Friday 19 July 2013

Golaha la magac baxay Wada tashiga wuxuu baalmarsanyahay sharciga dalka jamhuuriyadda Somaliland.

(Gaax-aax)-Golaha la magac baxay Wada tashiga bacdamaa aanu ka diiwaaangashanayn GUDDIDA DIIWAANGELINTA,Isla markaana aanu ka diiwaaangashanayn XEER-ILAALIYAHA GUUD , isla markaana aanu jirin Xeer jideeyay,  wuxuu baalmarsanyahay sharciga dalka jamhuuriyadda Somaliland. Dastuurka Somaliland wuxuu si cad ugu qeexay furashada URURO, nockasta ha noqdee.

 (1) QODOBKA 23AAD
 XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA IYO IS-ABAABULKA

 faqradda 3aad- Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka,

faqradda 4aad- Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene. 

(2) QODOBKA 9AAD 
NIDAAMKA SIYAASADEED

 faqradda 2aad- Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi 

faqradda 3aad - Iyadoo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi .waxaana reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.

 Waxaa sharci darro ah urur kasta oo aan Xeerjideyn, iskana DIIWAAN-GELIN GUUDIDA DIIWAANGELINTA (Xeer Lr 14. Markuu yahay URUR SIYAASADEED). Markuu yahay yahay urur cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale waxaa diiwaan-gelinaaya XEER-ILAALIYAHA Guud ee Qaranka (xeerka DIIWAANGELINTA ururada aan ahayn URURO SIYAASADEED.

Sidaas darteed golahan is magacaabay bacdamaa aanu ka diiwaaangashanayn GUDDIDA DIIWAANGELINTA,Isla markaana aanu ka diiwaaangashanayn XEER-ILAALIYAHA GUUD , isla markaana aanu jirin Xeer jideeyay, waa SHARCIDARRO.

No comments:

Post a Comment