Tuesday 27 April 2010

Warbaahinta Somaliland oo Qallinka ku Duugay Xeerka Anshaxa Saxaafadda ee Xiliga Doorashadda

Warbaahinta Somaliland oo Qallinka ku Duugay Xeerka Anshaxa Saxaafadda ee Xiliga Doorashadda
Monday, 26 April 2010
Hargeysa (Togdhnews)- Qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland, ayaa shalay saxeexay xeerka anshaxa Saxaafaddu ku dhaqmay






mudada lagu guddo jiro arrimaha la xidhiidha doorashada madaxtooyadda Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo bisha June ee sannadka 2010.

Xaflada lagu saxeexay xeerka anshaxa saaxaafadda ee wakhtiga doorashadda oo lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaaladii Hargeysa oo labadii maalmood ee u dambeeyey ay saxaafaddu ku lahayd kulan lagaga arrinsanayey xeerkan, waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Md. Ciise Yuusuf X.Maxamed, wasiirka warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir, Wasiir-ku Xigeenka Wasaarada caafimaadka iyo shaqada Md. Mahdi Cismaan Buuri, Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), Agaasimaha fulinta ee Akaadamiga nabada iyo horumarinta iyo Wakiilo ka kala socday sadexda xisbi qaran.

Xeerka anshaxa ee shalay la saxeexay oo qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka reebaya baahinta waxkasta oo muran iyo khalkhal ku keenaya habsami u socodka hawlaha doorashadda iyo guud ahaanba xasiloonida Somaliland, waxa munaasibadii lagu saxeexayey hadalo ka jeediyey wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta ku ammaanay xeerka anshaxa doorashadda ee ay samaysteen, isaga oo kula dardaarmay in ku dhaqankiisa iyo meel marintiisana la hirgeliyo.



“Waxa faraxad weyn ii ah tababarkan xidhitaankiisa inaan idin kala soo qeyb galo waxa kale oo farxad ii ah haddii aad tidhaahdeen wixii idinka (Saxaafada) dhexdiina yaalay iyo wixii dhexdeena yaalayba waanu tuurnay waxa mahad weyn leh Komishanka doorashooyinka iyo Haayadaha kale ee la soo qaban qaabiyay tababarkan,” ayuu yidhi; wasiirku.

Md. Axmed Xaaji Daahir oo si gaar ah ula hadlayey asxaabta qaranka waxa uu yidhi; “Xisbiyada waxaan leeyahay waxaad ku andacootaan xukuumaddu fursad nagama siiso Warbaahinta Qaranka,waxaan leeyahay waxba yaan Aarintaasi lagu marmarsoon ee maantaba waa taas la saxeexay xeerkii anshaxa saxaafadda Anaguna (Wasaarada Warfaafinta) inaanu oofino ayaannu balan qaadaynaa oo wakhtigiina idin siino. Idinkuna ku casuuma Weriyeyaasha ka hawl gala Saxaafada qaranka meelaha aad wax ku qabanaysaan.”

“Wasiirka Warfaafinta haddii aan ahay waxaan balan qaadayaa inaanu idin siino wakhti la mid ah xisbiga kale ee aad tuhmaysaan, waxaynu dhammaanteed rajaynaynaa inay inoo qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi, waxaan rajaynayaa sidaasi ay Saxaafadii u heshiisay ee loo saxeexay Xeerka Anshaxa Saxaafada in xisbiyada qarankuna ay u hashiiyaan.”

Guddoomiyaha Dallada Midowga Saxaafada ee USJ, Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xidhitaankii tababarkaasi ayaa u mahad celiyay Haayadihii tababarkan fulinayay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa Komishanka doorashooyinka, Cabdiraxmaan Guulleed oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Haayada Interpeace iyo Akaadamiga nabada iyo Horumarinta Somaliland kuwaasi oo soo qaban qaabiyay kulankan ay Saxaafadu ku heshiisay waxaynu ku saaxiibaynaa in sidii aynu meel wanaagsan uga istaagi lahayn marxalada xasaasiga ah ee dalkeena ku soo fool leh ee doorashooyinka waxaynu ku heshiinay oo axdhaxda Xeerka Anshuxuna dhigayaa inaan Saxaafadu aanay door khaldan ka ciyaarin arrimaha doorashada waxaynu ku heshiinay inaynu tixgelino dalka ee aynaan tix gelin Asxaabta iyo dawlada waxaana xeerkan oday noogu noqonaya Komishanka doorashooyinka.”

Cabdillaahi Cukuse oo la hadlayay Wasiirka Warfaafinta wuxuu yidhi “Waxaanu u mahad naqaynaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo na cafiyay khilaafkii yaraa ee dhawaan jiray, Anaguna raali ayaanu maanta ka nahay oo odaynimadiisa ayaanu dabo galaynaa.”

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad naqay Suxufiyiintii tababarkaasi ka qeyb galay iyo masuuliyiinta Saxaafada ee qalinka ku duugay xeerka anshaxa saxaafada ee xiliga doorashada.

Afhayeenku wuxuu sheegay inuu rajaynayo inay ku dhawaaqaan Guddida dabo-galka Xeerka Anshaxa Saxaafada sida la iskula meel dhigay tababarkaasi.

Afhayeenka Komishanku wuxuu ammaan balaadhan u soo jeediyay Warbaahinta dalka oo uu xusay inay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen shirarkii nabadeynta Beelaha Somaliland ee horraantii Sagaashameeyaddii. Waxaanu u soo jeediyay inay doorkaasi mid la mid ah xiligan ka qaataan doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

No comments:

Post a Comment