Monday, 15 February 2010

Shirguddoonka Wakiilada oo M/weyne Rayaale u gudbiyay Qoraal ka dhan ah Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Shirguddoonka Wakiilada oo M/weyne Rayaale u gudbiyay Qoraal ka dhan ah Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa qoraal ka dhan ah Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirada u diray Madaxweyne Rayaale.

Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa hore u sheegay in Wasiirka Xannaanada Xooluhu iska dhego-tiray qoraallo 8 Warqadood ah oo ay kaga dalbadeen in uu Guddidaas ku hor yimaaddo.

Inkasta oo aanu Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Idiris Cabdi Ibraahim ka hor xaadirin Golahaas, isla markaana dhawaanahan booasho ku joogo Gobolka Saaxil, haddana Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waqtigan, ahna guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax, ayaa qoraal u diray Madaxweyne Rayaale, kaas oo uu kaga dalbanayo in uu Wasiirkiisa ku amro in uu hor yimaaddo Golahaas.

Qoraalka uu Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu u diray Madaxweyne oo ku taariikhaysan 13/2/2010, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Mudane Madaxweyne, Anigoo tixraacaya dhammaan Qoraallo rasmi ah oo tiradoodu dhamayd siddeed Warqadood oo ka bilaabmaya 31/01/2010 ilaa 10/02/2010 iyo Warqadda Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee tirsigeedu yahay GW/G/19/237/2009.

Anigoo ka duulaya sida ku cad Qodobka Distoorka ee 53aad xubinta 6aad iyo 7aad ee qeexaya awoodda Guddiyada Golahu u leeyihiin u-yeedhista Masuuliyiinta Qaran, iyagoo wax ka waydiinaya gudashada xilkooda iyo qodobka 45aad ee Distoorka xubintiisa 5aad ee si cad u qeexaya Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada haddii qoraal guddi ama Gole lagaga codsado kulan shaqo in ay waajib ku tahay ka soo qayb-galka kulanka laga codsaday.

Haddaba, waxa muuqata in uu ka dhego adaygay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Idiris Ibraahim Cabdi, dhammaan u-yeedhista guddida Dhaaalaha Golaha Wakilada iyo yeedhmadii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ugu yeedhay Wasiirka, taas oo qaadatay muddo ku dhaw saddex bilood.

Sidaa darteed, Mudane Madaxweyne waxaanu kaa dalbanaynaa mar labaad in Wasiirku hor yimaaddo Guddida Dhaqaalaha, si wax looga waydiiyo arrimo la xidhiidha Ganacsiga Xoolaha iyo Takaaliifta Lacageed ee laga qaado Xoolaha.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Shirkii ambasador iyo khudbadii safiirkii masar ee soomaliweyn

Qaranimada Somaliland Iyo Gafafka Ka Soo Gaadhay Shirka Shalay Hargeysa Uga Furmay Hayadaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Dawlada

Waxa Khudbad Soomaaliweyn Ah Somaliland Dhexdeeda Kula Soo Dhiiraday Safiirka Masar U Fadhiya Nairobi.

Hargeysa, Ferbruary 15. 2010 (Haatuf) - Shir Shalay Magaalada Hargeysa uga furmay wakiilo ka kala socda hay’addaha dawlada Somaliland iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland ayaa waxa ka dhashay fadeexado dhawr ah oo taabanaya qaranimada Somaliland, iyada oo uu shirkaa khudbad Soomaaliweyn ah kasoo dhex jeediyey mid ka mid ah Diblomaasiyiinta Safaarada dalka Masar u fadhida Nairobi Kenya. Diblomaasiga Masriga ah ayaa qaranimada Somaliland ku tilmaamay mid aan jirin iyo waliba in deeqbixiyeyaashu ay taageersan yihiin fikrada Soomaaliweyn iyo in Somaliland ay ka mid tahay Somalia.

Diblomaasiga Masriga ah oo sheegay inuu ku hadlayey magaca beesha Caalamka iyo deeqbixiyeyaasha ayaa khubadiisii waxa ka dhashay buuq badan oo kaga yimid dhinaca Somalilanders-ka ka qayb galayey shirkan oo ku talo galku ahaa in dib loogu qiimeeyo mashaariic miisaaniyadoodu gaadhaysay ilaa $216 Milyan oo la sheegay in laga fuliyey dalka Somaliland sanadihii 2008 iyo 2009. Waxa kale oo shirkan loogu talogalay in lagu falanqeeyo wixii ka hirgalay qorshahaas iyo wixii aan ka qabsoomin.

Mashaariicdan oo qayb ka ahayd qorshe mudadiisu tahay Shan Sandood oo ku dhamaanaysa sanadka 2012-ka, waxa ay u jeedadoodu ahay in Somaliland laga hirgaliyo qorsheyaal iskugu jiray toosinta maamulka, adkaynta nabadgalyada, dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulsho muddo shan sano ah, taas oo marka la isu geeyo ay ku baxaysay lacag kor u dhaafaysa $500 Milyan.

Hadaba waxa la sheegay in sanadihii 2008 iyo 2009 lacagtaas laga isticmaalay ilaa $216 Milyan, waxana ajandaha shirka ka mid ah in dib loo eego wixii lagu qabanlahaa lacagta hadhay oo gaadhaysa $335 Miylan.

Hadaba markii uu shirku shalay ka furmay Ambassador Hotel ayaa waxa albaabkii dibada ee hudheelka laga galayay is hor tubay niman ka tirsan hay’adda UNDP oo iyagu bilayskii Somaliland u gacan dhaafay hawlihii sugitaanka amniga iyo aqoosiga dadkii galayey hudheelka, waxaana ka mid ahaa dadka laga horjoogsaday inay soo dhaafaan albaabka hudheelka ee dibada Suxufiyiin u socday inay warbixino ka diyaariyaan nuxurka doodihii shirka iyo u jeedooyinkiisa.

Siday ilo xogogaal ahi ay Haatuf uga warameen, wasiirka qorshaynta Cali Sanyare ayaa markii hore xukuumada Somaliland u sakhiray shirkan oo sheegay inay ka soo qayb gali doonaan safiiro ka socda qaar ka midd ah dawladaha reer galbeedku, balse waxa shalay caddaatay in Diblomaasiga kali ah ee shirka yimid ahaa mid ka socday Masar oo ah dalka ugu cadowtinimada badan Madax-banaanida Somaliland.

--------------------------------------------------------------------------------

Garoonka diyaaradaha oo qiyaastii 12km ka xigta dhanka waqooyi magaalada laascaanood ayaa maanta lagu bilaabay dayactir

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Garoonka diyaaradaha oo qiyaastii 12km ka xigta dhanka waqooyi magaalada laascaanood ayaa maanta lagu bilaabay dayactir

Garoonka diyaaradaha ee magaalada laascaanood ayaa tiraba dhawr jeer lagu sameeyay dayactir taasi oo noqon mid taaba gal ah (Sawiro)

Garoonka diyaaradaha ee gola yeedhay oo qiyaastii 12km ka xigta dhanka waqooyi magaalada laascaanood ayaa maanta lagu bilaabay dayactir munaasabada dib u habaynta garoonkaas diyaaradaha ayaa waxaa goob joog ah

masuuliyiinta maamulka gobolka sool, waxana ka mid ahaa isuduwaha wasaaradda duulista hawada saxardiid bile kusimahha gudooomiyaha gobolka sool ahna gudoomiye ku xigeeenka gobolka sool maxamed cabdi dhinbil daad, waxgarad iyo ganacsato ku dhaqan magaalada laascaanood.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada laascaanood ayaa tiraba dhawr jeer lagu sameeyay dayactir taasi oo noqon mid taaba gal ah iyadoo xiligii garoonkan la aasaay ay ahayd xiliyadii abaartii dabadheer oo laga daad guraynayay dadkii ay abaartaasi haleeshay

ugu horeyna waxa munaasbada dayactirka garoonkan ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gobolka sool oo u mahadceliyay ganacsade aadan cawil (aadan Daclood) oo isagu isu xilqaamay bilowga dayacytirka maanata lagu sameeyay garoonka oo noqday mee gawaan ah oo aan wax diyaarado ah ka soo degan balse hada lagu rajo qabo in dayactir iyo dhismo lagu samaeeyo bulshada sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha garoonkan

Gabiley Desk
Lasanod OFfice

Sunday, 14 February 2010

Israel recognizes Somaliland?

HARGEISA (Somalilandpress) — The government of Israel is ready to restore the de jure recognition it has offered to Somaliland in 1960 as it eyes the Red Sea and the Horn, an Israeli spokesman says.

According to a local source, Golisnews, Mr. Yigal Palmor, Israeli Foreign Ministry spokesman is quoted on the Israeli newspaper of Haaretz Daily saying his government was ready to recognize Somaliland again. He cited Israel was the first state to recognize Somaliland in 1960 when it received its independence from Great Britain.

However, Mr. Palmor admitted Somaliland government has not contacted the Israeli government to seek ties.

When asked a question regarding Somalia, Mr. Palmor answered: “Somalia looks like the Afghanistan of the Red Sea and the Gulf of Aden, historically speaking we know the Somali people have different believes and politics. The Somali people have different political values of which they unified in 1960 that led to the whole misunderstanding and ultimately the collapse of Somalia,” he told Haaretz Daily.

While answering to a question regarding Somaliland-Israel ties, he said: “Israel was the first nation to recognize Somaliland and indeed was the first country the State of Israel has recognized, after it received it’s Independence from Great Britain. When it unified with Southern Somalia, again we were the first to recognize it. We always wanted a relationship with a Muslim country in East Africa and which we can share the Red sea with.”

Mr. Palmor said his country was ready to restore Somaliland’s old status however currently the two states have no bilateral ties.

He added Israel has ties with number of East African countries including Tanzania, Uganda and even Djibouti.

Many analysts believe Israel has growing national interest in the Red Sea region, a key shipping route. According to well-informed regional sources Israel believes the region is also a key route for arms from Iran for Hezbollah, Sudanese regime and number of other groups in Palestine. The Red Sea gives Israeli ships access to the Arabia Sea and are within cruise-missile range of Iran. Israel also concern about Arab nations such as Egypt blocking it’s commercial shipping lines.

There are unconfirmed reports also suggesting Israel wants to deploy submarines in the Somaliland port of Berbera and possibly establish a military outpost. Many Arab states have in the past expressed concerns about the proposed Israeli-base in the Horn of Africa seeing it as Israel surrounding them.

The region is well known for it’s strategic importance and it was days ago when an Al Qaeda spokesman, Said al-Shihri, said “taking control of Bab El-Mandeb, will constitute an escalating victory: the Jews will be crushed in a vise, because it is through the Strait that the United States brings its support to Israel.” Bab El-Mandeb, which means “tears of gates” in Arabic is a 20-mile long inlet located in the narrowest point of the Red Sea, between the shores of the Horn of Africa and Yemen.

It is also reported Somaliland has avoided approaching Israel in order not to harm it’s fragile relations with the Arabs and Muslim world, which it heavily relies on for its main foreign trade – livestock.

However many of the youths in Somaliland believe ties with Israel is better for Somaliland’s economic environment because of it’s economical and technological achievements. Many argue livestock is not sustainable economy because of health issues, climate change and urbanisation and prefer developing economy based on service and high-tech sector, similar to that one of Israel and Taiwan.

Somaliland, like Israel, finds itself politically isolated, in the middle of a hostile region and at a thorny crossroads and if anyone is to reach out to the unrecognized republic, it would be Israel. It too knows how it feels to be denied it’s statehood and self-determination. While Israel is the only democracy in the Middle East, Somaliland is the only Muslim democracy in the region.

Somaliland has it’s own hybrid system of governance under a constitution was former British protectorate which gained independence 26th June 1960 and was recognized by 34 countries including Israel and the United States. It later joined South Somalia in a union that was never rectified which lasted until 1991.

Wasiirka Caafimaadka oo shaqadii ka eryay 11 Dakhtar oo ka mid ah kuwa ugu caansan dalka

Wasiirka Caafimaadka oo shaqadii ka eryay 11 Dakhtar oo ka mid ah kuwa ugu caansan dalka
February 14th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe ayaa shaqadii ka eryay 11 Dhakhtar oo ka mid ah Dhakhaatiirta waawayn ee dalka, kuwaas oo ka hawl-gala Cusbatalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Dhakhaatiirtan oo ka hadlay ayaa arrintan ku tilmaamay sharci-darro, waxaanay sheegeen in tallaabada uu Wasiirku qaaday ay ka hor imanayso danaha umadda ay u adeegayeen.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Dhakhaatiirtan xilka kaga qaaday Warqad Qoraal ah oo uu u gudbiyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, ayaa amray in shaqada laga fadhiisiyo Dhakhaatiirtan.

Guddoomiyaha Guddida Dhakhaatiirta Dr. Axmed Maxamed Gaas oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi, “Arrintan maanu rumaysan markii aanu maqalnay Ilaa aan u tagay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Cabdiraxmaan Cadami u tegay oo uu yidhi way jirtaa warqaddaasi. Waanu garan waynay sababta, maxaay yeelay Dakhaatiirtan qaarkood ismabay arag Wasiirka, qaar laba sanno ka hor ayaa laga eryay shaqada, qaarna kama dhaqaaqaan Cusbatalka guud ee Hargeysa oo aan lahayn meel gaar ah oo uu ka hawl-galo. Waxa ka mid ah Dr. Aw-koombe oo habeen walba iyo maalin walba dadka qalliin ku sameeya oo baahiyo jira daboola.”

Mar Guddoomiyaha la waydiiyay inay cid kala kulmeen Wasiirka, ayaa wuxuu sheegay in Dakhaatiirta mid ka mid ahi uu la kulmay Wasiirka, isla markaana uu Wasiirku sheegay in uu ka noqonayo arrintan. Waxaanu tallaabadan uu Wasiirku qaaday ku tilmaamay mid aan suurtogal ahayn. “Suurtogal maaha oo wax soconaya maaha arrintani oo dad baa loo adeegayaa, waanay soconaysaa. Hase yeeshee, markaanu maqalnay arrintan ayaa Saleebaan Cabdi Guuleed u tagay Wasiirka, waxaanu ku yidhi waan ka noqonayaa. Waxaanuse ognahay in Wasaaraddii laba qaybood u kala jaban oo is-haysta.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Dakhaatiirta Somaliland Dr. Gaas.

Dakhaatiirta Wasiirku shaqada uu ka joojiyay waxa ka mid ah; Dr. Axmed Maxamed Gaas, Dr. Xuseen Aw-xoog, Dr. Cabdiraxmaan Aw-Koombe, Dr. Ismaaciil Cali, kuwaas oo ka mid ah dhakhaatiirta hawlaha muhiimka ah ee arrimaha Caafimaadka.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Madaxwene Rayaale oo xubno wasiiradiisa

Rayaale oo laga yaabo in uu wasiiradiisa kala bedelo dhamaadka bishan
Warar u dhuun daloola madaxtooyada ayaa sheegaaya in isbedel uu ku sameyn doono madaxweynne rayaale golihiisa wasaaradda. ilaa hadda inta la xaqiijiyay cawil cali ducaale waxaa loo magacaabayaa wasiirka duulista hawada. cali maxamed warancadde waxaa laga dhigayaa wasiirka waxbarashada. Xassan gadhweyne waxaa laga dhigayaa wasiirka maaliyada. cabdilaahi maxamed ducaale waxaa la sheegay inlaga beddelaayo wasaarada arrimaha debeda ilaa hada se ma cada cida lagu bedalayaa

Madaxweyne rayaale oo madaxdhaqameedyada awdal iyo waxgarad qasriga madaxtooyada kulan kala yeeshey xasaasi ah

Madaxweyne rayaale oo madaxdhaqameedyada awdal iyo waxgarad qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshey xasaasi ah

Inkastoo war cad aanu ka soo bixin shirkaas, haddana ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloolay kulankaas ayaa odayaashu waxay ku soo qaadeen dhawr qodob oo beelweyntu samaroon ay kaga cawdeen madaxweynaha.
Waxay duqeytidu madaxweynaha ku wargeliyeen in beelweynta samaroon ay kursigiisa wax badan oo ay kii kaleba kula xisaabtami lahaayeen ku waayeen. Qodobada ay soo hordhigeen madaxweynaha waxaa ka mid ah:
1. Arrimaha ku saabsan iibka gasiirada sacaadadiin iyo ceelab ee gobolka salal
2. Wax ka qabasha la’aanta dilkii ka dhacay jidka gabiley iyo boorama ee aan waxba laga qaban
3. In la beddelo go,aankii guurtida ee ay ugu xukumeen jibril-abokor oo odayaashu u arkayeen mid xaq darro ah
4. In muddadii sideeda sanadood ee uu xukun ka hayay aanu waxaba ka beddelin arrin ay ballantu ahayd in uu wax ka beddelo oo ah saamiga beeshu ku leedahay Somaliland xagga waxqeybsiga golaha wasiirada iyo golaha wakiilada.
5. Iyo in aad ballaqaado in aad guddoomiyaha xisbiga ku wareejin doonto nin reer awdal

Dood dheer ka dib madaxweyne Rayaale wuxuu ku qanciyey odayaashii in uu waqtiganu yahay waqti aad u adag oo xasaasi ah , oo ah xilli doorasho. Go,aankaad qaadataana fulintiisu adagtahay. Dadkii ku dooran lahaana ay qaar badan ka cadheysiineyso, siina fogeyneso. Wuxuunu ballan qaaday in uu dhammaantood inshalla fulin doono markey doorashada laga baxo, isagoo madaxweynuhu u sheegey in uu guuleysanaayo haddeydaan idinku gacmaha na qaban. Wuxuu kula taliyey in maanta waxa qudha ee aynu u jeesanaa ay tahay sidii doorahadaa aynu ugu guuleysan lahaayn, markaa wixii kale aniga ii daaya. Si fiican ayaa leysugu afgartay dhamaan arrimihii

Cismaan Hindi, oo ah Madaxa Ololaha Doorashooyinka ee gobolada Galbeedka Soomaliland ee Xisbiga Udub, ayaa Buuq ka dhex alloosay waftigii Xisbiga

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Burco(Saraarnews):-Cismaan Hindi, oo ah Madaxa Ololaha Doorashooyinka ee gobolada Galbeedka Soomaliland ee Xisbiga Udub, ayaa Buuq iyo Muran ka dhex alloosay waftigii Xisbiga

Udub ee uu hogaaminaayay Xoghayaha Guud, oo hadda ku sugan Magaaladda Burco, ee xarunta Gobolka Togdheer.

Sida uu xaqiijiyay xubin goobjoog ka ahayd kulankan, talaabadan ayaa ka dhalatay , ka dib markii Cismaan Hinddi ku dhawaaqay in Xubno ka midda xubnaha sare Xisbiga Udub,kana mid ahaa waftigii xoghayah Dibadda looga saaro, shir ay maanta waftigu Udub la lahaa isu duwayaasha gobolka Togdheer, taasina ay keentay in Buuq iyo Muran weyn soo kale dhexgalo waftigii Udub.

Waxa wararku intaas ku dareen in aan ilaa hada lagaranayn sababta Cismaan Hinddi,ku kaliftay arintan inuu sameeyo,balse lagu tilmaamay in Cismaan hindi u yimi Burco, si uu baabiyo talaabooyinka Horumarka u Xisbiga Udub ka gaadhay goboladda Bariga Soomaliland,

Sidoo kale, Cismaan Hinddi ayaa la sheegay inuu loolan weyn ugu jira sidii Buuq iyo is faham la’aan uga dhex Abuuri lahaa Xisbiga Udub iyo Xoghayihiisa.

Talaabooyin Cismaan hindi ku dhaqaaqay ayaa dhalisay in walaac iyo niyad jab badan ku abuurtay taageerayashii xisbiga ee gobolka togdheer,kuwaasoo fajac iyo yaab ku abuurtay arintan cismaan hindi k u talaabsaday,taasoo ay ku micneeyeen mid uu ku ragaadiyo hawlaha iyo dardargalinta Xisbiga.

Waftiga xisbiga Udub ayaa maanta kulan gaara ku leh Huteelka uu degan yahay ee Cigaal,taas laga hadlayo falalkan xisbig ka dhanka ah ee uu Cismaan hindi ku dhaqaaqay.

Source: Togdheer

Madaxweyne rayaale oo madaxdhaqameedyada awdal iyo waxgarad qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshey xasaasi ah

Madaxweyne rayaale oo madaxdhaqameedyada awdal iyo waxgarad qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshey xasaasi ah

Inkastoo war cad aanu ka soo bixin shirkaas, haddana ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloolay kulankaas ayaa odayaashu waxay ku soo qaadeen dhawr qodob oo beelweyntu samaroon ay kaga cawdeen madaxweynaha.
Waxay duqeytidu madaxweynaha ku wargeliyeen in beelweynta samaroon ay kursigiisa wax badan oo ay kii kaleba kula xisaabtami lahaayeen ku waayeen. Qodobada ay soo hordhigeen madaxweynaha waxaa ka mid ah:
1. Arrimaha ku saabsan iibka gasiirada sacaadadiin iyo ceelab ee gobolka salal
2. Wax ka qabasha la’aanta dilkii ka dhacay jidka gabiley iyo boorama ee aan waxba laga qaban
3. In la beddelo go,aankii guurtida ee ay ugu xukumeen jibril-abokor oo odayaashu u arkayeen mid xaq darro ah
4. In muddadii sideeda sanadood ee uu xukun ka hayay aanu waxaba ka beddelin arrin ay ballantu ahayd in uu wax ka beddelo oo ah saamiga beeshu ku leedahay Somaliland xagga waxqeybsiga golaha wasiirada iyo golaha wakiilada.
5. Iyo in aad ballaqaado in aad guddoomiyaha xisbiga ku wareejin doonto nin reer awdal

Dood dheer ka dib madaxweyne Rayaale wuxuu ku qanciyey odayaashii in uu waqtiganu yahay waqti aad u adag oo xasaasi ah , oo ah xilli doorasho. Go,aankaad qaadataana fulintiisu adagtahay. Dadkii ku dooran lahaana ay qaar badan ka cadheysiineyso, siina fogeyneso. Wuxuunu ballan qaaday in uu dhammaantood inshalla fulin doono markey doorashada laga baxo, isagoo madaxweynuhu u sheegey in uu guuleysanaayo haddeydaan idinku gacmaha na qaban. Wuxuu kula taliyey in maanta waxa qudha ee aynu u jeesanaa ay tahay sidii doorahadaa aynu ugu guuleysan lahaayn, markaa wixii kale aniga ii daaya. Si fiican ayaa leysugu afgartay dhamaan arrimihii

Dagaalka Afghanistan: Askari British Ah Oo Ku Dhintay Dagaalka Qadhaadh Ee U Dhexeeya NATO Iyo TALIBAN

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Warar Dheeraad Ah Dagaalka Afghanistan: Askari British Ah Oo Ku Dhintay Dagaalka Qadhaadh Ee U Dhexeeya NATO Iyo TALIBAN

Marjah (Golisnews.com)-13/02/2010-- iyadoo dagaal qadhaadh oo aan waxba la iskula hadhin oo ilaa saaka hiirtii ilaa wakhtigani ka soconaya gobolada koonfurta dalka Afghanistan sidaanu akhristayaal hore idiinku soo gudbinaya ayaa war imika soo gaadhay xafiiska wararka Golisnews ee London oo ka soo baxay wasaaradda gaashandhiga Britain wuxuu xaqiijinaya in Askari ka tirsana Unuga 1-aad ee ciidamada Grenadier Guard uu ku dhintay dagaalkani goor dhawayd gabal dhicii wakhtiga afghanistan.

Weli dagaalka ayaa socda waxaana laga maqlaya buuralayda ku geedaaman deegaanka Marjah oo ah goobta ay Talibanku ugu xoog badanyahiin dayanka sawaariikhda lal isweydaarsanaayo, waxaa sidoo kale laga maqlaya guuxa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo la dhacaya buuralaydaasi gantaalaha laga soo tuuro diyaaradaha.

Talibanka ayaa ku jira difaac ba'an oo ay u babac dhigayaan 15000,000 oo ka soo kala jeeda 5 dawladood hawlgal ay ugu tallo galeen Mushtarak.

wasaaradda gaashandhiga ee ingiriiska ayaa goor dhawayd u xaqiijisay warbaahinta in ay ka dileen labaataneeyo ka tirsan Talibanka halka ay sheeganayaan ciidamadda huwanta NATO inay qab qabteen maxaabiis badan.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaanu idiinla socodsiinayna daqiiqad daqiiqad la soco Golisnews hormoodka Geeska.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Golisnews, London News Centre
info@golisnews.com

Saturday, 13 February 2010

W/Maaliyadda somaliland Mudane Xuseen cali ducaale Cawil ayaa la beddelayaa ma dha baa?

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaaya in ay baryahanba ay soo kordheyso xurguf ka dhexeysa oo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha madaxweyne Rayaale iyo wasiirku aadka ugu kalsoonaa ee xuseen cali ducaale. warar isa soo taraaya oo naga soo gaadhaaya Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne rayaale uu ogaadey mashruuc ballaadhan oo maalgeshi ah oo mudane cawil cali ducaale iyo rag kale ka sameeyeen beriga afrika.Markii arrinkaa laysu gareysanwaayey ayuu madaxweyne rayaale go'aansadey in lacagta adag ee dalka soo gasha si ku meelgaadh ah looga joojiyo wasaaradda maaliyadda, oo madaxwynuhu si toos ah baanka ugala macaamilo. waxaase hadda uu go,aan ku qaatay in ama mudane Cawil laga beddelo wasaaraadda ama ay ku dambeyso wasiir cawil cali ducaale oo xilkii wasiirnimo laga qaaday . Waxay ilahaasu tibaaxayaan in uu wasiirka xannaanada xoolaha ee jamhuuriyadda somaliland Dr. Idriis uu maanta yahay key aadka isugu dhawyihiin rayaale marka la eego xagga dhaqaalaha. wixii arrimahaa ka soo kordha waan idinla socodsiindoonaa.

Is Rayaale is ready to get the Israel offer?

HARGEISA (Somalilandpress) — The government of Israel is ready to restore the de jure recognition it has offered to Somaliland in 1960 as it eyes the Red Sea and the Horn, an Israeli spokesman says.

According to a local source, Golisnews, Mr. Yigal Palmor, Israeli Foreign Ministry spokesman is quoted on the Israeli newspaper of Haaretz Daily saying his government was ready to recognize Somaliland again. He cited Israel was the first state to recognize Somaliland in 1960 when it received its independence from Great Britain.

However, Mr. Palmor admitted Somaliland government has not contacted the Israeli government to seek ties.

When asked a question regarding Somalia, Mr. Palmor answered: “Somalia looks like the Afghanistan of the Red Sea and the Gulf of Aden, historically speaking we know the Somali people have different believes and politics. The Somali people have different political values of which they unified in 1960 that led to the whole misunderstanding and ultimately the collapse of Somalia,” he told Haaretz Daily.

While answering to a question regarding Somaliland-Israel ties, he said: “Israel was the first nation to recognize Somaliland and indeed was the first country the State of Israel has recognized, after it received it’s Independence from Great Britain. When it unified with Southern Somalia, again we were the first to recognize it. We always wanted a relationship with a Muslim country in East Africa and which we can share the Red sea with.”

Mr. Palmor said his country was ready to restore Somaliland’s old status however currently the two states have no bilateral ties.

He added Israel has ties with number of East African countries including Tanzania, Uganda and even Djibouti.

Many analysts believe Israel has growing national interest in the Red Sea region, a key shipping route. According to well-informed regional sources Israel believes the region is also a key route for arms from Iran for Hezbollah, Sudanese regime and number of other groups in Palestine. The Red Sea gives Israeli ships access to the Arabia Sea and are within cruise-missile range of Iran. Israel also concern about Arab nations such as Egypt blocking it’s commercial shipping lines.

There are unconfirmed reports also suggesting Israel wants to deploy submarines in the Somaliland port of Berbera and possibly establish a military outpost. Many Arab states have in the past expressed concerns about the proposed Israeli-base in the Horn of Africa seeing it as Israel surrounding them.

The region is well known for it’s strategic importance and it was days ago when an Al Qaeda spokesman, Said al-Shihri, said “taking control of Bab El-Mandeb, will constitute an escalating victory: the Jews will be crushed in a vise, because it is through the Strait that the United States brings its support to Israel.” Bab El-Mandeb, which means “tears of gates” in Arabic is a 20-mile long inlet located in the narrowest point of the Red Sea, between the shores of the Horn of Africa and Yemen.

It is also reported Somaliland has avoided approaching Israel in order not to harm it’s fragile relations with the Arabs and Muslim world, which it heavily relies on for its main foreign trade – livestock.

However many of the youths in Somaliland believe ties with Israel is better for Somaliland’s economic environment because of it’s economical and technological achievements. Many argue livestock is not sustainable economy because of health issues, climate change and urbanisation and prefer developing economy based on service and high-tech sector, similar to that one of Israel and Taiwan.

Somaliland, like Israel, finds itself politically isolated, in the middle of a hostile region and at a thorny crossroads and if anyone is to reach out to the unrecognized republic, it would be Israel. It too knows how it feels to be denied it’s statehood and self-determination. While Israel is the only democracy in the Middle East, Somaliland is the only Muslim democracy in the region.

Somaliland has it’s own hybrid system of governance under a constitution was former British protectorate which gained independence 26th June 1960 and was recognized by 34 countries including Israel and the United States. It later joined South Somalia in a union that was never rectified which lasted until 1991.

--------------------
Ma Dhacsade Nin ii Qabay, Ma Dhul Dhace Ma ii Qiray

Posts: 28865 | From: Aakhiro | Joined Somalia Online: Aug 2004 |

Madaxweyne Rayaale oo wata hindise doorashada baarlamaanka lagu soo hormarinaayo

Madaxweyne Rayaale oo wata hindise doorashada baarlamaanka lagu soo hormarinaayo
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegayaa in madaxweyne rayaale oo habeen dhaweyd shir gaar ah la qaatey xubno aad ay isugu dhawdhawyihiin oo ka kala tirsan seddexda gole ,iyo xubno hogaanka sare ee xisbiga ah. Waxay isla qaateen bal inay qiimo dhab ah ku sameeyaan taageeradooda. Wax kale oo laysla arkay in ay doorashada soo socota ee madaxwynunuhu ay u muuqato mid rajadeenu intii tii hore ka hooseysyu. Waxaa aad loo lafaguray qiimeyn weyna lagu sameeyey sidey beeluhu udub u kala taageerayaan. Waxaa walaac weyn laga muujiyey in beesha habaryoonis oo doorashashadii hore xisbiga aad u taageertey in ay maanta awoodooda saarayaan xisbiga UCID. Kulmiyana uu taageero inti hore ka badan ka helaayo. Markii la qiimaeeyey sacad muuse waxay sheegeen in awoodii hore ee aan ku lahayn dhinaca jibriil abokor in ay ka dhinmeyso. Habar-jeclo oo xoog u taageerta kulmiye, waxaa inaga dhacey taageeradii berigii hore aynu ka helne solol-madaw iyo muuse abokor. Samaroon oo xisbigeenu awood ku leeyahay. Maxamed case xoog badan ayaa kulmiye taageeraaya.
Waxaa kale oo la qiimeeyay in aaney suuragal aheyn in dib loo dhigo. Sidaa darted waxa leyla qaatey in lagu shaqeeyo arrimahan soo socda oo xataa hadii loo baahdo axsaabta lagu qanciyo. Haddii kalena awood cod oo guurtida ah lagu muquuniyo
1. In doorashado Somaliland ka dhacdo bisha September ee 2010
2. In doorashadaasu noqoto tii golaha wakiilada.
3. In madaxweynaha laga soo doorto golaha wakiilada oo ay soo magacaabaan xisbiga ugu haldheere badan
4. In dastuurka la beddelo oo doorasha baarlamaanku ay noqoto tii madaxweynaha iyo baarlamaankaba si kharajka doorashada loo yareeyo
5. In labada gole leysku daro oo ay noqdaan hal gole oo keliya ah tiradiisu tahay 246 oo mar keliya la doorto iyaguna madaxweynaha doorto

Ma runbaa in Madaxweyne Rayaale guddoomiyaha xisbiga UDUB ku wareejinaayo nin reer awdal oo degan Canada

Haddii guddoomiyaha Xisbiga UDUB labada reer ee culculus (waa habaryoonis ama sacad Muuse) la siiyo ka kale ayaa cadhhonaaya taana xisbiga dan uguma jirto

Warar ku dhaw-dhaw madaxtooyada ayaa sheegaayey maalamahanba in shirar hoosaad lagu gorfeynaayey cidda noqoneysa guddoomiyaha xisbiga UDUB , haddii doorashada xisbigu ku guuleysto ama laga guuleystaba. Arrinkaas oo ah arrin ay soo qaadeen madaxda kala duwan ee UDUB, ee aadka ugu ololeeya hoggaamintan Daahir Rayaale. Madaxweyne Rayaale aad ayuu uga gaabsadey in uu cidna ballanqaad u siiyo arrinkaas, isagoo ka baqanaaya in hadduu cid u balan qaado in ay inta kale ka cadhoondoonto. Waxaa u si gaar-gaar ah madaxweynuhu ugu ballan qaadey labada beelood ee kala ah Sacad Muuse iyo Habaryoonis. Hase yeeshee markii lays xuuraansadey kooxahaas isku sida ugu ololeeya UDUB, kala danahana ah. Waxay noqotey in labadii dhinac iyo madaxweyne Rayaale si mideysan isu horfadhiistaan. Aakhirkii madaxweyne Rayaale labadii qolaba wuu u badheedhay. Waxaanu ku yidhi waxay iila muuqataa in jagadaas aynu u dhiibanno nin wanaagsan oo qiimo badan oo reer awdal ah, haddana degan dalka Canada. Madaxweye Rayaale wuxuu arrinkaas ku sababeeyey laba shay oo muhiim ah: Waa ta kowaad haddii guddoomiyaha Xisbiga UDUB labada reer ee culculus (waa habaryoonis ama sacad Muuse) la siiyo ka kale ayaa cadhhonaaya taana xisbiga dan uguma jirto. Ta labaad madaxweynu wuxuu odayaashaa ku wargeliyay in aaney suuragal ahayn in seddexda xisbiba waa UDUB, Kulmiye, iyo UCID ay ka madax wada noqdaan Isaaq. Oo dadkii dhinacyada ee awalba cabanaayay aanay seddexda xisbi midna ka madax noqon . dee taasuna qarankaabey u xuntahay. Waxaa kale oo labadaba dhinac uu ku qanciyay oo kale in Garxajis ka madax yahay xisbiga UCID. Halka habar-awal na uu xisbiga Udub insha allah uu ka yeelandoono guddoomiye ku-xigeen sida uu haddaba ka yahay. Waxaa la sheegayaa in ay jiraan rag madaxweynaha ay aad isugu dhawaayeen oo aan arrinkaas ku qancin, inkastoo intoodii badneynd ay u arkeen in dooda madaxweynuhu tahay mid macquul ah o danta dalka iyo dadkuba ku jirto

W/Maaliyadda somaliland Mudane Xuseen cali ducaale Cawil ayaa la beddelayaa ma dha baa?

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaaya in ay baryahanba ay soo kordheyso xurguf ka dhexeysa oo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha madaxweyne Rayaale iyo wasiirku aadka ugu kalsoonaa ee xuseen cali ducaale. warar isa soo taraaya oo naga soo gaadhaaya Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne rayaale uu ogaadey mashruuc ballaadhan oo maalgeshi ah oo mudane cawil cali ducaale iyo rag kale ka sameeyeen beriga afrika.Markii arrinkaa laysu gareysanwaayey ayuu madaxweyne rayaale go'aansadey in lacagta adag ee dalka soo gasha si ku meelgaadh ah looga joojiyo wasaaradda maaliyadda, oo madaxwynuhu si toos ah baanka ugala macaamilo. waxaase hadda uu go,aan ku qaatay in ama mudane Cawil laga beddelo wasaaraadda ama ay ku dambeyso wasiir cawil cali ducaale oo xilkii wasiirnimo laga qaaday . Waxay ilahaasu tibaaxayaan in uu wasiirka xannaanada xoolaha ee jamhuuriyadda somaliland Dr. Idriis uu maanta yahay key aadka isugu dhawyihiin rayaale marka la eego xagga dhaqaalaha. wixii arrimahaa ka soo kordha waan idinla socodsiindoonaa.

Rayaale oo damacsan in degaamo Hargeysa ah ku wareejiyo awdal

Guddoomiyaha Ururka Horseed Mr. Calawi Cabdi Gaboobe, oo ah urur maxali ah oo ka dhisan Gobolka Hargeysa una dooda deegaanadii aanay doorashooyinkii iyo diiwaangelintii codbixiyeyaashu ka dhicin ee waqooyiga Gobolka Maroodi Jeex ayaa ka digay in mar kale aan lagu tuman xuquuqda bulshadiisa.
Guddoomiyuhu isaga oo maanta magaalada Hargeysa ugu waramayay shabakada Ramaasnews, waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, khilaafka guurtida iyo mowqifkooda la xidhiidha dhinaca siyaasada waraysigaasi oo dhamaytirani wuxuu u dhacay sidan:-
S: Waxaad warbixin naga siisaa waxa ururkiinu qabto iyo sidaad u shaqaysaan?
J: Ururka Horseed ee Gobolka Hargeysa waa urur wadani ah oo u taagan Arrimaha Bulshada iyo dabcan siyaasadana kama madhna oo waayo waa wax nolasheena taabanaya oo saamayn weyn ku leh. Aragti ahaan ururku wuxuu ku dhow dhow yahay axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland.
Ururku wuxuu u doodaa xuquuqda deegaanada waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee laga reebay xuquuqdoodii doorashooyinkii dalka ka dhacay ee aan laga codayn, doorashooyinka soo socdana la doonayo in aanay marnaba ka qeyb galin, arrintaa oo la yaab nagu noqotay oo sababtay in aanu is abaabulo. Arrintan bulshada waqooyiga Hargeysa lagaga reebay codbixinta doorashooyinka iyo diiwaangelintuba ay tahay mid ka hor imanaysa shuruucda caalamiga ah. Waa wax aan caalamka ka dhicin in Muwaadiniin laga horjoogsado inay codeeyaan oo ay ka qeyb galaan xaqa ay u leeyihiin inay doortaan masuuliyiinta qarankooda.
Waxa jiray in arrintaa si wax looga qaban lahaa la gaadhsiiyay Goleyaasha qaranka oo dhan xataa Madaxweynaha oo ay cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka deegaanadaa ay kala hadleen in deegaanada waqooyiga Hargeysa ay ka tirsan yihiin Gobolka Hargeysa. Waa kii Madaxweyne Rayaale ganafka ku dhuftay ee diiday Salaadiintu arrintii ay ula tageen. Wax raali gelin ahna wali kamuu bixin. Dhibaatadiina sidii ayay wali u taagan tahay waxaana la leeyahay doorasho ayaa soo socota iyadoo aan dadkaa la raacin gobolkoodii. Doorashadaa lafteeda waxa ku jira mad madow badan waxaanad moodaa in aanay xukuumadani diyaar u ahayn inay qabato doorasho.
Madaxweynuhu wuxuu ku andacoodaa mucaaridka ayaa saamayn ku leh dib u dhaca doorashada. Doorashada cida xilku ka saaran yahay inay ka shaqeyso sidii doorashadu u qabsoomi lahayd ma aha xisbiyada mucaaridka ah ee waa xukuumada.
Madaxweynuhu kursigiisa iyo nabadgelyada dalka wuu isku xidhaa oo waxa ka muuqda dhaqan ah haddii aan waayo kursiga dalka dan kama lihi, isagoo ka garaacaya xadhiga ah in dadkani ay aad u jecel yihiin nabadgelyada.
S: Wali lama cayimin xilligii doorashada la qaban lahaa, lama sheegin wali xilliga diiwaangelintii codbixiyeyaasha la saxayo, arrimahaa sidaad u aragtaa?
J: Komishankan doorashooyinka laftoodu ma dhaamaan kuwii ka horreeyay waayo iyagu waxaabay dheer yihiin aamus, inay tagaan Addis ababa iyo Nairobi mooyaane warbixin waadix ah oo ay ummadda siiyeen illaa imika ma jiraan. Waxa kale oo jirta arrintan dadka deegaanada Waqooyiga Hargeysa ee doorashooyinkii hore loo diiday inay codkooda dhiibtaan qoraalo badan oo aanu u gudbinay oo aanu uga digaynay inay maraan wadadii komishankii hore, hase yeeshee dheg jalaq nooma ay siin.
Waxaana muuqata inay sidii komishanadii hore uun ku shaqaynayaan, Anagu haddii aanu nahay Ururka Horseed ee gobolka Hargeysa waxaanu fashilaadii diiwaangelinta saaraynaa xukuumada waayo iyada ayuu xil ka saarnaa inay tallaabo ka qaado oo ay ka hortagto dadka ku noq-noqday diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Xukuumaddu waxay jeceshahay inay dalka mar walba ka dhacaan si ay cimri dherer uga dhigato?
S: Deegaanadan Waqooyiga Hargeysa waa maxay ujeeddada dhabta ah ee ay uga dhici weyday diiwaangelintii iyo doorashooyinkii ka horreeyayba?
J: Marka runta laga hadlo Madaxweynaha Somaliland oo gobolka Awdal ka soo jeeda iyo Madaxweyne Ku Xigeenka oo Gobolka Saaxil ka soo jeeda labadoodaba wuxuu caqligoodu siiyay inay dhulkii waligii ka tirsanaa Gobolka Hargeysa inay isku dayaan inay kala raaciyaan Goboladooda Awdal iyo Saaxil. Waa nasiib darro arrintaasi labadaa masuul ee qaranka u sareeyay waxay na tuseen oo ay nagala xishoon waayeen qabyaalad cad.
S: Maxaa idinka meel yaala haddii doorashooyinkan soo socda ay deegaanada aad ka hadlaysaan doorashadii ka dhici waydo mar kale?
J: Kollay dib ayaanu isugu noqonaynaa arrintani Ururka Horseed oo qudha ma khuseeyo ee waa bulsho dhan oo meesha ku dhaqan oo salaadiintoodii iyo waxgaradkoodiiba leh.
Markaa tallo iyo go’aan ayaanu ka qaadan doonaa haddii ay mar kale dhacdo.
S: Sidee ayaad u aragtaan urur ahaan muranka soo noqnoqday ee Golaha Guurtida dhexdiisa oo maalmahanba ay bulshadu aad uga hadlaysay?
J: Waxaanu u aragnaa arrinta Guurtida mid laga soo dhaqdhaqaajinayo qasriga madaxtooyada Somaliland, waxay doonayaan inay maamulaan Golaha oo ay ka tuuraan kursiga Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Ka dibna ay keensadaan guddoomiye u fuliya awaamiirtooda iyo danahooda si ay ugu fududaato muddo kordhinta ay danaynayaan.
Haddii ay dhacdo arrintaasina nabadgelyo darro ayay keeni kartaa oo looma baahna in buuq iyo khilaaf hor leh laga abuuro dalka. Waxaan idiin sheegayaa in aanu Madaxweyne Rayaale ahayn nin shacbigiisa iyo aqoonyahanada dalka ixtiraama, balse waxa uu maqlaa waxa beesha caalamku ku khasbaan ama u soo jeediyaan.

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Rayaale ma fuliyey ballamihii laascaanood

Laascaanood (Jam)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Cali (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay kormeer ku soo maray xafiisyada dawladda ee magaalada Laascaanood, iyaga oo halkaa kula kulmay xafiisyada Isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobolka Sool oo albaababu u xidhan yihiin, isla markaana aanay wax shaqo ahi ka socon, arrintaasi oo weji-gabax fool xun ku noqtay wasiirka iyo weftiga uu hoggaaminayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxay tageen xarumaha dawladda oo dhammaantood albaabadu u xidhan yihiin xiligii shaqada, iyada oo aanu jirin xafiis qudha oo shaqo ka socotay marka laga reebo xafiiska maamulka Gobolka Sool iyo xarunta booliska oo uu ku sugnaa taliyaha qaybta booliska Maxamed Saleebaan Gooni, waxaanu wasiirka daakhiligu maamulka Gobolka ugu baaqay inay ka shaqaysiiyaan Isu-duwayaasha wasaaradaha ee ku sugan magaaladda Laascaanood.

Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali waxa kaloo uu kormeeray dawladda hoose Laascaanood, halkaas oo aanay wax shaqo ah ka socon.

Tan iyo xiligii Somaliland si buuxda gacanta ugu qabatay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa jiray tabashooyin xad dhaaf ah oo ka soo baxayey dadweynaha, kuwaasi oo ka cabanayey in aanay jirin wax horumar ah oo loo qabtay dadweynaha iyo adeegyada bulshadda, iyada oo ay fashilmeen balanqaadyo badan oo xukuumaddu u samaysay Gobolka Sool, taasi oo ay ugu muhiimsanayd biyihii macaanaa ee madaxweyne Rayaale ugu balan qaaday dadweynaha reer Laascaanood.

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Jamhuuriya Online

Friday, 12 February 2010

Nin lagu gawracay hargeysa

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Nin Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Dalka Soomaaliya Oo Isagoo Gawracan Maydkiisii Laga Helay Xaafadda Goljano Ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Golisnews.com)-12/02/2010- waxaa saaka abaaro 7:30 caawa fiidkii laga helay maydka nin dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Soomaaliya goob biyo mareen ah oo ku taalla xaafadda goljano ee caasimadda Hargeysa.

Sida uu noo xaqiijiyey nin dukaan ku haystay agagaarka goobta ninkani maydka ah laga helay oo la yidhaahdo Axmed Raan waxaa ninkani aragtay gabadh ka mid ah dadka dukaanka wax ka iibsada "caawa fiidkii ayaa waxaa iyadoo ordaysa isoo gashay gabadh aan aqaano oo dukaanka macaamiishiisa ka mid ah waxaanay ii sheegtay in nin mayd ah uu yaallo goobtani miyo mareenka ah, aniguna waxaan la hadlay booliiska oo goobta soo gaadhay" ayuu yidhi Axmed Raan.

Sida dad goob joog ah oo markaasi arkay maydkani ay u sheegeen Golisnews ninkaasi ayaa laga gawracay dhuunta iyadoo dhiig badanina uu wadhna agtiisa, waxaana dhinaciisa laga hellay mindi, taliyaha ciidanka booliiska ee xaafadda 26 June Cismaan Nuur Matan ayaa noo sheegay in ay wakhtigani baadhitaanka arrintani lagu jiro wuxuuna sheegay in haayadda danbi baadhista qarranku ay ku hawlantahay "haa arrintaasi way jirta waanu soo qaadnay maydka haddana waxaa kiiskaasi ku jira saraakiil ka tirsan haayadda baadhitaanada danbiyada oo maydkii ku badhaya cisbitaalka guud ee Hargeysa" ayuu yidhi Taliyahu.

Gabadh magaceeda noogu sheegtay Khadra ayaa noo sheegtay inay ninkani taqaanay "wuxuu ahaa dadka ka shaqaysta qodista suuliyada iyo hagaajinta waddooyinka xaafadaha dhex mara, wuxuu sidoo kale mararka qaarkood ka shaqayn jiray waraabinta beeraha xaafadaha isagoo ilaalin jiray guryaha, wuxuu maalmahii ugu danbeeyey u eka qof xuskiisu sii kululaanaya, wuuna isla hadli jiray isagoo odhan jiray waa la i dilaya" ayey u sheegtay gabadhaasi khadra shabakadda Golisnews.

Gudoomiye ku xigeenkii gudiga kamooshinka qaranka oo shil baabuur ku dhaawacmay

Burco,- Waxa caawa cabaara 8:30-kii fiidnimo ee caawa saacada Somaliland waxa shil baabuur galay gudoomiye ku xigeenkii gudiga kamooshinka qaranka Somaliland mudane Cali Khadar Xasan Cismaan

Shilkan oo ka dhacay goobta loo yaqaano Qoyta oo magaalada Burco u jirta 15,km, waxa gudoomiye ku xigeenka la dhaawacmay dhowr qof oo uu ka midyahay darawalkiisii, dhaawaca dadkani waxa loo qaaday isla markiiba cisbatalka magaalada Burco oo ilaa hada lagu daawaynaayo

Madaxweynuhu waa inuu farogeliyaa guurtida ''Cali gurey''

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa sheegay in Xisbigooda iyo Xukuumadduba ay farogelin doonaan Golaha Guurtida, isla markaana waxay reer Galbeedka ku eedeeyeen in uu Somaliland soo geliyay Dimuqraadiyad aanu dalka waxba ku tarin.

Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa dawladaha reer Galbeedka ku edeeyay in ay dalka soo geliyeen Dimuqraadiyad aanay waxba ku tarayn. “Waxa ina jebiyay niman reer Galbeed la yihaahdo oo Dimuqraadiyad sanka inaga soo geliyay, waxna aan inagu tarin. Waxaynu nahay dad tallaabadeeniina ka tagay, tu kalena gaadhi kari la’. Waayo, waxaynu lahayn Dimuqraadiyad dhaqan ah.” ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo u waramay Telefishanka HCTV.

Afhayeenka UDUB wuxuu sheegay in ay si cad u farogelin doonaan Golaha Guurtida Somaliland oo Shirguddoonkoodu sheegay in ay xal u waayeen khilaaf ka dhaxeeyay, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay khilaafka Golahaas. “Golahan caado uma ahayn in uu is-khilaafo, faa’iido badan ayaynu Golahaas ku qabnay oo markaynu is-af-garan wayno Siyaasad ahaan ayay ina dhex geli jireen oo ay soo af-jari jireen. Nimankan (Guurtida) Mucaaradku u tiriyaan in ay Jeebka ugu jiraan Madaxweyne Rayaale, waxay ahaayeen nimankii xalliyay khilaafkii u dambeeyay.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anagu markii hore farha waanu ka laabanay oo iyaga (Guurtida) ayaanu u daynay arrimahooda, laakiin imika gacmahayagu laabnaan maayaan anaga oo arkayna in Golaha lagu baabi’inayo talo uu Mucaaradku leeyahay, farogelintayaduna imikay bilaabmaysaa.” Waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ugu baaqay in uu is-casilo.

Afhayeenka UDUB wuxuu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale. “Madaxweynahana waxaanu leenahay ha daawan in Goluhu hortaada ku burburo, sababtoo ah fartii la qaadaba waxa la leeyahay Golaha Lacag baa la siiyay. Siday Mucaaradku u farogelinayaan, ayaanu anaguna u farogelinaynaa Golaha Guurtida.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa hore u shaaciyay in ay dhexdooda ka heshiin kari waayeen khilaaf u dhaxeeyay, isla markaana waxay arrintaa xallinteeda dib ugu soo celiyeen Mudanayaasha Golahaas, iyaga oo u magacaabay arrintaa Guddi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com