Wednesday 10 February 2010

Golahu waa inuu beddelaa saleeban gaal ''Rayaale''

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.



Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku guul daraystay inay xal ka gaadhaan khilaafkii dhexdooda ee ka dhashay isku shaandheyntii Guddi Hoosaadyada Golaha.
Fadhigii maanta ee Golahaasi oo ay madasha ka soo xaadireen 62 Mudane waxa loo balansanaa in Shirgudoonku Golaha horkeenaan xal ka gaadhista khilaafkoodii. Fadhigan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa furmay abaarro 10:02 subaxnimo.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fadhigaasi ka jeediyay hadal waxaanu sheegay inay xubnaha shirgudoonku isla qaateen inay xal ka gaadhista khilaafkooda ay ka tallo galiyaan Xildhibaanada aqalkaasi waxaanu yidhi "Haddii aanu shirgudoonkii nahay Xildhibaano weydinkii yidhi idinka ayaa xalkii ah ee arrintiina soo xaliya mudana arrintii way nagu qaadatay in nala raagsadayna waa wax dhici kara waa inaynu helnaa wixii dawo ah ee inagana ina anfacaya qarankana anfacaya, haddii aanu arrintii galay waxay noogu muuqatay oo ay ka fursan weyday inaanu Golaha ka tallo gelino tallada golahana wax ka qaadano. Waxay noogu muuqatay inaanu Guddi kooban oo Golaha ah u saarno oo ay tallo soo saarto oo ay nagu soo celiso ka dibna aanu anagu (Shirgudoonka) Golihii horkeeno xalkii."
"Sidaasi ayaanu ka maarmi weynay Anagaa u baahanay inaanu dhinacyada Golaha wax ka qaadano, markaa Go’aankii guud markaa sidaasi ku gaadhno,"ayuu yidhi Md, Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, oo isaguna ka hadlay fadhigaasi ayaa sheegay inuu ayidsan yahay sidaasi uu Guddoomiyuhu arrinta u dhigay waxaanu yidhi "Sidaasi uu Guddoomiyuhu idin yidhi waxaanu u baahanay inaanu Golaha arrinkii ka qeyb gelino oo kula soo noqono, oo Guddi la saaro Guddidaasi ay wax soo saarto ka dibna nagu soo celiso wixii guddidaasi ay soo saartana aanu Golaha horkeeno."
"Waxay ila tahay in Goluhu wixiisa wanaajisto sidaasi ayuu wax ku qaban karayaa oo uu ummaddana ugu adeegi karayaa,"ayuu yidhi Sh. Axmed Sh. Nuux.
Dhinaca Kale Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa isagu sheegay inaanu arrintaasi la qabin Guddoomiyeyaasha kale waxaanu yidhi "Sidaasi ay Guddoomiyeyaashu idiin sheegeen hawshii aad muddaba naga sugayseen dhinacayaga way ka dhammaan weyday hadalkana waanu idiin caddaynaynaaye’e. tafaasiil idiin geli mayno cida ay ka dhammaan weyday iyo waxay uga dhammaan weyday. Haddii ay naga dhammaan weyday markaanu muddo rog-rognay waanu isla garanay aakhirkii inaanu Golaha ku soo celino, laakiin farsamadii Golaha loogu soo celinayay Aniga iyto Guddoomiyeyaasha kale waanu ku kala gedisan nahay runta ayaanu u caddaynaynaaye’e."
"Waxaan qabaa haddii aanu Golaha ku soo celinayno arrintii waa inaanu xalka oo dhan u daynaa Golaha ee inaanu amar ku soo tuurno ma aha,"ayuu yidhi Md. Siciid Jaamac.
Intaasi ka dib waxa golaha ka bilaabay buuq iyo qas waxaanay Mudaneyaasha Goluhu ku kala qeybsameen arrintan waxaanay Xildhibaanada qaar taageersanaayeen hadalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad halka qaar kalena ay qabeen in Shirgudoonka looga fadhiyo inay dhexdooda ka soo heshiiyaan oo aanay khilaaf hor leh ku soo dhex tuurin Golaha intiisa kale.
Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa fadhigii oo aan wali xidhmin iskaga baxay waxaana madashii hadheeyay buuq iyo sawaxan ay isweydaarsanayeen Xildhibaanadu. Hase yeeshee wuxuu aakhirkii fadhiga laga yeedhiyay Guddi ka kooban siddeed Xildhibaan oo ka soo tallo bixisa khilaafka Shirgudoonka kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin sidan
Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal, Sh. Maxamuud Xirsi Faarax, C/Qaadir Aw- Xuseen Mirre, Aadan Shire Faarax, Farxaan Ciise Ubaxle, Xirsi Aw- Ciise Jaamac, Yuusuf Sh. Axmed Nuur iyo Maxamed Xuseen Hurruuse.

No comments:

Post a Comment