Monday 8 March 2010

Soo dhaweyntii Dr. Cabdi Aw Daahir






Dr: Abdi Aw Dhaahir oo si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Burco. Daawo sawirada.



Dr Cabdi Aw Dahir Ali oo kamida Siyaasiyiinta Xibiga Kulmiya ayaa Maanta si wayn loogu soo dhaweeyey xarunta Gobolka Togdheer ee magaalada Burco kadib markii uu xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka debadiisa.

Soo dhawayntan ayaa si wayn looga dareemay suuqyada magaalada Burco iyadoo ay siteen calanda xisbiga Kulmiye in kabadan 10,000 kun oo qof. Dr Cabdi Aw Daahir ayaa u jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa dadkii tirada badnaa ee soo dhaweeyay. Qudbadan oo uu masuulku ku qabtay fagaaraha hore ee xafiiska Kulmiye ee ku yaala xaafda Afgooye iyadoo dadkuna si xamaasad ku jirto ugu sacabinaayey ma suulkan sare.
Waxaana ugu horayn uu Sarkaal kani ka war bixiyey xaaldiisa caafimaad oo uu sheegay in ay ilaa hada wacantahay ,waxa kale oo uu Dr Cabdi Aw Daahir qudbadiisa kaga waramay ajandaha xisbiga Kulmiye iyo socdaaldii uu ku maray magaalooyinka wadanka Ingiriiska ee London iyo Birmingham oo uu sheegay in ay jaalida reer Somaliland eek u dhaqan magaalooyin kaasi si fiican usoo dhaweeyeen isla markaana ay dadkaasi ka dhereg san yihiin xukuumada hada ka jirta Somalilan oo ah xukuumad caadaysatay musuq maasuqa iyo wax qabad la,aan hadhaysay Somaliland.

Waxa kale oo uu ka hadlay Dr Cadi Aw Daahir in uu si rasmiya u bilaabi doono hawsha caafimaad ee uu uhayo bulshda gobolkana Togdheer. Dadka waan dabiibayaa sida ugu dhaqsaha badan ayaanan ufurayaa goobtii caafimaadka insha allaah,Udubtana waan ka dawaynayaa dadka ayaa hadaladisii ka mid ahaa.

Waxa kale oo uu sarkaal kani ka hadlay dhibaatda Tahriibka ee saamaynta ku leh bulshaada oo uu dhaliil weyn usoo jeediyey in aan xukuumdu marnaba aanay ujeedin in ay dalka waxba ka qaban oo ay daaro dhaadheer ka dhisanayaan dalka debdiisa waxaana hadladiisii ka mid ahaa”inta yar ee cashuurta ah ee dadka laga uruuriyaa aanay marnaba uqayb samin in Paris daaro lagaga dhisto iyo in dalka wax loogu qabto “

Waxaa kale oo fagaaraha ka hadlay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Muj:Maxamed Kaahin Ahmed waxaanu Mujaahidku dadweynihii halkaas joogay u sheegay in loo baahanyahay isbedel lagahelo dalka oo dhan ,waxa kale oo uu sheegay in Dr Cabdi Aw Daahir uu kaalin weyn kaga jiray dibu xorayntii dalka daaweyn jirayna Mujaahidiintii SNM.isla markaana uu dhaqtarkani uu dalka kala maqnaa caqli iyo daaweyntii dadka.

Isku soo wada duuboo soo dhaweynta Cabdi Aw Daahir ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iydoo maalinba maalinta ka dabaysa uu xisbigan ay ku soo qul qulayaan taageerayaal tiro badan

No comments:

Post a Comment