Saturday 26 November 2011

Dr. cabdi Aw daahir oo la wareegay xilkii wasaarada










Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Cabdi Aw Daahir Cali iyo Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday), ayaa maanta xilkii si rasmi ugula wareegay xaflad wadareed lagu qabtay Xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa.


Xafladaasi waxa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada, Sudlaano iyo saraakiisha wasaaradahaasi iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa oo lagu soo marti qaaday.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. C/Risaaq Ibraahim Maxamed, oo ugu horayn ka hadlay xaflad wadareedkaasi ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo wixii u qabsoomay, waxaanu yidhi “haddii aan xoogaa dul maro waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta muddadii aan joogay oo ahayd shan bilood iyo laabaatan maalmood. inta aanan taa u gudbin waxaan jecelahay in aan ka horaysiisto, waxaynu nahay dal yar, waxaynu nahay dad tiradooda lagu qiyaaso 3 Milyan ama 2 milyan iyo badh, waxaynu u midaysanahay in aynu yagleelno umad dhiig, dhaqan iyo dhaqaale wadaag leh. taa waxaa lagu heli karaa jidka wada jirka, nabadda, wadanoolaanshaha, is ixtiraamka iyo bulsho hadaf guud leh, sidaas ayaynu ku noqon karnaa bulsho kamida shucuurta caalamka.”

Cabdirisaaq waxa uu ugu baaqay bulshada gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle in ay taageeraan gogoshii nabadeed nabadeed ee uu u fidayay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi “Dadka degen gobolada Bari ee Sool, Sanaag Bari iyo deegaanka Buuhoodle in qadiyada iyo mushkilaadka nabadgelyo darro ee ka jira deegaankaasi ay ku xaliyaan wada hadal, in ay aqbalaan gogoshii nabadeed ee ahaa in wax kasta lagu dhameeyo wada hadal. Waxaan ku boorinayaa jaaliyadaha reer Somaliland ee degan dibadaha, gaar ahaan deegaanada aan tilmaamay qurbo joogooda in ay yimaadaan dalka oo ay arkaan qadiyada jirta, si loogu guuro wax alaale iyo wixii tabasho ah ee dadkooda iyo dalkooda ay la jecel yihiin in ay ku xaliyaan aqoonta saliimka ah iyo caqliga bani-aadamka ee fiican.”

Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa kale oo uu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaraddiisa muddadii uu xilka hayay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta muddadii haaf sannadka ahayd ee aan xilka hayay waxa u qabsoomay wax aan jeclahay saaxiibkay Axmed Xaashi Oday oo aanu ku wada jirnay golaha wasiiradda oo shaqada qayb ka ahaa wax uu ka markhaati kici doono. waxay ahayd hayaan fog aanu ku talo galnay aniga iyo shaqaalaha wasaaradda oo aan aad u amaanayo, in aanu ka dhigno wasaaradda mid la mid ah wasaaraddaha caalamka ee isgaadhsiinta, kuwaasi oo wadamadooda u ah laf-dhabarta dhaqaale ee ay leeyihiin dalalkaasi. waxaanu yagleelnay oo aanu ku talo galnay in aanu hirgelino oo aanu isku dubaridno nidaamka wasaaraddu u shaqayso, anaga oo samaynay in aanu shaqaalaha u abuurno jidwal shaqo oo ka duwan kuwii hore loogudhaqmi jiray. waxaanu tiigsannay qorshe, in aanu wax ka bedelno ama aanu abuurno sharciga Isgaadhsiinta, kaas oo qabyo ahaa aanuna ku guulaysanay in aanu hir gelino oo golaha wasiiraddu ay ansixiyaan bishii ina dhaaftay dabayaaqadeedii oo iminka uu sugayo golaha sharci dejintu.”


Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed waxa kale oo uu intaa ku daray oo uu yidhi “Waxa kale oo noo qabsoomay oo aanu ku guulaysanay Wasaaraddu in ay dhakhso noqon doonto wasaarad ka mida wasaaradaha ugu quruxda badan dalka, taas oo iminka uun ay waxyar ka dhinayd in aanu bilawno dhismayaal dabaqyo ah oo wasaaradda u noqon lahayd hoy iyo xafiisyo. waxaanu hirgelinay oo aanu qarka u saarnay in uu shaqeeyo nidaamkii aan wax badan ku taamayay, kaas oo ahaa isku xidhka shirkadaha, arrintaasi may ahayn arrin fudud, waxay ahayd arrin culayskeeda leh, waxay ahayd muddadii ay jireen shirkadaheenu shaqo aan marna la qaban, waxay ahayd arrin xasaasiyad leh oo shirkadaha isgaadhsiinta iyo wasaaraddu ay marar badan isku dayeen in ay hirgeliyaan, laakiin aan marnaba sidii la rabay aan u dhicin. waxaanu wada tashi la yeelanay shirkadaha isgaadhsiinta iyo wadashaqayn na dhex maraysay oo aan aad ugu amaanayo, waxaanu soo gaadhnay heer ah in anaga iyo shirkadaha isgaadhsiintu aanu yeelano aqoon is waydaarsi joogto ah iyo kobcin xaga aqoonta iyo culuumta isgaadhsiinta ah, si aanu u hirgelino nidaamka isku xidhka. waxaa noo hirgalay oo aanu la xidhiidhnay afar shirkadood oo ah kuwa qalabka isku xidhka iibiya, muddo afar bilood iyo badh ah aanu iskula soo jirnay in aanu kala doorano tayadooda iyo qiimahooda qalabka ay iibinayaan. waxaa noo suurta gashay in aanu shirkaddii ugu danbaysay la bilowno in aanu tijaabsano qalabka ay hayaan waxa uu yahay. ilaa hadda may dhicin in aanu qalabkaa boqolkiiba laba boqol aanu ku wareegin dowladda, laakiin waxa uu marayaa heer ah in ay wasaaraddu damaanad qaaday wixii tijaabo ah in aanu dhamaysano, kadibna wixii dhaqaale bixin ah wasaaradda maaliyadda iyo shirkadda qalabkaa lehi ay ka xisaabtamaan oo kala qaataan. Waxaan ku soo gabagabaynayaa hadalkayga Dr. Axmed Xaashi Oday waxa uu ku wareejin doonaa Dr. Cabdi Awdaahir wax alaale iyo waxa Somaliland Geel, Lo’ iyo Adhi leedahay, aniguna waxaan waxaan ku wareejin doonaa wax alaale iyo Somaliland Mobile Telefon leedahay. Waxaan ballan qaadayaa in aan ahay qof muwaadin ah, qadiyadiisuna aanay ku xidhnayn xilka uu markaa hayo ee aan dalka ugu shaqayn doono si mutadawacnimo ah oo wadaninimo ah, haddii ILLAAHAY idmo.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka cusub ee wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, waxaanu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu joogay wasaaradda xanaannada xoolaha, isaga oo arrimahaasi kahadlayana wuxuu yidhi “Wasaaradda xanaanada Xoolaha muddadii yarad ee shanta bilood ahayd, waxyaabaha noo qabsoomay ee maanta sharaf ii ah in aan ku wareejiyo Dr. Cabdi Aw Daahir iyo madashan quruxda badanba aan ka hor idhaahdo waxaa ka mid ah, marka hore shaqaalaha aan wasaaradda ugu imi waxay ahaayeen shaqaale aanan qariib ku ahayn, sida iminka Cabdi Awdaahir iyo Cabdirisaaq ku ahaayeen, shaqaale aan wada garanayay ayay ahaayeen, maalintii aan la wareegayayna umaan baahnayn in aan idhaahdo halkaa yaa jooga iyo halkaa yaa jooga, laakiin maanta waxaa la iiga baahan yahay in aan meel kasta sheego cidda joogta iyo sida ay shaqadu tahay.”

Mudane Oday oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaa raaciyay “Shaqaalaha guud ahaan marka labada wasaaraddood la isku daro, oo lagu daro xataa korodhsiimada Hay’adda shaqaaluhu noo ogolaatay, waa 316 shaqaale ah oo ka shaqeeya labadii wasaaradood ee la isku daray oo Xoolaha iyo Deegaanka ah, waxaanay u badan yihiin dad aqoon yahanno ah oo khibrad leh. waxaan ku darayaa gaadiidka ay wasaaraddu leedahay, runtii markii horena gaadiid wanaagsan ayaa la igu wareejiyay, iminkana gaadiidkii oo sidiisii u wanaagsan iyo kuwo cusub oo aan ku soo daray ayaan ku wareejinayaa, shan iyo toban gaadhi oo ay wasaaraddu leedahay, gaadhi qudha ayaa yaala oo ciladi ku jirtaa, inta kalena way shaqeeyaan. Waxa kale oo aan kuu sheegayaa hadafka ugu wayn ee ay wasaaraddu ka shaqayn jirtay waxa uu ahaa xoolaha dhoofa, doorkan waxaanu samaynay in aanaan ku joogin xoolaha dhoofa oo kaliya ee aanu xoolaha halkoodii ugu tagno. wasaaradda waxa dhacday markii ugu horaysay ee gobolada oo dhan dawo loo qaybiyay intii aan hadda joogay ayay ahayd, gobolada oo dhan ayaanu u qaybinay, mar labaad waxa ku xigay Talaalkan dhawaanta aad maqasheen, isaguna hore weligii ugama uu dhicin, wasaaraddu halka wax laga soo sheego ayuun bay tagi jirtay, laakiin tallaal gobolada oo dhan ah kan ayaa ugu horeeya, talaalkaasna waxaanu raacinay in dawo la socoto, waayo dhakhtarka wax tallaalaya haddii lagu yidhaahdo neef baa iga xanuusanayo, anigu tallaal uun baan u socdaa haddii uu yidhaahdo dee waa fadeexad. ”

Axmed Xaashi Oday isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyay “Qodobka labaad ee aan ka hadlayaa waxa weeye isaguna waxbarashada, wasaaradda xannaanada Xoolaha waxaa aniga iga danbeeyay ilaa siddeed qof, wax dibadaha ka yimina way yar yihiin, dabadeedna aqoontii way joogsatay, maanta Jaamacadda Burco oo 12-kii arday ee ugu horeeyay ay ka soo baxeen, oo wixii jaamacaddu la hadho mooyee aanu itna kale shaqaalaysiinayno, waxa ku xigay Iskuulka Sheekh ee Xoolaha oo ay ka soo baxayaan kaaliyayaashii kaalin lahaa ragaa jaamacadaha ka soo baxay, tiradoodu waxay ahaayeen 12 qof, laba qof waxay ahaayeen reer Koonfureed, tobankii kalena waanu shaqaalaynay, si ay iyaguna hawshii u galaan oo dhiig cusubi u yimaado, waxa kale oo noo soo raaca arday badan oo jaamacadaha dibadda nooga timi, iyagana shaqaalaha waanu ku darnay, ilaa shan iyo sodon qof ayaanu shaqaalaysiinay oo hay’adda shaqaaluhu naga aqbashay.”

Wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Wasiirkii hore ee wasaaradaasi sida wanaagsan ee ugu soo dhaweeyay wasaarada, waxaanu ku ammaanay waxyaabihii u qabsoomay.

Wasiirku wuxuu balan qaaday inuu isaguna wixii awoodiisa ah halkaasi ka sii ambo qaadi doono horumarinta wasaarada xanaanada xoolaha iyo deegaanka. Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu soo dhaweeyay tallaabada xukuumaddu ay mushaharkii 100% ugu kordhisay shaqaalaha iyo ciidamada dawlada, waxaanu tallaabadaasi ku tilmaamay tallaabo dhaxal gal ah iyo guul siyaasadeed oo u soo hoyatay xukuumada Somaliland ee cusub.

Wasiirku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wasaaradiisu ay istaraatajiyad u dhigto lagu joojinayo biyaha badda gelaya.

No comments:

Post a Comment