Tuesday 13 April 2010

seddaxda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyimka qaranka oo huteel mansoor ku kala saxeexday xeerka anshaxa doorashooyinka


Komishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Saddexda Xisbi oo si wada jira qalinka ugu duugay xeerka anshaxa iyo wada shaqaynta arrimaha doorashada




Hargeysa(Ramaas) Apr. 13, 2010 - Masuuliyiinta Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta si rasmiya u wada saxeexay xeerka anshaxa doorashooyinka, isla markaana Xisbi kastaaba waxa uu ballan-qaaday in uu dhiniciisa ku dhaqmi doono xeerkaas, difaacina doono cidda isku dayda inay jabiso. Xeerkaas oo ay ku wada shaqayn doonaan Xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinku.



Munaasibad balaadhan oo lagu saxeexay heshiiskaa saddex geesoodka ah oo ay goob-joog ka ahaayeen xubnaha Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, hogaamiyayaasha xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xildhibaanno Baarlamanka ka tirsan, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dalka Ghana oo Somaliland booqasho ku joogga, wakiillo ka socday Hay’adaha arimaha doorashooyinka Somaliland ka taageera, Culima-udiin iyo marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.



Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-xamari), oo furitaankii xafladdaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in saddexdii bilood ee u dambeeyey ay tallaabooyin wax ku ool ah qaadeen, isla markaana dhammaystireen shaqaalaha ka hawlgalaya arimaha doorashada intoodii badnayd, sidoo kalena kaadhadhkii codbixinta lagu soo daabacayo dalka koonfur Afrika bisha May-na loo qaybin doono dadweynaha, halka toddobaadka u horeeya bisha June ee sannadkan ay shaacin doonaan wakhtiga rasmiga ah ee doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomayso, sida uu Guddoomiyuhu xaflladdaas ka sheegay maanta.



Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isna kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta laysugu yimaaddo kulankan lagu saxeexayo heshiiska xeerka anshaxa iyo wada shaqaynta Komishanka iyo Xisbiyada tartanku ka dhaxeeyo. “Aniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga KULMIYE, waxaan maanta ballan-qaadayaa in aannu si buuxda oo qaddarin leh ugu dhaqmayno xeerkan, lana shaqayn doonno komishanka doorashooyinka oo aannu horena kalsoonida u siinnay.” Ayuu yidhi Siilaanyo.



Waxaanu Axmed Siilaanyo guddiga doorashooyinka ka codsaday in la sameeyo guddiga dabagalka xeerkan maanta la wada sexeexay, isla markaana loo sinnaado Hay’adaha qaranka ee ay dawladdu gacanta ku hayso, sida gaarka ahna u adeegsato, sida warbaahinta dawladda, Ciidamada iyo wixii la mid ah oo aan xisbiga UDUB oo kaliyi isticmaalin sida imika caadada ah oo kale. Ugu dambayntii waxa uu Siilaanyo u mahadceliyey Guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inay dedaal dheeraad ah muujiyeen muddadii ay xilka hayeen.



Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Aadan Maxamed Mire Waqaf, ayaa isaguna hadal dheer oo dhiirigelin, dardaaran iyo mahadnaq isugu jira xafladdaa ka jeediyey, waxaanu soo dhaweeyey heshiiskan wada shaqaynta Xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinka oo uu sheegay in Xisbigoodu ku dhaqmayo. Waxaanu Waqaf yidhi; “Xisbiga UCID waxa uu ballanqaadayaa in aannu ku dhaqanno heshiiskaa la kala saxeexanayo, oo aanu tixgelin doonno difaacina doonno. Waxa kale oo aanu UCID ahaan ballan qaadaynaa in aanu aqbalayno natiijada Seerfarka kala shaandhaynta codbixiyayaasha, kalsoonidii aanu hore u siinnay ayaanu maantana mar labaad u jadiidinaynaa Komishanka doorashooyinka Qaranka.”



Aadan Waqaf waxa uu u soo jeediyey Guddiga doorashooyinka inay dedaalaan, halka ay maanta wax marinayaan hore uga sii wadaan, isla markaana si daacadnimo leh ugu garsooraan Xisbiyada siyaasadda ee doorashada ku tartami doona, iyaga oo aan midna dhinaca saaraynin, maadaama aad masiirkii dadka iyo dalka Somaliland uu toddobadaa xubnood guudkooda saaran yahay, inay xil wayn isa saaraan ayuu u soo jeediyey.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, waxa uu isaguna halkaas ka ballan-qaaday inay Xisbi ahaan tixgelinayaan ku dhaqanka iyo dhawrista xeerka anshaxa maanta la wada saxeexday. “Waxaannu ballan-qaadaynaa haddii aanu Xisbiga UDUB nahay in aanu dhawrno kuna dhaqanno xeerka maanta la wada saxeexday, waxaanu soo dhawaynaynaa inay halkan marayaan hawlaha u diyaargarawga doorashooyinka.” Ayuu yidhi Xoghayaha UDUB. Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomniyaha Komishanka doorashooyinka dalka Ghana oo xafladdaa goob joog ka ahaa iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland. Waxaanu Xoghayaha UDUB soo jeediyey in xisbi waliba taageerayaashiisa baro oo ku wacyigeliyo ku dhaqanka anshaxahan oo habdhaqankooda laga dareemo taageerayaasha xisbiga hirgeliyey xeerkan ku dhaqankiisa.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dalka Ghana Kwadwo Afari-Gyan oo isaga iyo Wefti uu hogaaminayay oo muddo laba maalmood ah dalka joogay ka qayb galeen kulankaas heshiiska lagu kala saxeexday, ayaa khudbad dardaaran iyo dhiirigelin ah Xafladdaas ka jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay inay Somaliland maanta meel fiican marayso, loona baahan yahay inay halkaa ka sii waddo dedaalka dimuquraaddiyadda ee ay ku tallaabsaday iyada oo aan dunidu aqoonsan. Mr Afari-Gyan waxa uu ku dheeraaday muhiimadda xeerka maanta xisbiyada iyo Komishanka Somaliland wada saxeexdeen oo uu sheegay in aan la’aantii doorasho fiicani dhici Karin, waxa uu sheegay in haddii aan lagu dhaqmin xeerkaas aanay doorashaduna noqon doonin mid lagu wada qanco.

Sidaa daraadeed, waxa uu Guddoomiyaha Doorashooyinka Ghana u soo jeediyey Xisbiyada iyo Komishanka Somaliland inay dhawraan, ilaaliyaan, kuna dhaqmaan xeerkaas anshaxa wada shaqaynta oo uu tilmaamay haddii sidiisa loo raaco in wax badani ku saxmi doonaan, doorasho xor iyo xalaal ahina dalka markaas ka dhici karto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), oo munaasibaddaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu isaga oo ummadda ka wakiil ah, uu markhaati ka yahay ballan-qaadka saddexda Xisbi madashaa ka sameeyeen ee ah ilaalinta iyo ku dhaqanka xeerka anshaxa iyo wada shaqaynta ee ay maanta kala saxeexdeen. Isaga oo xusay inuu farta ku fiiqi doono cidda ka baxda goordhaw. Waxa iyaguna sidaa Guddoomiyaha ku raacay Xildhibaanno Golaha Guurtida ka tirsan oo xafladda ka hadlay.

Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Xasan Cabdi Salaan, ayaa ku dheeraaday Masuuliyaddu culayska ay leedahay, waxa ay diintu ka tidhi, waxa looga baahan yahay qofka masuuliyad ummadeed haya, waxa lagu abaalmarinayo ka gudan waayo waadjibaadkaas, iyaga oo soo daliishaday Aayaadka Qur’aanka Kariimka ah ee uu Illaahay kaga hadlayo Masuuliyadda iyo sidoo kale Axaadiista Nebi Muxamed (S.C.W) ee iyaguna xil-gudashada iyo Masuuliyadda ka hadlaya. Waxaanay ugu baaqeen guddiga doorashada inay dhexdhexaadnimo, garsoor iyo caddaaladda ku dedaalaan.

Ugu dambayntii Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Baashe Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf (Ciise-Xamari), ayaa nuqulada heshiiskaan xeerka anshaxa iyo wadda shaqaynta xisbiyada iyo guddiga doorashada halkaas ku saxeexay, iyada oo xisbi walba heshiis iyo shaabbad ku dhufanayey buugga xeerka lagu wada shaqayn doono. Kaas oo maanta laga bilaabo xisbi walba la doonayo inuu dhaqan galiyo, una hogaansamo awaamirta qodobbadda xeerkaas

No comments:

Post a Comment