Friday 26 March 2010

loolanka xisbiyada ee burco

Maxaa ka soo if-baxay Loolankii Xisbiyadu ku Muujinayeen Cududa Taageerayaashooda Gobolka Togdheer?



Warbixin..Kayse A.Digaale Burco (syl)- Todobaadyadii u dambeeyey, waxa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheet, laga dheehanayey loolanka siyaasadeed ee saddexda xisbi qaran ka wadaan, kuwaa soo mid kasta dhiniciiga ugu muujinayo cududda taageerayaashiisa uu isku halaynayo doorashadda madaxtooyada.

Wafti ballaadhan oo uu horkacayey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu weheliyo guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyagu kala kulmay Burco soo dhaweyntii ugu balladhnayd ee lagu soo dhaweeyo, iyada oo ay u muuqatay in xisbigu taageerayaal badan oo aanu filayn uga soo xeroodeen Togdheer.

Hadaladii uu guddoomiyaha UCID u jeediyey taageerayaashiisa soodhaweeyey, ayaa si weyn dadka u soo jiidatay, kadib markii uu farta ku fiiqay sida xukuumadda Riyaale ula dagaalamayso horumarka gobolka, taasoo uu tusaale u soo qaatay ganacsadaha Carbeed ee mashruuca naaxinta ka waday Burco ee uu madaxweynuhu xabsiga dhigay,kaasoo la sheegay inuu muddo 40 maalmood gaadhaysa xidhan yahay.

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa farxaddii uu ka qaaday cududda taageerayaashii Burco ku soo dhaweeyey, waxa uu ku dhaqaaqay inuu si dhoollo tus ah isaga iyo guddoomiyaha wakiilladu socod lug tamashlayn ah ku mareen jidadka iyo goobaha bunka laga cabbo ee magaalada Burco, kuwaasoo dadku aad u sallaamayeen.

Sidoo kale, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga ka tirsani, ayaa iyagana si weyn loogu soo dhaweeyey Burco, iyaga oo taageerayaashooda oo isu soo bax ay ku soo dhawaynayaan ku qabtay barxadda xafiiska xisbiga KULMIYE ee Burco.

Xubnaha waftiga KULMIYE ayaa hadalladii ay taageerayaashooda u jeediyeen liishaanka ku saaray dhaliisha xukuumadda iyo siday uga gaabisay wax u qabashada bulshada, isla markaana ku guuldaraysatay beddelaadda lacagta giimbaarta ah ee aafaysay dhaqaalaha gobolka.

Hadalladdii dareenka dadka soo jiitay ee ka mid ahaa khudbaddii Muse Biixi Cabdi, ayaa ahayd mid uu ku sheegay in xisbiyada tartamayaa ay yihiin labada xisbi mucaarad, balse xisbiga UDUB aanay haysan waji uu bulshada cod ku weydiisto.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa iyaguna Gobolka Togdheer soo gaadhay, kadib markii soo dhaweynta ballaadhan loo soo sameeyey weftiga UCID, masuuliyiintaasi oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo uu wehelinayo Kayse Cali Geedi oo isagu dhawaan ku biiray xisbigaasi UDUB, kadib markii uu ka baxay xisbiga UCID.

Xubnahan ayaa socdaalkooda habeenimada ah lagu tilmaamay mid ka dhashay hinaasaha iyo saska ay ka qaadeen cududda taageerayaasha xisbiga UCID ee ka muuqday magaalada Burco, waxayna culays weyn saareen sidii ay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga UCID u hanan lahaayeen, balse ay ku guuldarraysteen.

Inkastoo masuuliyiinta UDUB goob fagaare ah aanay kala hadlin taageerayaashooda, hase yeeshee waxay guul ka dhigteen kooxo dhalinyaro iyo odayaal ah oo ay xafladd soo dhaweyn ah u sameeyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay ka soo diga rogteen xisbiyada UCID iyo KULMIYE, Mauuliyiinta UDUB ayaa hadalada ka soo yeedhayay ay ku tilmaamayeen cadhada xoogan ee ay u qabaan UCID, kuna ballanqaadayay sidii ay u dhulka u dhigi lahaayeen Xisbigaasi

Loolankan ismuujineed ee saddexda xisbi qaran mid kastaaba si dadban dhoolatuska u samaynayey, isla markaana miisaanka saarayey inta ay le’eg tahay baaxadda taageerayaashiisu, ayaa soo ifbixiyey cuddudda taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ahi ku leeyihiin Gobolka Togdheer, gaar ahaan xisbiga UCID oo dadku aad ula yaabeen taageeradda ballaadan ee uu ka kasbaday reer Togdheer, taasina ay noqotay hadal haynta ugu badan ee todobaadyadii u dambeeyey ka jiray Burco.

Tallabadan sii kordhisay taageerayaasha mucaaridka ee gobolka ayaa la sheegay inay sabab u tahay, arrimo ay ka mid yihiin ganacsatadii xoolaha Burco oo shaqadoodii xukuumaddu u leexisay ganacsade Al-jaaburi, beddelaad la’aanta lacagta giimbaarta ah iyo xadhigga loo gaystay ganacsadihii maalgelinayey mashruuca naaxinta xoolaha ee Burco.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa sababay inay sii yaraato taageeradii xukuumadda iyo xisbiga UDUB ku lahaayeen magaalada Burco.





Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment