Showing posts with label War (gaax). Show all posts
Showing posts with label War (gaax). Show all posts

Friday, 19 February 2010

Wasiirka xanaanada xoolaha Iyo socdaalkiisa Paris

Kii iilka dhigay u andacootooy




Wasiirka xannaanada xoolaha Mr idriis ayaa u ambabaxaaya dalka faraniiska. Mr Idriis oo imminka noqday gacanyaraha mudane daahir rayaale kaahin dhinaca danahooda dhaqaalaha gaar ahaaneed oo la leeyahay wuxuu ku bedelay wasiirka maaliyadda mudane cawil cali ducaale oo baryahanba aanay isku wanaagsaneyn . Waxaana la leeyahay waxa laga yaaba in loo beddelo wasaaradda waxbarashada. Halka xassan gadhhweyne laga yaabo in loo beddelo dhinaca wasaarada maaliyada. Faransiiska ayaa noqdey goob uu ugu talogaey in uu daahir rayaale dego mustaqbalka , amaba u noqota hoygiisa labaad kolba siday wax u dhacaan. Immminka waxaa uu ku leeyahay guryo waaweyn oo qaali ah oo xaaskiiisu deganyahay.
Mudane Idriis ayaa si toos ah u diiday golaha wakiilada ka dib markey ka dalbadeen in uu warbixin ka bixiyo Hanyti badan oo aan sharciyadda soo marin oo si xadhaafa loogu tagrifalay. Wuxuu sheegay in arrimahaasu ay yihiin sir dawladeed cidna aan loo bandhigi Karin. Shirguddoonka ayaa qoraal rasmi ah u direy madaxweyne Rayaale oo ay ka dalbanyaan in uu wasiirkiisa ku qasbo in uu horyimaado golaha sharcigana u hoggaansamo. Waxay noqotay Kii iilka dhigay u andacootooy.

Friday, 12 February 2010

Madaxweynuhu waa inuu farogeliyaa guurtida ''Cali gurey''


Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa sheegay in Xisbigooda iyo Xukuumadduba ay farogelin doonaan Golaha Guurtida, isla markaana waxay reer Galbeedka ku eedeeyeen in uu Somaliland soo geliyay Dimuqraadiyad aanu dalka waxba ku tarin.

Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa dawladaha reer Galbeedka ku edeeyay in ay dalka soo geliyeen Dimuqraadiyad aanay waxba ku tarayn. “Waxa ina jebiyay niman reer Galbeed la yihaahdo oo Dimuqraadiyad sanka inaga soo geliyay, waxna aan inagu tarin. Waxaynu nahay dad tallaabadeeniina ka tagay, tu kalena gaadhi kari la’. Waayo, waxaynu lahayn Dimuqraadiyad dhaqan ah.” ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo u waramay Telefishanka HCTV.

Afhayeenka UDUB wuxuu sheegay in ay si cad u farogelin doonaan Golaha Guurtida Somaliland oo Shirguddoonkoodu sheegay in ay xal u waayeen khilaaf ka dhaxeeyay, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay khilaafka Golahaas. “Golahan caado uma ahayn in uu is-khilaafo, faa’iido badan ayaynu Golahaas ku qabnay oo markaynu is-af-garan wayno Siyaasad ahaan ayay ina dhex geli jireen oo ay soo af-jari jireen. Nimankan (Guurtida) Mucaaradku u tiriyaan in ay Jeebka ugu jiraan Madaxweyne Rayaale, waxay ahaayeen nimankii xalliyay khilaafkii u dambeeyay.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anagu markii hore farha waanu ka laabanay oo iyaga (Guurtida) ayaanu u daynay arrimahooda, laakiin imika gacmahayagu laabnaan maayaan anaga oo arkayna in Golaha lagu baabi’inayo talo uu Mucaaradku leeyahay, farogelintayaduna imikay bilaabmaysaa.” Waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ugu baaqay in uu is-casilo.

Afhayeenka UDUB wuxuu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale. “Madaxweynahana waxaanu leenahay ha daawan in Goluhu hortaada ku burburo, sababtoo ah fartii la qaadaba waxa la leeyahay Golaha Lacag baa la siiyay. Siday Mucaaradku u farogelinayaan, ayaanu anaguna u farogelinaynaa Golaha Guurtida.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa hore u shaaciyay in ay dhexdooda ka heshiin kari waayeen khilaaf u dhaxeeyay, isla markaana waxay arrintaa xallinteeda dib ugu soo celiyeen Mudanayaasha Golahaas, iyaga oo u magacaabay arrintaa Guddi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Wednesday, 10 February 2010

Golahu waa inuu beddelaa saleeban gaal ''Rayaale''

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.



Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku guul daraystay inay xal ka gaadhaan khilaafkii dhexdooda ee ka dhashay isku shaandheyntii Guddi Hoosaadyada Golaha.
Fadhigii maanta ee Golahaasi oo ay madasha ka soo xaadireen 62 Mudane waxa loo balansanaa in Shirgudoonku Golaha horkeenaan xal ka gaadhista khilaafkoodii. Fadhigan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa furmay abaarro 10:02 subaxnimo.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fadhigaasi ka jeediyay hadal waxaanu sheegay inay xubnaha shirgudoonku isla qaateen inay xal ka gaadhista khilaafkooda ay ka tallo galiyaan Xildhibaanada aqalkaasi waxaanu yidhi "Haddii aanu shirgudoonkii nahay Xildhibaano weydinkii yidhi idinka ayaa xalkii ah ee arrintiina soo xaliya mudana arrintii way nagu qaadatay in nala raagsadayna waa wax dhici kara waa inaynu helnaa wixii dawo ah ee inagana ina anfacaya qarankana anfacaya, haddii aanu arrintii galay waxay noogu muuqatay oo ay ka fursan weyday inaanu Golaha ka tallo gelino tallada golahana wax ka qaadano. Waxay noogu muuqatay inaanu Guddi kooban oo Golaha ah u saarno oo ay tallo soo saarto oo ay nagu soo celiso ka dibna aanu anagu (Shirgudoonka) Golihii horkeeno xalkii."
"Sidaasi ayaanu ka maarmi weynay Anagaa u baahanay inaanu dhinacyada Golaha wax ka qaadano, markaa Go’aankii guud markaa sidaasi ku gaadhno,"ayuu yidhi Md, Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, oo isaguna ka hadlay fadhigaasi ayaa sheegay inuu ayidsan yahay sidaasi uu Guddoomiyuhu arrinta u dhigay waxaanu yidhi "Sidaasi uu Guddoomiyuhu idin yidhi waxaanu u baahanay inaanu Golaha arrinkii ka qeyb gelino oo kula soo noqono, oo Guddi la saaro Guddidaasi ay wax soo saarto ka dibna nagu soo celiso wixii guddidaasi ay soo saartana aanu Golaha horkeeno."
"Waxay ila tahay in Goluhu wixiisa wanaajisto sidaasi ayuu wax ku qaban karayaa oo uu ummaddana ugu adeegi karayaa,"ayuu yidhi Sh. Axmed Sh. Nuux.
Dhinaca Kale Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa isagu sheegay inaanu arrintaasi la qabin Guddoomiyeyaasha kale waxaanu yidhi "Sidaasi ay Guddoomiyeyaashu idiin sheegeen hawshii aad muddaba naga sugayseen dhinacayaga way ka dhammaan weyday hadalkana waanu idiin caddaynaynaaye’e. tafaasiil idiin geli mayno cida ay ka dhammaan weyday iyo waxay uga dhammaan weyday. Haddii ay naga dhammaan weyday markaanu muddo rog-rognay waanu isla garanay aakhirkii inaanu Golaha ku soo celino, laakiin farsamadii Golaha loogu soo celinayay Aniga iyto Guddoomiyeyaasha kale waanu ku kala gedisan nahay runta ayaanu u caddaynaynaaye’e."
"Waxaan qabaa haddii aanu Golaha ku soo celinayno arrintii waa inaanu xalka oo dhan u daynaa Golaha ee inaanu amar ku soo tuurno ma aha,"ayuu yidhi Md. Siciid Jaamac.
Intaasi ka dib waxa golaha ka bilaabay buuq iyo qas waxaanay Mudaneyaasha Goluhu ku kala qeybsameen arrintan waxaanay Xildhibaanada qaar taageersanaayeen hadalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad halka qaar kalena ay qabeen in Shirgudoonka looga fadhiyo inay dhexdooda ka soo heshiiyaan oo aanay khilaaf hor leh ku soo dhex tuurin Golaha intiisa kale.
Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa fadhigii oo aan wali xidhmin iskaga baxay waxaana madashii hadheeyay buuq iyo sawaxan ay isweydaarsanayeen Xildhibaanadu. Hase yeeshee wuxuu aakhirkii fadhiga laga yeedhiyay Guddi ka kooban siddeed Xildhibaan oo ka soo tallo bixisa khilaafka Shirgudoonka kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin sidan
Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal, Sh. Maxamuud Xirsi Faarax, C/Qaadir Aw- Xuseen Mirre, Aadan Shire Faarax, Farxaan Ciise Ubaxle, Xirsi Aw- Ciise Jaamac, Yuusuf Sh. Axmed Nuur iyo Maxamed Xuseen Hurruuse.

Saturday, 6 February 2010

Wakiilada oo Booqashadiisi Dalka Sweden ku soo Gabogabeyey Siminaar lagaga hadlaayey Doorashooyinka SomalilAND 20100206


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Wakiilada oo Booqashadiisi Dalka Sweden ku soo Gabogabeyey Siminaar lagaga hadlaayey Doorashooyinka SomalilAND

Stockholm Sweden Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Abdirahman M. Abdillahi(Cirro) ayaa maanta ku soo gunnaanuday booqashadii rasmiga ahayd ee uu maalmahan ku joogay dalka Sweden ka qeybgalid siminaar lagaga hadlayay doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo carqaladaha ka hore imankara “Somaliland forthcoming presidential election and the challenges

Siminaarkan oo qabanqaabadiisa uu iska lahaa xisbiga Swedish Liberal Party ayaa ka dhacay gurigga baarlamaanka Sweden waxaana ka soo qeebgalay xubno ka kala socda dowlada Sweden, baarlamaanka, haayada xuuquuq admaha ee Amnesty International, ganacsato reer Sweden ah iyo koox kamid ah dadweynaha reer Somaliland ee ku nool magaalada Stockholm.




Gudoomiye Wakiilada Abdirahman oo ka hadlay siminaarkaas ayaa warbixin kooban ka siiyey dadkii halkaa isuguyimid carqaladihii sanadkii inadhaafay ee 2009 la soo gudboonaaday qabashada doorashada iyo halka ay iminka mareyso xaalada doorashadu. Gudoomiyaha oo arintaasi ka haldaya waxa uu yidhi ” murankii doorashada waxa uu somaliland u noqondoona cashar waanay ka faa’idasan doonta si aanay taaso kale mardanbe u dhicin”. Gudoomiyihuu mar uu ka jawaabayey su’aal laxidhiidha wakhtiga doorashadu ay dhici doonto waxa uu yidhi ” aad baan ugu kalsonahay in ay dhowaan dhici doonto doorashadu. Guddidan cusubi waxay ku daddaalayaan in aanay khaladadkii guddidii hore oo kale aanay sameyn markaa ma doonayaan in ay ka hor dhacaan wakhtiga ay hawlaha ka qabyada ah dhamastirayaan, taasana sababtay in aanay wakhti cayimin iminka”.




Ugu danbeyn gudoomiye Abdirahman waxa uu ku nuuxnuusaday niyadsamida uu u heyo gudidan cusub iyo in ay doorasho xalaalihi dhici doonta dhowaan




Waxa kale oo iyana ka hadashay siminaarka Marika Fahlen oo ah Ergeyga khaaska ah ee Geeska Afrika ee Wasaarada Arimaha Debedda ee Sweden. Marika waxay sheegtay in dhibaatoyinka la gudboon guddida doorashada ay kamid tahay sidii ay u hannan lahayeen kalsoonida asxaabta iyo wadamada deeqda bixiyaasha ah . Waxa kale oo Marika sheegtay in ay dawladda Sweden ay aad u danay naayso doorashada isla markaana ay gacan ka geysandoonto wixii caawimo ah ee la soo gudboonaada.




Waxa iyana siminaarka ka hadashay Lena Rösell oo u qaabilsan Swedish Amnesty International qeebta soomalia. Lena waxay sheegatay in ay somaliland aanay ku xadgudbin xuquuda bini aadanka marka la barbardhigo gobalka intiisa kale. Lakiin waxa ay walaac ka muujisay in sanaddadii u danbeyey ay jireyn tacadiyo ay dowladduu kula kacday saxaafada madaxa banaan, arintaasina aanay geedi socodka dimuquraadiyada somaliland u fiicnayn.




Ugu danbeyntii siminarkaas oo ay dhowr qof oo kale ka hadlayn ayaa ku dhamaaday jawi farxad iyo is afgarada ah.


HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

Qaabka Ogaanshaha Cudurka:

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Qaabka Ogaanshaha Cudurka:



Ogaanshaha xanuunka: Dhakhtarku wuxuu adeegsadaa arrimo badan sida uu ogaado qofka waxa haya:
Ta Kowaad uguna mudan wareysiga bukaanka iyo ehelku bixiyo (subjective cinical anamnesis) : Warbixin wanaagsan ,dhab ah, dheeli tiran, waxay siisaa dhakhtarka in ka badan 70% xanuunka haya bukaanka.


Ta labaad ee uu adeegsadaa dhakhtarku waxaa weeya dareenadiisa (objective clinical anamnesis): oo ah araga, maqalka, taabashada, urta iyo adeegsiga qalabkiisa yar-yar uu gacnta ku haysto. Waxay taasuna ka caawisa dhakhtarka 20%.


Ta seddexaad waa adeegsiga sheybaadhadhka iyo qalabka baadhista. waxay wax badan wax ka taraan wax dhakhtarka ku adkaaday ama adeyg cudurku ka yimi . waxay soo saaraan wax aan labada hore soo saari waayeen. hase yeeshee waa 10% ayay caawisaa dhakhtarka.

sidaa darteed Farriinta caafimaadku :waxa weeye dhakhtarka iyo bukaankuba waa iney wareysiga iyo ka xogwarranka bukaanka waqti muhiim ah siiyaan.

Thursday, 4 February 2010

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa.



"Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban" Suldaan Maxamed C/qaadir


Kulan Baroor diiq ah oo lagu xusayo Sannad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale(Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa

Waxana Masuuliyiin tiro badan oo ka soo qayb galay ay si ba’an u weerareen Xukuumada Madaxwayne Rayaale gaar ahaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegeen in uu ka baxay balantii uu qaaday dhimashada Xoghayaha guud ka dib in Agoontii uu Xoghayuhu in loo dhiso Guri Hanti ah.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tallaabada Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay mid ayaan daro ah in Madaxwaynuhu uu sidaa ku dhaqaaqo kana baxo balantii uu dhigay. Taasina ay ka sii daran tahay In dayntii uu Xoghayuhu u soo galay Xisbiga ilaa maanta loo haysto Eheliyada Dadkii uu ka tagay Marxuum Bulaale. “Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban. Waxaan leeyahay Madaxweyne wixii aad balan qaaday fuli ama waxba uma qaban karo dheh.”


Waxa kale oo isaguna Xuskaasi hadal ka jeediyay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray ayaa isaguna muujiyay sida uu uga xun yahay in Madaxwaynuhu aanu u qiimayn Marxuumkaasi “ oo ahaa” buu yidhi “Nin Xisbiga iyo Qarankaba ku wayn, hadii aanu fullin karaynin ha noo caddeeyo anaga ayaa Guri u dhisi Caruurtii Marxuumkee, Dayntii uu u galay Xisbiga Udubna ka bixin doonee”

C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan, oo ku hadlayay Magaca Dhallinyarada Xisbiga Udub ayaa sheegay in ay tahay arin laga qoomamoodo iyada oo la xusayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub in ay Madasha ka maqnaadaan Masuuliyiintii Xukuumada, arintanina ay caddaynayso in Xisbiga aanay joogin cid garanaysa milgaha iyo Xurmaha qof ahaaneed hadii uu dhinto iyo hadii uu Nool yahayba. Jagadii ama Xilkii uu Marxuum Bulaale banneeyayna aan loo dhiibin cid buuxin karta.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Somaliland Saciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa Dadkii baroor diiqdaasi hadalka ka jeediyay ayaa yidhi “Xuska Shahiid Maxamed Ismaaciil Bulaale ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee cidii soo abaabushay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin. laakiin Maxamed nin xisbi iyo nin qabiil waligii muu ahayn oo wuxuu ahaa mid hawl qaran uun hayay illaa maalintii uu ka geeriyooday. Waxaan ka codsan lahaa qoladii xafladan soo abaabushay inay xaflad labaad loo sameeyo oo tan ka balaadhan oo ay ka soo wada qeyb galaan dadkii yaqaanay taariikhdiisa ee reer Somaliland oo dhami.”
Waxaanu Wasiirku ka gaabsaday in uu sheego in Xukuumada Madaxwayne Rayaale ay balantii kaga baxday iyo hadii ay bixinayso labadaba. isagu ka gaabsada


Xafladaasi oo ahayd mid Baroor diiq ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray, Suldaan MaxamedC/qaadir, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Siciid Sulub Maxamed, Salaadiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah carruurtii iyo ehaladii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Wednesday, 3 February 2010

siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203

Somaliland-Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden


Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina

Stockholm(GNS)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Abdirahman M Abdillahi(Cirro) ayaa maanta oo bishu tahay 2 february lagu qaabilyey Baarlamaanka Sweden.

Gudoomiye Cirro waxa qaabilyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg oo si wacan u maamuusan u qaabiley Mudane Cirro. Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg waxa uu Gudoomiye Cirro u sheegay in uu ku faraxsanyahay inuu qaabilo wefdiga uu hoggaaminayo Mudane Abdirahman M Abdillahi.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa weheliyey kulankaas Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa iyo Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan. Mudane Cirro waxa uu warbixin ku saabsan Barlamaanka Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada siiyey Gudoomiye Per Westerberg.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina ay tahay mid la dhiiri geliyo. Waxca uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudaane Per Westerberg ku ballan qaaday in uu ka shaeqeyn doono sidii aqoon isweydaarsi loo sameyn laha ku saabsan labada Gole.

Booqashada uu Gudoomiye Cirro iyo xildhibaan Ibrahim Mahdi Buuba ay ku tageen dalka Sweden waxa ka dembeeyey casuumad ka timi Baarlamaanka Sweden. Intaaney labada gudoomiye kulmin waxa uu Gudoomiye Cirro la kulmey madax ka socota Gudida Distoorka ee Barlamaanka Sweden. Halkaas oo looga waramey sida ay Gudiyada Baarlamaanku u shaqeeyaan guud ahaan, khaastana Gudida Distoorka.

Gudoomiye Cirro intaa uu booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Sweden waxa uu la kulmi doona madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Waxa kale oo uu booqan doona Gudida Dorashada ee Sweden (Swedish Election Authority).

Waxa kale oo maalinta jimcaha5 february ka dhici doona Baarlamaanka Sweden siminaar ku saabsan doorashada Madaxweynaha ee soo socota. Siminaarkaasna waxa ka soo qeybgeli doona madax ka socota Arrimaha Debedda ee Sweden iyo Xildhibaano ku jira Baarlamaanka Sweden iyo Hayaddo u hadla xuquuqda Aadamaha.

Booqashadan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somalialnd uu ku joogo Sweden waa mid taariikhi ah. Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiye Cirro lagu qaabiley heerka ugu sareeya. Taasina waxa ay tuseysa in Dawladda Sweden iyo Baarlamaanka Sweden ay rabaan in ay wax la qabsadaan Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland.

Mohamed Abdilahi Hassan
Freelance Journalist
Stockholm Sweden
Eidarusadan@hotmail.com




Tuesday, 2 February 2010

Xafladii Hotelka maansoor iyo warbixintii siilaanyo 20100202


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Xafladii Hotelka maansoor ayaa laysugu yimid, tirade Xisbigu ku talo galay waxay ahayd 650 Ruux, laakiin waxaa yimid Madax iyo waxgarad aad u tiro badan oo kun kor u dhaafay, waxay khasabtay in aanu dhammaan Xildhibaanadii Kulmiye, iyo hawlwadeenadii Xisbiga nidhaa idinku dibedda Hoolka uga baxa, saxaafadda, asaamaha Xisbiga, Vido projectorka socdaalkii odeyga laga daawanayo, cadar, cauudka , keega iyo sharaabka, garbasaaraha hablaha ee calanka Kulmiye ah, iyo suudhka meesha maraya , tacajab ayaad u arkaysaa.

Ugu horeyn Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Keyse xasan Cige ayaa ka sheekeeyey socdaalkii odeyga , taariikhii uu Hargeysa ka baxay oo ahayd 27 Dec.2009, iyo soonoqdkiisii oo ahaa 31.1.2010, intii Ethioia joogay Madaxdii uu la kulmay, iyo intii Maraykanka joogay madaxdii uu la kulmay, iyo dhammaan magacyadoodii iyo xafiisyadoo, iyo heerka caalamiga ah ee ay yihiin.

Xoghaye Keyse markii uu intaa dhammeeyey , waxa uu si toosa ugu soo dhweeyey Gudoomiye Axmed Siilaanyo, oo markii uu soo kacay haybadii iyo sharaftii ka muuqatay, sawaxankii iyo sacabkii ayaa in muddo ah la waday.

Waxa uu Gudoomiye Axmed Siilaanyo ku Bilaabay hadalkii sii:

1. Mahadnaq Ilaahay iyo saligii rasuulka iyo mahadcelin dadweynaha iyo ummadda reer Somaliland sidii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen, iyo sedan layaabka leh ee ay hadana u ajiibeen xafladan saaka .
2.Axmed Siilaanyo intii aanuu u gelin arrimihii socdaalkiisa, waxa uu hambalyo kale u diray Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ( gaar ahaan Ciidanka Qaranka oo ay maanta ku began tahay 2dii Feb. 2010 oo ah maalintii la aasaasay. Waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in ilaa maanta aan ciidankaasi dalkoo difaacaya, aanay lahayn Xuquuq iyo Derajo toona, waxaana uu ballaan ku qaaday haddii Xisbiga Kulmiye talada qabto in waxaasoo dhan la waayi doono, oo xuquuqda ciidanka la heli doono.
3.Axmed Siilaanyo waxa uu u soo noqday socdaalkiisii, waxana uu hadalkii sii ku bilaabay, Goboladii iyo dawladihii aanu tagnay, si weyn ayaa naloogu soo dhaweeyey, faaii'dooyinka aanu helnayna waxaa kamid ah:
•Waxa ugu weyn ee aanu Somaliland u soo helnay waa AUDIENCE ( dhegeystayaal ) qaddiyadda Somaliland dhegeysta. Oo lala hadli karo, oo maanta aad isku halayn karto, oo ujeedadaada maanta fahmaaya , oo aan hore waxba loogu sheegin.
•Waxaanu ka dhaadhicinay Diimoqraadiyada ka hano qaaday Somaliland , inay xooojiyaan, oo Asxaabta curdinka ah gacan qabtaan, oo Doorashooyinka maalgeliyaan , oo gacan naga siiyaan.
•Dhinaca nabadgelyada ayaa ah iyana taan kala hadalay, waayo waxa ka dhacaya mandaqadda geeska ka mid ayeynu nahay oo saameyn ayey inagu leedahay, markaas inay Nabadgelyada Somaliland ka jirta inaga gacan siiyaan, oo naylaga caawiyo.


4. Gudoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu halkaasi ka caddeeyey inay soo heleen ballanqaadyo fiic fiican oo ay ka mid yihiin:
•Taageerooyin dhinaca Horumarinta ah.
•Taageerooyin Doorashooyinka iyo Kobcinta Diimoqraadiyada ah.
•Taageerooyin dhinaca tacliinta iyo shaqo abuurista ah, iyo inay wax nagala qabtaan Tahriibka dhalliyarada .
•Waxaa kaloo aanu ku soo guulaysanay in aanu ka dhaadhicino dadweynaha iyo jaaliyadaha reer Somaliland inay dawr shariifa ka ciyaaraan horumarinta dalkooda iyo maalgashigiisaba.
•Waxaanu hubnaa in socdaalkayagu ahaa mid magac Somaliland kor u qaaday., dadkii anu la kulanayna waxay ahaayeen furuha ( key ) u ah in Somaliland wax badan loo qabto.


5.Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu hadlkiisii ku soo daray mahad celin Guud oo uu usoo jeediyey jaaliyadihii reer Somaliland ee Soo dhaweeyey, Washington, Boston, Ohio, Columbus, Minnesota Minapolis, iyo kuwii Canada Nooga yimid, xidhiidhintoodii . waxa aanan marnaba ilaabay raggii Xisbiga u joogay dibedda ee uu hoggaaminaayey DR: Mohamed Cabdillahi Omer, Xoghayaha Xisbiga ee Arr. Dibedda, Xuseen Ducaale iyo raggiisii Washington, iyo rag faro badan oo Xisbiga ah oo intaas aan soo sheegay hawlo laxaad leh socdaalkayaga u qabtay, dhammaantood mahad cxelin ayaan u dirayaa.
6.Gudoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu hadalkii si I ku soo gebogabeeyey, jawaab kooban oo uu ku dhallilay Xukuumada Ina rayaale, waxana uu yidhi: waxyaabihii ka soo yeedhayey beryahan Xukuumada , waxba ka odhan mayo, laakiin waxaan u arkaa talis gabaabsi ah". Dabadfeedna ummadii xafladda joogtay ayaa sawaxan , qosol iyo sacab isla oogsatay.
Xarbi: Xarunta Kulmiye




Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Eedeyn Dusha Uga Tuuray Alshabaab 20100202

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Eedeyn Dusha Uga Tuuray Alshabaab
February 2nd, 2010admin
Sheekh Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam ayaa sii kulul u Cambaareyey Ku Biiridii Sheekh Xasan Turki u ugu biiray Xarakada Alshabaab, Isaga oo sheegay in Ku biirida Sheekh Xasan Turki Ee Shabaab ay tahay mid aysan isku ogeyn iyaga Iyo Shabaabku

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa u sheegay in Ururka Xizbul Islaam ee u Gudoomiyaha U yahay iyo weliba Xarakada Alshabaab u degsana Xeer ah in aaney kala qadan Wax ciidamo ah taasina aay Xarakada Alshabaab aay jebisay, Waxana u Cambaareyn dusha uga tuuray Heshiiska aay wada galeen Xasan Turki oo Hoggaamiya Raskaambooni Iyo Weliba Xarakada Alshabaab

Hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmaya kadib markii shalay Xarakada Alshabaab aya shaaca ka qadeen inay la Midoobeen Mucaskaarka Raskaambooni ee u Hoggaamiyo Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi Turki , In kasta oo Qaar ka mid ah Saraakiisha Raskaambooni ay arrinka Beeniyeen

Birgitta Ohlsson oo ahayd afhayeenka arimaha debedda ee xisbiga liberaalka ee sweden ayaa maanta loo magacaabay wasiirnimo 20100202

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun






Birgitta Ohlsson oo ahayd afhayeenka arimaha debedda ee xisbiga liberaalka ee sweden (TAAGEERE WEYN OO SOMALILAND)ayaa maanta oo bishu tahay 2 feb 2010 loo magacaabay wasiirnimo

Sweden appoints Birgitta Ohlsson as its new EU affairs minister Tuesday, February 2, 2010
Wires
Sweden-EU Minister

STOCKHOLM (AP) - Lawmaker Birgitta Ohlsson of Sweden's Liberal Party has been appointed the country's new European Union affairs minister.
The 34-year-old Ohlsson replaces Cecilia Malmstrom, who is leaving the center-right government to become an EU commissioner.
Ohlsson says the 27-nation EU "must be a strong voice for freedom in the world" and that it should continue to work for an international climate agreement.
Ohlsson has been a member of the Liberal Party, one of the junior members of the four-party government, since 1994. She has represented the party in parliament since 2002.
021123 feb 10GMT

. Birgitta waa saaxiib dhab ah oo taageera Somaliland. Marar badana Baarlamaanka sweden ayey soo dhigtay ictiraaafka somaliland.
Halkan ka akhri Qudbadii Birgitta Ohlsson ee Shirka Xisbiga KULMIYE, Hargeisa, Somaliland on March 30, 2008 - 8:58am.
Afhayeenka siyaasada arimaha dibeda isla markaana ah xubin ka mid ah baarlamanka oo ka socota xisbiga Folkpartiet, xisbiga liberalka Iswidhan. Ms Ohlsonn may joogin Somaliland hase yeeshee qudbaddeeda waxa shikra ka akhrisay Jenny Sonesson (sawirka hoose) oo iyadu u timid Somliland inay shirka xisbiga KULMIYE indhaheeda ku soo aragto si ay ugaga warami karto xisbigeedii iyo madaxda dalka Sweden isbeddelka dimoqraadiyadeed ee shacbiga reer Somaliland.
Hadaladeedii waxaa ka mid ahaa

"Asalaamu Alaykum"
"Anigoo saaxiib la ah dimuqraadinimada Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaan idiin soo gudbinayaa salaan ku socota kogereska/shirweynaha.

Badanaa waxaan idhaahdaa Somaliland waa ubax dimuqraadi oo khafiif ah oo ay ku wareegsan yihiin diktatoriyiin/keli teliyayaal qodaxyo leh.

Dimuqraadinimada Somaliland wuxuu la mid yahay ubax awood yar oo u baahan in la biyeeyo tarbiibna loo xanaaneeyo oo taagero ka helo wadanka gudiihiisa kuwaas oo ah idinka iyo taageero dibeda ah sida anig iyo asxaabtiina kale ee aduun waynaha oo dhan.

Waan jeclaan lahaa inaan shirwaynihiinan kasoo qayb qaato si aan goob joog ugu ahaado in mid ka mid ah xisbiyada ugu muhiimsan Somaliland oo qaadaaya talaabo cusub oo lagu sii xoojinayo dimuqraadinimada.

Laakiin waxaan iminka joogaa Zimbabwe oo hadeer ah wadan aad uga fog madaxbanaanida.

Waxaan rajaynayaa in Shirwaynahan Kulmiye uu qaado go´aamo badan oo culus si uu kor ugu qaado mushtamaca Somaliland oo jiha wanaagsan u jeediyo.

Waxaan rajaynayaa inaad difaacdaan madaxbanaanida hadalka iyo madaxbanaanida warbaahinta/joornaalaystayaasha.

Waxaan filanayaa in kulmiye doorto dumar badan oo la siiyo boosas sare oo awood leh. Waayo hadii aan dumarka loo dooran boosas aan awood lahayn horumarka Somaliland wuu istaagayaa. Kulmiye waa inuu noqdaa hogaamiyaha u hor kaca sidii loo siin lahaa dumarka somaliland awood. Markaa waxa loo baahan yahay dumar badan oo ah tusaale fiican.

Waxaan idinka baryayaa inaad sii wadaan hawsha muhiimka ee xuquuqda biniaadanimada. Waxaa miftaax/fure u ah si ay Somaliland dunida uga hesho ixtiraam/respekt iyo taageero waa inay dadkooda

ula dhaqmaan si fiican oo ixtiraam leh.

Ogaada

Weligeed dimuqraadinimo hirgeli mayso hadaan dimuqraadiyiin la noqon.

Weligeed ma dhici doonto doorasho madaxbanaan hadii aanay jirin mucaarad.

Weligeed ma jiri doonto mushtamac furan hadii aanay jirin warbaahin/joornaalaystayaal madax banaan.

Weligeed ma jiri doonto mushtamac si xaq ah u dhisan hadii aanay jirin dumar awood leh oo boosas quwad leh haysta.

Waxaan idiin rajaynaa inaad ku guulaysataan oo dhistaan si uu kulmiye u noqdo xisbi awood u yeela dimuqraadinimada, madaxbanaanida iyo sinaanta Somaliland.

Waxaan ku rajo weynahay inaan idin soo booqdo doorashooyinka soo socda oo doorashooyinkaasi noqdaan kuwo heer sare oo u dhigma doorashooyinkii hore ee la qabtay.

Awooda Somaliland waxay ku taagan tahay in wadanku doortay dariiqa dimuqraadinimada.

Ku sii wada dariiqaas, waayo waa dariiqa mustaqbalka.

Sidaa iyo nabad gelyo

Birgitta Ohlsson

madaxweyne rayaale oo ka muquurtey xuskii sanadguuradi 16aad ee ciidanka qaranka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uunMadaxweyne Rayaale oo ka muquurtey xuskii sannadguuradii 16aad ee ciidanka qaranka









Madaxweyne Dahir rayaale Kaahin oo la filaayey in uu ka soo qeybgalo xafladda sanadguurada 16aad ee sannad-guurada ciidamada qaranka ayaan ka soo xaadirin . waxaa la filaayey in uu halka ka soo jeediyo khudbad ku wajahan arrimaha nabadgelyada dalka, iyo tayeynta ciidamada qaranka. Waxaa la filayaa in uu madaxweynu uga baaqdey sababo la xidhiidha balamo badan oo hore u qaadey oo ah bixinta darajo ciidamadu leeyihiin iyo kordhinta mushaharka. Waxaa maaanta xafladdaa ciidanka kala qebgaley wasiirka gaashaandhiga mudane saleebaan warsame guleed iyo taliyaha ciidamada general Taani.