Saturday 26 November 2011

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Wasiirada Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha Ee Horaantii Sanadkan Uu Soo Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Wasiirada Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha Ee Horaantii Sanadkan Uu Soo Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo.

Hargeysa (burco) Mar.12, 2011 – Fadhigii Golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C/raxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay Labada Wasiir ee Warfaafinta, Mudane: Axmed Cabdi Xaabsade iyo, Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir.

Fadhigan Maanta waxa kasoo xaadiray 53 Mudane oo kamid ah 82-ka mudane ee golaha wakiiladu ka koobanyahay. Waxa golaha laga hor akhriyay Taariikh nololeedkooda waxbarasho, aqooneed iyo khibradeed ee labada wasiir. Waxaana si gacantaag ah loogu codeeyay ansixinta labadan wasiir oo uu Madaxwayne Siilaanyo Digreeto ku magacaabay horaantii sanadkan mar uu isku shaandhayn ku sameeyay golahiisa wasiirada.

Waxa si isku mid ah ugu codeeyay labada wasiir 53-kii mudane ee fadhiyay madasha, ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanay ku ansaxeen labada wasiir.

Ansixinta kadib ayaa waxa loo ogolaaday labada wasiir in uu mid waliba kalmadiisa ka yidhaahdo golaha. Ugu horeyn Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo golaha ka hadlay ayaa sheegay in uu kusoo beegbay wasaarad aan lahayn qorshe dhinaca shaqaalaha ah, isla markaasna looga fadhiyo dajinta qorshe lagu kala hago shaqaalaha wasaarada.

Sidoo kale Dr. Cabdi Aw Daahir oo isna golaha ka hadlay ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono siduu uu maamulka iyo shaqada Wasaarada Xanaanada xoolaha uga daadajin lahaa Caasimada una gaadhsiin lahaa Degmooyinka iyo Gobolada kale ee dalka oo idil.

No comments:

Post a Comment