Friday 26 March 2010

guddidii isbitaalka guud ee Hargeysa oo dedafaysay eedihii riyaale

Hargasya(Ramaas) Mar.25, 2010 - Guddidii Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ee todobaadkan madaxwaynuhu kala diray kadib markii uu ku eedeeyay in ay sidii sharcigu ahaa xilkoodii u gudan waayeen oo ay xidhiidhkii ka goosteen wasaaradda caafimaadka iyo shaqada oo xukuumadda uga wakiil ah siyaasadda caafimaadka, ayaa ka hadlay waxqabadkoodii iyo xadgudubyo ay ku eedeeyeen in uu guddida ka galay wasiirkii hore ee Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe Maxamed.

Guddoomiyaha guddida madaxa banaan ee cisbitaalka guud ee Hargasya Mudane Maxamed Xuseen Caabi iyo Suldaan Xasan Warsame Shire (Barre) ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargaysa waxay ku sheegeen in ay xilka banaynayaan, hase yeeshee muddadii ay shaqaynayeen oo ahayd muddo toban sannadood ah ay horumar iyo is bedel ku sameeyeen maamulka iyo muuqaalka Cisbitaalka guud ee Hargaysa, wax wayna ay ka badeleen adeegii uu bulshada u hayay.

Guddidani waxay sheegeen in ay dayac tir iyo dib u dhis ballaadhan ku sabeeyeen waadhadhka cisbitaaka guud ee Hargaysa, isla markaana ay ku soo kordhiyeen lix waadh oo cusub oo bukaan jiif ah, qaybta caruurta, qaybta umulaha, qabta dhimirka iyo labaatan qol oo ah kuwa gaarka ah, Istoodh wayn iyo qolka shirarka iyo tababarada.

Guddidu waxay sheegeen in ay si dhamaystiran u qalabeeyeen shan waadh oo kuwa qalliinka ah oo uu ugu deeqay dalka Kuwayd, Mishiin wayn oo ah nooca Oxgen-ka dhaliya, oo isagana uu cisbitaalka ugu deeqay dalka Kuwayd.

Guddidaasi waxa kale oo ay sheegeen in ay Cisbitaalka ku soo kordhiyeen shan gaadhi oo saddex kamidi yihiin Ambalaas, isla markaana ay dawooyin jaban keeneen si cisbitaalku dhaqaale uga helo, waxaanay intaa ku dareen in ay kabeen gunnooyinka shaqaalaha Cisbitaalka, isla markaana tababaro dalka gudihiisa iyo dibadiisaba isugu jiray u direen qaar kamida shaqaalaha isbitaalka.

Guddidu waxay gaashaanka ku dhufteen oo ay iska leexiyeen eedihii Madaxwaynuhu u soo jeediyay ee la xidhiidhay in ay xilkoodii u gudan waayeen sidii sharciga ahayd, waxaanay sheegeen in wasiirkii hore ee Caafimaadku uu guddida iyo cisbitaalkaba ka galay xadgudubyo badan oo ay ka mid ahaayeen bedelkii agaasimihii hore, gaadiidka Cisbitaalka oo uu lambaradii ka bedelay, Dhakhaatiirtii Cisbitaaka oo uu dhex galay qaarna eryay, nidaamkii dawada cisbitaalka oo uu bedelay iyo raashinkii bukaan jiifka ee WFP oo ay ku eedeeyeen in uu dhiniciisa ka istaagay.

Guddidu waxay sheegeen in ay xilkii baneeyeen, isla markaana wixii ay hanti lacageed ay u hayaan Cisbitaalka ay ku wareejin doonaan Hanti dhawraha guud, waxaanay ku dardaarmeen in loo baahan yahay in la ilaaliyo oo aan la xagal daacin nidaamka cisbitaaka u dejisan ee la xidhiidha dhinaca maamulka iyo horumarinta.




Ramaasnews Desk
Hargaysa

No comments:

Post a Comment