Wednesday 3 February 2010

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden


Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina

Stockholm(GNS)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Abdirahman M Abdillahi(Cirro) ayaa maanta oo bishu tahay 2 february lagu qaabilyey Baarlamaanka Sweden.

Gudoomiye Cirro waxa qaabilyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg oo si wacan u maamuusan u qaabiley Mudane Cirro. Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg waxa uu Gudoomiye Cirro u sheegay in uu ku faraxsanyahay inuu qaabilo wefdiga uu hoggaaminayo Mudane Abdirahman M Abdillahi.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa weheliyey kulankaas Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa iyo Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan. Mudane Cirro waxa uu warbixin ku saabsan Barlamaanka Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada siiyey Gudoomiye Per Westerberg.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina ay tahay mid la dhiiri geliyo. Waxca uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudaane Per Westerberg ku ballan qaaday in uu ka shaeqeyn doono sidii aqoon isweydaarsi loo sameyn laha ku saabsan labada Gole.

Booqashada uu Gudoomiye Cirro iyo xildhibaan Ibrahim Mahdi Buuba ay ku tageen dalka Sweden waxa ka dembeeyey casuumad ka timi Baarlamaanka Sweden. Intaaney labada gudoomiye kulmin waxa uu Gudoomiye Cirro la kulmey madax ka socota Gudida Distoorka ee Barlamaanka Sweden. Halkaas oo looga waramey sida ay Gudiyada Baarlamaanku u shaqeeyaan guud ahaan, khaastana Gudida Distoorka.

Gudoomiye Cirro intaa uu booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Sweden waxa uu la kulmi doona madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Waxa kale oo uu booqan doona Gudida Dorashada ee Sweden (Swedish Election Authority).

Waxa kale oo maalinta jimcaha5 february ka dhici doona Baarlamaanka Sweden siminaar ku saabsan doorashada Madaxweynaha ee soo socota. Siminaarkaasna waxa ka soo qeybgeli doona madax ka socota Arrimaha Debedda ee Sweden iyo Xildhibaano ku jira Baarlamaanka Sweden iyo Hayaddo u hadla xuquuqda Aadamaha.

Booqashadan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somalialnd uu ku joogo Sweden waa mid taariikhi ah. Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiye Cirro lagu qaabiley heerka ugu sareeya. Taasina waxa ay tuseysa in Dawladda Sweden iyo Baarlamaanka Sweden ay rabaan in ay wax la qabsadaan Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland.

Mohamed Abdilahi Hassan
Freelance Journalist
Stockholm Sweden
Eidarusadan@hotmail.com




No comments:

Post a Comment