Saturday 17 April 2010

soo dhaweyntii axmed yuusuf yaasiin madaxweyne ku-xigeenka somaliland


Soo Dhawayn Heer Qaran ah oo Dawlad Iyo Shacbi Lagu Qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Berbera Ka Soo Degay.
Berbera (Harowo) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta ka soo degay Airport-ka Magaalada Berbera ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta qaranka iyo shacbiga Somaliland oo kumanaan tiradoodu gaadhayso. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo mudo safar caafimaad ugu maqnaa dalka Faransiiska waxa madaarka Berbera oo uu maanta ka soo degay ku qaabilay Wasiiro, Salaadiin, Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saaxil iyo kumanaan shacbiga Somaliland ah oo ka kala yimi gobolada dalka maalmihii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Berbera.

Markii Diyaarada Madaxweyne ku xigeenka siday soo fadhiisatay madaarka Berbera ayaa dadweynihii tirade badnaa ee ku sugayay madaarku shucuurtoodu cirka isku shareertay isagoo qof walba doonaya inuu salaam ka qaado awgeed ayaa sababtay in ciidanka madaxtooyadu dadka kala dhex baxaan ka dibna dib loogu soo celiyo madaarka si uu salaam uga qaato cutubyo ciidamada qaranka ka tirsan oo halkaa ugu sii diyaarsanaa ka dibna wuxuu gacan qaaday, masuuliyiintii iyo madax dhaqameedyadii tirade badnaa ee soo dhawayntiisa u tagay Berbera.

Wax hadal ah madaxweyne ku xigeenku muu haleeliin dadka ka qayb qaadanayay soo dhawayntiisa oo xad dhaaf noqday darteed Md. Yaasiin ayaa la filayaa inuu bari soo gaadho caasimada Somaliland ee Hargeysa halkaas oo si wayn loogu sii diyaar garoobayay maalmihii tagay oo dhan soo dhawaynta Madaxweyne ku xigeenka.









Harowo Desk Berbera Somaliland

No comments:

Post a Comment