Tuesday 13 April 2010

komishanka doorashada somaliland oo tilmaamay waqtiga doorashadu ku qabsoomi karto

Komishanka Doorashada Somaliland oo ka hadlay waqtiga Doorashadu qabsoomi karto
April 13th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari), ayaa maanta shaaciyay waqtiga Bulshada la siinayo Kaadhadhka cusub ee Doorashada lagu galayo iyo waqtiga la filayo inay doorasho qabsoonto.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo maanta ka hadlayay Munaasibad ay wada-jir ay Xeerka Anshaxa Doorashada ugu saxeexdeen Xisbiyada Somaliland, ayaa sheegay in toddobaadka soo socda dalka la keeni doono Kaadhadhkii codaynta ee cusbaa oo uu sheegay in lagu soo sameeyay dalka Koonfurta Afrika, isla markaana toddobaadyadaa xiga la gaadhsiin doono oo loo qaybin doono Dadweynaha isdiiwaangeliyay.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in bisha May ee soo socota dhexdeeda lagu dhawaaqi doono natiijada Server-ka ama agabka kala shaandhaynta codbixiyayaasha Doorashooyinka oo saldhig u ahayd murannadii iyo khilaafyadii sanadkii tegay gilgilay dalka. Waxa kale oo uu Mr. Ciise intaa raaciyay in wixii ka dambeeya waqtiga lagu dhawaaqo natiijada la cayimi doono Doorashada, waqtigaas oo uu ku sheegay in badhtamaha Bisha June ee soo socota ay noqon karto. “Saddex qodob ayaan doonayaa inaan xafladan kaga hadlo, qodob ah saddexdii bilood ee u dambeeyey wixii u qabsoomay Komishanka oo ah intii aanu wadnay hawlihii shaqaalaysiinta Komishanka heer gobol iyo heer degmoba, taas oo imika noo soo dhamays tirantay. Waxaana noo soo dhamaaday oo qayb ka mid ahi imika socotaa daabacaada kaadhadhkii Doorashooyinka, kuwaas oo lagu soo daabacayo dalka Koonfurta Afrika oo aanu u gudbinay dadkii ka soo baxay Server-ka”.

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Ku tala-galka qabsoomidda Doorashaduna ayaan iyadna wadnay oo imika markay kaadhadku ka soo noqdaan Koonfur Afrika bishan aakhirkeeda, wiiga labaad ee bisha May-na inaanu soo bandhigno, si aanu Kaadhadhkii u badelno, bisha Juun guddeheedana inaanu Doorashadii Insha Allaah ka dhigno wakhtigeeda”

Waa markii u horraysay ee Komishanka Doorashada Somaliland shaaciyaan waqtiga ay Doorashadu qabsoomi karto, isla markaana ay ka hadlaan arrimaha natiijada Server-ka waqiga lagu dhawaaqayo. Taas oo yididillo gelisay Axsaabta Siyaasadda iyo guud ahaan shacabkaba.

No comments:

Post a Comment