Showing posts with label war(Jam). Show all posts
Showing posts with label war(Jam). Show all posts

Tuesday, 16 February 2010

Oodweyne iyo UDUB


Weftiga Xoghayaha Guud ee UDUB oo Weji-gabax Kala Kulmay Reer Oodweyne
Booliska oo xabsiga u taxaabay dhalinyaro mudaharaad kala hor tagay weftiga UDUB ee Oodweyne tagay

Oodweyne (Jam)- Xoghayaha Guud ee xisbul-xaakimka UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax iyo wefti xisbigiisa ka tirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa weji-gabax kala kulmay degmada Oodweyne, kadib markii dadweynaha magaaladaasi shalay kala hortageen mudaharaadyo ay ku diidan yihiin masuulinta UDUB.

Arrintaasina waxay sababtay in ciidanka booliska magaalada Oodweyne ay shalay xabsiga u taxaabeen mid ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kaas oo ka mid ahaa dhallinyaro is abaabushay oo iyaga oo calanka xisbigaasi sita damacsanaa inay kala hortagaan wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB oo socdaal taageero-doon ah u tegay Gobolka Oodweyne.

Sida xalay ay baahisay Idaacadda Radio Horyaal, waxa la sheegay in weftigaasi ka dhaliyey magaalada Oodweyne isku dhac dhexmaray taageerayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB oo kala sitay calamooda, waxana masuuliyiinta UDUB ku dalbadeen ciidanka booliska oo kala dareeriyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE, halka kuwii UDUB loo oggolaaday inay ku dabbaaldegaan magaaladaas, taas oo muujinaysa in awoodda qaranka uu xisbiga UDUB u adeegsanayo ololihiisa u gaarka ah.

Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed X. Yuusuf (Waabeeye) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Oodweyne oo xalay Jamhuuriya la soo xidhiidhay, ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigga Muuse Cabdillaahi Cige (Xiiray) oo ka tirsan taageerayaasha xisbigooda oo masuuliyiinta weftiga UDUB shalay ku xidheen magaalada Oodweyne, waxaannu ku baaqay in si degdeg ah muwaadinkaas xorriyaddiisa loogu soo celiyo.

Md. Waabeeye waxa uu xoghayaha guud ee UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax iyo weftigiisa ku eedeeyey inay xadhig iyo cago-juglayn baahsan kula kaceen taageerayaasha KULMIYE ee reer Oodweyne, kadib markii siduu sheegay weftiga UDUB ka cadhooday taageerayaal sitay calanka KULMIYE, waxaannu xildhibaanku ku baaqay in aan shacabka lagu dhibaatayn fikirkooda iyo taageeradooda siyaasadeed oo distoorka qaranku u dammaanad-qaaday muwaadiniinta Somaliland.

Xoghayaha UDUB iyo weftiga xisbigiisa ee uu hoggaaminayo oo shalay subax ka baqoolay magaalada Burco, isla markaana duhurkii gaadhay degmada Oodweyne, ayaa hore socdaal ugu soo maray gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer.








Jamhuuriya Online

Saturday, 13 February 2010

Rayaale ma fuliyey ballamihii laascaanood



Laascaanood (Jam)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Cali (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay kormeer ku soo maray xafiisyada dawladda ee magaalada Laascaanood, iyaga oo halkaa kula kulmay xafiisyada Isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobolka Sool oo albaababu u xidhan yihiin, isla markaana aanay wax shaqo ahi ka socon, arrintaasi oo weji-gabax fool xun ku noqtay wasiirka iyo weftiga uu hoggaaminayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxay tageen xarumaha dawladda oo dhammaantood albaabadu u xidhan yihiin xiligii shaqada, iyada oo aanu jirin xafiis qudha oo shaqo ka socotay marka laga reebo xafiiska maamulka Gobolka Sool iyo xarunta booliska oo uu ku sugnaa taliyaha qaybta booliska Maxamed Saleebaan Gooni, waxaanu wasiirka daakhiligu maamulka Gobolka ugu baaqay inay ka shaqaysiiyaan Isu-duwayaasha wasaaradaha ee ku sugan magaaladda Laascaanood.

Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali waxa kaloo uu kormeeray dawladda hoose Laascaanood, halkaas oo aanay wax shaqo ah ka socon.

Tan iyo xiligii Somaliland si buuxda gacanta ugu qabatay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa jiray tabashooyin xad dhaaf ah oo ka soo baxayey dadweynaha, kuwaasi oo ka cabanayey in aanay jirin wax horumar ah oo loo qabtay dadweynaha iyo adeegyada bulshadda, iyada oo ay fashilmeen balanqaadyo badan oo xukuumaddu u samaysay Gobolka Sool, taasi oo ay ugu muhiimsanayd biyihii macaanaa ee madaxweyne Rayaale ugu balan qaaday dadweynaha reer Laascaanood.

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Jamhuuriya Online

Monday, 8 February 2010

Mar Haddii aad Leedihiin Idinkiiba is Hayee Xal noo Keena Waxaan ka Idhaahdaa ma Jiraan’

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Mar Haddii aad Leedihiin Idinkiiba is Hayee Xal noo Keena Waxaan ka Idhaahdaa ma Jiraan’



Hargeysa (Jam)- “Wixii dhibaatooyin ah ee dhex yaalay Golaha waxaad moodaa in Goluhu anaga (Shirgudoonka Guurtida) nagu soo riixay, mar haddii aad leedihiin idinkiiba is hayee xal noo keena, waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu anagu xalkii keenaa.” Sidaa waxa yidhi; Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo hadal kooban u jeediyey fadhigii shalay ee Guurtida.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu caddeeyey in saddexda xubnood ee shir-guddoonka Guurtidu si rasmi ah u soo afjari doonaan khilaafka ragaadiyey habsami u socodkii hawlaha Golaha ee u dhexeeya saddexda xubnood ee Guurtida.

Waxaanu sheegay in khilaafkani in muddo ah soo jiitamayen, isaga oo Md. Saleebaan-gaal arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Mudadaba arrintani way jiitameysay kolay shan todobaad way tahay, saddex aan joogay iyo laba aan maqnaaba, waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu u gondo degno. Taayada (khilaafka Shirgudoonka), ta golaha ayaa ka weyn in kasta oo aad iska soo dudeen haddana Goluhu waa qeybsan yahay, markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay kuna faataxasanay.”

Waxa guddoomiyaha Guurtidu sheegay in shir-guddoon ahaan ay khilaafkooda ku soo afjari doonaan muddo 48 saacadood ah, isaga oo mudanayaashana ku wargeliyey inay mudadaa ku soo darsaan xeerka xakamaynta hubka fudud oo golaha loo qaybiyey Sabtidii doraad, isaga oo xildhibaanadda u sheegay inay Isniinta Maanta iyo Salaasadda beri fasax ahaadaan, maalinta Arbacadana isugu yimaadaan Golaha.







Jamhuuriya Online

Kulan Xasaasi ah oo Dhexmaray Dhakhaatiirta Madaxabannaan ee Xoolaha iyo Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada 20100208

dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Kulan Xasaasi ah oo Dhexmaray Dhakhaatiirta Madaxabannaan ee Xoolaha iyo Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Salaasada la ballamay Guddida Dhaqaalaha, kana codsaday in aan kulankooda warbaahinta lagu casuumin

Hargeysa (GNS)- Ururka Dhakhaatiirta madaxabannaan ee xoolaha (ULPA), ayaa shalay kulan la yeeshay guddida dhaqaalaha Golaha Wakiillada, iyagoo u soo bandhigay cabashooyin salka ku haya dhibaatooyin badan oo ay kala kulmeen wasiirka xanaannada xoolaha Dr. Idiri Ibraahim Cabdi iyo arrimo la xidhiidha maxjarka xoolaha Berbera.

Sida ay Jamhuuriya xalay u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo kulankaas u dhuun-daloola, waxa dhakhaatiirta madaxabannaan ee xooluhu guddida dhaqaalaha uga xog-warrameen caddaalad-darro baahsan oo ay sheegeen inay ka jirto maxjarka xoolaha Berbera, iyagoo xusay in maxjarku aanu si siman ugu adeegin ganacsatada waddaniga ah iyo maalqabeenka reer Sucuudi ee Al-jaabiri oo isaga xukuumaddu kooto ugu xidhay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland.

Waxa kaloo dhakhaatiirtu tafaasiil ka siiyeen guddiga dhaqaalaha arrimo la xidhiidha hawlahooda shaqo ee ku saabsan caafimaadka xoolaha nool iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wasiirka xannaanada xoolaha oo ay sheegeen inuu laba ka mid ah dhakhaatiirta xabsiga ugu taxaabay sifo sharci-darro ah, kadib markii ay ka hadleen musuqmaasuqa ragaadiyey wasaaradda iyo hay’ado wasiirku dalka ka saaray oo ka shaqayn jiray caafimaadka iyo daryeelka xoolaha nool.

Ugu dambayn, waxa guddigu u ballanqaadeen dhakhaatiirta inay wasiirka kala hadli doona cabashadooda iyo caddaalad-darrooyinka ka laga sheegay xaqsoorka isticmaalka adeegyada maxjarka caafimaadka xoolaha ee Berbera.

Dhinaca kale, wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo dhowaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu u diray qoraal uu kaga codsaday inuu Sabtidii shalay horyimaad guddida dhaqaalaha, ayaa ka baaqsaday fulinta dalabkaas, kadib markii sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen uu shalay guddiga u gudbiyey qoraal uu kaga cudurdaaranayo ballankii shalay, isla markaana horiman doono maalinta Salaasada soo socota, isagoo dhinaca kalena guddiga dhaqaalaha ka codsaday in aanay warbaahinta ku casuumin ka qaybgalka kulanka lagu xog-warraysanayo, balse Wasiir Idiris qoraalkiisa kuma caddayn sababta uu saxaafadda uga diday iyo asbaabaha ku kellifay dalabyo tiro badan oo guddi-hoosaadka dhaqaalaha wakiilladu kaga codsadeen inuu horyimaad si wax looga weydiiyo lacago aan la xalaalayn oo wasaaraddiisu ka qaado xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera.

Jamhuuriya


--------------------------------------------------------------------------------