Thursday 18 March 2010

Dr. Cabdi Aw Daahir Cali


Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
Dr. Cabdi Aw Daahir Cali wuxuu ku dhashay tuulada Ceelsame ee degmada Oodweyne 1955, Dugsigiisii hoose wuxuu ka galay Magaalada Duruqsi 1962, halkaas uu ka bilaabay dugsigiisii dhexe magaalada Oodweyne 1966. Dugsigiisii sare wuxuu ka bilaabay dugsiga sare ee Camuud ee magaalada Boorame sannadkii 1970-ii. Sannadku markuu ahaa 1973, ayuu u soo wareegay dugsiga sare ee Sheikh Bashiir ee magaalada Burco, halkaas oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga sare sannadku marku ahaa 1974.
Sannadku marku ahaa Jan 1975, ayuu galay Jamaamacada Ummadda Soomaliyeed (JUS) Kulliyada Daawada iyo Qallinka, Halkaas oo uu dhamaystay waxbarashadiisii Jaamacadeed ee dhakhtarnimo 19 December 1979.
Wuxuu ka bilaabay shaqada dhakhtarnimo Isbitaalkii Guud ee Digfer ee ku yaala Mogdisho, qaybta Qallinka Jan 1980. Dhammaadkii 1980kii wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka Xeryaha Qaxoontiga ee Gobolka Shabeelada Hoose. July 1981, wuxuu noqday dhakhtarka Guud ee Qallinka ee Isbitaalka Burco. 1987-kii wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer.
1988 wuxuu noqday Dhakhtar qaliin ee Ururka Xoraynta (SNM), Xarumihiisa kala duwan, 1991-kii markii SNM dalka Xoraysay, wuxuu noqday Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer iyo dhakhtarka qalinka ee Gobolka.
May 27-keedii 1997, wuxuu noqday Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada ee JSL. Hawshaas oo uu hayey ilaa dhammadkii bishii Sibtembar 2001.
June 30, 2001, wuxuu ka mid noqday Guddiga qabanqaabada ee shirweynihii Aasaaska Xisbiga UDUB, halkaas oo uu noqday xubin Aasaase ah. Isla sannadkaa, July 10-keedi shirweynihii Aasaaska Xisbiga UDUB wuxuu Dr. Cabdi Aw Daahir Cali u doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB
4 novembar 2002 wuxuu ku dhawaaqay in uu u taaganyahay jagada musharaxnimadamadaxweynenimo ee xisbiga udub . halkaas oo ay isku maandhaafeen madaxweyne rayaale oo isagu ku andacooday in uu yahay musharaxa keliya ee jagadaa u baratamaaya. markii ciidanka qaranka loo adeegasaday waa laga mamnuucay dr. cabdi awdaahir in xaruntii xisbiga uu soo galo. dr cabdi aw daahir wuxuu ku biiray xisbiga kulmiye sanaku markuu ahaa 3april 2003. wuxuu qayb libaax ka qaatay doorashadii madaxweynanimada ee 14 april 2003 oo u ololeeyay axmed siilaanyo oo lagaga helay cod dhan 80 qof. wixii waqtigaa ka danbeeyay wuxuu si joogta uga shaqeynaayey hawlaha caafimaadka ee gobolka togdheer isagoo ah dhakhtar qalliin. wuxuu kaloo ka mid noqday guddida fulinta ee xisbiga kulmiye isagoo ah xoghayaha arrimaha bulshada

No comments:

Post a Comment