Thursday 4 February 2010

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa.



"Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban" Suldaan Maxamed C/qaadir


Kulan Baroor diiq ah oo lagu xusayo Sannad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale(Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa

Waxana Masuuliyiin tiro badan oo ka soo qayb galay ay si ba’an u weerareen Xukuumada Madaxwayne Rayaale gaar ahaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegeen in uu ka baxay balantii uu qaaday dhimashada Xoghayaha guud ka dib in Agoontii uu Xoghayuhu in loo dhiso Guri Hanti ah.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tallaabada Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay mid ayaan daro ah in Madaxwaynuhu uu sidaa ku dhaqaaqo kana baxo balantii uu dhigay. Taasina ay ka sii daran tahay In dayntii uu Xoghayuhu u soo galay Xisbiga ilaa maanta loo haysto Eheliyada Dadkii uu ka tagay Marxuum Bulaale. “Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban. Waxaan leeyahay Madaxweyne wixii aad balan qaaday fuli ama waxba uma qaban karo dheh.”


Waxa kale oo isaguna Xuskaasi hadal ka jeediyay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray ayaa isaguna muujiyay sida uu uga xun yahay in Madaxwaynuhu aanu u qiimayn Marxuumkaasi “ oo ahaa” buu yidhi “Nin Xisbiga iyo Qarankaba ku wayn, hadii aanu fullin karaynin ha noo caddeeyo anaga ayaa Guri u dhisi Caruurtii Marxuumkee, Dayntii uu u galay Xisbiga Udubna ka bixin doonee”

C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan, oo ku hadlayay Magaca Dhallinyarada Xisbiga Udub ayaa sheegay in ay tahay arin laga qoomamoodo iyada oo la xusayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub in ay Madasha ka maqnaadaan Masuuliyiintii Xukuumada, arintanina ay caddaynayso in Xisbiga aanay joogin cid garanaysa milgaha iyo Xurmaha qof ahaaneed hadii uu dhinto iyo hadii uu Nool yahayba. Jagadii ama Xilkii uu Marxuum Bulaale banneeyayna aan loo dhiibin cid buuxin karta.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Somaliland Saciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa Dadkii baroor diiqdaasi hadalka ka jeediyay ayaa yidhi “Xuska Shahiid Maxamed Ismaaciil Bulaale ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee cidii soo abaabushay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin. laakiin Maxamed nin xisbi iyo nin qabiil waligii muu ahayn oo wuxuu ahaa mid hawl qaran uun hayay illaa maalintii uu ka geeriyooday. Waxaan ka codsan lahaa qoladii xafladan soo abaabushay inay xaflad labaad loo sameeyo oo tan ka balaadhan oo ay ka soo wada qeyb galaan dadkii yaqaanay taariikhdiisa ee reer Somaliland oo dhami.”
Waxaanu Wasiirku ka gaabsaday in uu sheego in Xukuumada Madaxwayne Rayaale ay balantii kaga baxday iyo hadii ay bixinayso labadaba. isagu ka gaabsada


Xafladaasi oo ahayd mid Baroor diiq ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray, Suldaan MaxamedC/qaadir, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Siciid Sulub Maxamed, Salaadiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah carruurtii iyo ehaladii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale.

No comments:

Post a Comment