Saturday 6 February 2010

Qaabka Ogaanshaha Cudurka:

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Qaabka Ogaanshaha Cudurka:



Ogaanshaha xanuunka: Dhakhtarku wuxuu adeegsadaa arrimo badan sida uu ogaado qofka waxa haya:
Ta Kowaad uguna mudan wareysiga bukaanka iyo ehelku bixiyo (subjective cinical anamnesis) : Warbixin wanaagsan ,dhab ah, dheeli tiran, waxay siisaa dhakhtarka in ka badan 70% xanuunka haya bukaanka.


Ta labaad ee uu adeegsadaa dhakhtarku waxaa weeya dareenadiisa (objective clinical anamnesis): oo ah araga, maqalka, taabashada, urta iyo adeegsiga qalabkiisa yar-yar uu gacnta ku haysto. Waxay taasuna ka caawisa dhakhtarka 20%.


Ta seddexaad waa adeegsiga sheybaadhadhka iyo qalabka baadhista. waxay wax badan wax ka taraan wax dhakhtarka ku adkaaday ama adeyg cudurku ka yimi . waxay soo saaraan wax aan labada hore soo saari waayeen. hase yeeshee waa 10% ayay caawisaa dhakhtarka.

sidaa darteed Farriinta caafimaadku :waxa weeye dhakhtarka iyo bukaankuba waa iney wareysiga iyo ka xogwarranka bukaanka waqti muhiim ah siiyaan.

No comments:

Post a Comment