Tuesday 27 April 2010

faysal cali waraabe oo balan ku qaaday in lala dagaalami doono udub haday waqtiga doorashada ishortaagto

Guddoomiyaha UCID oo ugu Hanjabay Xukuumadda iyo UDUB in Dhagax Lagu Dili Doono Hadday ka Horyimaaddaan Waqtiga Doorashada loo Cayimay
“qof fashilmay oo tunka la soo qabtay inuu ka hadlo hawlaha doorashada ma aha”


“Hadallada warbaahinta laga baahiyo ee lagu leeyahay waa lagu degdegay waqtiga loo qabtay doorashada waxaannu u aragnaa inay yihiin kuwo UDUB hoos u leedahay ee ha u soo ban-baxdo hadday leedahay dib ha naloogu dhigo doorashada, laakiin maaha in ay dadka qaarkii ka dhex hadasho sidii jinkii dadka gelayey”


“Ballan waxaan ugu qaadayaa in dhagax lagu dili doono hadday UDUB sidaa u hadasho, waayo in badan bay doorashadu dib u dhacday, markaa inay UDUB dadka ka dhex hadasho oo ay dhegta u saarto aqbali mayno, dadkaa hadlayana waxaannu qabnaa in UDUB iyo Madaxtooyadu ka dambeeyaan”

Faysal Cali-waraabe

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallo ka soo yeedhay guddoomiyaha Komishankii Doorashooyinka ee hore Mr. Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), kaasoo sheegay in uu cidhiidhi yahay waqtiga Guddiga Doorashooyinka Qaranku u muddeeyeen qabsoomidda doorashada Madaxtooyada Somaliland, hadalkaas oo uu ku tilmaamay mid muujinaya inuu ka xun yahay doorasho dalka ka qabsoonto.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta xisbigiisa ee magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda UDUB ugu hanjabay in dhagax lagu dili doono haddii ay ka horyimaaddaan xilliga Komishanka Doorashooyinku u qoondeeyey qabashada doorashada madaxtooyada.

Guddoomiyaha UCID waxa uu farta ku fiiqay oo uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB inay maalmihii u dambeeyeen soo abaabulayeen dad warbaahinta dawladdu maamusho kaga celcelinay hadallo ay ku sheegayaan in Komishanku ku degdegeen waqtiga qabsoomidda doorashada loo muddeeyey bisha June ee sannadkan.

“Komishanka Doorashooyinku wuu na tusay shaqada uu qabtay ee la xidhiidha kaadhadhka cusub ee la sameeyey iyo qaabka loo beddelayo. Arrintaas saddexda xisbi qaranba way aqbaleen, annagoo qoslayna ayaanuna ka soo baxnay.

Doorashada waxaannu filaynay inay June ka soo horreyso, haseyeeshee waxa keenay dib-u-dhaca shaqo 80% guul laga gaadhay ayaa la galay, waana shaqadii Komishanka.

Hadda waxaan arkayaa in dad aan shaqo ku lahayn hawlaha doorashooyinka oo leh waa lagu degdegay waqtiga Komishanku sheegeen, marka hore waxaan leeyahay markay doorasho timaad Komishanka ayaa ka masuul ah, hawl fiicanna way qabteen; waad mahadsan tihiin mooyee maaha inuu kolba nin laga dhex hadlayaa wax aan jirin ku hadlo.”

Eng. Faysal Cali-waraabe oo si gaar ah ula hadlayey Jaamac Sweden iyo dad uu sheegay in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB u soo abaabulaan fashilinta doorashada waxa uu yidhi; “Had iyo jeer marka qof wax la weydiinayo ee arrin lagu jiro waxa wax la weydiiyaa qof khibrad leh, hawl wanaagsanna soo qabtay, guulna soo gaadhay, laakiin qof fashilmay oo tunka la soo qabtay in uu ka hadlo hawlaha doorashada ma aha, balse had iyo jeer dadkeennu waxay jecel yihiin marka uu shaqo ku saaqido inuu doono in dadka oo dhan wada saaqidaan, waxaanan leeyahay nimankaas Komishankani saaqidi maayo, aad iyo aad baanuna ugu kalsoonahay, qoladaa saaqidayna waxaan leeyahay iska aamusa.

Komishankani way aflaxayaan, kalsoonida asxaabtana way haystaan. Hadallada warbaahinta laga baahiyo ee lagu leeyahay waa lagu degdegay waqtiga loo qabtay doorashada waxaannu u aragnaa inay yihiin kuwo UDUB hoos u leedahay ee ha u soo ban-baxdo hadday leedahay dib ha naloogu dhigo doorashada, laakiin maaha in ay dadka qaarkii ka dhex hadasho sidii jinkii dadka gelayey. Ballan waxaan ugu qaadayaa in dhagax lagu dili doono hadday UDUB sidaa u hadasho, waayo in badan bay doorashadu dib u dhacday, dalkeenuna wuu rahman yahay, waxa la innagu xidhay doorasho qabta, markaa inay UDUB dadka ka dhex hadasho oo ay dhegta u saarto aqbali mayno, dadkaa hadlayana waxaannu qabnaa in UDUB iyo Madaxtooyadu ka dambeeyaan.”

Waxa kaloo Guddoomiyaha xisbiga UCID shirkiisa jaraa’id kaga hadlay khasaaraha ka dhashay roob duufaan watay oo khasaare ballaadhan oo isugu jira dhimasho iyo boqollaal qoys oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo uu ka dumiyey guryihii ay ku noolaayeen, isagoo xukuumadda Madaxweyne Rayaale-na ku eedeeyey inay ku fashilantay gurmadkii looga baahnaa ee wax-ka-qabashada masiibadaas.

“Dadkeennii waad aragtaan maanta khasaaraha ballaadhan ee ku dhacay, xukuumadda talada haysaana tamar-darraanteeda xataa tacsi geyn kari mayso oo daaniye iyo diir bay noqdeen. 8 sannadood dadka xukunka hayey ee maanta leh waa lagu degdegay xilliga doorashada annagu garan mayno waxa uu u jeedo ee malaha wadkiisii baa meesha yaal oo waxay doonayaan in aanay si nabadgelyo ah dalka u dhaafin, maantana beesha caalamka iyo bulshada Somaliland-ba heegan bay ugu jiraan sidii doorashadu innoogu qabsoomi lahayd nabadgelyo waqtiga Komishanku u qabteen.”




Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment