Wednesday 10 July 2013

Somaliland iyo Somalia oo ku heshiiyay 3 qodob

Shirkii afraad ee wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya uga socday magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa caawa la soo gabo-gabeeyay, waxaanay ergadii ka kala socotay labada dal ay ku heshiiyeen heshiis ka kooban sadex qodob. Heshiiskan waxa dhinaca Somaliland u saxeexay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, halka Soomaaliyana uu qalinka ugu duugay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Xuseen Guuleed. Waxaanay labada Wasiir-ba sheegeen inay ku qanacsan yihiin heshiiska la gaadhay waxaanay u mahad celiyeen dawladda Turkiga oo isku hawshay ka mido dhalinta wada hadalada labada geesood u socday oo ay marti-gelinaysay. Sadexda Qodob Ee Lagu Heshiiyay Waxay u dhignaayeen sidan:- 1)- Maamulka Hawadda lagala wareego Qarrammadda Midoobay oo lagu wareejiyo Guddi wada jir ah oo ka kooban Somaliland iyo Soomaaliya. Gudidaasna fadhigoodu noqdo Hargeysa. Guddidaasi waxay soo gudbin doonaan nidaam si siman dakhliga loogu qeybsan doono. 2)- In la sii wado wada hadaladda. 3)- In wada hadaladda kan ku xigaa lagu qabto isla dalka Turkiga muddo 120 maalmood ah (afar bilood) ah ka dib. shirkan ayaa muddo laba maalmood ah u socday labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay inay ahaayeen wada hadaladii ugu adkaa ee labada geesood isku soo hor-fadhiistaan, iyadoo la isku mari waayay ajandihii ka koobnaa tobanka qodob ee miiska u saarnaa.

No comments:

Post a Comment