Saturday 13 February 2010

Rayaale ma fuliyey ballamihii laascaanood



Laascaanood (Jam)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Cali (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay kormeer ku soo maray xafiisyada dawladda ee magaalada Laascaanood, iyaga oo halkaa kula kulmay xafiisyada Isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobolka Sool oo albaababu u xidhan yihiin, isla markaana aanay wax shaqo ahi ka socon, arrintaasi oo weji-gabax fool xun ku noqtay wasiirka iyo weftiga uu hoggaaminayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxay tageen xarumaha dawladda oo dhammaantood albaabadu u xidhan yihiin xiligii shaqada, iyada oo aanu jirin xafiis qudha oo shaqo ka socotay marka laga reebo xafiiska maamulka Gobolka Sool iyo xarunta booliska oo uu ku sugnaa taliyaha qaybta booliska Maxamed Saleebaan Gooni, waxaanu wasiirka daakhiligu maamulka Gobolka ugu baaqay inay ka shaqaysiiyaan Isu-duwayaasha wasaaradaha ee ku sugan magaaladda Laascaanood.

Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali waxa kaloo uu kormeeray dawladda hoose Laascaanood, halkaas oo aanay wax shaqo ah ka socon.

Tan iyo xiligii Somaliland si buuxda gacanta ugu qabatay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa jiray tabashooyin xad dhaaf ah oo ka soo baxayey dadweynaha, kuwaasi oo ka cabanayey in aanay jirin wax horumar ah oo loo qabtay dadweynaha iyo adeegyada bulshadda, iyada oo ay fashilmeen balanqaadyo badan oo xukuumaddu u samaysay Gobolka Sool, taasi oo ay ugu muhiimsanayd biyihii macaanaa ee madaxweyne Rayaale ugu balan qaaday dadweynaha reer Laascaanood.

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment