Tuesday 13 April 2010

isku-dhac ciidamada booliska somaliland iyo dhallinyaro ciyaartoy ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Rasaas ku dhaawacay mid ka mid ah Cuqaasha magaalada Hargeysa, ka dib markii ay galabta Rabshadi ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeisa Staduim, taas oo caawa ku fidday ilaa badhtamaha magaalada.

Ciidamada Booliska ayaa maanta tegay Garoonkaas, si ay u fuliyaan amar uu bixiyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed oo la doonayay in lagu joojiyo tartan Kubadda Cagta ah oo uu bilaabay Xisbiga KULMIYE. Tartankan oo u socday kooxaha degmooyinka Hargeysa, ayaa Wasiirku shalay amar ku bixiyay in la joojiyo tartankaas. Isaga oo ku sababeeyay in Xisbiga KULMIYE aanu amar u haysan qabashada tartankaas.

Ciidamada Booliska oo isku dayay in ay joojiyaan Tartankaas, isla markaana maanta gaadhay Garoonka waqti ay Ciyaartu ka bilaabmi lahayd, ayaa sababay in uu halkaa ka dhasho isku-dhac iyo qalalaase, taas oo keentay in ay Ciidamadu Rasaas furaan.

“Tartankan oo maanta galay maalintii saddexaad, ayay Ciidamadu isku dayeen inay joojiyaan, taasina waxay keentay inay rabshadi bilaabanto oo ciidamaduna waxay fureen Rasaas.” Sidaa waxa Khadka Telefoonka Somaliland.Org ugu sheegay Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga KULMIYE ee heer Qaran Cabdi-najax Siyaad oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobta ku sugnaa waqtiga arrinkani dhacay.

Mar aanu Cabdi-Najax waydiinay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Rasaastii ay Ciidamadu fureen waxay keentay in uu dhaawac culusi soo gaadho Cheif-Caaqil Cabdi Iimaan Cawad (Guray Iimaan), kaas oo ay Rasaastu kaga dhacday Cunaha oo dhaawiciisu culus yahay.” Waxaanu sheegay in dhaawaciisu hadda uu yaalo Cusbatalka guud ee Hargeisa.

Mar uu Guddoomiyuhu ka jawaabayay su’aal aanu waydiinay oo la xidhiidhay inay KULMIYE ahaan ogolaansho u haysteen qabashada tartankaa iyo in kale, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Si rasmi ah ayay noogu ogolaadeen in aanu qabano tartankan, waxaanay na siiyeen Qoraal aanu hayno oo arrintaa naloogu fasaxayo, kaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xidhiidhka Kubadda Cagtu.”

Dhacdadan ayaa sababtay inay dadweyne gadoodsani galabta ilaa caawa fiidkii isu-soo-bax ku tagaan ilaa Saldhigga dhexe ee badhtamaha magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kala kulmeen Ciidamada Booliska oo iyana difaac ku jira.

Waxii wara ee kaso kordha arrintan iyo warar kale kala soco boggan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment