Showing posts with label war (SLO). Show all posts
Showing posts with label war (SLO). Show all posts

Monday, 1 February 2010

Mahad-naqa Xisbiga KULMIYE uu shacabka Somaliland u jeediyey 20100201



Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Mahad-naqa Xisbiga KULMIYE iyo baaq uu u jeediyay Xukuumadda Somaliland
February 1st, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa Bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex uga mahad-naqay soo-dhawayntii Guddoomiyaha XIsbigaas ee shalay, waxaanay Xukuumadda ugu baaqeen inay u dhug-yeelato rabitaanka Bulshada.

Warsaxaafadeed uu Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige ku saxeexan yahay, ayaa Bulshada looga mahad-celiyay qaabkii iyo maamuuskii soo-dhawaynta Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxaa Hoggaanka Xisbiga Kulmiye aad ugu mahadnaqayaa dhammaan taageerayaasha iyo guud ahaan shacabweynaha degan magaala madaxada ee Hargeysa sidii diirraneyd ee ay u soo dhoweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana ah Musharaxa Madaxweynah Mudane Axmad Maxamad Siilaayo kadib markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka oo laga casuumay.

Wuxuu hoggaanka Xisbigu aad ugu riyaaqay sida sharafta iyo maamuusku ka muuqday ee shacabweynuhu ay isugu soo baxeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada iyadoo lulaya calamo iyo caleemo qoyan kuna dhawaaqaya eryo iyo hadalo soo dhoweyna. Wuxuuna isu soo baxaasi noo caddaynayaa kalsoonida iyo taageerada uu shacabka Somaliland u hayo Xisbiga iyo hoggaankiisa. Waxaanu aad ugu rajaweynahay inuu shacabweynuhu diyaar ula yahay codkiisa inuu siiyo Hoggamiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmad Maxamad Siilaanyo.

Ugu dambeyntii waxaanu ku boorinaynaa xukuumada iyo Xisbiga tala haya ee Udub inay dhageystaan oo ixtiraamaan dareenka iyo dhawaaqa bulshada.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Saturday, 30 January 2010

Diyaarad Khaas Ah Oo Dawlada Maraykanku U Diyariyeen Md Axmed Silanyo Oo La Filayo Maalinta Axadda 20100130

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Diyaarad Khaas Ah Oo Dawlada Maraykanku U Diyariyeen Md Axmed Silanyo Oo La Filayo Maalinta Axadda




January 30th, 2010 Comments Off

Addis Abab (Somaliland.Org) Guddomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Silanyo ayaa soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee casimada dalka Ethiopia maalintii arbacadii, isagoo safar kaga soo noqday dalka Maraykanka. Guddomiye Silanyo ayaa intii uu joogay magaaladda Addis Ababa ayaa waxu kulamo la yeshay safiirka dalka Ingiriska u fadhiya Ethiopia, safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Ethiopia.

Md Axmed Silanyo ayaa waxa uu safar laba wiig qaatay ugu maqnaa dalka Maraykanka, kaas oo uu ka helay casuumad. Mudadii uu dalka Maraykanka joogay Guddomiye Silanyo waaxa uu kulamo la leeyahay masuuliyin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Baarlamanka Maraykanka iyo hayadaha caalamiga ah ee caawiya Afrika.

Kadib markii uu soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee kulamada la qaatay masuuliyinta dalkaas iyo safaaradaha qarbiga aya waxa u qorsheysnayd inuu maalinta Axadda ka dhoofo Muj Silanyo dalka Ethiopia, isaga oo raacaya diyaaradda Daallo Airlines.

Hase yeeshe, xukuumadda Maraykanka, gaar ahaan, safaradeeda dalka Ethiopia oo kaashanaysa xukumada dalka Ethiopia ayaa Md Silanyo ku war gelisay in ay u diyaarisay diyaar khaas ah oo qaadaysa isaga iyo marwadiisa, isla markaana aanu u baahnayn inuu diyarad kale raaco.

Waa markii ugu horeysay ee masuul Somaliland ah xukumada Maraykanku diyaarad khaas ah oo kaligi u gar ah u diyaariso. Waxa jiray safaro door ah oo Madaxweyne Rayale iyo wasiiradiisu ugu kicitimaan dalka Ethiopia oo Maraykanka, yaga oo isticmaalaya diyaaradaha caadiga, sida Daallo Airlines.

Xukuumadda Maraykanka ayaa tan iyo intii mashaqadu kasoo cusboonatay dalalka Somaliya iyo Yemen aad u xiiseynaysay qadiyada Somaliland iyo ictiraafkeeda. Sida warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah no osheegayan, xukuumadda Maraykanka ayaa maamulka Madaxweyne Rayale u aragta mid daciif ah isla markaana hanan kari wayday maamulka dalka, kana soo bixi karin la dagaalanka argagixisada ku fidaysa mandaqadda.

Diyaarada khaaska ah ee sida guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo marwadiisa ayaa lagu wadaa in maalinto berrito (Axada) ay so caga dhigato garoonka Diyaradaha ee Egal International Airport.

Somaliland.Org (c) 2010
Addis, Ethiopia

Saturday, 23 January 2010

Axmed Siilaanyo Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Columbus Ohio 20100123

Axmed Siilaanyo Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Columbus Ohio
January 23rd, 2010 Comments Off

Soo Dhoweyntii Gudoomiye Axmed Siilaanyo Ee Magaalada Columbus Ohio





(Somaliland.Org Columbus Ohio USA ) Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo beryahanba booqasho ku marayay dalka Mareykanka ayaa maanta oo bishu tahay 23 January 2010 kasoo degay gagida diyaaradaha ee Columbus International Airport. Waxaa weftiga uu Axmed Siilaanyo hogaaminayo si diiran oo aan loo kala hadhin ugu soo dhoweeyey madaarka magaalada dad weyne aad farobadan oo ay hormood ka yihiin taageerayasha Kulmiye ee Magaalada Columbus.

Guddida Kulmiye Ee North America