Tuesday 27 April 2010

axmed siilaanyo oo balanqaaday in ay taageerayaan dadkii roobabku wax yeeleeyeen

Axmed Sillaanyo Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Taageero Ka Geysan Doonaan Dadkii Khasaaraha Roobabku Ku Habsadeen Iyo Qiimaynta Xadiga Masiibaddu Gaadhsiisan Tahay

2490 Qof Oo Hoy La’aani Ku Dhacday + 415 Qoys Oo Barakacay + 458 Guri Oo Burburay

“Waxanu Ku Baaqaynaa In Gurmad Deg Dega Lala Gaadho Dadka Dibada Wadhan Ee Banaananada U Yaala Roobka Iyo Dabeylaha"

Hargeysa,April, 25, 2010 (Haatuf) - Roobabkii laxaadka lahaa ee maalintii doraad ka da’ay Caasimada dalka ee Hargeysa ayaa waxa uu wargeyska Haatuf uu qiimayn ku soo sameeyay khasaaraha dhimashada, dhaawaca iyo burburka guryaha ka soo gaadhay roobabkaasi doraad ka da’ayay caasimada Hargeysa muddada afarta saacadood ah.

Dadka ku dhintay roobabkaasi ayaa tiradooda guud tahay 7 qof, halka dad tiradoodu gaadhayso 12 qofna ku dhaawacmeen.

Sidoo kale khasaaraha burburka guryaha daaraha soo gaadhay ayaa iyaguna ah 210 guryo daaro ah oo isugu jira kuwo dumay iyo kuwo dabayluhu jiingada sare ka qaadeen.

Guryaha jiingadaha ee burburku soo gaadhay ayaa iyagana ah 50 guri, halka guryaha aqal Soomaaliga khasaaruhu soo gaadhayna yihiin ugu yaraan 198 buul.

Meheradaha ganacsiga ee iyagana khasaaruhu soo gaadhay ayaa lagu qiyaasay 48 aqal.

Tirada guud ee qoysaska ku barakacay roobabkaasi caasimada ka da’ay ayaa gaadhaya 415 qoys, halka tirada guud ee dadka hoy la’aantu ku dhacdayna yihiin 2490.

dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar sare, taageerayaal iyo xildhibaanada wakiilada ee ka soo jeeda Kulmiye oo shalay kormeer ku soo maray degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee khasaaraha culusi ka soo gaadhay roobabkii doraad ka da’ay caasimada Hargeysa oo soo maray dadweynihii ku baro kacay deegaanadaasi ayaa isagu shaaca ka qaaday in xisbi ahaan ay ka qayb qaadanayaan taakulo iyo mucaawino loo fidiyo dadkaa dhibaatadu soo gaadhay, isagoo intaa ku daray baaq uu u jeediyay dawlada, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada iyo shacbiga Somaliland-ba in gurmad deg dega lala gaadho qoysaska boqolaalka kor u dhaafay ee guryahoodii ku burbureen roobabkii laxaadka lahaa ee da’ay.

Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo iyo xubnahan la socday oo socdaal ku soo maray xaafadaha Siinaay, Maxamed Mooge iyo Oktoobar iyo xaafada Calaamadaha oo ka tirsan degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ee khasaaraha culusi soo gaadhay.

Axmed Siilaanyo oo saxaafada uga waramaya socdaalkooda ay ku soo mareen degmooyinkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan soo maray degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe oo xaafado ka tirsan uu shalay roob xoogan badani waxyeelooyin soo gaadhsiiyay, waxaanan ahayn masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye.Runtii waxa uu ahaa roob iyo dabayl khasaare laxaad leh soo gaadhsiisay deegaamadaas, waxaana ku baro kacay dad aad u badan, waxaanan marka ugu horaysay eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay roobabkaas dabaylaha watay, waxaanan leeyahay ilaahay iyagana naxariistee janno ha ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.Waxa aan ugu baaqaynaa dhamaan dadka reer Somaliland, ganacstada, dawlada, hay’adaha madaxa banaan in gurmad degdeg ah lala gaadho dadkaas dibada wadhan ee iminka banaanka u yaala roobka iyo dabaylaha, anagu ka xisbi ahaan haddii uu eebe yidhaahdo gacan ayaanu ka geysan doonaa, si deg-deg ahna haddii uu alle yidhaahdo waanu uga qayb geli doonaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo isna ka hadlay ayaa sheegay in ay dad aad u tiro badani ay ku baro kaceen roobkii ka da’ay magaalada Hargeysa isla markaana ay hada si habaqlo ah u daadsan yihiin banaanka.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland, ganacsatada, qurbo jooga iyo xukuumada in ay taageero la soo gaadhaan dadkaas oo buu yidhi aan maanta haysanin wax ay ka galaan bacadka iyo dhibica roobka.

Geesta kale guddoomiyaha ololaha Gobolada Galbeedka ee xisbiga Kulmiye Mr. Baashe Cabdi Gaboobe oo isna halkaa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay ayaa ilaahay uga baryay dadkii uu khasaaruhu ka soo gaadhay roobkii shalay ka da’ay magaalada Hargeysa in uu cawil naq khayr qaba ugu bedelo.

Khasaare laxaad leh ayaa shalay ka soo gaadhay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe, waxaana inta la og yahay ku dhintay todoba qof, halka ay hanti laxaad lehna uu khasaare ka soo gaadhay.

No comments:

Post a Comment