Monday 15 March 2010

faysal cali waraabe oo xukuumada ugu baaqay in la sii daayo ganacsadaha dhisaaya mashruuxa naaxinta xoolaha


Masuuliyiinta UCID oo Xukuumadda ugu Baaqay in la sii Daayo Ganacsadaha Dhisaya Mashruuca Naaxinta Xoolaha ee Burco


Burco (Jam)-Waftigii ka socda xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga Md. Faysal Cali-waraabe kuna weheliyay guddoomiyaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa subaxnimadii hore shalay booqday mashruuca naaxinta xoolaha oo ku yaal ka dhinaca Koonfur galbeed ee magalaadda Burco.


Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa mashruuca ku tilmaamay mid kaalin wayn ka qaadanaya horumarka iyo shaqo abuurista gobolka Togdheer, isla markaana la sheegay in shaqaale tiradoodu gaadhayso ilaa kun qof ay ka hawl galayaan mashruucan, taasina ay abuuri karto kobac dhaqaale oo ka hortaga hayaanka tahriibta ay ku jiraan dhalinyarada reer Togdheer.


Wuxuu Md. Cirro, xukuumadda u soo jeediyay inay sii dayso ganacsadihii horkacayay mashruucan ee sifaha sharci darada illa hada u xidhan.


Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa si kuluul u cambaareeyay xadhiga lagula kacay ganacsadihii hormuudka ka ahaa Mashruucan.


Kaasoo uu ku tilmaamay in lagu burburinaayo horumarka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Xukuumadda ay ganacsadaha markii hore siisay ogolaanshaha fulinta mashruucan balse hadda oo ay gashay nus malyuun doollar, ay si naxariis-darro ah u xidhay ganacsadihii mashruuca waday, wuxuu guddoomiyuhu ku daray in tallaabadani ay muujinayso sida fool xumada leh ee xukuumadau ula dagaalamayso hantida muwaadiniinta, Isla markaana ay uga soo horjeedo horumarka ay bulshadu ku talaabsatay.


Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas hadalo kooban ka jeediyay Md. Xuseen Maxamed Cige iyo Cismaan Af- gaab oo ka mida masuuliyiinta Xisbiga.


Mashruucan, ayaa ah mid loogu tala galay in lagu Naaxiyo Boqolaal Neef, oo isagu Jira Geel, Adhi, iyo Lo’, ahna mid mataanayn doonta. Warshada Qalinka Hilibka ee dhawaan laga yagleelay Magaaladda Burco, ilaa hadda sidhaba looma oga sababta ay Xukuumadu u Xidhay ganacsadahan




Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend



--------------------------------------------------------------------------------




--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment