Tuesday 2 February 2010

Xafladii Hotelka maansoor iyo warbixintii siilaanyo 20100202


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Xafladii Hotelka maansoor ayaa laysugu yimid, tirade Xisbigu ku talo galay waxay ahayd 650 Ruux, laakiin waxaa yimid Madax iyo waxgarad aad u tiro badan oo kun kor u dhaafay, waxay khasabtay in aanu dhammaan Xildhibaanadii Kulmiye, iyo hawlwadeenadii Xisbiga nidhaa idinku dibedda Hoolka uga baxa, saxaafadda, asaamaha Xisbiga, Vido projectorka socdaalkii odeyga laga daawanayo, cadar, cauudka , keega iyo sharaabka, garbasaaraha hablaha ee calanka Kulmiye ah, iyo suudhka meesha maraya , tacajab ayaad u arkaysaa.

Ugu horeyn Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Keyse xasan Cige ayaa ka sheekeeyey socdaalkii odeyga , taariikhii uu Hargeysa ka baxay oo ahayd 27 Dec.2009, iyo soonoqdkiisii oo ahaa 31.1.2010, intii Ethioia joogay Madaxdii uu la kulmay, iyo intii Maraykanka joogay madaxdii uu la kulmay, iyo dhammaan magacyadoodii iyo xafiisyadoo, iyo heerka caalamiga ah ee ay yihiin.

Xoghaye Keyse markii uu intaa dhammeeyey , waxa uu si toosa ugu soo dhweeyey Gudoomiye Axmed Siilaanyo, oo markii uu soo kacay haybadii iyo sharaftii ka muuqatay, sawaxankii iyo sacabkii ayaa in muddo ah la waday.

Waxa uu Gudoomiye Axmed Siilaanyo ku Bilaabay hadalkii sii:

1. Mahadnaq Ilaahay iyo saligii rasuulka iyo mahadcelin dadweynaha iyo ummadda reer Somaliland sidii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen, iyo sedan layaabka leh ee ay hadana u ajiibeen xafladan saaka .
2.Axmed Siilaanyo intii aanuu u gelin arrimihii socdaalkiisa, waxa uu hambalyo kale u diray Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ( gaar ahaan Ciidanka Qaranka oo ay maanta ku began tahay 2dii Feb. 2010 oo ah maalintii la aasaasay. Waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in ilaa maanta aan ciidankaasi dalkoo difaacaya, aanay lahayn Xuquuq iyo Derajo toona, waxaana uu ballaan ku qaaday haddii Xisbiga Kulmiye talada qabto in waxaasoo dhan la waayi doono, oo xuquuqda ciidanka la heli doono.
3.Axmed Siilaanyo waxa uu u soo noqday socdaalkiisii, waxana uu hadalkii sii ku bilaabay, Goboladii iyo dawladihii aanu tagnay, si weyn ayaa naloogu soo dhaweeyey, faaii'dooyinka aanu helnayna waxaa kamid ah:
•Waxa ugu weyn ee aanu Somaliland u soo helnay waa AUDIENCE ( dhegeystayaal ) qaddiyadda Somaliland dhegeysta. Oo lala hadli karo, oo maanta aad isku halayn karto, oo ujeedadaada maanta fahmaaya , oo aan hore waxba loogu sheegin.
•Waxaanu ka dhaadhicinay Diimoqraadiyada ka hano qaaday Somaliland , inay xooojiyaan, oo Asxaabta curdinka ah gacan qabtaan, oo Doorashooyinka maalgeliyaan , oo gacan naga siiyaan.
•Dhinaca nabadgelyada ayaa ah iyana taan kala hadalay, waayo waxa ka dhacaya mandaqadda geeska ka mid ayeynu nahay oo saameyn ayey inagu leedahay, markaas inay Nabadgelyada Somaliland ka jirta inaga gacan siiyaan, oo naylaga caawiyo.


4. Gudoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu halkaasi ka caddeeyey inay soo heleen ballanqaadyo fiic fiican oo ay ka mid yihiin:
•Taageerooyin dhinaca Horumarinta ah.
•Taageerooyin Doorashooyinka iyo Kobcinta Diimoqraadiyada ah.
•Taageerooyin dhinaca tacliinta iyo shaqo abuurista ah, iyo inay wax nagala qabtaan Tahriibka dhalliyarada .
•Waxaa kaloo aanu ku soo guulaysanay in aanu ka dhaadhicino dadweynaha iyo jaaliyadaha reer Somaliland inay dawr shariifa ka ciyaaraan horumarinta dalkooda iyo maalgashigiisaba.
•Waxaanu hubnaa in socdaalkayagu ahaa mid magac Somaliland kor u qaaday., dadkii anu la kulanayna waxay ahaayeen furuha ( key ) u ah in Somaliland wax badan loo qabto.


5.Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu hadlkiisii ku soo daray mahad celin Guud oo uu usoo jeediyey jaaliyadihii reer Somaliland ee Soo dhaweeyey, Washington, Boston, Ohio, Columbus, Minnesota Minapolis, iyo kuwii Canada Nooga yimid, xidhiidhintoodii . waxa aanan marnaba ilaabay raggii Xisbiga u joogay dibedda ee uu hoggaaminaayey DR: Mohamed Cabdillahi Omer, Xoghayaha Xisbiga ee Arr. Dibedda, Xuseen Ducaale iyo raggiisii Washington, iyo rag faro badan oo Xisbiga ah oo intaas aan soo sheegay hawlo laxaad leh socdaalkayaga u qabtay, dhammaantood mahad cxelin ayaan u dirayaa.
6.Gudoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu hadalkii si I ku soo gebogabeeyey, jawaab kooban oo uu ku dhallilay Xukuumada Ina rayaale, waxana uu yidhi: waxyaabihii ka soo yeedhayey beryahan Xukuumada , waxba ka odhan mayo, laakiin waxaan u arkaa talis gabaabsi ah". Dabadfeedna ummadii xafladda joogtay ayaa sawaxan , qosol iyo sacab isla oogsatay.
Xarbi: Xarunta Kulmiye




No comments:

Post a Comment