandhaynta codbixiyayaasha Doorashooyinka oo saldhig u ahayd murannadii iyo khilaafyadii sanadkii tegay gilgilay dalka. Waxa kale oo uu Mr. Ciise intaa raaciyay in wixii ka dambeeya waqtiga lagu dhawaaqo natiijada la cayimi doono Doorashada, waqtigaas oo uu ku sheegay in badhtamaha Bisha June ee soo socota ay noqon karto. “Saddex qodob ayaan doonayaa inaan xafladan kaga hadlo, qodob ah saddexdii bilood ee u dambeeyey wixii u qabsoomay Komishanka oo ah intii aanu wadnay hawlihii shaqaalaysiinta Komishanka heer gobol iyo heer degmoba, taas oo imika noo soo dhamays tirantay. Waxaana noo soo dhamaaday oo qayb ka mid ahi imika socotaa daabacaada kaadhadhkii Doorashooyinka, kuwaas oo lagu soo daabacayo dalka Koonfurta Afrika oo aanu u gudbinay dadkii ka soo baxay Server-ka”.

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Ku tala-galka qabsoomidda Doorashaduna ayaan iyadna wadnay oo imika markay kaadhadku ka soo noqdaan Koonfur Afrika bishan aakhirkeeda, wiiga labaad ee bisha May-na inaanu soo bandhigno, si aanu Kaadhadhkii u badelno, bisha Juun guddeheedana inaanu Doorashadii Insha Allaah ka dhigno wakhtigeeda”

Waa markii u horraysay ee Komishanka Doorashada Somaliland shaaciyaan waqtiga ay Doorashadu qabsoomi karto, isla markaana ay ka hadlaan arrimaha natiijada Server-ka waqiga lagu dhawaaqayo. Taas oo yididillo gelisay Axsaabta Siyaasadda iyo guud ahaan shacabkaba.

seddaxda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyimka qaranka oo huteel mansoor ku kala saxeexday xeerka anshaxa doorashooyinka


Komishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Saddexda Xisbi oo si wada jira qalinka ugu duugay xeerka anshaxa iyo wada shaqaynta arrimaha doorashada




Hargeysa(Ramaas) Apr. 13, 2010 - Masuuliyiinta Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta si rasmiya u wada saxeexay xeerka anshaxa doorashooyinka, isla markaana Xisbi kastaaba waxa uu ballan-qaaday in uu dhiniciisa ku dhaqmi doono xeerkaas, difaacina doono cidda isku dayda inay jabiso. Xeerkaas oo ay ku wada shaqayn doonaan Xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinku.



Munaasibad balaadhan oo lagu saxeexay heshiiskaa saddex geesoodka ah oo ay goob-joog ka ahaayeen xubnaha Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, hogaamiyayaasha xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xildhibaanno Baarlamanka ka tirsan, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dalka Ghana oo Somaliland booqasho ku joogga, wakiillo ka socday Hay’adaha arimaha doorashooyinka Somaliland ka taageera, Culima-udiin iyo marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.



Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-xamari), oo furitaankii xafladdaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in saddexdii bilood ee u dambeeyey ay tallaabooyin wax ku ool ah qaadeen, isla markaana dhammaystireen shaqaalaha ka hawlgalaya arimaha doorashada intoodii badnayd, sidoo kalena kaadhadhkii codbixinta lagu soo daabacayo dalka koonfur Afrika bisha May-na loo qaybin doono dadweynaha, halka toddobaadka u horeeya bisha June ee sannadkan ay shaacin doonaan wakhtiga rasmiga ah ee doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomayso, sida uu Guddoomiyuhu xaflladdaas ka sheegay maanta.



Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isna kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta laysugu yimaaddo kulankan lagu saxeexayo heshiiska xeerka anshaxa iyo wada shaqaynta Komishanka iyo Xisbiyada tartanku ka dhaxeeyo. “Aniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga KULMIYE, waxaan maanta ballan-qaadayaa in aannu si buuxda oo qaddarin leh ugu dhaqmayno xeerkan, lana shaqayn doonno komishanka doorashooyinka oo aannu horena kalsoonida u siinnay.” Ayuu yidhi Siilaanyo.



Waxaanu Axmed Siilaanyo guddiga doorashooyinka ka codsaday in la sameeyo guddiga dabagalka xeerkan maanta la wada sexeexay, isla markaana loo sinnaado Hay’adaha qaranka ee ay dawladdu gacanta ku hayso, sida gaarka ahna u adeegsato, sida warbaahinta dawladda, Ciidamada iyo wixii la mid ah oo aan xisbiga UDUB oo kaliyi isticmaalin sida imika caadada ah oo kale. Ugu dambayntii waxa uu Siilaanyo u mahadceliyey Guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inay dedaal dheeraad ah muujiyeen muddadii ay xilka hayeen.



Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Aadan Maxamed Mire Waqaf, ayaa isaguna hadal dheer oo dhiirigelin, dardaaran iyo mahadnaq isugu jira xafladdaa ka jeediyey, waxaanu soo dhaweeyey heshiiskan wada shaqaynta Xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinka oo uu sheegay in Xisbigoodu ku dhaqmayo. Waxaanu Waqaf yidhi; “Xisbiga UCID waxa uu ballanqaadayaa in aannu ku dhaqanno heshiiskaa la kala saxeexanayo, oo aanu tixgelin doonno difaacina doonno. Waxa kale oo aanu UCID ahaan ballan qaadaynaa in aanu aqbalayno natiijada Seerfarka kala shaandhaynta codbixiyayaasha, kalsoonidii aanu hore u siinnay ayaanu maantana mar labaad u jadiidinaynaa Komishanka doorashooyinka Qaranka.”



Aadan Waqaf waxa uu u soo jeediyey Guddiga doorashooyinka inay dedaalaan, halka ay maanta wax marinayaan hore uga sii wadaan, isla markaana si daacadnimo leh ugu garsooraan Xisbiyada siyaasadda ee doorashada ku tartami doona, iyaga oo aan midna dhinaca saaraynin, maadaama aad masiirkii dadka iyo dalka Somaliland uu toddobadaa xubnood guudkooda saaran yahay, inay xil wayn isa saaraan ayuu u soo jeediyey.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, waxa uu isaguna halkaas ka ballan-qaaday inay Xisbi ahaan tixgelinayaan ku dhaqanka iyo dhawrista xeerka anshaxa maanta la wada saxeexday. “Waxaannu ballan-qaadaynaa haddii aanu Xisbiga UDUB nahay in aanu dhawrno kuna dhaqanno xeerka maanta la wada saxeexday, waxaanu soo dhawaynaynaa inay halkan marayaan hawlaha u diyaargarawga doorashooyinka.” Ayuu yidhi Xoghayaha UDUB. Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomniyaha Komishanka doorashooyinka dalka Ghana oo xafladdaa goob joog ka ahaa iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland. Waxaanu Xoghayaha UDUB soo jeediyey in xisbi waliba taageerayaashiisa baro oo ku wacyigeliyo ku dhaqanka anshaxahan oo habdhaqankooda laga dareemo taageerayaasha xisbiga hirgeliyey xeerkan ku dhaqankiisa.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dalka Ghana Kwadwo Afari-Gyan oo isaga iyo Wefti uu hogaaminayay oo muddo laba maalmood ah dalka joogay ka qayb galeen kulankaas heshiiska lagu kala saxeexday, ayaa khudbad dardaaran iyo dhiirigelin ah Xafladdaas ka jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay inay Somaliland maanta meel fiican marayso, loona baahan yahay inay halkaa ka sii waddo dedaalka dimuquraaddiyadda ee ay ku tallaabsaday iyada oo aan dunidu aqoonsan. Mr Afari-Gyan waxa uu ku dheeraaday muhiimadda xeerka maanta xisbiyada iyo Komishanka Somaliland wada saxeexdeen oo uu sheegay in aan la’aantii doorasho fiicani dhici Karin, waxa uu sheegay in haddii aan lagu dhaqmin xeerkaas aanay doorashaduna noqon doonin mid lagu wada qanco.

Sidaa daraadeed, waxa uu Guddoomiyaha Doorashooyinka Ghana u soo jeediyey Xisbiyada iyo Komishanka Somaliland inay dhawraan, ilaaliyaan, kuna dhaqmaan xeerkaas anshaxa wada shaqaynta oo uu tilmaamay haddii sidiisa loo raaco in wax badani ku saxmi doonaan, doorasho xor iyo xalaal ahina dalka markaas ka dhici karto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), oo munaasibaddaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu isaga oo ummadda ka wakiil ah, uu markhaati ka yahay ballan-qaadka saddexda Xisbi madashaa ka sameeyeen ee ah ilaalinta iyo ku dhaqanka xeerka anshaxa iyo wada shaqaynta ee ay maanta kala saxeexdeen. Isaga oo xusay inuu farta ku fiiqi doono cidda ka baxda goordhaw. Waxa iyaguna sidaa Guddoomiyaha ku raacay Xildhibaanno Golaha Guurtida ka tirsan oo xafladda ka hadlay.

Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Xasan Cabdi Salaan, ayaa ku dheeraaday Masuuliyaddu culayska ay leedahay, waxa ay diintu ka tidhi, waxa looga baahan yahay qofka masuuliyad ummadeed haya, waxa lagu abaalmarinayo ka gudan waayo waadjibaadkaas, iyaga oo soo daliishaday Aayaadka Qur’aanka Kariimka ah ee uu Illaahay kaga hadlayo Masuuliyadda iyo sidoo kale Axaadiista Nebi Muxamed (S.C.W) ee iyaguna xil-gudashada iyo Masuuliyadda ka hadlaya. Waxaanay ugu baaqeen guddiga doorashada inay dhexdhexaadnimo, garsoor iyo caddaaladda ku dedaalaan.

Ugu dambayntii Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Baashe Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf (Ciise-Xamari), ayaa nuqulada heshiiskaan xeerka anshaxa iyo wadda shaqaynta xisbiyada iyo guddiga doorashada halkaas ku saxeexay, iyada oo xisbi walba heshiis iyo shaabbad ku dhufanayey buugga xeerka lagu wada shaqayn doono. Kaas oo maanta laga bilaabo xisbi walba la doonayo inuu dhaqan galiyo, una hogaansamo awaamirta qodobbadda xeerkaas