Sunday 14 March 2010

Hogaanka kulmiye oo fagaare kala hadlay reer burco


Wafti Balaadhan Oo ka mid ah xisbiga Macaradkaa Ee Kulmiye uu Hogaamanayo Mujaahid Muuse Biixi Oo Soo Gaadhay Magaalada Madaxda Burco Dawo Sawirada

Burco(golisnews.com)-Xubno sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo la hadlay taageerayasha xisbiga kulmiye kumanaan taageerayaal ah oo lulaya calanka Xisbiga kulmiye ayaa Maanta isku xeeray Barxada weyn ee ka horaysa Xafiiska guud ee xisbiga ee magaalada Burco. Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga, Muuse Biixi. Waxa uu umahad celiyey sida wanaagsan ee taageerayaasha xisbiga Kulmiye usoo dhaweeyeen waxa kale oo uu sheegay in dawlada hada jirtaa gabtay hawlahooda shaqo isla markaana loo baahan yahay isbedel wax ku ool ah.

Waxa kale uu carabka ku dhuftay taariikhda maguurtada ah ee gobolkani ku leeyahay Somaliland dhinacyada halganka,suugaanta iyo siyaasada. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Burco halgan kasta lambar wan ayay ahayd waxaana tusaale kuugu filan taariikhda Sheikh Bashiir oo aad wada garanaysaan.”
Mujaahid Muuse Biixi
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan C\raxmaan Tanyaale oo sheegay in Xisbiga talada haye ee Udub Waxbarashada sare ee Dalka uu siiyo 1.8 milyan doolar halka uu kulmiye siyaasada wasaarada waxbarasha ay tahay 15 boqolkiiba oo udhiganta 10 malyuun oo doolar sanadkiiba. Dhinaca kale, waxa uu xusay Xildhibaan Cabdiraxmaan Tanyaale Gobolada Bariga Somaliland. “Xukuumadu way hagratay Gobolada Bari ee Somaliland. Waxay kaliya oo ay ku wadaa hore socod iyo dib u socod, caga jugalayn, ciidamo dusha laga saaro”, ayuu yidhi Cabdiraxmaan Tanyaale.


Waxaa isaguna goobtani ka hadlay Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo sheegay in cida l a rabo in la Bedelo ahayn shaqsi kaliya balse ay tahay xukuumad fadhiida’. “Cida aan bedelaynaa shaqsi maaha, Daahir Rayaale maaha ee waa maamul xun”, Sidaa ayuu yidhi. Waxaa kale oo uu sheeghay in aan loo dulqaadan karin Shan sano o kale oo Tahriiba ee loo baahan yahay in umada Somaliland hesho shaqo, caafimaad iyo maamul wanaagsan. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “shan sano oo kale oo tahriiba ah, shaqo la,aana, ictiraaf la,aana miyaan ugu dari karnaa umadeena.”


Taageerayaasha xibiga Kulmiye ee isugu soo ururay barxada ay madaxdani ka hadlaysay ayaa u muuqday qaar sacab iyo damaashaad ugu jabaab celinyaa khudbadaha xubnahan sare ee Kulmiye ka socday.

Waftigan uu hogaminayo Mujaahid Muuse Biixi waa waxa lagu wadaa in uu kulamo faraban la yeesho dhamaanba Madaxda Gobalka Togdheer iyo Salaadiinta Gobalka Togdheer wax garadka iyo aqoon yahanka waxa kaloo iyana barbar tala in uu kulmiyo kulmo ku leyahay Gobalka Togdheer caasimada labaad ee Somaliland Burco waxa baryahan Burco noqotay madasha siyaasada Somalaind oo aad moodo in laga soo raray Hargaysa.


Lama garan karo wafdidani in ay Burco sii joogi doonan iyo in ay u gudbi doonan Gobalada kale ee Bariga Somaliland isku soo wada duboo kulankani waxa uu ahaa Dhoolatus iyo iswaraysi u gara Madaxda Kulmiye iyo taageerayaasha Gobalka rer Togdheer.



Todobaadadii ugu danbeeyey ayaa waxay umuuqatay Burco mid ay ku hirdamayaan madaxda xisbiyada mucaaridka iyo muxaafadka, iyadoo aanay wali komishanku ku dhawaaqin goorta ay bilaabmayso ololaha dooroshooyinka Somaliland.

No comments:

Post a Comment