Monday 8 February 2010

Kulan Xasaasi ah oo Dhexmaray Dhakhaatiirta Madaxabannaan ee Xoolaha iyo Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada 20100208

dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Kulan Xasaasi ah oo Dhexmaray Dhakhaatiirta Madaxabannaan ee Xoolaha iyo Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Salaasada la ballamay Guddida Dhaqaalaha, kana codsaday in aan kulankooda warbaahinta lagu casuumin

Hargeysa (GNS)- Ururka Dhakhaatiirta madaxabannaan ee xoolaha (ULPA), ayaa shalay kulan la yeeshay guddida dhaqaalaha Golaha Wakiillada, iyagoo u soo bandhigay cabashooyin salka ku haya dhibaatooyin badan oo ay kala kulmeen wasiirka xanaannada xoolaha Dr. Idiri Ibraahim Cabdi iyo arrimo la xidhiidha maxjarka xoolaha Berbera.

Sida ay Jamhuuriya xalay u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo kulankaas u dhuun-daloola, waxa dhakhaatiirta madaxabannaan ee xooluhu guddida dhaqaalaha uga xog-warrameen caddaalad-darro baahsan oo ay sheegeen inay ka jirto maxjarka xoolaha Berbera, iyagoo xusay in maxjarku aanu si siman ugu adeegin ganacsatada waddaniga ah iyo maalqabeenka reer Sucuudi ee Al-jaabiri oo isaga xukuumaddu kooto ugu xidhay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland.

Waxa kaloo dhakhaatiirtu tafaasiil ka siiyeen guddiga dhaqaalaha arrimo la xidhiidha hawlahooda shaqo ee ku saabsan caafimaadka xoolaha nool iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wasiirka xannaanada xoolaha oo ay sheegeen inuu laba ka mid ah dhakhaatiirta xabsiga ugu taxaabay sifo sharci-darro ah, kadib markii ay ka hadleen musuqmaasuqa ragaadiyey wasaaradda iyo hay’ado wasiirku dalka ka saaray oo ka shaqayn jiray caafimaadka iyo daryeelka xoolaha nool.

Ugu dambayn, waxa guddigu u ballanqaadeen dhakhaatiirta inay wasiirka kala hadli doona cabashadooda iyo caddaalad-darrooyinka ka laga sheegay xaqsoorka isticmaalka adeegyada maxjarka caafimaadka xoolaha ee Berbera.

Dhinaca kale, wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo dhowaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu u diray qoraal uu kaga codsaday inuu Sabtidii shalay horyimaad guddida dhaqaalaha, ayaa ka baaqsaday fulinta dalabkaas, kadib markii sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen uu shalay guddiga u gudbiyey qoraal uu kaga cudurdaaranayo ballankii shalay, isla markaana horiman doono maalinta Salaasada soo socota, isagoo dhinaca kalena guddiga dhaqaalaha ka codsaday in aanay warbaahinta ku casuumin ka qaybgalka kulanka lagu xog-warraysanayo, balse Wasiir Idiris qoraalkiisa kuma caddayn sababta uu saxaafadda uga diday iyo asbaabaha ku kellifay dalabyo tiro badan oo guddi-hoosaadka dhaqaalaha wakiilladu kaga codsadeen inuu horyimaad si wax looga weydiiyo lacago aan la xalaalayn oo wasaaraddiisu ka qaado xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera.

Jamhuuriya


--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment