Saturday 26 November 2011



Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa maanta si rasmi ah u furay mashruuc lagaga faa’iidaysanayo lafaha Geella Soomaalida.

Munaasibad loo sameeyay furitaanka mashruucan oo uu fulinayo ururka wadaniga ah ee SOMDA (Somaliland Meat Development Association), isla markaana ay maalgelisay hay’adda horumarinta dibadda u qaabilsan UK ee DFID oo kaashanaysa FAO, waxa ka qaybgalay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, masuuliyiinta hay’adda FAO, madaxda ururka SOMDA iyo martisharaf kale.

Ugu horayn, Juddy Obyo oo ah madaxa barnaamijka horumarinta Hilibka ee FAO oo hadal kooban ka jeedisay munaasibaddaas, waxay faahfaahin ka bixisay ujeedada tabobar loo qabtay 40 qof oo loo diyaarinayo inay xirfadleyaal daneeyayaasha uga sii faa’iidayn doona hawshan, kaasoo muddo laba bilood ah ka socon doona xarunta ururka SOMDA ee caasimadda Hargeysa. Waxay sheegtay in dadkaas oo ka kala socda bulshada ku hawlan Hilibka Xoolaha ee suuqyada Hargeysa lagu tabobari doono inay aqoontaas u sii gudbiyaan dadka ku hawlan ka faa’iidaysiga Hilibka Xoolaha, isla markaana la bari doono lafaha Geella looga sameeyo agabka qurxinta guryaha loo adeegsado, alaabooyinka ay dumarku xidhaan sida Kuusha, Waysaakhyada, Maacuunta wax lagu cuno iyo sidoo kale khayraadka aan hore looga faa’iidaysan jirin ee lafaha lagu tuuri jiray. Sidoo kale, waxay sheegtay in kooxdaas lagu tabobari doono samaynta noocyada Saabuunta. “Tani waxay muujinaysaa in aynu wax wax-ku-ool ah ka samayn karo wax aan marka hore waxba ahayn,” ayay tidhi mss Juddy.

Madaxa hay’adda FAO ee Bariga Afrika Mr. Massemio Castelo oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedooyinka laga leeyahay barnaamijkan lagu horumarinayo Hilibka Xoolaha Soomaalida iyo ka faa’iidaysigiisa. “Mashruucan markii hore waxay baahidiisu ka timi bulshada, ujeedadiisuna waxa weeye, in kor loo qaado wax-soo-saarka gudaha,” ayuu yidhi. “Waxa kale oo aanu doonaynaa in barnaamijkani kor u qaado ka faa’iidaysiga Hilibka iyo Lafaha Geella, si kor loogu qaado dhaqaalaha maxaliga ah,” ayuu raaciyay.

Mr Castelo waxa uu u mahadceliyay wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland iyo ururka wadaniga ee SOMDA ee fulinaya mashruucan oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah ee laga fuliyo dhulka Soomaalida. “Waxaan jeclahay in aan u mahadceliyo ururka hawshan fulinaya iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, gaar ahaan wasiirka,” ayuu yidhi madaxa xafiiska Nairobi ee FAO.

Madaxa xafiiska FAO ee Somaliland Mr Maxamed Jaamac oo isna hadal kooban ka jeediyay xafladaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay iska kaashadaan wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland iyo ururada Hilibka iyo dhinacyada kale ee ku hawlan ka ganacsigiisa.

No comments:

Post a Comment