Thursday 25 March 2010

Gudoomiyaha kulmiye oo cambaareeyay go'aanka riyaale uu shaqadii kaga fadhiisiyay guddiga cisbitaalka hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan iyo tacaddiyo ay kula kacdo shacabka qaarkood. Isla markaana wuxuu ka hadlay kala-dirista Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu ka waramay xaaladda dalka, isla markaana wuxuu dhaliil u jeediyay Xukuumadda. “Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu garanaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka Doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay Dimuqraadiyadda hirgeliyaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan, isla markaana Dhalinyarta Badda isku guraysa ee mustaqbalkoodii lumay ay ahayd inay mustaqbal u samayso oo ay niyadda u dhisto iyo maamulkii iyo dawladdii aynu uga baahnayn inay dadka qanciso oo ay rejo u abuurto oo ay dunida ina dhaadhiciso, waa ta aynu maanta arkayno maalin walba dhalinyaro Xisbiga KULMIYE ah ayay xaafad eryanaysaa oo ay Xabsiga u taxaabaysaa. Waa ta maalin walba xabbadda la dhacaysa, waa ta ay Saxaafaddii ka baxsan wayday, waa ta ay Hagbaddii (Lacagtii) yarayd eeay Haweenku halkaa dhiganayeen ka baxsan wayday.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo maanta ka hadlay Munaasibad loo qabtay taageerayaal cusub oo ku biiray KULMIYE.

Axmed-Siilaanyo waxa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku dhaliilay tallaabo uu Madaxweynuhu ku kala diray Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa. “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cusbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhaqaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa (Xukuumadda) waa kuwaa.” Ayuu yidhi Axmed.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlay arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Waxaanu yidhi, “In badan waxa nala waydiiyaa oo ay Xukuumaddu isku daydaa had iyo jeer in ay ka dhaadhiciso Umadda in xasilloonida iyo degannaanshaha dalku uu ku xidhan yahay maamulka maanta talada haya. Waa ogtihiin in ay maalin walba dad badan oo Xisbiga KULMIYE ah oo gobollo badan ka tirsan ay xidheen oo ay yidhaahdeen halkan ayay wax ku qarxinayeen oo dhibaato ayay wadeen. Nabadgelyada dadka iyo ilaalintiisa Xisbiga KULMIYE iyo shacabka ayaa cid walba uga lexe-jeclo badan oo ilaalinaya. Waxaanu in badan caddaynay in xasilloonida dalka, dimuqraadiyaddiisa iyo midnimadiisa aanu u ilaalinayno sidii aanu xornimadiisa u ilaalinaynay. Waxaanu ku kalsoonahay in aanu cod iyo ikhtiyaar shacabku leeyahay aanu ku qaadayno.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in Weftiga ka socda Somaliland ee ku kala sugan Jabuuti iyo Maraykanku ay kala hadlayaan masuuliyiinta ay la kulmaan arrimaha Doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay su’aasha ugu badan ee ay dadku waydiiyaan. “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Waa qodobka kaliya ee lays waydiinayo. Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay Axmed-Siilaanyo.

Somaliland.Org

No comments:

Post a Comment