Saturday 26 November 2011

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland oo ka waramay tirada Xoolaha ka dhooftay Dekadda Berbera


Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee jamhuuriyada Somaliland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey tirada guud ee xoolaha ka dhooftay dekadda magaalada Berbera sanadkaan ee 2011-ka gaar ahaan labadii bilood ee u dambeeyey.

Dr.Cabdi Aw-Daahir Cali oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in sanadkaan xoolihi ugu tiraha badnaa ka dhoofeen dekadda Berbera isagoo sheegay in dhamaan xoolahaas oo laga keenay gobolada kala duwan ee Soomaaliya loo dhoofiyey Wadamada Carbeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ku dhowaad 2.5-milyan oo neef iskuna jira ari,l’0 iyo Geel loo dhoofiyey wadamada Khaliijka,balse intooda badan la geeyey Boqortooyada Sacuudiga intii lagu jirey Bishii Carafo oo Xujeyda ay gudanayeen waajibaadka xajka.

Ganacsatada ayuu ku booriyey in howsha halkaas kasii wadaan isla markaana soo dhoweeyey talaabada ay qaadeen ee la xirrira dhoofka xoolaha.

Dr.Cabdi Aw-Daahir ayaa dhinaca kale sheegay in xoolaha caafimaadkooda iyo tayadooda ay aad u wanaagsanayeen isla markaana si fiican loo baarayay oo lasii marinayay maxjarka.

No comments:

Post a Comment