Saturday 20 March 2010

wasiirka caafimaadka cabdi haybe oo shaqadii ka fadhiisiyay agaasimaha guud Dr.Anwar

Khilaaf u dhaxeeya Hoggaanka sare ee Wasaaradda Caafimaadka oo galaaftay Shaqadii Agaasimaha guud
March 19th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa soo saaray shalay wareegto uu shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Guud Dr. Anwar Maxamed Cige, kadib markii uu ka dhex qarxay khillaaf culus oo ka dhashay awooddaha maamulka kaalmooyinka caafimaad ee Wasaaraddu ka hesho hay’adaha caalamiga ah.

Is-maandhaafka ka dhex oogan masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Caafimaadka oo soo jiitamaysay labadii bilood ee u dambeeyey, ayaa sida ilo xogo-ogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa khilaafkoodan cusub sii oogsaday, kadib markii Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Caafimaadka si adag isaga horyimaaddeen cidda maamulaysa mashruuca tallaalka carruurta ah oo qiimaha uu ku kacayo lagu sheegay lacag ku dhow hal milyan oo dollar, ($1milyan dollar) kaas oo qorshuhu ahaa inuu dalka ka bilaabmo dabayaaqadda bishan aynu ku jirno ee March 2010. Balse, hay’adaha caalamiga ahi u hakiyeen fulintiisa loollanka dhinaca awoodda ah ee u dhexeeya Wasiirka iyo Agaasimaha Guud.

Khilaafka masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sababay inay qoraallo iska soo horjeeda oo is-burinaya u gudbiyaan hay’adaha caalamiga ah ee gacanta ku haya mashruuca dhinaca caafimaadka ah ee ay ku hirdamayaan.

Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe ayaa dhawaan soo saaray qoraal uu ku maroorsanayo maamulkii xidhiidhka hay’adaha wadashaqaynta la leh wasaaraddiisa oo hore uu ugu xilsaarnaa Agaasimaha Guud, isla markaana ku wargeliyey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee maalgeliya mashruuca tallaalka carruurta in isagu yahay meereeyaha keliya ee maamulaya mashruucaas, sidaa darteedna aanay cid kale u gacan-dhaafi karin hawshaas.

Haseyeeshee, sida ilo xogo-ogaalka ah tibaaxeen Agaasimaha Guud Dr. Anwar Maxamed Cige oo si weyn uga cadhooday tallaabada Wasiirku ku weecsaday hawshiisii shaqo, ayaa isaguna dhiniciisa hay’adhaas u diray qoraal uu ugu caddeeyey in aanay hay’aduhu kala xisaabtami karin wixii ka yimaadda fulinta mashruuca tallaalka carruurta, maadaama isaga laga wareejiyey, sidaa darteedna ay hay’addaha u taal qaabk ay u maamulanayaan mashaarciida ay siiyaan wasaaradda caafimaadka.

Qoraallada iska soo horjeeda ee Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ku kala hororsanayaan maamulka deeqaha caafimaad ee Wasaaradda Caafimaadku ka hesho hay’adaha shisheeye, ayaa sababay inay muddo aan la cayimin hay’adaha caalamiga ahi hakiyeen fulinta mashruucii ugu ballaadhnaa ee tallaalka carruurta Somaliland oo hore ugu qorsheysnaa inuu dalka ka bilaabmo dabayaaqada bishan aynu ku jirno ee March 2010.

Khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta sare ee wasaaradda caafimaadka oo arrinkooda ay gacanta ku hayaan guddi wasiiro ah oo xukuummaddu u saartay, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey circa isku shareeray, kaasi oo sababay in wasiirka caafimaadku shalay soo saaro wareegto uu shaqada kaga joojinayo agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Anwar Maxamed Cigge.

Qoraalkaas wasiirku shaqadda kaga joojiyey agaasimihiisa guud oo erayo qalafsan oo cambaarayn iyo eedaymo ah isugu jira oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay waxay uu u qornaa sidan; sidan “Maanta (shalay) laga bilaabo wareegtadan waxaan kaa joojiyay shaqadii aad u haysay waaxda caafimaadka ee Wasaarada Caafimadka iyo Shaqada ka dib markaad ku kacday falal ku lidi ah hawsha qaranka ee laguu igmaday taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay oo aan kaa waaniyay in aad isbedel ku samayso habdhaqankaaga maamul, balse aad ka waantoobi weyday, adiga oo ku tallaabsaday ficilo dhaawacaya qaranimada iyo xidhiidhka wasaaradu la leedahay hay’adaha caalamiga ah, sida qoraalo sharci-darro ah oo aad u qortay hay’adaha Qaramada Midoobay ee wasaarradda wada shaqayntu ka dhaxayso. taas oo aad ku wargalisay in ay hakiyaan wadda shaqayntii, taakuladii iyo taageeradii caafimaad ee ay la wadeen.

Arrinkaas oo ka baxasan milgaha iyo maamulka dawladnimo isla markaana hoos u dhac weyn ku keenay sumcadda wasaarada iyo karaamada Qaranimada Somaliland, sidaa awgeed waxaan kaa joojiyay masuuliyaddii aad ka haysay wasarada caafimaadka iyo shaqada. Waxa si ku meel gaadh ah u sii wadaya ilaa amar dambe agaasimaha waaxda qorshaynta oo sii haynaya xilka Agaasimaha Guud.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment