Monday 1 March 2010

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Musas Watangula ayaa dacweeyay Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed

Dawlada Kenya Oo Dalbatay In Baadhis Lagu Sameeyo Socdaalkii Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Dalkaasi Uu Ku Yimid Somaliland.

Nairobi(Ramaas) Mar.01, 2010 - Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Musas Watangula ayaa qoraal uu u gudbiyay Guddi Hoosaadka Difaaca iyo Arrimaha Dibada Baarlamaanka Kenya ka dalbaday inay baadhis ku sameeyaan dhaqdhaqaaqyadii Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed xiligii uu booqashada ku yimid Somaliland dabo yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ee 2009-kii.
Wasiirka Arrimaha dibada Kenya wuxuu ku eedeeyay Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya Md. Macalin in uu taageero ujeediyey madaxbanaanida Somaliland, isla markaana uu jeediyay hadalo uu tilmaamay in ay colaad ka dhex dhalin gaadhay Somaliland iyo Puntland siday faafiyeen qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha Guddida Difaaca iyo Arrimaha dibada ee Baarlamaanka Kenya Md. Aadan Kaynaan oo maanta u waramayay Laanta Af soomaaliga ee Idaacada BBC-da ayaa sheegay in qoraal ay ka heleen Wasiirka Arrimaha dibada Kenya hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo tafaasiisha nuxurka qoraalku xambaarsan yahay.
Md. Faarax Macalin isaga iyo wefti uu Hoggaaminayay waxay Somaliland booqasho ku yimaadeen 22-29-kii bishii December ee kal-hore waxaanu booqday Magaalooyinka Berbera, Boorame, Wajaale, Laascaanood iyo Burco waxaanu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland isagoo khudbad ka jeediyay fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada waxaanu xiligaasi amaanay waxqabsiga Somaliland oo uu u soo jeediyay inay ku dedaalaan inay ku faro adaygaan nabadgelyada iyo dawladnimada dimuqraadiyada ku dhisan.

Ramaasnews Desk
Hargeisa.

No comments:

Post a Comment