Monday 8 February 2010

Mar Haddii aad Leedihiin Idinkiiba is Hayee Xal noo Keena Waxaan ka Idhaahdaa ma Jiraan’

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Mar Haddii aad Leedihiin Idinkiiba is Hayee Xal noo Keena Waxaan ka Idhaahdaa ma Jiraan’



Hargeysa (Jam)- “Wixii dhibaatooyin ah ee dhex yaalay Golaha waxaad moodaa in Goluhu anaga (Shirgudoonka Guurtida) nagu soo riixay, mar haddii aad leedihiin idinkiiba is hayee xal noo keena, waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu anagu xalkii keenaa.” Sidaa waxa yidhi; Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo hadal kooban u jeediyey fadhigii shalay ee Guurtida.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu caddeeyey in saddexda xubnood ee shir-guddoonka Guurtidu si rasmi ah u soo afjari doonaan khilaafka ragaadiyey habsami u socodkii hawlaha Golaha ee u dhexeeya saddexda xubnood ee Guurtida.

Waxaanu sheegay in khilaafkani in muddo ah soo jiitamayen, isaga oo Md. Saleebaan-gaal arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Mudadaba arrintani way jiitameysay kolay shan todobaad way tahay, saddex aan joogay iyo laba aan maqnaaba, waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu u gondo degno. Taayada (khilaafka Shirgudoonka), ta golaha ayaa ka weyn in kasta oo aad iska soo dudeen haddana Goluhu waa qeybsan yahay, markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay kuna faataxasanay.”

Waxa guddoomiyaha Guurtidu sheegay in shir-guddoon ahaan ay khilaafkooda ku soo afjari doonaan muddo 48 saacadood ah, isaga oo mudanayaashana ku wargeliyey inay mudadaa ku soo darsaan xeerka xakamaynta hubka fudud oo golaha loo qaybiyey Sabtidii doraad, isaga oo xildhibaanadda u sheegay inay Isniinta Maanta iyo Salaasadda beri fasax ahaadaan, maalinta Arbacadana isugu yimaadaan Golaha.







Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment