Monday 1 March 2010

Hargeysa oo qashin ka buuxo

Badhtamaha Hargeysa ma dhexmartay labadii casho ee u dambeeyey? Dabadeedna ma yaabtay!

Hargeysa (Jam)- Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay la ciirciiraysay culays xad-dhaaf ah oo ka dhashay qashin iyo biyo isbiirsaday oo buux-dhaafiyey badi jidadka waaweyn ee magaalada oo halis weyn ugu jirta inay ka dillaacaan cudurrada faafa.

Roobabkii ka da’ayey caasimadda, ayaa daaha ka fayday fadeexado nadaafad-darro culus iyo qashin tiro badan oo buux-dhaafiyey xaafadaha iyo hareeraha jidadka waaweyn ee magaalada, arrimahaas oo qarka u saaran inay sababaan cudurro halis ah oo si fudud u dillaaca.

Qashinka iyo xashiiska tuulan inta badan magaalada ka sakow, waxa labadii casho ee la soo dhaafay dadweynaha lugta ah iyo gaadiidkuba khaati ka taagnaayeen biyo iyo dhiiqo isbarkan oo dul ceegaaga badi jidadka waaweyn ee caasimadda, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee dhexmara faras-magaalaha, kuwaasoo oo marka laga yimaad khataraha caafimaad ee ka dhalan kara saamayn weyn ku yeeshay isu-socodka dadka iyo gaadiidka kala duwan.

Guud ahaan jidadka ku yaal badhtamaha caasimadda waxa saddexdii maalmood ee u dambeeyey wadhnaa biyo iyo dhiiqo isku maleelmay oo ka dhashay biyaha roobabka curtay iyo ciiddii tirada badnayd ee laamiyada wadhnaa oo ka dhigay kuwo aan dadka lugta ah mari karin, sidoo kalena dadka gaadiidka wataa dhibaato badan ku haya.

Waxa kaloo roobabka labadii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey magaalada uu dibadda u soo saaray qashin aad u tiro badan oo wadhan hareeraha waddooyinka waaweyn iyo xaafadaha dhexdooda, iyadoo shirkadaha waddaniga ah ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo fayo-dhawrka caasimaddu ku guuldarraysteen inay Hargeysa ka badbaadiyaan halista caafimaad ee ka dhalan karta saxa-xumada xilli-roobaadyada.

Goobaha sida gaarka ah indhuhu u qabanayaan ee qashinku tuulan yahay waxa ka mid ah jidka wadnaha ee u dhow dugsiga hoose/dhexe Sh. Bashiir ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu yaal xashiish aad u tiro badan oo si fudud u horseedi kara inay ka dhashaan cudurro halis ah, sidoo kalena fool-xumo iyo fadeexad weyn ku ah bilicda caasimadda oo ay shacabka uga wakiil yihiin 25-ka xildhibaan ee golaha degaanka, kuwaasoo dad badani ku tilmaamaan kuwo ku fashilmay hawshii loo doortay.

Sidoo kale, xashiish aad u tiro badan ayaa yaal xaafadaha Hargeysa, gaar ahaan kuwa isku raranta ah ee dadka danyarta ah deggan yihiin, waxana xilligan oo roobkii gu’gu curteen laga cabsi qabaa xaaladda nadaafad-darro ee caasimaddu dhex dabbaalaysaa ay sababaan inay ka dillaacaan xannuunada faafa oo si fudud u aafeeyn kara milyanka qof ee ku nool magaalada.

Dhinaca kale, masuuliyiinta labada shirkadood ee DHIS iyo SABO-WANAAG ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo hagaajinta bilicda caasimadda oo iyaga laftoodu u muuqda qaar tuurta ku qaatay masuuliyad awoodooda waxqabad ka badan, ayaa kalfadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Degaanka Hargeysa waxay kaga dalbadeen in loo kordhiyo kharashka dawladda hoose ku siiso fayo-dhawrka oo ay ku tilmaameen mid aan daboolayn hawshooda, balse codsigaas wax jawaab ah kama bixin goluhu.

Geesta kale, Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin halista caafimaad ee Hargeysa kulaalaysa, arrintaas oo iyana ah fadeexad iyo guuldarro ay la wadaagto dawladda hoose ee caasimadda oo ku fashilantay gudashada waajibaadkii ummaddu u igmatay.





Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

No comments:

Post a Comment