Tuesday 27 April 2010

Ilhaan maxamed Jaamac oo ka qaybgaleysa shir caalami ah oo ka dhacaaya washington oo uu ka qaybgalaayo madaxweyne obama

Maraykanka oo ka hadlay Haweenay u dhalatay Somaliland oo ka qayb-galaysa Shir dalkooda ka dhacaya
April 26th, 2010 Comments Off

Washington D.C (Somaliland.Org)- Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka ayaa ka hadashay laba haween Soomaali ah oo mid ka mid ahi u dhalatay Somaliland, kuwaas oo ka qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo uu ka qayb-galayo Madaxweynaha Maraykanku.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya, qaybta xidhiidhka Soomaalida oo nuqul ka ka mid ahi Somaliland.Org soo gaadhay, Shirweyne caalami ah oo la xidhiidha arrimaha Ganacsiga iyo Islaamka, isla markaana ay ka qayb-galayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Maraykanka, ayaa dadka ka qayb-galaya wax aka mid ah Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Haweenay u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland, xubin sarena ka ah Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.

Warsaxaafadeedkaas oo Afka Ingiriisiga ku qornaa, isla markaana Somaliland.Org idiin soo turjumay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxweyne Obama oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka socda Wasaaradda khaarajiga iyo Wasaaradda Ganacsiga, ayaa ka qayb gali doona Shirweyne Ganacsi oo ka dhacaya Dhismaha Ronald Reagen ee Washington D.C. kaas oo soconaya 26 April ilaa 27 April. Ganacsato ka kala socota in ka badan 50 Dal oo u badan Muslimiin, ayaa aqbalay marti-qaad uu Madaxweynaha Maraykanku u fidiyay oo la xidhidha ganacsiga iyo in la wadaago dejinta Ganacsi cusub oo bulshooyinka ay ka kala yimaadeen ah.

Shirkan ayaa daba socda Khudbad uu Madaxweyne Obama u jeediyay Dunida muslimka oo uu ka jeediyay Magaalada Qaahira ee dalka Masar 4 June 2009, taas oo uu ku ballan-qaaday in uu qaban doono Shirweyne Ganacsi, si loo xaqiijiyo sida aynu u xoojin karno xidhiidhada ka dhaxeeya hoggaamiyayaasha Ganacsiga, Ururada iyo Ganacsatada Bulshada ee Maraykanka iyo Dunida Muslimka.

Ilaa 250 qof oo kala aaminsan Diimo kala duwan, ayaa la filayaa inay kulankan ka qayb galaan. Kuwaas oo ka kala imanaya, Afrika, Bariga dhexe, Koonfurta, badhtamaha iyo koonfur-bari Eeshiya iyo Bulsho Muslimiin ah oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanku.

Laba Soomaali ah oo kala ah, Nasra Weheliye Macallin iyo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa ka mid noqon doona Weftiga ka qayb geli doona Kulankan.

Taariikhda Ilhaan Maxamed Jaamac oo kooban:

Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Agaasimaha Shirkadda Dhoofinta Ismaaciil….Sidoo kale, Ilhaan waxay taageero firfircoon u tahay Xisbiga KULMIYE, kaas oo ujeedadiisu tahay in uu Somaliland ka aasaaso wakhti cusub oo Nabadeed, Dimuqraadiyadeed iyo horumarineed. Inkasta oo aanay jago rasmi ah ka qaban Xisbiga, haddana Ilhaan waxay hogaamiye ka tahay Ololaha lagu doonayo in Xisbiga KULMIYE ku qabto talada Somaliland Doorashooyinka soo socda. Ilhaan waxay Shahadada Digriiga ee Sayniska ka qaadatay Jaamacadda Thiele ee gobolka Pennsylvania.”

Dhinaca kale, waxa iyana taariikhdeeda laga waramay Nasra Weheliye Macallin oo ka mid ah labada qof ee Soomaalida ah ee ka qayb galay kulankaas.

No comments:

Post a Comment