Monday 1 February 2010

Mahad-naqa Xisbiga KULMIYE uu shacabka Somaliland u jeediyey 20100201



Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Mahad-naqa Xisbiga KULMIYE iyo baaq uu u jeediyay Xukuumadda Somaliland
February 1st, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa Bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex uga mahad-naqay soo-dhawayntii Guddoomiyaha XIsbigaas ee shalay, waxaanay Xukuumadda ugu baaqeen inay u dhug-yeelato rabitaanka Bulshada.

Warsaxaafadeed uu Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige ku saxeexan yahay, ayaa Bulshada looga mahad-celiyay qaabkii iyo maamuuskii soo-dhawaynta Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxaa Hoggaanka Xisbiga Kulmiye aad ugu mahadnaqayaa dhammaan taageerayaasha iyo guud ahaan shacabweynaha degan magaala madaxada ee Hargeysa sidii diirraneyd ee ay u soo dhoweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana ah Musharaxa Madaxweynah Mudane Axmad Maxamad Siilaayo kadib markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka oo laga casuumay.

Wuxuu hoggaanka Xisbigu aad ugu riyaaqay sida sharafta iyo maamuusku ka muuqday ee shacabweynuhu ay isugu soo baxeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada iyadoo lulaya calamo iyo caleemo qoyan kuna dhawaaqaya eryo iyo hadalo soo dhoweyna. Wuxuuna isu soo baxaasi noo caddaynayaa kalsoonida iyo taageerada uu shacabka Somaliland u hayo Xisbiga iyo hoggaankiisa. Waxaanu aad ugu rajaweynahay inuu shacabweynuhu diyaar ula yahay codkiisa inuu siiyo Hoggamiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmad Maxamad Siilaanyo.

Ugu dambeyntii waxaanu ku boorinaynaa xukuumada iyo Xisbiga tala haya ee Udub inay dhageystaan oo ixtiraamaan dareenka iyo dhawaaqa bulshada.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment