Wednesday 28 April 2010

komishanka doorashooyinka oo ka hadlay natiijadii codbixiyayaasha ee diiwaangalintii dalka ka qabsoontay

Shir jaraai'd oo ay maanta qabteen Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka hadlay wixii ka soo baxay natiijada codbixiyayaasha ee Diiwaangalintii dalka ka qabsoontay.

Afhayeenka komishanka Doorashooyinka Maxamed Xirsi Geele oo halkaa ka hadaly ayaa sheegayin ay goosteen in Doorasho la galo horta, Su'aal baanu isweydiinay Liiska inoo soo baxay imika ee aynu hayno ma ku gali karnaa Doorasho, oo midaynu Ummadeena u sheegi karno oo aynu odhan karno liiskaasi waa liis hagaagsanoo waynu ku gali karnaa ma yahay waxaanu isla qaadanay khalad waa ku jiraa, khaladkana lama heli karo wax boqolkiiba boqol ah 100% sax ah.

Markaanu isku celcelino tirada ay ahayd liisku oo inta badan dadku ay isweydiiyaan inkastoo tii kama danbaysta ah ahayn markaanu toddobaatan kun ka saaray ( 70,000), sideetana ay ku soo kordheen ( 80,000) tiradii halkii uun bay taagnaanaysaa laakiin macnaheedu maaha waxba lama qaban., oo waxa la qabtay boqol kun oo qof ( 100,000) oo kombuyuutarku ka saaray iyo toddobaatan ku oo qof ( 70,000) oo lagaga saaray gacanta iyo Isha.

waxaanu go'aansanay inaanaan dadka dib ugu celinin xaaladii uu soo maray September 2009 kii ee isku-dhaca keentay ee Liis Diiwaangalineed halagu galo iyo Diiwaangalin la'aan halagu galo la isku qabsaday ee aad ogaydeen ee dad ku baxeen ee dhiig ku daatay, Liis fiicanbaa inoo soo baxay oo boqolkiiba Sagaashan 90% aynu odhan karno sax buu yahay haduu khalad ku jiro ugu badnaan 10% baa ku jiraya inkastooy inta badana meelaha qaarkood ka yar yihiin.

Waxaynu ognahay markii anaga la'na magacaabay Komishan ahaan waxaanu ku nimi xaalad adkayd oo tafaasiisheeda aynaan ku noqon Karin Waxa jiray Heshiis Sadexda Xisbi Qaran ay wada galeen ooy Bulshada Caalamkuna qayb ka ahayd oo ahaa in Komishan cusub la sameeyo, in Doorashada soo socota lagu galo Diiwaangalin, in Serverkii xumaaday ee ciladu gashay loo soo kireeyo khubaro caalami ah oo baadha oo eegta oo sifaysa inta la sifayn karayo, kadib marka ay sifeeyaan wakhtiga ay dhameeyaana Komishanku ku go'aan qaato wakhtiga Doorashada iyo nidaamku dhacayaan.

Sifaynta markaan u soo noqdo waxaanu u qorshaynay afar marxaladood inuu maro, midi waxay ahayd mid Kombuyuutarka lagu sifaynayo oo elektaroonikali kombuyuutarku isagu qabto wixii ku celceliyay ama khalad ah, midna waxay ahayd in kombuyuutarka iyo isha aadamiga la isku daro oo lagu qabto wixii kombuyuutarku garan waayo, midna waxay ahayd in kaadhadh cusub la soo sameeyo oo deedna liiska inoo soo baxa ee intaynu sifayno loo soo bandhigo.

Komishanka Doorashooyinku waxa ay intaa ku dareem in Doorashada Madaxtooyadu dhacayso inta lagu guddo jiro bisha June isla markaana ay maalmaha soo socda soo bandhigi doonaan Kaadhadhkii cusbaa ee loogu talogalay in loo qaybiyo dadka doorashada ka qayb qaadan doona.

Ummadda waxa aanu u sheegaynaa in hawshii servarku naga dhamaatay meel dambe oo lagaga noqdaana aanay hadhin, waxa keliya oo hadhay waa in la laalo intaa la hayo ayaa doorashada lagu gelayaa, kaadhadhkii cusbaana usbuuca ugu horeeya bisha may ayaanu sugaynaa, usbuuca labaadna waanu qaybinaynaa, markaa qof kasta waxa aanu ka codsanaynaa in uu kaadhkiisa qaato oo aanu cid kale u soo dirsan.

No comments:

Post a Comment