Friday 1 October 2010

Xildhibaan Nac-nac Oo Sheegay In Ha’yad Samo-fal Oo Ka Mida Kuwa Dalka Qadar Ay Doonayso In Ay Somaliland Ka Dhisto Cisbitaal Lagu Daawayn Doono Caruu

Xildhibaan Nac-nac Oo Sheegay In Ha’yad Samo-fal Oo Ka Mida Kuwa Dalka Qadar Ay Doonayso In Ay Somaliland Ka Dhisto Cisbitaal Lagu Daawayn Doono Caruurta iyo Dumarka.




Hargeysa(Ramaas) Sept.30, 2010 - Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo ka mid mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo muddo labaatan maalmood ah safar ugu maqnaa dalka Qadar oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay in uu la soo kulmay hay’ad samofal oo xarunteedu tahay dalka Qadar, isla markaana doonaysa in ay Somaliland u dhisto Cusbitaal weyn oo lix dabaq ah.


Xildhibaan Nac-nac, waxa uu sheegay in hay’addan samofalka ah oo aanu magaceeda sheegin ay hore ula kulantay masuuliyiin ka tirsanaa xukuumadii hore ee Somaliland, isla-markaana ay kala hadleen dhismaha cisbitaalka, balse aanay wax war ah dib ugu soo celin, sidaas darteedna ay ka soo codsadeen in uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka caafimaadka fariin arntaas ah ka gaadhsiiyo si ay u hirgasho hawsha ay doonayaan inay dalka ka qabtaan.


Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ay ku soo dhaweeyeen Madaarka Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya safarkiisa waxa uu yidhi “Markii hore waxaan gaadhay dalka Qadar waxaanan u tagay arin gaar ah, markii dambana shaqadii qaranka wixii aan ka qaban karayay ayaan ka qabtay, dadkii reer Somaliland ee daganaa Magaalada Dooxa waxa ay shacabka, Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ii soo fareen salaan iyaga oo u soo ducaynayey, waxayna yidhaahdeen Madaxwaynaha iyo ku xigeenkaba balantii ay ummadda u qaadeen ka soo baxa, taasna way i soo fareen.


Xildhibaanku waxa kale oo uu soo qaaday “Dadka reer Somaliland ee degan dalka Qadar, waxa ay ii geeyeen muwaadin reer Qadar ah oo leh hay’ad Samofal, waxaanan ku idhi maxaad wax noogu qaban waydeen, waxayna yidhaahdeen ma idinkaa waxba na waydiistay, wixii aanu idiin dirnay (wakhtigii xukuumadii hore) sowdinkii ka soo jawaabi waayay, waxay yidhaahdeen waxaanu ku nidhi [Xukumadii hore] aanu idiin dhisno dhakhtar lix dabaq ah oo dumarka iyo carruurta ah, ardayda jaamacaduhuna wax ku bartaan oo bariga Afrikana ugu waynaada. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ku nidhi dawladii hore way iska tagtee maxaad nooga baahan tihiin noo soo bandhiga, waxayna nagu yidhaahdeen wasiirka caafimaadka qaabilsan u sheeg oo Madaxwaynaha u sheeg, si dhakhtarka qaabkiisa loo soo sawiro, wixii ku baxayana annaga ayaa bixinayna, laakiin qorshe ayaanu doonaynaa. Aniguna waxaan ku idhi diyaar ayaanu idiin nahay inaad noo dhistaan dhakhtarka iyo wixii kale ee aad noo qabanaysaan, lacagna ha noo dhiibina ee furayaasha oo kaliya noo dhiiba.”


Axmed Maxamed Diiriye, waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiintan hay’adda Samofalku ay doonayaan inay la kulmaan masuuliyiinta Somaliland, waxaanu yidhi Xildhibaanku “Markaa waxay doonayaan in wasiiradu halkaa tagaan oo u soo sheegaan waxa aynu doonayno.’



Ramaasnews Desk

Hargeisa.

No comments:

Post a Comment