Saturday 26 November 2011

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Degaanka iyo Horumarinta Miyiga Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir Cali ayaa gurmad dhaqaale gaadhsiiyey Burco

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Degaanka iyo Horumarinta Miyiga Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ah guddiga abaaraha heer qaran, ayaa sheegay inuu gurmadkii dhaqaale ee u horreeyay ee loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ay gaadhsiiyey shalay xarunta Gobolka Togdheer ee magaalada Burco, iyada oo wasiirku aanu xusin cid kale oo ilaa hadda gacan ka gaysatay gurmadka abaaraha.


Wasiirka xannaanadda xoolaha oo shalay magaalada Burco ugu warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu sheegay inuu sido dhaqaale gaadhaya 30 kun doollar oo loogu talagalay in loogu gurmado gobollada Oodweyne, Togdheer iyo Buuhoodle ee ay ka jirto xaaladda abaareed, isagoo intaa ku daray in lacagtani tahay hordhac la doonaayo in biyo loo siiyo dadka iyo xoolaha abaartu ku habstay, lacagtaas oo xukuumadda Siilaanyo ku deeqday.


Waxa kaloo uu carrabka ku dhuftay in lacagtani qayb ka tahay 100 kun doollar oo xukuumadu u qaybisey saddexda gobol ee Togdheer, Sool iyo Sanaag ee xaaladda abaareed ka jirto.


Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu tilmaamay inuu sameeyey guddi heer gobol ah oo ka kooban sagaal xubnood, kana hawlgeli doona xaaladda abaaraha degaannadaas, kuwaasoo uu guddoomiye u yahay Badhasaabka, ku-xigeenna maayirka Burco, xubnihiisana ka mid odayaasha guddiga horumarinta gobolka. Sidoo kale waxa uu xusay inay sameeyeen Accounta No, 4759, oo Dahabshiil oo loo sameeyey gurmadka abaaraha Gobolka Togdheer, “Sidaa darteed loo baahan yahay in qofkasta oo guddo iyo dibadba joogaa wixii karaankooda kaga qayb qaadan karaan xaaladda abaaraha ee kataagan gobolka ku ridaan Accounkaasi wixii ay bixinayaan.”


Wasiirku waxa uu sheegay inuu magaalada Burco joogi doono muddo saddex maalmood ah, ka dibna uu ku laaban doono dhinaca Hargaysa, isagoo soo qaadi doona wixii dhaqaale ah ee hadba xukuumadda ku caawin karto dadka abaartu ku hayso degaannada Togdheer, Buhoodle iiyo Oodweyne, marka laga reebo gurmad xukuumadda soo gaadhsiisay dadka abaartu ku habsatay, ma jirto hay’ado samafal ama shirkadaha ganacsiga oo ka muuqda ka qaybqaadashada xaaladda gurmadka abaaraha ee ka taagan Somaliland.


Sidoo kale, gobollada Sool iyo Sanaag ayaa la sheegay in la gaadhsiiey deeq lacageed, oo xukuumada ugu deeqday in loogu gurmado dadka abaaruhu sameeyeen ee ku dhaqan deegaannadaas.

No comments:

Post a Comment