Friday 1 October 2010

waqaf oo ka hadlay daryeel la'aanta waxbarashada

Md. Aadan Maxamed Mirre, waxa uu tilmaamay in kaalinta hoose ee ay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ay ka galeen ardayda wax ka barata dugsiyadda dawladu gacanta ku haysaa ay ka turjumayso tayo la’aanta dhinaca aqoonta ardayda, sidaas awgeedna looga baahan yahay wasaarada waxbarashada Somaliland inay kor u qaado aqoonta ardayda iyo ta macalimiinta wax baraysaba.


Md. Waqaf waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta la hadlayey arday ka qalin-jabisay Machadka Al-Azhar oo xaflad loogu qabtay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, wuxuuna xusay in ay sugayaan kaalinta ay ka galaan ardayda wax ka barata dugsiyada kala duwan ee dawlada natiijada imtixaanaadka sannadka dambe.


Md. Aadan Mirre [Wadaf] oo ugu horeyn ka hadlaya arimahan waxa uu yidhi ‘‘Imtixaanadii ugu dambeeyay ee 2009 ilaa 2010-ka oo ay iskuuladii dawladu maamulayso meel hoose kaga jireen oo dugsiyadii gaarka ahaa ayaa ka kormaray.”


Guddoomiye Aadan Maxamed Mirre Waqaf, isagoo la hadlaya xukuumada cusub waxa uu yidhi “Qolada maanta joogtaa haddii ay odhan lahaayeen tii hore (xukuumadii hore) ayaa sidaa ahayd agabkii iyo raggii ka shaqaynayay way joogaan bal sanadka soo socda ayaanu ku qiimaynaynaa tayeynta ay ku baaqeen ee ay leeyihiin waxbaanu tacliinta ka qabanaynaa oo waanu tayeynaynaa, waxaanu uga fadhinaa sannadka dambe dugsiyadaa xukuumiga ahi kaalinta ay ka galaan imtixaanaadka qaranka.”


Ugu dambayn Md. Waqaf waxa uu wasaarada waxbarashada Somaliland looga fadhiyo sidii ay u midayn lahayd Manhajka waxbarasho ee dalka, taas oo uu sheegay in ardayda dugsiyada dalka loo dhigo Manhajyo dalal kale leeyihiin, kuwaas oo uu tilmaamay in aanay fiicnayn, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu Wasaarada waxbarashada ka doonaynaa in ay manhajka dalka mideyso, waayo boqolaal manhaj oo ay leeyihiin wadamo aynaan isku dhaqan ahayn oo wax lagaga dhigo Somaliland, markaa waxaanu doonaynaa in manhajka la mideeyo oo uu noqdo manhaj ay kaantaroosho wasaarada waxbarashadu, markaa waxaan ku dardaarayaa in wasaaradu kaalintaa ka hadasho.”






Ramaasnews Desk

No comments:

Post a Comment