Wednesday 3 March 2010

Wasiirka Magaca Sharmuutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”

Guddoomiyaha Ucid Oo Hanbalyo U Diray Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya, Eedo Kulkululna U Jeediyey Tifaftiraha Laanta Afsomaliga Bbc-Da Yuusuf Garaad

“Wasiirka Magaca Sharmutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”

Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, march, 3 , 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa hanbalyo u diray Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo difaacay socdaalkiisii uu somaliland ku yimid dabayaaqadii sanadkii hore ee 2009-kii oo shalay eedo uga soo jeediyey wasiirka arimaha dibada ee Kenya inuu taageeray gooni isku taaga somaliland, jawaabihii uu Faarax Macalin ka bixiyey waraysigii xalay uu la yeeshay tifaftiraha laanta afsomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayuu sidoo kale ku sheegay in wariyahaasi waji gabax kala kulmay. Waxa kale oo uu gudoomiyaha UCID Yuusuf Garaad ku eedeeyey inuu geed dheer iyo geed gaabanba ugu taagan yahay xumaynta Somaliland, kuna tilmaamay mid idaacadii ka dhigay mid loogu adeego kooxaha ku dagaalamaya Somalia qaar ka mid ah.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf, kaas oo uu si adag jawaab ugaga bixiyey eedaha loo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee lagu haysto socdaalkii uu ku yimid Somaliland, kuna tilmaamay shakhsi geesi ah oo xaqiiqda aan iska indha tirin isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “waxaan halkan tahniyad uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaca xisbiga UCID iyo taageerayaasha balaadhan ee dalka iyo gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga, Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin sidii geesinimada lahayd ee uu uga hadlay una difaacay socdaalkiisii uu ku yimid dalka iyo Yuusuf Garaad oo isaguna ku sifoobay “Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa” kuna caanbaxay xaasidnimada iyo xumaynta Somaliland, waraysigii uu la yeeshay Faarax Macalina waji gabax kala kulmay shaqsigaasi ina Garaad oo isagu ah mid xaasidnimo iyo cuqdad uu u qabo Somaliland ay ka soo ifbaxayso, mudadii uu idaacada tifaftiraha ka ahaana ka dhigay goob uu Somaliland ka colaadiyo oo uu koox ugu adeego, waxaanuse leenahay Somaliland kuma baabiin kartid xiqdigaa iyo buqdigaa aad ka wado BBC-da ee isdabo qabo ayaanu ku leenahay iyadoo hooyadaa iyo ehelkaagiiba ay u soo qaxeen Somaliland, hadana waxa nasiib daro ah inaad xumaynta Somaliland uun ka shaqaynayso, wasiir khaarajigan kenyana waxaanu leenahay dalkayaga waxba kama sheegi karo nin magac sharmuuto lihi, Faarax Macalina waxaanu leenahay waa nin aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh Somaliland sharaf iyo qadarin wayna u leh shacbiga reer Somaliland iyo taariikhda faca wayn ee dalka iyo dadka reer Somaliland.

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment